Monday, February 15, 2010

OODWAYNE TECHNICAL AND TECHNOLOGY INSTITUTE





















www.oodwayne.blogspot.com

Asalaamu Calaykum Warahmatulaahi Wabarakaatuh

Waxaan ilaahay ugu xamdi naqaynaa caafimaadka, barwaaqada, iyo caqliga inaan ku kala saarno xume iyo samaan isagaana allahu ku manaystay umaddiisa.
“Qinatal xayaat,,, Al Saha”. Nimco ka badan oo ilaahay la waydiistaa ma jirto iyo danbi dhaaf iyo ciibadadiisa oo la xejiyo. Guud ahaana nimcada kala duwan ee deeq bixiyo isaga mooyaane cid kale bixin awoodeedana isaga mooyaane cid kale lahayn. Alxamdu Lillahi Rabbil Caalamiin.
Waxaan haddaba wax yar ka taabanayaa qoraalkan oo ah gogol dhigga Machadka Farsamada gacanta iyo Teknoolajiga oo insha allaah haddii alle inagu simo aanu ku talo jirno in laga furo degmada Oodwayne sannadkan bilihiisa soo socda. Waxaana lagu sii meel gaadhsiin doonaa inuu gaadho heer qaabili doona arday wax ka barata oo ku takhasusa shaqooyinka iyo xirfadaha farsamada gacanta iyo Teknoolajiga sida Computers ka qaybo kala duwan oo la xidhiidha naqshadaha iyo Software applications loo isticmaalo warshadaha yaryar. Machadkani waa kii dabooli lahaa baahida xirfad la’aanta wayn ee ka jirta dalka.
Jaamacadaha Dalka oo ay ka soo baxaan arday aad u farabadan kana heli karayn shaqooyinkii ay qaban lahaayeen, waxaa halkaa soo foodsaartay ardayda inaysan wax xirfadi inaba aysan wadan oo daboosha inay shaqooyin kale oo ku sii meel gaadhaan ay helaan ama fursaddaba helaan. Waxaanu qorshaha dhow maalgalin ku samayn doonaa qalabaynta iyo bilowga Machadkani inuu noqdo kii ardayda heerka dugsiga sare loogu dari lahaa qaarkood inay ku takhasusaan Teknoolajiga ka dibna shahaadaddii heer jaamacadeed ay ku qaadan lahaayeen Computerska waxa loo yaqaano Distance Learning oo ah ardaygu inuu ku qaato duruusta degaanka uu joogo imtixaankana ka dhiibo Online Computerka qaarna uu ardaygu Imtixaanka ka dhiibo machadka duruusta IT ga iyo Computerskaba ka qaadan karo shahaadad Gudaha ah iyo mid caalami ah isagoo ka dhoofin dalkiisa hooyo, uguna shaqo tagi karo meel walba oo uu tago adduunka.
Waxaan in yar oo dardar galin ah farriina iga ah ugu baaqayaa in qurbajooga degaanka u dhashay isugu xilqaamaan horumarinta gobolka Oodwayne si loo daboolo baahiyaha ka jira xagga Daryeelka Caafimaadka, Horumarinta Ciyaaraha iyo Dhallinyarada, adeega waxbarashada iyo inay guddida xaruntiisu tahay Abu Dhabi ee dalka imaaraadka loogu diro waxii taakulayn dhaqaale ah ee ay iyagu isku xilqaamay xog ururinta iyo xaqiiq raadinta inay soo ogaadaan waxii baahi jirta meel looga soo wada jeesto. Degaanka gobolkuna la jaan qaado Gobolada kale iyo sida isku duubnaanta leh ee ay u taakuleeyaan dadkooda iyo degaankoodaba.
Dedaalka iyo qorshaha inuu furmo machadkani waxaa ay bilaabantay bishii November ee sanadkii 2009, oo aanu ku falanqaynay sida degaanku ugu baahan yahay Machadka farsamada gacanta iyo Teknoolajiga ardayda ka soo baxdaana u noqon doonaan kuwa anfaca dadkooda iyo dalkoodaba.

Wa Billahi Towfiiq
Cabdinasir Maxamed Cabdille Sigis
Qorashaha Taakuleynta Horumarinta Oodwayne