Tuesday, May 6, 2008

Isbeddelka Aragtida Xukuumadda Maraykanka ee Aqoonsiga Somaliland








Oodwayne.blogspot.com
May 06,2008

Source:(Oodweynenews)

Washington: Maamulka Madaxweyne Bush ayaa markii u horreysay muujiyey sida uu u danaynayo aqoonsi caalami ah dunida ka hesho Jamhuuriyadda Somaliland oo sannadkii 1991kii dib ugala soo noqotay madaxbannaanideeda midowgii aan wax shuruud ahi ku xidhnayn ee ay la gashay Soomaaliyada Talyaanigu gumaysan jiray 1960kii.

Arrintan ayaa daaha ka rogaysa isbeddel cusub oo ku yimi siyaasadda dawladda Maraykanka ee ku wajahan qaddiyadda Somaliland.

Masuuliyiinta sare ee Wasaaradda Gaashaandhigga Washington, ayaa dhowaan si caddaan ah uga badheedhay siday uga go’an tahay in dawladda Maraykanku aqoonsato Somaliland, iyagoo doodooda sal uga dhigay in ay tallaabadaasi tahay siyaasad lagu badbaadinayo horumarka ay Somaliland ka samaysay dhinacyada nabadgelyada iyo dimoqraadiyadda, isla markaana lagaga moosayo in aan deganaanshaha ka jiraa ku dhex milmin burburka iyo hallaagga ku habsaday koonfurta Soomaaliya tan markii la afgembiyey dawladdii millateriga ahayd ee Maxamed Siyaad Barre sannadkii 1991kii.

Doodda arrintan ayaa soo ifbaxday waqtigan oo ay sii kordhayaan qalalaalasaha ka jira Soomaaliya oo maalinba maalinta ka dambaysa kor u sii kacaya, isla markaana dagaallada kooxaha mayalka adagi ku sii baahayaan caasimadda Muqdisho iyo guud ahaan gobollada koonfureed ee dalka Soomaaliya, iyadoo dhinaca kalena uu xilligan bilaabmay burbur ku habsaday dawladda Mbeghati ee itaalka darran.

Aragtida cusub ee xukuumadda Washington ee ku aaddan Somaliland waxa hindisay madaxda sare ee sargooya qorsha guud ee amniga qaranka Maraykanka, kuwaas oo aaminsan ku dhaqanka siyaasadda odhanaysa, si loo ilaaliyo danaha iyo maslaxadda Maraykanka waa in la isticmaalo awooaha horumarsan ee dhinaca millateriga si looga takhaluso cid kasta oo cadow ku ah masaaliixdooda.

Dagaalka lidka ku ah argagixisada oo maamulka Washington siyaasaddan ku isticmaalay, ayaa sababay in Maraykanku galay dagaallo fara badan oo natiijada ka soo baxday lagu tilmaamay mid ay ka faa’iidaysatay argagixisadu, marka loo eego hawlgallada ballaadhan ee kooxaha argagixsadu ka fulinayaan dunida dacalladeeda. Iyadoo haatan ay si caddaan ah u soo ifbaxday in Maraykanku ku guuldarraystay aragtida noocan ah, ayaanay haddana taasi noqonayn mid wax ka qaban karta caqabadaha qarnigan 21aad ka horimanaya danaha Ameerikaanka.

Sidoo kale, iyadoo Washington isku dayaysa inay wax ka qabato dhibaatooyinkaas, ayaa haatan waxa aynu aragnaa siyaasaddii Maraykanka ee caalamka oo weji cusub oo hor leh ku socota. Fikirkan cusub ayaa la sheegay inuu yahay mid aamisan in aanay siyaasadda caalamku keliya ku koobnaan dawladaha oo qudha, balse waxay dhiirrigelinaysaa in lala macaamilo dhinacyada kalee siyaasadeed iyo bulsho, iyadoo la adeegsanayo diblomaasiyad iyo qawaaniinta caalamiga ah dhinac ah iyo macaamil dhinaca millateriga oo isna gees ah.

Haddaba, marka aynu u soo noqono xaaladda dalka Soomaaliya, waxaynu ognahay in Maraykanku uu mar horeba ku isticmaalay siyaasaddan cusub, isagoo si toos ah ula macaamilay qabqablayaashii dagaal ee Muqdisho ka talinayey sannadaha badan, kuwaas oo uu ku maalgeliyey dagaalkii ay la galeen xoogaggii Maxaakiimta Islaamiga ah, iyadoo ay marag-ma-doon ahayd in Maraykanku ku kharash-gareeyey qabqablayaashaas hanti ka badan ta uu ku bixiyey samayntii dawladda Mbeghati.

Dhinaca kale, Somaliland ayaa xukuumadda Washington si joogto ah uga siinaysay taageerooyin farsamo dhinacyada dimoqraadiyadda iyo horumarinta dhaqaale, iyadoo haatana xarunta Gaashaandhigga ee Pentagon-ku doonaysa in ay Somaliland ka mid noqoto xulafadeeda la-dagaallanka argagixisada, si taasi ugu suurtogashana waxay soo jeediyeen in loo fidiyo aqoonsi, tallaabadaas oo calaamad u ah isbeddelka aragtida cusub ee Maraykanka ee ku wajahan qaddiyadda gooni isutaaga Somaliland.

Monday, May 5, 2008

Wargeyska Faransiiska ee Le point oo Qoray Maanta in C/laaahi Yuusuf ku lugleeyahay falalka Burcad badeedka ee Puntland.






Oodwayne.blogspot.com
May 06,08
Madaxwaynaha Dawladda Ku meelgaadhka ah
(Cornel C/laahi yusuf)

hadhwanaag 2008-05-05 (Hadhwanaagnews) Afar ka mid ah lixdii burcad badeeda ahaa ee Faransiisku qabtay kadib afduub ay u geysteen doon lagu raaxeysto oo faransiisku leeyahay ayaa la sheegay in ay xiriir la leeyihiin Madaxweyne C/laahi Yuusuf, sida maanta lagu qoray boga internetka ee wargeyska todobaadlaha ah ee Le point ee Paris ka soo baxa.


Le point waxa uu qoray in dhalashadda ragaasi ee ah in ay madaxweynaha isla yihiin Daarood kana sii yihiin Majeerteen ay cadeeyeen dhowr ka mid ah saraakiisha dowlada Faransiiska.

Warkan ayaa la daabacay saacado ka hor kulan ay leeyihiin madaxweyne C/laahi Yuusuf iyo dhigiisa Faransiiska Nicolas Sarkozi, waxaana burcad badeedan la soo qabtay 11kii April oo ku beegneyd hal usbuuc kadib markii ay qafaasheen doontan magaceedu yahay Le ponant iyagoo madax furasho u heystay sodon shaqaale ah oo ka howlgalayey doontaasi, Waxaana soo qabashadooda fuliyey cutubyar oo ka mid ah, ciidamada Faransiiska kadib markii ay kooxdaasi qaateen madax furasho lacageed oo dhan labo milyan oo doolar dabadeedna ay sii daayeen la heystayaashii.

Eedeysanayaasha ayaa loo gudbiyey Faransiiska maalmo yar kadib ayaana ay bilaabatay baaritaanka dacwadooda ah inay ka tirsan yihiin koox dambiilayaal ah oo diyaarinayey fal dambiyeed, kuwaasi oo muteysan kara ugu badnaan xukun ah toban sano oo xabsi ah.


Wargeyska Le point ayaa soo xigtay ilo wareedyo militeriga Faransiiska ah oo shegaya in xiriirka eedeysanayaashu ay la leeyihiin madaxweynaha Soomaaliya aanan la ogaanin kahor intii aaney diblomaasiyiin Faransiiska ka codsan C/laahi yuusuf ogolaanshiyaha in ragaasi dacwadooda Faransiiska lagu qaadi karo.
Sarkaal Faransiis ah oo aanan magaciisa la shaacin ayaa sheegay in isku daygii ku aadanaa in burcad badeeda lagu maxkamadeeyo Faransiiska la hakiyey isla markii C/laahi Yuusuf Axmed lagu wargeliyey magacyada iyo taariikhda dhalasho ee lixda burcad badeeda ah

_____________________________________________________________________

Warkii oo Af inglish hoos ka akhriso ama halkan guji

Report: Arrested "pirates of Ponant" related to Somali president

Paris - Four of the six Somali pirates arrested for kidnapping a French luxury yacht are related to Somali President Abdullah Yusuf Ahmed, the French weekly Le Point reported Monday on its website.
Le Point said their identities, as members of the same Darod- Majteen clan as the president, have been confirmed by several French government sources.

The report was published just hours ahead of a scheduled meeting between Ahmed and his French counterpart, Nicolas Sarkozy.

The six pirates were captured April 11, one week after hijacking the yacht Le Ponant and holding its crew of 30 for ransom.

They were arrested by a small unit of an elite French force after the ransom of about 2 million dollars was delivered and the hostages freed.
The suspects were transferred to France a few days later and an investigation was opened on charges of 'membership of a group of criminals preparing a crime,' which is punishable by a maximum sentence of 10 years in prison.
Le Point quoted a French military source as saying that the relationship of the four suspects to the Somali president was not ascertained until French diplomats asked Ahmed to allow their extradition to France.
The officer, who was not identified, said that attempts to have the captured pirates extradited were suddenly interrupted 'when Abdullah Yusuf Ahmed was informed of the names and dates of birth of four of the six pirates.'

Cabdifataax Maxamed Hilowle
Xafiiska Wararka
Hadhwanaagnews Media
Muqdisho,Soomaaliya
muqdishonews@hotmail.com

Iscasilaadda Xirsi, Dildillaaca Komishanka, Saamaynta Doorashooyinka iyo Dareennada Werwerka leh

Oodwayne.blogspot.com
Hargeysa (Jam)-

Guddoomiye-ku-xigeenkii Komishanka Mr. Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa shaaca ka qaaday inuu iska casilay xubinnimadii Guddiga Doorashooyinka, kadib markii xubnaha kale ee guddigu soo saareen go’aan ay kaga qaadeen xilkii uu ka hayey Komishanka.

Shir jaraa’id oo Md. Xirsi xafiiskiisa shalay ku qabtay 20 daqiiqo kadib markii ay xubnaha kale ee Komishanku u gudbiyeen go’aanka ay xilkii Guddoomiye-ku-xigeenka kaga xayuubiyeen, ayaa waxa uu go’aankaa ku tilmaamay mid sharci-darro ah oo aan ahayn go’aan ay xubnahaasi gaadheen, balse uu yahay mid si toos ah ugaga yimi dhinaca Madaxtooyada, sidaa daraadeedna uu go’aansaday inuu iska casilo xubnimadii Guddiga Doorashooyinka, maadaama aanay suurtogal ahayn in uu sii wado hawshii loo igmaday.

“Waxaan maanta bulshada Somaliland, xisbiyada mucaaradka ah, xukuumadda iyo Komishankaba u caddaynayaa inaan iska casilay xubintii Komishannimo ee Guddiga Doorashooyinka Qaranka laga bilaabo maanta (shalay), waxaanan u gudbin doonaa qoraal ciddii ay khusayso arrintaasi,” ayuu yidhi Md. Xirsi, waxaannu intaa raaciyey isaga oo sababaynayey iscasilaadiisa, “Waxaan ku sababaynayaa inaan iscasilo markaan waayey xorriyaddii komishannimo, markaan ka rajo dhigay Komishanka ila shaqaynaya ee saaxiibbaday ah inaanay ahayn qaar u garsoori kara ummadda, ayaan goostay inaan iska casilo xubinnimadii Komishanka, tusaale ahaan hadalada ay xuseen Komishanku waxa ka mid ahaa Madaxweynaha ayaad tidhi wuxuu la siman yahay Faysal iyo Siilaanyo, haa wuu la siman yahay, iminkana waan ku celinayaaye Mudane Madaxweyne waxaad noola siman tahay arrimaha doorashooyinka Guddoomiye Faysal Cali-waraabe iyo Axmed Siilaanyo, waa xaqiiqo biyo kama dhibcaan ah, Guddiga Doorashooyinkuna maaha wasaarad u shaqaysa Madaxtooyada ee waxay u igman yihiin inay qabtaan doorashooyin xor ah oo xalaal ah, una dhexdhexaadiyaan xisbiyada Qaranka si caddaalad iyo sinaani ku jirto. Waxaan u cuskanayaa iscasilaadayda maadaama xukunkii ka soo baxay xubnaha Komishanku uu noqday mid ka soo baxay xukuumadda.”

Isagoo Mudane Xirsi caddaynaya in go’aankan xubnaha Komishanku xilka kaga qaadeen uu yahay mid ka yimi dhinaca xukuumadda, waxa uu yidhi; “Waxaan ku caddaynayaa shalay (doraad) waxa ii yimi ragga ugu sarreeya xisbiga UDUB, waxay ii sii sheegeen in la iga qaadayo Guddoomiyenimada, waxaanay igu qancinayeen sii joog iyagoo nasteexo iiga dhigaya, waxaan ku qancay markaa in xubnaha Komishanka telefoon laga hagayey waanan arkayey markii lala hadlayey, maadaama oo fariin ka timi xisbiga talada haya iyo xukuumadda ay xubnuhu igaga qaadeen xilka, isla markaana aanan kalsooni qabin aan qaranka ugu shaqeeyo oo aan ka werweri doono goormaa xilka lagaa qaadayaa, halkana waxaan u soo doontay xil madaxbannaan oo aan ummadda ugu shaqeeyo, waxaanan arkay in aannu xil madaxbannaani jirin, sidaa darteed waxaan ku qancay in aan iscasilo. Bulshoweyntii igula talisay in aan sii joogo waxaan leeyahay haddii aanan waxba ka qaban karayn halkan, waxaan go’aansaday in aanan dayicin bulshada oo aan jagada baneeyo hadday cidi igu dhaantana la keeno, ciddii ku haliilaysay in aan booskan baneeyo oo aan dhib ku ahayna in aan u hawl-fududeeyo.”

Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu sheegay in go’aanka xubnaha Guddiga Doorashooyinku kaga qaadeen xilkii Guddoomiye-ku-xigeenimo uu yahay mid ka dhashay hadalkiisii ugu dambeeyey oo uu Khamiistii toddobaadkii hore shir jaraa’id oo uu qabtay kaga waramay arrimo badan oo Komishanka ku saabsan, isagoo walaac ka muujiyey farogelin xukuumaddu ku hayso shaqadooda, Madaxweyne Rayaale uu arrintaas ka cadhooday. Waxa kale oo uu tilmaamay rajo-xumida uu ka qabo caddaaladda iyo dhexdhexaadnimada Komishanka inay ahayd arrin in muddo ahba soo jiitamaysay oo uu marar horeba ka hadlay.

Isagoo arrimahaa ka hadalyeyna waxa uu yidhi; “Hadalku waa xoriyaadka aasaasiga ah, waa wax ka da’ weyn xeer-hoosaadka iyo xeerarka yaryarba oo dastuurka ayey ku qoran tahay qofku inuu xor u yahay hadalka, in dembi la iiga dhigaana waa wax aan sharciga meelna kaga qotomin, waxaanse u fahmay oo aan hore u sheegay, isla markaana aan ahayn wax aan iminka la yaabayo maaha ee waa mid aan hore u sheegay Komishanku in aannu xor ahayn oo xukuumaddu maamusho, wax kastoo xukuumadda ka horyimaadana Komishanka loo qabsanayo, Komishan doorasho iyo wax kale toona caddaalad ka samayn kara ahayn, hore ayaan uga afeeftay oo waxaan sheegay haddii Komishanku xor noqonwaayo in aan xilka iska casilayo, si aanan u lug-goynin dadkii isoo doortay iyo bulsho weynta Somaliland ee rajada badan ka qabta qabashada doorashooyinka, si aanay taariikh madoobi iigu gelin taariikhda oo aanan ka mid noqonin xubnihii Komishanka ee waddanka lug-gooyey. Hadal ka cadhaysiiyey Madaxweynaha iyo golihiisa oo aan ku hadlay ayaa la yidhi waxa lagugu anshax-marinayaa in Guddoomiyenimada lagaa qaado, Guddoomiye-ku-xigeenka waxa ii doortay xubnaha Komishanka, marka ay doonaana way iga qaadi kari lahaayeen, laakiin aasaaska ah haddii aad la hadasho dawladda waxa lagaa qaadi doonaa xilka waa mid aanan ku qancin, waxaanan filayaa in muwaadiniintuna aanay ku qanci doonin.”

Waxa kale oo uu sheegay Md. Xirsi inuu horeba uga niyad-jabay muddadii dhaarintooda ee dheeraatay iyo sifihii Madaxtooyada loogu dhaariyey, isagoo markaa doorbidayey in goob fagaare ah lagu dhaariyo, balse ay xubnaha kale ee Guddigu ka dhego adaygeen soo jeedintiisii, iyaga oo waayey kalsooni ay Madaxweynaha ugu sheegaan in goob fagaare ah oo loo dhan yahay lagu dhaariyo. Waxaana uu sheegay in markii loo doortay jagada Guddoomiye-ku-xigeenka ay xukuumaddu ka cadhootay. “Waxay ka cadhaysiisay markii Guddoomiye-ku-xigeenka la ii doortay xukuumadda iyo xisbiga talada haya ee uu ugu horreeyo Madaxweynuhu, waxay xubnaha Komishanku ii sheegeen in Madaxweynuhu u yeedhay oo uu ku yidhi maxaad u doorateen, waana nasiib-darro, waayo waxaan ahay muwaadin mudan in xilkaa loo doorto iyagoo xubnihii Komishankuna igu qancay,” ayuu yidhi Md. Xirsi.

Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa kale oo uu sheegay in mar kasta oo loo dhiibo jago Guddiga Doorashooyinka dhexdooda ah olole lagu soo qaadayey, iyadoo loo adeegsanayey xubinta Komishanka ku jirta ee ay Madaxweynaha ay isku beesha yihiin, isaguna uu uga tanaasulay jagooyinka Afhayeenka iyo Guddoomiyaha Guddiga Diiwaangelinta oo uu u hayey Komishanka, isagoo sheegay inuu ka cararayey khilaaf soo kala dhexgala xubnaha Komishanka.

“Mar kasta oo xubnaha Komishanku xil ii magacaabaan olole ayaa la igu soo qaadayey iyadoo la ii adeegsanayey xubinta Komishanka ku jirta ee ay Madaxweynaha isku beesha yihiin, waxaanan uga tanaasulay jagadii Guddoomiyanimadii, kadib markii uu yidhi Guddoomiyenimo ayaan doonayaa oo la igula soo dardaarmay,” ayuu yidhi Md. Xirsi, waxaannu intaa raaciyey, “Marar badan baan saxaafadda la hadlay anigoon cidna ka fasax-qaadan, waxa ka mid ahayd maalintaan Dr. Gabboose naqdiyayey, kadibna Madaxweynuhu telefoon buu ii soo diray, markii dambena waatii igu keliftay in aan Shirweynihii KULMIYE ka sheego hoggaamiyenimada iyo geesinada uu leeyahay Dr. Gabboose, si aan Madaxweynaha u tusiyo in aan Guddiga Doorashooyinka difaacayey ee aanan Gabboose col la ahayn shakhsiyadiisa. Maanta in la igu dacweeyo wuu hadlay waa ayaan-darro.” Intaa kadib su’aalihii ay waydiiyeen suxufiyiintii shirkaa jaraa’id ka qaybgashay iyo jawaabihii uu ka bixiyey waxay u dhaceen sidan:

Su’aal: Mudane Xirsi markii xubinta UCID laga saarayey Komishanka ninkii ugu cadcadaa ee lahaa shaqo iskumay kaayo hadhin adiga ayuu ahaa, maantana adigaa halkii maray, maalintaa miyey kuu muuqan wayday inuu ku ag-fadhiyo xubintii xisbiga kale ee mucaaradka ah si uu u sheego dulmigaad tirsanayso?

Jawaab: Waa run oo ma dafirayo in lixdii xubnood ee saxeexay Axmed Bidaar inuu ka baxo Komishanka oo Madaxweynaha loo gudbiyo ayaan ka mid ahaa, laakiin Axmed Bidaar warqadiisii waan kuu hayaayey kumaanu eedayn wuu hadlay ee waxaannu ku eedaynay wax badan oo ay ka mid tahay dagaal iyo aflagaado. Markaa aniga waxa la igu eedeeyey waad hadashay.

S: Dhawaan kulan aad la yeelateen Madaxweynaha waxa la sheegay inuu xadhig idiinku hanjabay oo uu idinku yidhi waan idin xidhayaa, arrintaas maxaa ka jira?

J: Haa, waa waxyaabaha igu kelifay, waxaannu u tagnay Madaxweynaha fadhigayagii u dambeeyey wuxuu noogu hanjabay Madaxweynuhu sharcigaa la idin horgayn doonaa, haddii aad sharciga raaciwaydaan, sidii uu Baarlamankaba ka yidhi si la mid ah buu annaga oo khaas ah noogu yidhi.

S: Maadaama toddobadii xubnood ee Komishanku ka koobnaa aad labadiinii matalayey xisbiyada mucaaradku meesha ka baxdeen oo ay soo hadheen shan xubnood oo lagu tiriyo muxaad, sidee ayey Guddigii Doorashooyinku caddaalad looga sugayaa?


J: Aragtidayda dadkaan kala mid ahay oo werwer baa iga haya sida loo sii shaqayn doon. Waanan idiin sheegay in aanan rajo ka qabin inay doorasho qaban karaan, Guddigu mid diyaar u ah inay qaataan go’aan aan raaligelinayn Madaxweynaha maaha, waxaana caddaysay toddobadii xubnood ee aan maalintii hore ka hadlay ee ay joogin kariwaayeen, iyadoo telefoon uu u soo diray Madaxweynuhu, kadibna keliftay in 200 qof loo joojiyo toddobadaa qof awgood. Go’aankii labaad ee horyimaada Guddiga wuxuu noqday inay aniga go’aan iga gaadhaan, waxaanay ku dadaaleen inuu noqdo go’aan raaligeliya Madaxweynaha. Sidaa darteed haddii ay doorasho qabtaana ma kala go’aamin karaan.


Dhinaca kale, warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Komishanka Qaranka Mr. Maxamed Ismaaciil Maxamed (Kaboweyne) oo lagu shaaciyey go’aanka anshax-marinta ah ee xubnaha Guddiga Doorashooyinku xilka Guddomiye-ku-xigeenka kaga qaadeen, isla markaana digniin culus ugu jeediyeen, waxa uu u dhignaa sidan:


““Shir ay isugu yimaaddeen Xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranku, maalintii Sabtidii ee taariikhdu ahayd 03 May 2008, shirkaas oo ku qabsoomay xarunta Komishanka ee magaalada Hargeysa waxa guddoominayay Guddoomiyaha Komishanka waxaanna lagu gorfeeyey aadna looga dooday arrimo ku saabsan Guddoomiye-ku-xigeenka Komishanka Doorashooyinka Qaranka.


Mudane Xirsi waxa lagu eedeeyey inuu ku kacay falal gef ku ah wadashaqaynta ka dhexaysa Komishanka Doorashooyinka, isagoo sameeyey tallo-goosi u gaar ah oo aanay Guddiga intooda kale ku waafaqsanayn, qoraal horena looga digan, sidaa awgeed waxay Guddidu go’aamiyeen sidan hoos ku qoran:-


1- In laga qaado xilka Guddoomiye-ku-xigeenka Komishanka laga bilaabo marka ay taariikhdu tahay 04 May 2008.

2- In digniin kama dambays ah loo jeediyo Md.Xirsi, taas oo ah in aanu mar kale ku kicin gafaf noocaas oo kale ah oo ka dhana xeer-hoosaadka Guddida Doorashooyinka.


Waxaannu u sheegaynaa ummadda Somaliland in markasta naga go’an tahay guddi ahaan in aan gudano xilka nalagu aaminay oo aannu dhammaystirno si waafaqsan xeerka iyo shuruucda loo dhigay diiwaangalinta codbixiyeyaasha, doorashooyinka iyo xeer-hoosaadkaba. Waxa kale oo aanu u sheegaynaa ummadda in meel hawli ka socoto khaladaad laga waayayn, waxase muhiim ah in si wadajir ah markasta la saxo oo la toosiyo waxii khaldamay si loo gaadho himilooyinka qaranku higsanayo.

Waxa markasta waajib ah in xubin kasta oo ka mid ah Guddida Doorashooyinka Qaranka inuu ku dhaqmo xeer-hoosaadkooda si looga badbaado in lagu dhex milmo hawlaha siyaasadeed ee dalka, lana ilaaliyo dhex-dhexaadnimada iyo dhowrsoonaanta Guddiga Doorashooyinka Qaranka.”

Eng. Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa noqonaya xubintii labaad ee ka tirsan toddobada xubnood ee loo soo xulay Komishanka cusub ee Doorashoyinka Qaranka ee shaqada ka taga, iyada oo hore go’aan guddi shaqada lagaga fadhiisiyey Mr. Axmed Bidaar oo ah xubintii uu soo xulay xisbiga mucaaaradka ah ee UCID, isla markaana aan ilaa hadda xal laga gaadhin cidii beddeli lahayd, sidoo kalena Eng. Xirsi yahay xubintii uu soo magacaabay xisbiga kale mucaaradka ee KULMIYE.


Khilaafka cusub ee markale waqtigan ka dhex dillaacay Komishanka Doorashooyina Qaranka, ayaa u muuqda mid xaabada u sii badinaya khilaafyada cakiran ee ku gedaaman saaxadda qabsoomidda doorashooyinka degaanka iyo madaxtooyada ee lagu muransan yahay xilliga ay dalka ka dhacayaan, arrintaas oo walaac iyo werwer hor leh ku abuurtay guud ahaan shacbiga Somaliland iyo cid kasta oo jecel geeddi-socodka hannaanka dimoqraadiyadda ee ka hanaqaaday Jamhuuriyadda Somaliland.

Roobab laxaadleh oo caawa fiidkii maasheeyay caasimda Somaliland iyo nawaaxigeeda







Oodwayne.blogspotcom
Written by Qarannews
May 05, 2008.

Waxa caawa helay magaalada Hargysa roob aad loogu diirsaday isla markaasna meel kasta biyo dhigay, roobabkani oo in mudo ah da'aayay ayaa ay dadweyanaha reer Hargaysa iyo nawaaxigoodubaayaad ugu diirsadeen, roobabkan ayaa ka da'aayay ayaamihii ina soo dhaafyba meelo ka mid ah gobolka Hargysa iyo gobolada la jaarka ahba.

Roobkani caawa helay caasiamda ayaa sidoo kale helay dhamaan degmooyinka uu ka koobanyhay gobiolka Hargaysa, sida , Salaxlay, Cadaadlay iyo Sabo wanaag iyo dhamaan degmooyinka kale ee gobolka Hargaysi uu ka koobanyahayba sidoo kale Suldaan Muxumed Xiiray oo shalay khadka telefoonka nagula soo xidhiidhay ayaa noo xaqiijiyay in ay roobablaxaadlihi ay maasheeyeen hawdka iyo ilaa inta u dhaxaysa Salaxlay iyo Oodweyne, iyo meelo badan oo ka mid ah gobolka saaxil,taasi oo uu suldaanku ku tilmaamay nimco Ilahay loogu mahad naqo.

Sideedaba waxa ay iyagana roobab aad loogu diirsadayay ka da'een gobolada Sool Awdal, Gabiilay iyo Sanaag oo ay ka jireen abaaro aad u darani iyo biyo laan xoogani taasi oo maanta ay ugu danbaysay magaalada Hargysa oo ayaamahba laga saadaalinaayay in ay roobab heli doonaan oo uu ilaa caawa fiidkii uu hayay.
Qarannews
Hargysa

Friday, May 2, 2008

Suldaan Yuusuf Xiirey Oo Kulan La Yeeshay Wefti Odayaal Ka Socda Maydh


Oodwayne.blogspot.com
Written by Qarannews
May 02, 2008 at 05:27 PM

Hargeysa(Qaran)-Suldaan Yuusuf Max'ud Xiirey oo ka mida madax dhaqameedka Somaliland ayaa Galabta kulan la yeeshay wefti odayaal ah oo ka socda Degmada Maydh ee G/sanaag.

Kulankan oo ka dhacay Hotel Hadhwanaag ee Magaalada Hargeisa ayaa ujeedadiisu waxay ahayd is xog waraysi la xidhiidha sidii loo dhisi lahaa Dekeda Maydh hawshaas oo wefti odayaal ahi beryahnba u joogeen Hargeysa.

Ugu horeyn waxa kulankan ka hadlay Xasan Ducaale oo ku hadlayay magaca weftiga isagoo ka waramay marxaladihii hawshu soo martay iyo baahida lagama maar-maanka ah ee bulshada Gobolku u qabto hirgelinta mashruucan[Ugu horayn Suldaan waxaan kaaga mahad celinaynaa kulankan aad nagala soo qayb gashay kaas oo ujeedadiisu tahay sidii loo sii anba qaadi lahaa hawsha dhismaha Dekeda Maydh oo hada mudo soo socday, Bilawgii waxa hawshan u kacay Nuur Cilmi oo ka mida Odayaasha Reer Somaliland ee ku dhaqan Wadanka Ingiriiska wuxuu Geeyay Injineero ku soo sameeya Qiimayn wixii lagama maar-maan ah eehawshu lagu bilaabi karayo taasi way soo dhamaatay hada waxay taagan tahay sidii hindisaha loogu bedeli lahaa ficil taas oo u baahan in layska kaashado shacbi iyo Dawladba mudadii aanu halkan joognay waxaanu la kulanay masuuliyiin ka tirsan Xukuumada kuwaas oo balan qaaday in dhinacooda ay diyaar u yihiin wixii hawshan kaga soo hagaaga kulankan maantana waxa lagama maar-maan noqotay in dhinaca Dhaqankana ad hawshaa wixii idinkaga aadan aad u guntataan] ayuu yidh Xassan Ducaale

Suldaan Yuusuf Max'ud Xiirey oo isaguna kulankan ka hadlay ayaa weftiga uga mahad celiyey hawshan ay isu xil qaameen taas oo ah waajib qofkasta oo Somalilander ah inuu kaalintiisa ka qaato[Aad baan idiinkaga mahad celinayaa kulankan maanta iyo hawsha aad isu xil saarteenba runtii waan ku faraxsanahay inaan dhinacayga wixii igala gudboon arintan ka qabto taas oo ah waajib muwaadin kasta inuu ka qayb galo wixii Dalkiisa iyo Dadkiisa lagu hor marinayo waxan balan qaadayaa hadii ilaahay idmo inaan alaab kasta garaaco sidii hawshan loo hir gelin lahaa]ayuu yidhi suldaanku

Kulankan ayaa Suldaanka lagu gudoonsiiey cajelad filmi ka sheekaynaya marxaladihii hawshani soo martay.



Source Dhanbaalnews

Thursday, May 1, 2008

Mashruuca Seeraha, Kobcinta Xoolaha Dhoofka iyo Beeraha G.Oodwayne














Oodwayne.blogspot.com
1 da May 2008.

Waxa Qoray: Cabdinasir Maxamed Cabdilleh "Sigis"

Mashruucani waa laf dhabartii dhaqaalaha degaanka Gobolka Oodwayne isla markaasna ah kii lagu yiqiinay degaankan intii aan la kala baylihin ee aan waqti hore kabihiisa loo kala tuurin afarta baynul jaho. Lixdanii iyo Todobaatanadii ka hor waqtigii ay soo if baxday kala kaxee oo iska hor gee beelaha waqooyiga ee Siyaasaddii Dawladdii Cabdirisaq X Xuseen ilaa Siyaad Barre Waxaa laga shaqaynayey sidii loo Burburin lahaa Mashruuc kastoo keeni kara ilo dhaqaale iyo isku filaansho si maskax iyo maalba loo jihaysto koonfur oo degaankan iyo kuwo la midaba loo mija xaabiyo.

Seerihii degaanka ee caanka ku ahaa DAAQa sida Ceel Xume, Kaba dheere Duleedkiisa ilaa Buuraha Gacan Libaax oo ah dhul hodan ku ah daaqa Cawka iyo Biyaha... Xaaxi ilaa bananka Tuuyo dushiisa Lo'da iyo adhigaba lagu sii dayn jiray.

Waa in maanta maamulka degaanku ee Gobolku soo celiyo isagoo la kaashanaya ganacsatada iyo Hay'adaha una furaya indhahooda si ay wax ula qabtaan wada tashi leh iyo huritaanka maalgalinta. Halkan Maxjarka ay rabto dawladdu in Lagu baadho xoolaha uu ku habboonaa degankan marka Maraakiibtii qaadi lahayd soo xidhaana loo daabuli lahaa Xoolaha si loo dhoofiyo. Waxaanu u sheegayna madaxda degaanka Gobolka Oodwayne inay u doodaan oo u sheegaan dawladda in Maxjarka Caafimaadka iyo Kobcinta Xoolaha xaruntiisa Dhabta ahi tahay Oodwayne oo ay hoos yimaadaan 50 tuulo in ka badan.

Seerihii iyo ceelal baaxad leh na laga sameeyo oo dhakhaatiirta iyo shaqaalahaba loo dhiso guryihii ay degi lahaayeen (Compound), haddii taasi u cuntami waydo waa inay ganacsatadu maal gashato Maxjarka oo 100,000 oo neef iyo ka badanba marsiin kara bil walba Caafimaad iyo daryeel joogta leh haddii loo baahdo dhaqniin iyo kobcin tamarta si neefku ku suuq galo isagoo helay muddo yar oo bil ah inuu daaq iyo biyo wacan helo taasoo gaadhsiisa, inuu maro shaybaarkii baadhista caafimaadka si loo siiyo shahaadooyinkii ama Certification of Health Registrar.

Waxaa loo ballamiyey nin Carbeed Xoolaha inuu inaga taakuleeyo dhoofkooda markaa ma
xaj ilaa xaj ayeynu carabka sugnaa mise waa inay Jabuuti ku tidhaahdo Carabta annaga ayaa Soomaliland xoolaheeda gacanta kuugu hayna iyo dhoofinta maamulkeedaba.

Bal waxaan rabnaa inay dhab ka tahay iyo in Waddaniga Ganacsadaha ah ee u dhashay Soomaaliland ilaahay mooyee inaanu waligii qof kale isu daba taagin xoolaha la dhoofiyo...Waana ilaahay nimco qani ah oo uu na siiyey. Ma suurto gashaa inuu nin Carabi patroolkiisa uu isu kay daba taago. Waayo maya Jawaabtu!!!

"Ilaahay qofna maduleeyo ee qofku isagaa is duleeya".
Anigana in Maamulkaygu i duleeyo ilaahay baan ka magan galay.

Xoolahana Qiimaha iibgaynta iyo dhoofintu waa inuu la jaan qaadaa sicir bararka haddii quutal daruurigii cirka isku shareeray waa in Qiimaha neefkuna kor u koco 35% oo ah inuu ku iib galo $ 45 neefka adhiga ahi inta aan la dhoofin oo uu kor u kacaa kii guduhuna 15% oo ah in ninkii reer miyiga ahaa u goysa raashin uu quuto.

Ganasadaha runta ahina waa kii aan isu daba taagin nin kale sidii uu lacag u samayn lahaa,( Creative Thinker) waana kii Fursadaha samaysan lahaa reer Oodwaynow waxaa la idiinka fadhiyaa maamul iyo nin deeq ilaahay siiyeyba sidii aad Maxjarkiinii u Furi lahaydeen una dibaaqan lahaydeen xoolaha aad degaankiina ku soo barbaariseen ee neef neefka aad u kala taqaaneen oo Cashuur dakhli ah oo degaanku leeyahay iyo mid Dawladeedba aad ula soo bixi lahaydeen una samaysan lahaydeen isku filaansho dhaqaale, waa la idiin sheegayoo waxa af cad la idinku yidhi Gobol baad sheegateena markaan xafladdan Furitaanka Gobolka ku kala dareerno hanaga daba imanina ee isku filaada. Waa yahay ee isku filaansho waa ilo dhaqaale abuuro oo cashuur meeshii aad kala soo bixi lahayd iyo horumarka degaanka u tabaabushayso waa fikrad guud oo ku socota Maamulka Cusub.
Ilaahay baa deeq iyo raxmad leh abaartii laga bax oo gu’giina waa kan curtay ee soo KAABO ilo dhaqaale iyo shaqo abuuris keenta horumar kaamil ah.

Intaa waxa ii dheer mashruuca ceelasha biyaha ee gaagaaban ee loo yaqaan Ceelal Dixeedka oo ku xeeran Beerato iyo dal dawan(Valley of Water Wells). Kuwaas oo qof joogiisa la qodi karo oo aan u baahnayn mashiino waaweyn iyo qalab culus.(dhererkiisu waa ilaa lanba Mitir) oo soo maaxda kuna shaqeeya Solar Water Pump, Diesil Pump iyo wadaamo hadba inta aad isticmaali kartona ka dhaansatid, waa kuwa beeraha iyo wax soo saarka aad ku waraabin karto.

Beeraha la waraabiyo ee biyaha joogtada ah leh waxaad ka soo saari kartaa khudaarta la isticmaalo ee nolol maalmeedka sida Tamaandhada, Basasha, Dabacasaha, Saladhka, Kamsarada, iyo wax walba oo aad heli karto Siidhkiisa.
Si loo beerto khudaartan kala duduwan ee maalin walba loo baahdo oo kaga soo kabanayso shaqo la’aanta jirta waa inaad xidhiidh adag la samaysaan hay’adaha iyo Wasaaradda Beeraha xarunna looga furaa Oodwayne.....halkan aan ku soo laabto mar kale hadhuudhka, Aarabakhida iyo digirta oo ah( seaonal crops).
Iyaguna waa meelahii dabiiciga ahaa ee ay ka baxayeen Oodwayne - Beerato. Iyo meelo kale oo badan oo ilaahay ku manaystay ciid iyo biyo ku wacan beerista, taasoo iyana ina tusaysa inuu degaankani yahay qani laakiin dabran yahay.
Dedaalka wax soorka caafimaadka qaba ee ka fog qabiilka iyo dib u dhacuna waxuu abuuri karaa iskaashi iyo wax soosaar. Waxa aafeeyey qaaradda madow manta waa hayb sooc qabiil kala sheegasho iyo xaasidnimo. Halkan waxaan ula beegsaday inaan hor dhigo maamulka degaankani inay dedaalaan oo ay ku deydaan kuwa la midka ah cimilo iyo degaanba. sidaas bay Soomaliland horumar ku gaadhi kartaa kuna kasban kartaa dakhli isku filaansho cashhuur iyo wax qabad lagu gaadho GOBOLKII LA HIGSANAYEY INAANU FASHILMAN!.

wa Billahi Towfiiq.

Cabdinasir M Cabdilleh “Sigis"
Toronto, Kanada

Roobabkii guga oo ka curtay Gobolka TOGDHEER iyo Gobolka OODWEYNE







Oodwayne.blogspot.com
Source:(Oodweynenews)

Waxaa habeenkii xalay ahaa Roob ka da`ay Gobolka Togdheer iyo Gobolka oodweyne.

Waxaa xalay abaara 10.pm ka da`ay roob Gobolka Togdheer siiba caasimadda Burco oo uu xalay 10pm habeenimo ka da'ay roob lagu qabowsaday,roobkaas oo meelkasta oo magaalada burco ka mid ah gaadhay.Waxa kale uu roobkaasi ka Da`ay Degmooyin ka tirsan Gobolka Oodweyne sida Bali sheekh, Geel Didis, iyo waliba qaar kale oo fara badan.


Adan Maxamed/Oodweynenews