Tuesday, December 1, 2009

Kulan Lagaga Hadlayay Adkaynta Nabadelyada ayaa ka Furmay Maamulka Gobolka Oodweyne Iyo War

Nov 30, 2009

Hargaysa,(Qarannews)
Kulan balaadhan oo lagaga hadlayay adkaynta nabadelyada ayaa ka furmay xarunta maamulka ee gobolka Oodweyne.


Kulankaasi oo ay ka soo qayb galeen madaxda booliiska ee gobolka Oodweyne waxaana si qoto dheer loogu falan qeeyay adkaynta nabadgelyada iyo sidii wax looga qaban lahaa guud ahaan.


Kulankan oo socon doona dhawr cisho waxa lagu gorfayn doonaa habka wada shaqayneed ee maamulka gobolka iyo hay'adaha amniga ay u wada shaqayn lahaayeen iyadoo ay iskaashi la yeelanayaan dadweynaha gobolkaasi.

Wednesday, November 11, 2009

Guddoomiyaha Gobolka "Daad Madheedh" Oodwayne oo oo Dooxooyinka Galloolay iyo Qalloocato soo Gaadhsiiyey Qalabka Beeraha iyo 30 Dibi oo qoda beeraha


















Oodweynenews.com

Gudoomiyaha Gobolka Daad-madheedh [Oodweyne] Oo OOWEYNENEWS.COM U Sheegay In dooxooyinka Galloolay iyo Qalloocato La Soo Gaadhsiyey Deeq Isugu Jirta 30 Dibi Iyo Qalabka Beer-qodaalka

Oodweyne (Oodweynenews)- Gudoomiyaha Gobolka Daad-madheed Maxamed Cabdi Liibaan [Oodweyne] ayaa shaaca ka qaaday in Hay’ada waddaniga ah ee Candlelight ugu deeqday dadweynaha beeralayda ah degan dooxooyinka Galloolay iyo Qalloocato 30 Dibi oo ah kuwa loo isticmaalo beer-qodaalka, isla markaana waxa uu tilmaamay inay deeqdaas ay weheliyeen qalabka loo adeegsado beer-qodaalka ee dibida lagu xidho marka ay wax qodoyaan.

Gudoomiyuhu waxa uu sidan ku sheegay mar uu caawa khadka Telefoonka ugu waramayay xafiiska wararka ee Oodweynenews.com ee magaalada Hargaysa, isaga oo tibaaxay in deeqdaasi ahayd mid loogu talo-galay in kor loogu soo qaado dadaalada wax-soo-saarka ee dadka ku nool labada dooxo ee Galloolay iyo Qalloocato oo ka mid ah dooxooyinka waa weyn ee Gobolka Daad-madheedh.

“Haa, deeqdaasi way na soo gaadhay oo waxaa wadday Hay’ada waddaniga ee Candlelight oo ay wehelinasay Wasaarada beeraha oo uu ka socday Agaasimaha Guud ee Wasaarada Beeraha. waxaana ay ahayd deeq aad loogu baahnaa oo wax weyn ka taraysa baahida ay dadku u qabaan waxyaabaha loo adeegsado Beeritaanka.” Sidaa waxa yidhi Gudoomiyaha Gobolka Daad-madheedh Maxamed Cabdi Liibaan oo ka jawaabayay su’aal ku tacaluqday inay deeqdaasi soo gaadhay.

Mar aanu Gudoomiyaha sii waydiinay noocyada deeqdaasi isugu jirtay, waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi “Haddii aan wax idiinta tibaaxo noocyada deeqdaasi ka koobnayd, waxa ay isugu jirtay 30 Dibi oo ah kuwa loo adeegsado beer-qodaalka. Dibidaas 10 ka mid ahi waxa ay u tababaran yihiin qaabka wax loo qodo, halka 20 kalena ay u baahan yihiin in la carbiyo oo la baro qaabka wax qoditaanka. Waxaa kale oo la socday dhamaan noocyada qalabyada ah ee Dibidu beerta ku qodo.”

Gudoomiyuhu waxa uu uga mahad-celiyey Hay’ada waddaniga ah ee Candlelight Dibidaas iyo qalabkaas loogu deeqay dadka beeralayda ah ee ku dhaqan dooxooyinka Qalloocato iyo Galloolay.

C/shakuur Xaaji Muxumed Muuse [C/heersare]

Oodweynenews.com/ Hargaysa/Somaliland

Cabdiheersare01@hotmail.com/heersare2009@gmail.com

Burco:Baaq Tageero ah oo ka soo baxay golaha guurtida beesha Habaryoonis










Written by Qarannews

Nov 10, 2009
Burco,(Qarannews)-Kulun balaadhan oo ay maanta isugu yimaadeen guurtida beesha Habaryoonis oo ka dhacay guriga guurtida Habaryoonis ee magaalada Burco, ayaa waxa ay guurtidu si buuxda u taageereen baaqii uu suldaan Yusuf Muxumed Xiiray doraad kaga dhawaaqay magaalada London, kaasi oo ku saabsanaa in beelaha Habaryoonis ay isugu yimaadaan kulan ka dhici doona magaalada Burco 20/1/2010, kulankaasi oo beeshu ku soo dhawayn doonto beesha Kuul Care oo in mudo ah ay kala maqnaayeen beelweynta kale ee Habaryoonis, iyo sidoo kale qodobadii uu suldaanku uu tilmaamay, kuwaasi oo dhamaantood ka baxsan siyaasada sidii uu suldaan Xiiray ku cadeeyay qoraalkii uu ka soo saaray magaalada London.

Afhayeenka golaha guurtida beesha Habaryoonis isla markaasna ah gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha mudane Ibrahim Yusuf Diiriye oo Burco kula hadlay shabkada qarannews ayaa soo dhaweeyay baaqii Suldaan Yuusuf Xiiray, waxana uu sheegay in hada waxii ka danbeeya loo dhaqaaqaayo qaban qaabadii shirkaasi dhici doona 20/1/2010.

Ibrahim Yusuf Diire waxa uu soo dhaweeyay baaqyada dhamaan ka imanaaya beel weynta Habaryoonis meel kasta oo ay joogtaba, waxana uu dhamaan qurba jooga beesha Habaryoonis ugu baaqay in ay shirkaasi ka soo qayb galaan, shirkaasi oo aan haba yaraatee wax siyaasad ah lug ku lahayn.

Shalay ayaa magaalada Ceerigaabo waxa iyana shirkaasi si buuxda u taageeray isla markaasina soo dhaweeyay Suldaan Siciid Cali Ducaale iyo Boqor Axmed Cali Ducaale oo ka mid ah hogaamiye dhaqameedyada sida aadka ah looga qadariyo gobolka Sanaag.

URURKA LIIBAN- USA OO LAGAGA DHAWAQAY MAGAALADA MINNEAPOLIS EE GOBOLKA MINNESOTA EE DALKA MAREYKANKA

MINNEAPOLIS(Oodweynenews)

SHIR BALAADHAN OO AY ISUGU YIMADEEN DHALINYARADA AHNA AQONYAHANIIN U DHALATAY BEELAHA HABARYOONIS EE KU SUGAN GOBOLKA MINNESOTA USA.

SHIRKASOO KADHACAY HOLKA WEYN EE SHIRARKA EE LO YAQAN UNIVERSITY HALL, KASOO AY KA SOO QEYB GALEEEN DHAMAAN ARDAYDA JAMACADAHA KA DHIGATA IYO KU WII KABAXAY JAMACADAHA GOBOLAKA MINNESOTA EE U DHASHAY BEELAHA HABARYOONIS, EE KU NOOL GOBOLKA MINNESOTA EE DALKA MAREYKANKA . HALKAs OO LAGU GO, AAMIYAY IN LAGAGA DHAWAAQO URURKA LIIBAN USA. MADAMA AYNU ARAGNAY HOWSHA WANAGSAN EE UU QABTAY URURKA LIIBAAN UK, MUDADII UU JIRAY URURKAA . INAGO AAD IYO AAD UGU FARAXSAN UGANA MAHAD CELINEYNA HOWSHA WANAGSAN OO AY KAWADAAN UK, IYO GUUD AHAANBA DALKII HOOYO .HADABA URURKA LIIBAAN UK , WAXAANU LE NAHAY HAMBALYO, HAMBAYO LIIBAAN UK.

INTAA KADIB URURKA CUSUB EE LIIBAAN USA,WAXA UU WAX WEEYN KA TARI DOONAA, HOR U MARINTA DEEGANADA BEELAHA HABARYOONIS EE KU KALA YAAL JAMHUURIYADA SOMALILAND IYO KILINKA SHANAAD EE ISMAAMULKA SOMALIDA ETHIOPIA. URURKA WAXA UU XOOGA SAARI DONA,SIDA HOR U MARINTA DHINACYADA WAXBARASHADA, CAAFIMAADKA IYO HOR UMARINTA BULSHADA.

URURKA LIIBAAN USA WAXA UU BALAN QADAYAA , CID WALBA OO KA TIRSAN BEESHA ,WAANU SOO DHAWEYN IN AAY KA QEYB QADATO DHISMAHA URUKA LIIBAAN USA.FADLAN CIDII DONAYSA IN AAY KA MID NOQOTA URURKA LIIBAAN USA. FADLAN LA SOO XIRIIR GUDIDA DHISMAHA URURKA LIIBAAN USA EE XARUNTIISU TAHAY MAGAALADA MINNEAPOLIS EE GOBOLKA MINNESOTA EE CARIGA MAREYKANKA.

FADLAN LASOO XIRIIRA .GUDOOMIYAHA GUDIGA QABAN QABADA EE URURKA LIIBAAN USA.

Suldaan Cabdi Wahaab Haji Omar Abdala.

Kulan Balaadhan oo Beelaha Habar Yoonis Isugu Iman Doonaan Magaalada Burco laguna Casuumay.














London(Oodweynenews)-Suldaan Yusuf Muxumed Xiiray oo ka mid ah Salaadiinta beelaha Habaryoonis ayaa maanta shir jaraa'id ku qabtay gurigiga uu ka deganyahay magaalada London, shirkaasi oo uu suldaanku kaga hadlay qodobo dhowr ah wax uu dhamaan beelaha Habaryoonis ee dega dhamaan gobolada Somaliland iyo kuwa degan dalalka dibada iyo deriskaba ugu dhawaaqay in ay isugu yimaadaan shir ama kulan balaadhan oo dhici doona, 20'ka bisha 1'aad ee 2010'ka, shirkaasi ama kulankaasi oo uu suldaanku sheegay in uu ka dhici doono xarunta gobolka Togdheer ee magaalada Burco

Suldaanka oo ay saxaafadu waydiisay waxa xiligan ay beeshu ka wada hadli doonto ee uu kulankaasi ugu iclaamiyay? Ayaa waxa uu suldaanku sheegay in beeshu ka wada hadli doonto arimo dhowr ah taasi oo ay ugu horayso ama ay kow ka tahay sidii shirkaasi oo loogu soo dhaweynaayo beesha KUUL CARRE oo in muddo ah ay kala maqnaayeen beesha Habaryoonis inteeda kale. iyo sidoo kale dib u habaynta dekedda magaalada Maydh ,iyo wadada Tabaca ee isku xidha magaalooyinka Ceerigaabo iyo Maydh iyo sidoo kale Dhismaha iyo hagaajinta wadada isku xidha Ceerigaabo iyo Burco iyo sidoo kale waddada isku xidha magaalada Oodweyne iyo magaala madaxda Somaliland ee Hargeysa.

Suldaanku waxa kale oo uu fariin u diray dhamaan beelaha dega Somaliland iyo beelaha kale ee ay oodwadaagta leeyihiin beesha Kuul Care in ay shirkaasi ka soo qayb galaan ka dhici doona magaalada Burco, oo lagu marti qaadi doono isla markaasina ay beelaha Habaryoonis soo dhawayn doonaan cidii shirkaasi ka soo qayb gasha.

Suldaan Xiiray waxa uu ka dhawaajiyay in aanu shirkani ahayn mid siyaasadeed ee uu yahay mid dhaqan isla markaasna uu u furanyahay oo lagu casuumaayo xukumada Somaliland iyo xisbiyada qaranka ee Somaliland, Golayaasha, qarankaculimo awdiinka, abwaanada, dhalinyarada saxaafda iyo cid alaale iyo cidii uu khuseeyo.

Suldaanku waxa uu sheegay in qaban qaabada kulankaasi oo in mudo ah socotay ay hada tahay mid si fiican loogu diyaar garoobay oo la qaban doono taariikhdaasi kor ku xusan.

URURKA HORUMARINTA G/ OODWAYNE OO BAAQ U JEEDIYEY QURBA JOOGA REER OODWAYNE

Dubai(Oodweynenews)

Gudida qaban qaabada shirka ee beesha H/Y waxay si buuxda u soo dhaweynayaan baaqa suldaan Yusuf Muxumed Xiirey ee lagu balamay magaalda Burco bisha 20/01/10 ,sidoo kale ururka horumarinta gobolka oodweyne ayaa fadhigoodii xalay ku gudoonsaday iney ugu baaqaan dhamaan qurba jooga beesha H/Y sidii ay uga qayb geli lahaayeen shirkaas oo sida uu suldaanku u shaaciyey ka madax banaan siyaasad,waxay gudiyadaasu ugu baaqayaan dhamaan wax garadka aqoonyahanka siyaasiyiinta maalqabeenka beesha H/y iney si buuxda uga soo qayb galaan,waxa kale oo gudiyadani hambalyo iyo bogaadin u soo gudbinayaan gudida beesha H/Y ee dalka U/K sida fir fircoon ay ugu hawshan yiin danaha beesha iyo dalka guud ahaan.

Friday, September 4, 2009

Xaaladda waxbarasho ee Gobolka Oodwayne

(oodweynenews 10/02/08)

Oodweyne Waxa soo if baxday Xaaladda Waxbarasho ee Degmada Oodweyne taasi oo lagu tilmaamay inay tahay mid Heer sare ah, Magaalada Oodweyne waxa ka Furan duygsiyo kala duwan Dugsi Hoose dhexe iyo Dugiga sare kaasi oo ay wax ka bartaan dhamaan Dhalinta Deegaanka, Dugsigaasi ayaa waxa uu ku baxaa Luqadda Carabiga sida ay sheegeen Maamulka Iskuulka.

Iskuulkaasi ayaa waxa la sheegay inay dhigtaan Arday fara badan kuwaasi oo isugu jira Wiilal iyo Gabdho. Maamulka Iskuulka Hoose dhexe ayaa sheegay inay hawsha Iskuulku ay meel wacan marayso isaga oo farta ku fiiqay inaanay wax taakulayn ah ka helin dhamaan Hay"addaah waxbarashada Daneeya oo ay ka sugayeen macaawino.

Maamulka ayaa waxa kaloo uu sheegay inay dhawaan soo Gebagebeeyeen Xaflad loo qabtay Ardayda Iskuulka taasi oo Ujeedkeedu ahaa inay Abaal barin lagu siiyo Ardayda ka Baasta Intxiaanka Dhexe ama loo Yaqaan Term-ka.

Degmada Oodweyne ayaa waxa lagu tiriyaa inay safka hore kaga jirto xaga waxbarashada ee gobolka togdheer. Degmada Oodweyne ayaa waxa ay sheegeen dadka Deegaanu inuu yahay mid Aqoonta halkaasi lagu dhigaa ay tahay mid Loo bogay oo dhabaan soo jiidatay dad waynaha Deegaanka.

Macalimiinta Iskuulka kuwaasi oo ku bays-garysan heerka macalinnimo oo ah kuwa loo Tababaray inay dhigaan Iskuulada,taasina waxay sahlaysaa inay Ardayda iyo Macalimiintu Isla jaan qaadaan.

Saturday, August 8, 2009

Beeraleyda Oodwayne iyo Nawaaxigeeda oo Tababar iyo Qalab Shiniyeed loo qaybiyey

Beeralayda Oodweyne Iyo Nawaaxigeeda Oo Tababaro Iyo Qalabka Shiniyeed Loo Qeybiyey.

Saturday, August 08, 2009

Burco(HWN)- Shan iyo afartan xubnood oo ka mid beeralayda Tuulooyinka , Xaaxi, Caasho cado, iyo beerato oo ka mid degaanka Gobolka Oodweyne,uga furtay Tababarada Casriga ee Shinni dhaqashada, Islamarkaana waxay beeralaydaas u qaybisay Qalabka shinni dhaqashada oo dhamaystiran.



Furitaankii Tababaradaa Shinni Dhaqashada ayaa waxa ka hadalay Axmed Jamaac Faarax iyo Hussein Cali Maxamed oo ah khabiiro aqoon sare u leh habka casriga ah ee shinnida loo dhaqo,ahaana macalimiintaii Tababarka bixinayay ayaa ka sharaxaad ka bixiyay Ujeedada Tababardan iyo Muhiimada ay u leedahay Beeralayda,iyagoo arintaas ka hadlayana waxay yidhaadeen “Ujeedooyinka ee loo dajiyay barnaamijkan isdabajooga ahaa waxay ku salaysnayd in beeraleyda Somaliland lagu baraarujiyo waxtarka shinni dhaqashadu u leedahay dhaqaale kobcinta iyo daryeelka caafimaadka iyo sidoo kale doorka ay ka qaadato bacriminta beeraha iyo degaankaba,

Hay’add lagu magacaabo Beri-Somal Development, oo furtay tababarada ayaa waxay u diyaarisay malab soo sarayaasha sidii loogu heli lahaa malab tayo leh oo suuqa kula tartami kara malabyada kale ee wadanka la keeno, iyadoo ay Hay’adu keentey weelka malabka lagu shubo iyo label yadii lagu dhajin lahaa, lebaladaas oo xambaarsan astaanta Hay’ada Berri-Somal Developemt.Waxay intaas ku dareen Khabiiradan bixinayay Tababarada shinni dhaqashadu inay Beerlaydii tababarka la siinayay ay u qaybiyeen qalab ka kooban dharka shinnida laga xidho,saxaaradaha shinnida lagu dhaqo, gacmo gashi, brush ka shinnida, qiijiye, Buug ka hadlaya habka asaaska ah ee shinnida loo dhaqdo iyo qalabyo kale oo lagaga shaqeeyo shinnida,sidoo kale waxaan Qalabkan iyo tababaro siinay Afartan xubnood oo Beeralayda magaalooyinka Go’o iyo Cadaadley.

Waxay labadan khabiir ku soo xidheen hadalkoodii in Hay’addan oo ahayd tii ugu horeysay ee Somaliland soo gaadhsiisa barashada cilmiga Shinnida casriyaysan,islamrkaana ay u qorshaysan tahay ha,yadd ahaan inay sanadkan ka fuliso tababaradan oo kale magaalada Aleybaday, iyo gobolka Sanaag,waxayna u mahadceliyeen masuuliyiintii dawlada ee goobaha ay ka fuliyeen tababaradan.

Hay’addan ayaa saldhigeedu yahay magaalada Helsinki,ee wadanka Finland, lana asaasay 1996kii,oo ay asaaseen xubno u dhashay Somaliland,waxayna hore tababaro uga fulisay gobolada ay ka mid yihiin Sanaag oo ay tababaro ka fulisay sanadihii 2000 kii iyo 2003 halkaas oo lagu tabo baray ardey tiradoodu gaadhayso 150 xubnood, Sanadihii 2004,2005 iyo 2007 kiina ay tababaro ka fulisay gobolada Saaxil iyo Maroodi jeex.


TogdheerNews..Burco