Saturday, June 7, 2008

Ceel Laga Qodayay Koonfurta Hargaysa Oo Laga Gaadhay Biyihii U Horeeyay

































Juun 6/2008
Oodwayne.blodspot.com

Hay'adda caalamiga ah ee ah in qof waliba uu helo biyo caafimaad qaba ,waxaanu xusay in magaalada Hargaysa iyo hareeraheedaba ay biyuhu ku yar yihiin balse hadii lagu guulaysto biyaha ceelkaasi in uu wax wayn ka taridoono biyo yaraanta,waxaanu umahad naqay sheekh Xamdaan iyo hawlwadeenada riigaasi qodayaba.

Wasiirka madaxtooyada md Nuur Aamiin oo isaguna halkaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay in ceelkan iyo ceelasha kale ee loo qodi doono somaalilandba ay ka dambeysay safarkii madaxwaynuhu ku tagay Imaaraadka carabta ay tahay tani midhihii ka soo baxay.

Wasiirku waxa uu u mahadnaqay Sheekh Xamdaan iyo hawlwadeenada riigaasiba. Wasiirka beeraha md Aadan Axmed Cilmi oo isaguna hadal halkaasi ka jeediyay ayaa sheegay in riigani gaadhay calaamadihii biyaha, kuna rajo wayn yahay uu dhakhso u soo saaro kuwii loo baahnaa , islamarkaana waxa uu intaa raaciyay in ceelkaasi uu wax wayn ka tari doono biyihiisu Daanta Koonfureed ee magaalada Hargaysa oo biyo la’ayd, waxaanu umahadnaqay Madaxweynaha JSL, Wasiirka Macdanta iyo
Biyaha, Sheekh Xamdaan iyo hawlwadeenada. Riigan ayaa ah mid casriya.

Injineerka ku qodaya ceelkaasi riigan oo isaguna hadal kooban halkaasi ka jeediyay ayaa sheegay in ceelkaasi oo hada ay qodeen 300-Mitir oo biyo hordhaca ay ka gaadheen ay wadi doonaan qodistiisa ilaa 400-Mitir oo ay rajeynayaan in ay ku gaadhi doonaan biyihii loo baahnaa .

Waxa uu u mahad naqay xukuumada iyo dadweynaha jiidaasi ceelka ay ka qodayaan oo uu sheegay in ay si fiican u soo dhaweeyee

No comments: