Monday, May 5, 2008

Iscasilaadda Xirsi, Dildillaaca Komishanka, Saamaynta Doorashooyinka iyo Dareennada Werwerka leh

Oodwayne.blogspot.com
Hargeysa (Jam)-

Guddoomiye-ku-xigeenkii Komishanka Mr. Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa shaaca ka qaaday inuu iska casilay xubinnimadii Guddiga Doorashooyinka, kadib markii xubnaha kale ee guddigu soo saareen go’aan ay kaga qaadeen xilkii uu ka hayey Komishanka.

Shir jaraa’id oo Md. Xirsi xafiiskiisa shalay ku qabtay 20 daqiiqo kadib markii ay xubnaha kale ee Komishanku u gudbiyeen go’aanka ay xilkii Guddoomiye-ku-xigeenka kaga xayuubiyeen, ayaa waxa uu go’aankaa ku tilmaamay mid sharci-darro ah oo aan ahayn go’aan ay xubnahaasi gaadheen, balse uu yahay mid si toos ah ugaga yimi dhinaca Madaxtooyada, sidaa daraadeedna uu go’aansaday inuu iska casilo xubnimadii Guddiga Doorashooyinka, maadaama aanay suurtogal ahayn in uu sii wado hawshii loo igmaday.

“Waxaan maanta bulshada Somaliland, xisbiyada mucaaradka ah, xukuumadda iyo Komishankaba u caddaynayaa inaan iska casilay xubintii Komishannimo ee Guddiga Doorashooyinka Qaranka laga bilaabo maanta (shalay), waxaanan u gudbin doonaa qoraal ciddii ay khusayso arrintaasi,” ayuu yidhi Md. Xirsi, waxaannu intaa raaciyey isaga oo sababaynayey iscasilaadiisa, “Waxaan ku sababaynayaa inaan iscasilo markaan waayey xorriyaddii komishannimo, markaan ka rajo dhigay Komishanka ila shaqaynaya ee saaxiibbaday ah inaanay ahayn qaar u garsoori kara ummadda, ayaan goostay inaan iska casilo xubinnimadii Komishanka, tusaale ahaan hadalada ay xuseen Komishanku waxa ka mid ahaa Madaxweynaha ayaad tidhi wuxuu la siman yahay Faysal iyo Siilaanyo, haa wuu la siman yahay, iminkana waan ku celinayaaye Mudane Madaxweyne waxaad noola siman tahay arrimaha doorashooyinka Guddoomiye Faysal Cali-waraabe iyo Axmed Siilaanyo, waa xaqiiqo biyo kama dhibcaan ah, Guddiga Doorashooyinkuna maaha wasaarad u shaqaysa Madaxtooyada ee waxay u igman yihiin inay qabtaan doorashooyin xor ah oo xalaal ah, una dhexdhexaadiyaan xisbiyada Qaranka si caddaalad iyo sinaani ku jirto. Waxaan u cuskanayaa iscasilaadayda maadaama xukunkii ka soo baxay xubnaha Komishanku uu noqday mid ka soo baxay xukuumadda.”

Isagoo Mudane Xirsi caddaynaya in go’aankan xubnaha Komishanku xilka kaga qaadeen uu yahay mid ka yimi dhinaca xukuumadda, waxa uu yidhi; “Waxaan ku caddaynayaa shalay (doraad) waxa ii yimi ragga ugu sarreeya xisbiga UDUB, waxay ii sii sheegeen in la iga qaadayo Guddoomiyenimada, waxaanay igu qancinayeen sii joog iyagoo nasteexo iiga dhigaya, waxaan ku qancay markaa in xubnaha Komishanka telefoon laga hagayey waanan arkayey markii lala hadlayey, maadaama oo fariin ka timi xisbiga talada haya iyo xukuumadda ay xubnuhu igaga qaadeen xilka, isla markaana aanan kalsooni qabin aan qaranka ugu shaqeeyo oo aan ka werweri doono goormaa xilka lagaa qaadayaa, halkana waxaan u soo doontay xil madaxbannaan oo aan ummadda ugu shaqeeyo, waxaanan arkay in aannu xil madaxbannaani jirin, sidaa darteed waxaan ku qancay in aan iscasilo. Bulshoweyntii igula talisay in aan sii joogo waxaan leeyahay haddii aanan waxba ka qaban karayn halkan, waxaan go’aansaday in aanan dayicin bulshada oo aan jagada baneeyo hadday cidi igu dhaantana la keeno, ciddii ku haliilaysay in aan booskan baneeyo oo aan dhib ku ahayna in aan u hawl-fududeeyo.”

Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu sheegay in go’aanka xubnaha Guddiga Doorashooyinku kaga qaadeen xilkii Guddoomiye-ku-xigeenimo uu yahay mid ka dhashay hadalkiisii ugu dambeeyey oo uu Khamiistii toddobaadkii hore shir jaraa’id oo uu qabtay kaga waramay arrimo badan oo Komishanka ku saabsan, isagoo walaac ka muujiyey farogelin xukuumaddu ku hayso shaqadooda, Madaxweyne Rayaale uu arrintaas ka cadhooday. Waxa kale oo uu tilmaamay rajo-xumida uu ka qabo caddaaladda iyo dhexdhexaadnimada Komishanka inay ahayd arrin in muddo ahba soo jiitamaysay oo uu marar horeba ka hadlay.

Isagoo arrimahaa ka hadalyeyna waxa uu yidhi; “Hadalku waa xoriyaadka aasaasiga ah, waa wax ka da’ weyn xeer-hoosaadka iyo xeerarka yaryarba oo dastuurka ayey ku qoran tahay qofku inuu xor u yahay hadalka, in dembi la iiga dhigaana waa wax aan sharciga meelna kaga qotomin, waxaanse u fahmay oo aan hore u sheegay, isla markaana aan ahayn wax aan iminka la yaabayo maaha ee waa mid aan hore u sheegay Komishanku in aannu xor ahayn oo xukuumaddu maamusho, wax kastoo xukuumadda ka horyimaadana Komishanka loo qabsanayo, Komishan doorasho iyo wax kale toona caddaalad ka samayn kara ahayn, hore ayaan uga afeeftay oo waxaan sheegay haddii Komishanku xor noqonwaayo in aan xilka iska casilayo, si aanan u lug-goynin dadkii isoo doortay iyo bulsho weynta Somaliland ee rajada badan ka qabta qabashada doorashooyinka, si aanay taariikh madoobi iigu gelin taariikhda oo aanan ka mid noqonin xubnihii Komishanka ee waddanka lug-gooyey. Hadal ka cadhaysiiyey Madaxweynaha iyo golihiisa oo aan ku hadlay ayaa la yidhi waxa lagugu anshax-marinayaa in Guddoomiyenimada lagaa qaado, Guddoomiye-ku-xigeenka waxa ii doortay xubnaha Komishanka, marka ay doonaana way iga qaadi kari lahaayeen, laakiin aasaaska ah haddii aad la hadasho dawladda waxa lagaa qaadi doonaa xilka waa mid aanan ku qancin, waxaanan filayaa in muwaadiniintuna aanay ku qanci doonin.”

Waxa kale oo uu sheegay Md. Xirsi inuu horeba uga niyad-jabay muddadii dhaarintooda ee dheeraatay iyo sifihii Madaxtooyada loogu dhaariyey, isagoo markaa doorbidayey in goob fagaare ah lagu dhaariyo, balse ay xubnaha kale ee Guddigu ka dhego adaygeen soo jeedintiisii, iyaga oo waayey kalsooni ay Madaxweynaha ugu sheegaan in goob fagaare ah oo loo dhan yahay lagu dhaariyo. Waxaana uu sheegay in markii loo doortay jagada Guddoomiye-ku-xigeenka ay xukuumaddu ka cadhootay. “Waxay ka cadhaysiisay markii Guddoomiye-ku-xigeenka la ii doortay xukuumadda iyo xisbiga talada haya ee uu ugu horreeyo Madaxweynuhu, waxay xubnaha Komishanku ii sheegeen in Madaxweynuhu u yeedhay oo uu ku yidhi maxaad u doorateen, waana nasiib-darro, waayo waxaan ahay muwaadin mudan in xilkaa loo doorto iyagoo xubnihii Komishankuna igu qancay,” ayuu yidhi Md. Xirsi.

Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa kale oo uu sheegay in mar kasta oo loo dhiibo jago Guddiga Doorashooyinka dhexdooda ah olole lagu soo qaadayey, iyadoo loo adeegsanayey xubinta Komishanka ku jirta ee ay Madaxweynaha ay isku beesha yihiin, isaguna uu uga tanaasulay jagooyinka Afhayeenka iyo Guddoomiyaha Guddiga Diiwaangelinta oo uu u hayey Komishanka, isagoo sheegay inuu ka cararayey khilaaf soo kala dhexgala xubnaha Komishanka.

“Mar kasta oo xubnaha Komishanku xil ii magacaabaan olole ayaa la igu soo qaadayey iyadoo la ii adeegsanayey xubinta Komishanka ku jirta ee ay Madaxweynaha isku beesha yihiin, waxaanan uga tanaasulay jagadii Guddoomiyanimadii, kadib markii uu yidhi Guddoomiyenimo ayaan doonayaa oo la igula soo dardaarmay,” ayuu yidhi Md. Xirsi, waxaannu intaa raaciyey, “Marar badan baan saxaafadda la hadlay anigoon cidna ka fasax-qaadan, waxa ka mid ahayd maalintaan Dr. Gabboose naqdiyayey, kadibna Madaxweynuhu telefoon buu ii soo diray, markii dambena waatii igu keliftay in aan Shirweynihii KULMIYE ka sheego hoggaamiyenimada iyo geesinada uu leeyahay Dr. Gabboose, si aan Madaxweynaha u tusiyo in aan Guddiga Doorashooyinka difaacayey ee aanan Gabboose col la ahayn shakhsiyadiisa. Maanta in la igu dacweeyo wuu hadlay waa ayaan-darro.” Intaa kadib su’aalihii ay waydiiyeen suxufiyiintii shirkaa jaraa’id ka qaybgashay iyo jawaabihii uu ka bixiyey waxay u dhaceen sidan:

Su’aal: Mudane Xirsi markii xubinta UCID laga saarayey Komishanka ninkii ugu cadcadaa ee lahaa shaqo iskumay kaayo hadhin adiga ayuu ahaa, maantana adigaa halkii maray, maalintaa miyey kuu muuqan wayday inuu ku ag-fadhiyo xubintii xisbiga kale ee mucaaradka ah si uu u sheego dulmigaad tirsanayso?

Jawaab: Waa run oo ma dafirayo in lixdii xubnood ee saxeexay Axmed Bidaar inuu ka baxo Komishanka oo Madaxweynaha loo gudbiyo ayaan ka mid ahaa, laakiin Axmed Bidaar warqadiisii waan kuu hayaayey kumaanu eedayn wuu hadlay ee waxaannu ku eedaynay wax badan oo ay ka mid tahay dagaal iyo aflagaado. Markaa aniga waxa la igu eedeeyey waad hadashay.

S: Dhawaan kulan aad la yeelateen Madaxweynaha waxa la sheegay inuu xadhig idiinku hanjabay oo uu idinku yidhi waan idin xidhayaa, arrintaas maxaa ka jira?

J: Haa, waa waxyaabaha igu kelifay, waxaannu u tagnay Madaxweynaha fadhigayagii u dambeeyey wuxuu noogu hanjabay Madaxweynuhu sharcigaa la idin horgayn doonaa, haddii aad sharciga raaciwaydaan, sidii uu Baarlamankaba ka yidhi si la mid ah buu annaga oo khaas ah noogu yidhi.

S: Maadaama toddobadii xubnood ee Komishanku ka koobnaa aad labadiinii matalayey xisbiyada mucaaradku meesha ka baxdeen oo ay soo hadheen shan xubnood oo lagu tiriyo muxaad, sidee ayey Guddigii Doorashooyinku caddaalad looga sugayaa?


J: Aragtidayda dadkaan kala mid ahay oo werwer baa iga haya sida loo sii shaqayn doon. Waanan idiin sheegay in aanan rajo ka qabin inay doorasho qaban karaan, Guddigu mid diyaar u ah inay qaataan go’aan aan raaligelinayn Madaxweynaha maaha, waxaana caddaysay toddobadii xubnood ee aan maalintii hore ka hadlay ee ay joogin kariwaayeen, iyadoo telefoon uu u soo diray Madaxweynuhu, kadibna keliftay in 200 qof loo joojiyo toddobadaa qof awgood. Go’aankii labaad ee horyimaada Guddiga wuxuu noqday inay aniga go’aan iga gaadhaan, waxaanay ku dadaaleen inuu noqdo go’aan raaligeliya Madaxweynaha. Sidaa darteed haddii ay doorasho qabtaana ma kala go’aamin karaan.


Dhinaca kale, warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Komishanka Qaranka Mr. Maxamed Ismaaciil Maxamed (Kaboweyne) oo lagu shaaciyey go’aanka anshax-marinta ah ee xubnaha Guddiga Doorashooyinku xilka Guddomiye-ku-xigeenka kaga qaadeen, isla markaana digniin culus ugu jeediyeen, waxa uu u dhignaa sidan:


““Shir ay isugu yimaaddeen Xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranku, maalintii Sabtidii ee taariikhdu ahayd 03 May 2008, shirkaas oo ku qabsoomay xarunta Komishanka ee magaalada Hargeysa waxa guddoominayay Guddoomiyaha Komishanka waxaanna lagu gorfeeyey aadna looga dooday arrimo ku saabsan Guddoomiye-ku-xigeenka Komishanka Doorashooyinka Qaranka.


Mudane Xirsi waxa lagu eedeeyey inuu ku kacay falal gef ku ah wadashaqaynta ka dhexaysa Komishanka Doorashooyinka, isagoo sameeyey tallo-goosi u gaar ah oo aanay Guddiga intooda kale ku waafaqsanayn, qoraal horena looga digan, sidaa awgeed waxay Guddidu go’aamiyeen sidan hoos ku qoran:-


1- In laga qaado xilka Guddoomiye-ku-xigeenka Komishanka laga bilaabo marka ay taariikhdu tahay 04 May 2008.

2- In digniin kama dambays ah loo jeediyo Md.Xirsi, taas oo ah in aanu mar kale ku kicin gafaf noocaas oo kale ah oo ka dhana xeer-hoosaadka Guddida Doorashooyinka.


Waxaannu u sheegaynaa ummadda Somaliland in markasta naga go’an tahay guddi ahaan in aan gudano xilka nalagu aaminay oo aannu dhammaystirno si waafaqsan xeerka iyo shuruucda loo dhigay diiwaangalinta codbixiyeyaasha, doorashooyinka iyo xeer-hoosaadkaba. Waxa kale oo aanu u sheegaynaa ummadda in meel hawli ka socoto khaladaad laga waayayn, waxase muhiim ah in si wadajir ah markasta la saxo oo la toosiyo waxii khaldamay si loo gaadho himilooyinka qaranku higsanayo.

Waxa markasta waajib ah in xubin kasta oo ka mid ah Guddida Doorashooyinka Qaranka inuu ku dhaqmo xeer-hoosaadkooda si looga badbaado in lagu dhex milmo hawlaha siyaasadeed ee dalka, lana ilaaliyo dhex-dhexaadnimada iyo dhowrsoonaanta Guddiga Doorashooyinka Qaranka.”

Eng. Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa noqonaya xubintii labaad ee ka tirsan toddobada xubnood ee loo soo xulay Komishanka cusub ee Doorashoyinka Qaranka ee shaqada ka taga, iyada oo hore go’aan guddi shaqada lagaga fadhiisiyey Mr. Axmed Bidaar oo ah xubintii uu soo xulay xisbiga mucaaaradka ah ee UCID, isla markaana aan ilaa hadda xal laga gaadhin cidii beddeli lahayd, sidoo kalena Eng. Xirsi yahay xubintii uu soo magacaabay xisbiga kale mucaaradka ee KULMIYE.


Khilaafka cusub ee markale waqtigan ka dhex dillaacay Komishanka Doorashooyina Qaranka, ayaa u muuqda mid xaabada u sii badinaya khilaafyada cakiran ee ku gedaaman saaxadda qabsoomidda doorashooyinka degaanka iyo madaxtooyada ee lagu muransan yahay xilliga ay dalka ka dhacayaan, arrintaas oo walaac iyo werwer hor leh ku abuurtay guud ahaan shacbiga Somaliland iyo cid kasta oo jecel geeddi-socodka hannaanka dimoqraadiyadda ee ka hanaqaaday Jamhuuriyadda Somaliland.

No comments: