Wednesday, November 11, 2009

Kulan Balaadhan oo Beelaha Habar Yoonis Isugu Iman Doonaan Magaalada Burco laguna Casuumay.














London(Oodweynenews)-Suldaan Yusuf Muxumed Xiiray oo ka mid ah Salaadiinta beelaha Habaryoonis ayaa maanta shir jaraa'id ku qabtay gurigiga uu ka deganyahay magaalada London, shirkaasi oo uu suldaanku kaga hadlay qodobo dhowr ah wax uu dhamaan beelaha Habaryoonis ee dega dhamaan gobolada Somaliland iyo kuwa degan dalalka dibada iyo deriskaba ugu dhawaaqay in ay isugu yimaadaan shir ama kulan balaadhan oo dhici doona, 20'ka bisha 1'aad ee 2010'ka, shirkaasi ama kulankaasi oo uu suldaanku sheegay in uu ka dhici doono xarunta gobolka Togdheer ee magaalada Burco

Suldaanka oo ay saxaafadu waydiisay waxa xiligan ay beeshu ka wada hadli doonto ee uu kulankaasi ugu iclaamiyay? Ayaa waxa uu suldaanku sheegay in beeshu ka wada hadli doonto arimo dhowr ah taasi oo ay ugu horayso ama ay kow ka tahay sidii shirkaasi oo loogu soo dhaweynaayo beesha KUUL CARRE oo in muddo ah ay kala maqnaayeen beesha Habaryoonis inteeda kale. iyo sidoo kale dib u habaynta dekedda magaalada Maydh ,iyo wadada Tabaca ee isku xidha magaalooyinka Ceerigaabo iyo Maydh iyo sidoo kale Dhismaha iyo hagaajinta wadada isku xidha Ceerigaabo iyo Burco iyo sidoo kale waddada isku xidha magaalada Oodweyne iyo magaala madaxda Somaliland ee Hargeysa.

Suldaanku waxa kale oo uu fariin u diray dhamaan beelaha dega Somaliland iyo beelaha kale ee ay oodwadaagta leeyihiin beesha Kuul Care in ay shirkaasi ka soo qayb galaan ka dhici doona magaalada Burco, oo lagu marti qaadi doono isla markaasina ay beelaha Habaryoonis soo dhawayn doonaan cidii shirkaasi ka soo qayb gasha.

Suldaan Xiiray waxa uu ka dhawaajiyay in aanu shirkani ahayn mid siyaasadeed ee uu yahay mid dhaqan isla markaasna uu u furanyahay oo lagu casuumaayo xukumada Somaliland iyo xisbiyada qaranka ee Somaliland, Golayaasha, qarankaculimo awdiinka, abwaanada, dhalinyarada saxaafda iyo cid alaale iyo cidii uu khuseeyo.

Suldaanku waxa uu sheegay in qaban qaabada kulankaasi oo in mudo ah socotay ay hada tahay mid si fiican loogu diyaar garoobay oo la qaban doono taariikhdaasi kor ku xusan.

No comments: