Monday, June 9, 2008

Dhaqan Xumada yaa ka mas'uula Dhallinyarada mise Waalidka?.


















2008-06-07 (Hadhwanaagnews)

Runtii waxa ila wanaagsanaatay markaan eegay dhalinyarada Somaliland halka ay maanta marayso iyo caqabadaha haysta in aan waxa ka yidhaadho ama aan dhawr kelmadood aan ka qoro dhibaatooyinka maanta dhalin yaradeen haysta oo ah in marka wajiyo badan la eego kuwo aad u badan

Aan usoo laabto mawduucayga oo ah kumaa ka masuul ah dhaqankeenan sii lumaaya ma waalidka mise dhanlinta hadda jirta

Run ahaantii waxaynu ahayn dad aad dhaqankooda ugu adag, oo dhaqan iyo caadooyin soo jireen ah leh waxaad ka soo qaadaa waagii (1884)markii uu ingiriisku ina qabsaday waxay odayasheenii la dhigeteen heshiis ah in aanu ku dhalin wadanken waxay ilaashanayeen waxay ahayd dhaqankooda iyo caadadooda waayo hadii uu ku dhaldhalo waxa imanaay dhaqankii ingriiska oo dhaqanka somlaliland na wax baa iska bedelaaya dadka Somaliland waxay ku jireen dadka ugu dhaqanka dheer geeska Africa marka laga reebo Ethiopia, hadana waxaynu u muuqanaa maanta in aynu ka tagnay, caalamka waxa wadankasta lagu ogaadaa dhaqankiisa iyo caadooyinkiisa soo jireenka hadaad maanta aragto wadankan jaarkeena ah ee jabuuti oo aad eegto siiba qabiilka ciisaha waxa uu si adag ugu dhegen yahay dhaqankiisa iyo caadooyinkiisa

Runtii hadaan ka hadlo waalidku waa qayb ka mid ah nolosha caruurta waa macalimiinta ugu horeeya ee uu qofku yeesho waa labad qof ee tabab Bara qofka uu ilahay ka dhexdooda ka dhaliyey siiba hooyadu waa ta qayb libaaxleh ka qaadata korinta iyo barbaarinta caruurta waalidku waa waxa aad uqiimo badan waalidku waaqaybta ubadka ku tarbiyeysa diinta, dhaqanka iyo waxyaabaha wanaagsan.

Run ahaanti hadaba hadaad maanta eegto dhalin yarada Somaliland waxa ay marayaan heer aad u xun taas oo ay iskaga tegeen dhaqankeenii suubanaa oo hiigsanayaan dhaqon aad u fool xun xun oo aynaan ab iyo isir u lahayn oo inagaga yimid wadamada yurub taas oo anay diinteen islamku aanay ogalayn sida hablaheenii waxay xidhanayaa dhajis aad ugu dhegen oo jidhkeeda sawiraayaa, inamadiina waxay samaynayaa ayagu waxay qaateen dhaqankii madawga markaykan ka kunool .

Inaga oo isalaam sheeganayna ayeynu dhalin yaradeeni samaynaysaa waxaan ay diintu diidan tahay oo aanay ogalayn, hadba su'aasha taala meesha waxa weeyaan maxaa sababay?

Runtii hadaan fikirkayga kaga jawaabo taas aniga waxa ay ilatay dhalin yaradani waa tarbiyad la'aan ay kala timid gurigooda oo waxa la odhan karaa waalidkii dhalay ayaa soo tarbiyadayn waayo waxaad arkaysaa waalid usoo iibinaay intiisi ama inakiisa i waxyaabaha dhaqankeenii bedalay ee maanta oo aan ku canaananayn waxa ay samaynayaan
waxaanan eeda saarayaa waalidka oo ah in uu ilmahiisa ku tarbiyeeyo dhaqankiisa iyo diintisa run ahaantii waxaan waalidka u sheegayaa in uu ka gaabiyey kaalintisii waalidnimo ah in uu edbiyo oo uu waxa wanaagsan ku edbiyo hadii uu walidkii dhalay maanta dhalinyaradaa waxaan hubaa in aanay samayn lahayn dhibkan


Waayo murti soomaaliyeed ayaa tidhaahda geedka waxa la toosiyaa marka uu yar yahay laakiin marka uu waynaado lama toosin karo waayo waa uu jabayaa. Sidaas ayey dhalin yaraduna tahay caruurta hadaan la tarbiyeyn ayaga oo yar marka ay waa waynadaan lama toosin karo

Maah maah soomaliyeed ayaa tidhaahda (WAANO DHALAN BAA KA ADAG)

Waxaan hadalkayga kusoo gebagebayn lahaa waar dhaqanka haloosoo noqodo oo ha la iska daayo dhaqamadan reer yurub ee in waalay ha laga fogado .

Waalidkuna ha cadaadiyaan carurutooda oo dhaqankooda ha hagaajiyaan runti adbay ufoo xintay inan hooyadeed arakayso oo dhajis iyo waxyaabo kale oo faal xun xun

War galin

Waxaan dhamaan dhalinyrada reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan u shegyaa in maqaalkani yahay mid furan oo qofkastaaba uu ku soo darsan karo fikradiisa gaar ahaaneed

Anig oo ah A/kariin waxaan kugu soo dhawaynayaa with open hand

Iyo qalbi furan.

Mr.wadani

A/kariin Mohamoud Ibrahim

Somaliland republic

Hageisa capital city

Tell: 00252 2 4141990

Hanad_1999@hotmail.com

Saturday, June 7, 2008

Ceel Laga Qodayay Koonfurta Hargaysa Oo Laga Gaadhay Biyihii U Horeeyay

































Juun 6/2008
Oodwayne.blodspot.com

Hay'adda caalamiga ah ee ah in qof waliba uu helo biyo caafimaad qaba ,waxaanu xusay in magaalada Hargaysa iyo hareeraheedaba ay biyuhu ku yar yihiin balse hadii lagu guulaysto biyaha ceelkaasi in uu wax wayn ka taridoono biyo yaraanta,waxaanu umahad naqay sheekh Xamdaan iyo hawlwadeenada riigaasi qodayaba.

Wasiirka madaxtooyada md Nuur Aamiin oo isaguna halkaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay in ceelkan iyo ceelasha kale ee loo qodi doono somaalilandba ay ka dambeysay safarkii madaxwaynuhu ku tagay Imaaraadka carabta ay tahay tani midhihii ka soo baxay.

Wasiirku waxa uu u mahadnaqay Sheekh Xamdaan iyo hawlwadeenada riigaasiba. Wasiirka beeraha md Aadan Axmed Cilmi oo isaguna hadal halkaasi ka jeediyay ayaa sheegay in riigani gaadhay calaamadihii biyaha, kuna rajo wayn yahay uu dhakhso u soo saaro kuwii loo baahnaa , islamarkaana waxa uu intaa raaciyay in ceelkaasi uu wax wayn ka tari doono biyihiisu Daanta Koonfureed ee magaalada Hargaysa oo biyo la’ayd, waxaanu umahadnaqay Madaxweynaha JSL, Wasiirka Macdanta iyo
Biyaha, Sheekh Xamdaan iyo hawlwadeenada. Riigan ayaa ah mid casriya.

Injineerka ku qodaya ceelkaasi riigan oo isaguna hadal kooban halkaasi ka jeediyay ayaa sheegay in ceelkaasi oo hada ay qodeen 300-Mitir oo biyo hordhaca ay ka gaadheen ay wadi doonaan qodistiisa ilaa 400-Mitir oo ay rajeynayaan in ay ku gaadhi doonaan biyihii loo baahnaa .

Waxa uu u mahad naqay xukuumada iyo dadweynaha jiidaasi ceelka ay ka qodayaan oo uu sheegay in ay si fiican u soo dhaweeyee