Saturday, August 8, 2009

Beeraleyda Oodwayne iyo Nawaaxigeeda oo Tababar iyo Qalab Shiniyeed loo qaybiyey

Beeralayda Oodweyne Iyo Nawaaxigeeda Oo Tababaro Iyo Qalabka Shiniyeed Loo Qeybiyey.

Saturday, August 08, 2009

Burco(HWN)- Shan iyo afartan xubnood oo ka mid beeralayda Tuulooyinka , Xaaxi, Caasho cado, iyo beerato oo ka mid degaanka Gobolka Oodweyne,uga furtay Tababarada Casriga ee Shinni dhaqashada, Islamarkaana waxay beeralaydaas u qaybisay Qalabka shinni dhaqashada oo dhamaystiran.



Furitaankii Tababaradaa Shinni Dhaqashada ayaa waxa ka hadalay Axmed Jamaac Faarax iyo Hussein Cali Maxamed oo ah khabiiro aqoon sare u leh habka casriga ah ee shinnida loo dhaqo,ahaana macalimiintaii Tababarka bixinayay ayaa ka sharaxaad ka bixiyay Ujeedada Tababardan iyo Muhiimada ay u leedahay Beeralayda,iyagoo arintaas ka hadlayana waxay yidhaadeen “Ujeedooyinka ee loo dajiyay barnaamijkan isdabajooga ahaa waxay ku salaysnayd in beeraleyda Somaliland lagu baraarujiyo waxtarka shinni dhaqashadu u leedahay dhaqaale kobcinta iyo daryeelka caafimaadka iyo sidoo kale doorka ay ka qaadato bacriminta beeraha iyo degaankaba,

Hay’add lagu magacaabo Beri-Somal Development, oo furtay tababarada ayaa waxay u diyaarisay malab soo sarayaasha sidii loogu heli lahaa malab tayo leh oo suuqa kula tartami kara malabyada kale ee wadanka la keeno, iyadoo ay Hay’adu keentey weelka malabka lagu shubo iyo label yadii lagu dhajin lahaa, lebaladaas oo xambaarsan astaanta Hay’ada Berri-Somal Developemt.Waxay intaas ku dareen Khabiiradan bixinayay Tababarada shinni dhaqashadu inay Beerlaydii tababarka la siinayay ay u qaybiyeen qalab ka kooban dharka shinnida laga xidho,saxaaradaha shinnida lagu dhaqo, gacmo gashi, brush ka shinnida, qiijiye, Buug ka hadlaya habka asaaska ah ee shinnida loo dhaqdo iyo qalabyo kale oo lagaga shaqeeyo shinnida,sidoo kale waxaan Qalabkan iyo tababaro siinay Afartan xubnood oo Beeralayda magaalooyinka Go’o iyo Cadaadley.

Waxay labadan khabiir ku soo xidheen hadalkoodii in Hay’addan oo ahayd tii ugu horeysay ee Somaliland soo gaadhsiisa barashada cilmiga Shinnida casriyaysan,islamrkaana ay u qorshaysan tahay ha,yadd ahaan inay sanadkan ka fuliso tababaradan oo kale magaalada Aleybaday, iyo gobolka Sanaag,waxayna u mahadceliyeen masuuliyiintii dawlada ee goobaha ay ka fuliyeen tababaradan.

Hay’addan ayaa saldhigeedu yahay magaalada Helsinki,ee wadanka Finland, lana asaasay 1996kii,oo ay asaaseen xubno u dhashay Somaliland,waxayna hore tababaro uga fulisay gobolada ay ka mid yihiin Sanaag oo ay tababaro ka fulisay sanadihii 2000 kii iyo 2003 halkaas oo lagu tabo baray ardey tiradoodu gaadhayso 150 xubnood, Sanadihii 2004,2005 iyo 2007 kiina ay tababaro ka fulisay gobolada Saaxil iyo Maroodi jeex.


TogdheerNews..Burco