Thursday, May 1, 2008

Mashruuca Seeraha, Kobcinta Xoolaha Dhoofka iyo Beeraha G.Oodwayne














Oodwayne.blogspot.com
1 da May 2008.

Waxa Qoray: Cabdinasir Maxamed Cabdilleh "Sigis"

Mashruucani waa laf dhabartii dhaqaalaha degaanka Gobolka Oodwayne isla markaasna ah kii lagu yiqiinay degaankan intii aan la kala baylihin ee aan waqti hore kabihiisa loo kala tuurin afarta baynul jaho. Lixdanii iyo Todobaatanadii ka hor waqtigii ay soo if baxday kala kaxee oo iska hor gee beelaha waqooyiga ee Siyaasaddii Dawladdii Cabdirisaq X Xuseen ilaa Siyaad Barre Waxaa laga shaqaynayey sidii loo Burburin lahaa Mashruuc kastoo keeni kara ilo dhaqaale iyo isku filaansho si maskax iyo maalba loo jihaysto koonfur oo degaankan iyo kuwo la midaba loo mija xaabiyo.

Seerihii degaanka ee caanka ku ahaa DAAQa sida Ceel Xume, Kaba dheere Duleedkiisa ilaa Buuraha Gacan Libaax oo ah dhul hodan ku ah daaqa Cawka iyo Biyaha... Xaaxi ilaa bananka Tuuyo dushiisa Lo'da iyo adhigaba lagu sii dayn jiray.

Waa in maanta maamulka degaanku ee Gobolku soo celiyo isagoo la kaashanaya ganacsatada iyo Hay'adaha una furaya indhahooda si ay wax ula qabtaan wada tashi leh iyo huritaanka maalgalinta. Halkan Maxjarka ay rabto dawladdu in Lagu baadho xoolaha uu ku habboonaa degankan marka Maraakiibtii qaadi lahayd soo xidhaana loo daabuli lahaa Xoolaha si loo dhoofiyo. Waxaanu u sheegayna madaxda degaanka Gobolka Oodwayne inay u doodaan oo u sheegaan dawladda in Maxjarka Caafimaadka iyo Kobcinta Xoolaha xaruntiisa Dhabta ahi tahay Oodwayne oo ay hoos yimaadaan 50 tuulo in ka badan.

Seerihii iyo ceelal baaxad leh na laga sameeyo oo dhakhaatiirta iyo shaqaalahaba loo dhiso guryihii ay degi lahaayeen (Compound), haddii taasi u cuntami waydo waa inay ganacsatadu maal gashato Maxjarka oo 100,000 oo neef iyo ka badanba marsiin kara bil walba Caafimaad iyo daryeel joogta leh haddii loo baahdo dhaqniin iyo kobcin tamarta si neefku ku suuq galo isagoo helay muddo yar oo bil ah inuu daaq iyo biyo wacan helo taasoo gaadhsiisa, inuu maro shaybaarkii baadhista caafimaadka si loo siiyo shahaadooyinkii ama Certification of Health Registrar.

Waxaa loo ballamiyey nin Carbeed Xoolaha inuu inaga taakuleeyo dhoofkooda markaa ma
xaj ilaa xaj ayeynu carabka sugnaa mise waa inay Jabuuti ku tidhaahdo Carabta annaga ayaa Soomaliland xoolaheeda gacanta kuugu hayna iyo dhoofinta maamulkeedaba.

Bal waxaan rabnaa inay dhab ka tahay iyo in Waddaniga Ganacsadaha ah ee u dhashay Soomaaliland ilaahay mooyee inaanu waligii qof kale isu daba taagin xoolaha la dhoofiyo...Waana ilaahay nimco qani ah oo uu na siiyey. Ma suurto gashaa inuu nin Carabi patroolkiisa uu isu kay daba taago. Waayo maya Jawaabtu!!!

"Ilaahay qofna maduleeyo ee qofku isagaa is duleeya".
Anigana in Maamulkaygu i duleeyo ilaahay baan ka magan galay.

Xoolahana Qiimaha iibgaynta iyo dhoofintu waa inuu la jaan qaadaa sicir bararka haddii quutal daruurigii cirka isku shareeray waa in Qiimaha neefkuna kor u koco 35% oo ah inuu ku iib galo $ 45 neefka adhiga ahi inta aan la dhoofin oo uu kor u kacaa kii guduhuna 15% oo ah in ninkii reer miyiga ahaa u goysa raashin uu quuto.

Ganasadaha runta ahina waa kii aan isu daba taagin nin kale sidii uu lacag u samayn lahaa,( Creative Thinker) waana kii Fursadaha samaysan lahaa reer Oodwaynow waxaa la idiinka fadhiyaa maamul iyo nin deeq ilaahay siiyeyba sidii aad Maxjarkiinii u Furi lahaydeen una dibaaqan lahaydeen xoolaha aad degaankiina ku soo barbaariseen ee neef neefka aad u kala taqaaneen oo Cashuur dakhli ah oo degaanku leeyahay iyo mid Dawladeedba aad ula soo bixi lahaydeen una samaysan lahaydeen isku filaansho dhaqaale, waa la idiin sheegayoo waxa af cad la idinku yidhi Gobol baad sheegateena markaan xafladdan Furitaanka Gobolka ku kala dareerno hanaga daba imanina ee isku filaada. Waa yahay ee isku filaansho waa ilo dhaqaale abuuro oo cashuur meeshii aad kala soo bixi lahayd iyo horumarka degaanka u tabaabushayso waa fikrad guud oo ku socota Maamulka Cusub.
Ilaahay baa deeq iyo raxmad leh abaartii laga bax oo gu’giina waa kan curtay ee soo KAABO ilo dhaqaale iyo shaqo abuuris keenta horumar kaamil ah.

Intaa waxa ii dheer mashruuca ceelasha biyaha ee gaagaaban ee loo yaqaan Ceelal Dixeedka oo ku xeeran Beerato iyo dal dawan(Valley of Water Wells). Kuwaas oo qof joogiisa la qodi karo oo aan u baahnayn mashiino waaweyn iyo qalab culus.(dhererkiisu waa ilaa lanba Mitir) oo soo maaxda kuna shaqeeya Solar Water Pump, Diesil Pump iyo wadaamo hadba inta aad isticmaali kartona ka dhaansatid, waa kuwa beeraha iyo wax soo saarka aad ku waraabin karto.

Beeraha la waraabiyo ee biyaha joogtada ah leh waxaad ka soo saari kartaa khudaarta la isticmaalo ee nolol maalmeedka sida Tamaandhada, Basasha, Dabacasaha, Saladhka, Kamsarada, iyo wax walba oo aad heli karto Siidhkiisa.
Si loo beerto khudaartan kala duduwan ee maalin walba loo baahdo oo kaga soo kabanayso shaqo la’aanta jirta waa inaad xidhiidh adag la samaysaan hay’adaha iyo Wasaaradda Beeraha xarunna looga furaa Oodwayne.....halkan aan ku soo laabto mar kale hadhuudhka, Aarabakhida iyo digirta oo ah( seaonal crops).
Iyaguna waa meelahii dabiiciga ahaa ee ay ka baxayeen Oodwayne - Beerato. Iyo meelo kale oo badan oo ilaahay ku manaystay ciid iyo biyo ku wacan beerista, taasoo iyana ina tusaysa inuu degaankani yahay qani laakiin dabran yahay.
Dedaalka wax soorka caafimaadka qaba ee ka fog qabiilka iyo dib u dhacuna waxuu abuuri karaa iskaashi iyo wax soosaar. Waxa aafeeyey qaaradda madow manta waa hayb sooc qabiil kala sheegasho iyo xaasidnimo. Halkan waxaan ula beegsaday inaan hor dhigo maamulka degaankani inay dedaalaan oo ay ku deydaan kuwa la midka ah cimilo iyo degaanba. sidaas bay Soomaliland horumar ku gaadhi kartaa kuna kasban kartaa dakhli isku filaansho cashhuur iyo wax qabad lagu gaadho GOBOLKII LA HIGSANAYEY INAANU FASHILMAN!.

wa Billahi Towfiiq.

Cabdinasir M Cabdilleh “Sigis"
Toronto, Kanada

No comments: