Wednesday, November 11, 2009

Burco:Baaq Tageero ah oo ka soo baxay golaha guurtida beesha Habaryoonis










Written by Qarannews

Nov 10, 2009
Burco,(Qarannews)-Kulun balaadhan oo ay maanta isugu yimaadeen guurtida beesha Habaryoonis oo ka dhacay guriga guurtida Habaryoonis ee magaalada Burco, ayaa waxa ay guurtidu si buuxda u taageereen baaqii uu suldaan Yusuf Muxumed Xiiray doraad kaga dhawaaqay magaalada London, kaasi oo ku saabsanaa in beelaha Habaryoonis ay isugu yimaadaan kulan ka dhici doona magaalada Burco 20/1/2010, kulankaasi oo beeshu ku soo dhawayn doonto beesha Kuul Care oo in mudo ah ay kala maqnaayeen beelweynta kale ee Habaryoonis, iyo sidoo kale qodobadii uu suldaanku uu tilmaamay, kuwaasi oo dhamaantood ka baxsan siyaasada sidii uu suldaan Xiiray ku cadeeyay qoraalkii uu ka soo saaray magaalada London.

Afhayeenka golaha guurtida beesha Habaryoonis isla markaasna ah gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha mudane Ibrahim Yusuf Diiriye oo Burco kula hadlay shabkada qarannews ayaa soo dhaweeyay baaqii Suldaan Yuusuf Xiiray, waxana uu sheegay in hada waxii ka danbeeya loo dhaqaaqaayo qaban qaabadii shirkaasi dhici doona 20/1/2010.

Ibrahim Yusuf Diire waxa uu soo dhaweeyay baaqyada dhamaan ka imanaaya beel weynta Habaryoonis meel kasta oo ay joogtaba, waxana uu dhamaan qurba jooga beesha Habaryoonis ugu baaqay in ay shirkaasi ka soo qayb galaan, shirkaasi oo aan haba yaraatee wax siyaasad ah lug ku lahayn.

Shalay ayaa magaalada Ceerigaabo waxa iyana shirkaasi si buuxda u taageeray isla markaasina soo dhaweeyay Suldaan Siciid Cali Ducaale iyo Boqor Axmed Cali Ducaale oo ka mid ah hogaamiye dhaqameedyada sida aadka ah looga qadariyo gobolka Sanaag.

No comments: