Wednesday, November 11, 2009

Guddoomiyaha Gobolka "Daad Madheedh" Oodwayne oo oo Dooxooyinka Galloolay iyo Qalloocato soo Gaadhsiiyey Qalabka Beeraha iyo 30 Dibi oo qoda beeraha


















Oodweynenews.com

Gudoomiyaha Gobolka Daad-madheedh [Oodweyne] Oo OOWEYNENEWS.COM U Sheegay In dooxooyinka Galloolay iyo Qalloocato La Soo Gaadhsiyey Deeq Isugu Jirta 30 Dibi Iyo Qalabka Beer-qodaalka

Oodweyne (Oodweynenews)- Gudoomiyaha Gobolka Daad-madheed Maxamed Cabdi Liibaan [Oodweyne] ayaa shaaca ka qaaday in Hay’ada waddaniga ah ee Candlelight ugu deeqday dadweynaha beeralayda ah degan dooxooyinka Galloolay iyo Qalloocato 30 Dibi oo ah kuwa loo isticmaalo beer-qodaalka, isla markaana waxa uu tilmaamay inay deeqdaas ay weheliyeen qalabka loo adeegsado beer-qodaalka ee dibida lagu xidho marka ay wax qodoyaan.

Gudoomiyuhu waxa uu sidan ku sheegay mar uu caawa khadka Telefoonka ugu waramayay xafiiska wararka ee Oodweynenews.com ee magaalada Hargaysa, isaga oo tibaaxay in deeqdaasi ahayd mid loogu talo-galay in kor loogu soo qaado dadaalada wax-soo-saarka ee dadka ku nool labada dooxo ee Galloolay iyo Qalloocato oo ka mid ah dooxooyinka waa weyn ee Gobolka Daad-madheedh.

“Haa, deeqdaasi way na soo gaadhay oo waxaa wadday Hay’ada waddaniga ee Candlelight oo ay wehelinasay Wasaarada beeraha oo uu ka socday Agaasimaha Guud ee Wasaarada Beeraha. waxaana ay ahayd deeq aad loogu baahnaa oo wax weyn ka taraysa baahida ay dadku u qabaan waxyaabaha loo adeegsado Beeritaanka.” Sidaa waxa yidhi Gudoomiyaha Gobolka Daad-madheedh Maxamed Cabdi Liibaan oo ka jawaabayay su’aal ku tacaluqday inay deeqdaasi soo gaadhay.

Mar aanu Gudoomiyaha sii waydiinay noocyada deeqdaasi isugu jirtay, waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi “Haddii aan wax idiinta tibaaxo noocyada deeqdaasi ka koobnayd, waxa ay isugu jirtay 30 Dibi oo ah kuwa loo adeegsado beer-qodaalka. Dibidaas 10 ka mid ahi waxa ay u tababaran yihiin qaabka wax loo qodo, halka 20 kalena ay u baahan yihiin in la carbiyo oo la baro qaabka wax qoditaanka. Waxaa kale oo la socday dhamaan noocyada qalabyada ah ee Dibidu beerta ku qodo.”

Gudoomiyuhu waxa uu uga mahad-celiyey Hay’ada waddaniga ah ee Candlelight Dibidaas iyo qalabkaas loogu deeqay dadka beeralayda ah ee ku dhaqan dooxooyinka Qalloocato iyo Galloolay.

C/shakuur Xaaji Muxumed Muuse [C/heersare]

Oodweynenews.com/ Hargaysa/Somaliland

Cabdiheersare01@hotmail.com/heersare2009@gmail.com

No comments: