Wednesday, September 26, 2007

Ururka Bilowga Dejinta iyo Horumarinta Hawd.

Hawd Initiative Deployment and Development Organization (HIDDO).

Urukani waxa uu hormood u noqon doonaa mashruuc lagu hormarinayo degaanka hawd oo inay waalidku carruurtooda ku hayn karaan iskuulka iyo degaanka oo aan guur guur lahayn, taa soo bar tilmaameed u noqon doonta inay reerku isku filaansho xoolo iyo meherado ka furtaan oo laga caawiyo lana tuso sidii ay u hanan lahaayeen go'aan salka ku haya nolol mujtamac iyo bulsho abuurid leh kuna caano maalaan oo haysan karaan ku noolaasho degaanka tuulo.

Waa maxay in mar walba ay su'aashani soo noqnoqoto taasoo dhaliil wayn iska leh
Maxay horumar u gaadhi waayaan tuulooyinka ka durugsan magaalooyinka siiba hawd?.
mar hadii tuulado tahay meel reer miyigu aanay ku noolaan karin iyadoo bulsho ku filan oo laga ganacsan karaa ku noolayn dadkuna xoolo dhaqato yihiin uun daba jooga xoolahaas nolol kale aan lahayn caanaha iyo subagga inay keenaan magaalada carruurtiina noloshoodu ku daba lunto xoolo raac bariito wax Cilmi iyo xirfad midna aanay u dheerayn. waxaa nala gudboonaatey in aan ka soo shaqayno sidii hore loogu marsiin lahaa degaanka oo ay noqon lahayd meel cilmi iyo nololba laga heli lahaa oo taageero iyo kalsoono siisa dad hanan kara in loo sameeyo dhakhtar iyo iskuulo ganacsi iyo tababar xirfadeed.

Intani wa hordhaca mashruuca qaybtiisa qorshaysani waa daraasad lagu hirgalin doono ilaa 50 tuulo oo hoos yimaada degmada Oodwayne iyo Durukhsi.

waxii tusaalayn ah waa furantahay ee nagala soo xidhiidha nasirsix@gmail.com

Wa billahi Towfiiq,
C/Nasir M Cabdilleh

Sunday, September 23, 2007

Xarunta Horumarinta Ganacsiga ee Oodwayne

Oodwayne Small Business Development Center (O-SBDC)

Halkani waa xarun aanu ka dalbanayno inay xafiiskeeda furto naguna taageerto Wasaaradda Ganacsiga. Haddaba iyagoo ay iskaashanayaan xarunta ganacsiga iyo ganacsatada degaanku , si kor loogu qaado loona dhiiri galiyo dedaalka ganacsadaha ama doonistiisa leh inuu samaysan karo meherad yar oo uu u furto si caawimada iyo tusaalooyinka ay rabaan uga helaan xaruntan oo u suurto galinaysa habkii loo hanan lahaa ganacsiyo yaryar oo nolol maalmeedka ay dadku kala soo baxaan. Taasi waxay keenaysaa in xirfado iyo tababarna la siin karo qofkuna u bisil yahay inuu u diyaar garoobay sidii uu nolol maalmeed ula soo bixi lahaa. Waxaa uu mudatastay inuu xaq u yeesho ka qayb qaadashada mashruucan marka ay timaado maalitiisu.

Ilaahayna hanagu garab galo waa fikrad guud ahaana oo himilo siinaysa dadka deggan Oodwayne iyo agagaarkeeda rabana inay wax qabsadaan oo horumarna gaadhsiinaya naftooda iyo degmada si ay kor ugu qaadaan dhaqaalaha guud ahaan.

Wa Billahi Towfiiq.

Mashruuca Habaynta Waddada Oodwayne

Oodwayne Road Improvement Project. (ORIP) .

Mashruucan imikaa gacanta lagu hayaa oo ay maamulayaan niman is xilqaamay oo degaanka raba inay ku soo celiyaan maapka dabiiciga dalka. waddada isku xidha Burco iyo Oodwayne oo ah ta xoogga u baahan wa waxa ugu horreeya ee aa dawladda kula xisaabtami lahaydeen waa kaalin
xaq u dirir leh oo xeer idiin galaysa haddii barrito la xisaabtamo.
wajiga labaad oo ah ilaa laamiga in la gaadhsiiyo berbera iyo Hargaysaba ku xidha barri maalin marka aad xoolaha markabka ku beegi doontaan waxa kaliya ee loo baahan doonaa waa gaadiid waana guulaysan doontaan haddii aad awoodiina iyo Alle kaalmadiisa isku xidhaan.

Wa Billahi Towfiiq.

Tuuyo Plains Electric Plant. (TPEP) .

Warshadda Laydhka ee Quwadda Qoraxda iyo Hawada ee BankaTuuyo

Mashruucan oo ah ka ay ka fii'iidaysan doonaan degaanka Oodwayne kana haqab tiri doona baahida loo qabo Laydhka iyo dunida maanta. Awood iyo baratan waxa uu siinayaa in degaankani noqdo mid casri ah oo ka kaaftooma ciladda laydh yaraan ta ku habsatey magaalooyinka waaweyn Oodwayne waxaan ilaahay ka baryeynaa in Mashruucan ay u hesho deeq iyadoo la rabo in dalka meelo kale oo ka mida laga hirgalin doono oo ay dhaqaale ahaan kabi doonaan hay'adaha samafalka ee caalamiga ah. Oodwayne waxay noqon doontaa xarunta laga hirgalin doono mashruuca koowaad oo ah ( Pilot project).

Banka Tuuyo (Tuyo Plains) waxaa ka soo dhaca dabaylaha xoogga badan ee loo yaqaan dabayl xagaada. Waa nimco ilaahay inagu manaystay oo haddii looga faa'iidaysto sida ay tahay in laydh baahidiisii halkaa ku dhammaatey oo hadh iyo habeen laydhku idiin bixi doona oo waliba aad lacagta dalka ugu yar oo qiyaastii noqonkarta $ 5 guri waliba iska bixin doono bishii oo dhan.
Dabalahaa quwaddas leh haddii la qaadan karo inagaa malaayiin la inaga siisan lahaa bil walba.
Adduunka horumarka ka gaadhay Technologiyada waxay samaysten qalabkii dabkaa u dhalin lahaa ilaahay waxaanu siinin dabayl quwadaa leh oo dhalisa Laydhka ay rabaan.

Haddaba haddii banka Tuuyo ahaan jirin ban dhib iyo harrad badan oo cirka laga soo tuuray sidii habaar oo kale ilaahay ha idiinka dhigo laydh iyo Nuur maalin iyo Habeen aan kala Go'in oo reee Oodwayne Ku faanaan Barri ka Maalin.

Warshaddan oo sawir iyo qoraalba ah waxay ku jirtaa in la maal galiyo oo maalinteeda ay timaado inaad ku faani doontaan ilaahy garbkiina ha galo xaq iyo xeer baa idiin keeni doona.
Mar la waydiiyey reer Oodwayne maxaa la idiin qabtaa oo aad dawladda ka codsanaysaan?
maalintaasi waxay ahayd, 1966 waxay sheegteen in shimbiraha beeraha nafta u keenay laga qabto. Doorashdiina nin wadaad ah oo waligii deganaa Oodwayne ay uga eexdeen nin qabiil ka soo jeeda Oodwayne oo waligii habeen u hoyan.

Maanta bal dib isugu noqdoo soo qora liis hay'ad iyo dawlad shisheeye iyo tan joogtada fadhiidka ah aad waxaad rabtaan u sheegataan waydiisaana doorashada horteed in la idiin qabto yaan la idiinka dhigin ballan marka aad na doorataan baanu yeeli doonaa......!


Wa Billahi Towfiiq.

Cabdinasir M Cabdilleh "Sigis"















Mashruuca Seeraha iyo Kobcinta Xoolaha Dhoofka

Mashruucani waa laf dhabartii dhaqaalaha degaanka Oodwayne isla markaasna ah kii lagu yiqiinay degaankan intii aan la kala baylihin ee aan kabihiisa loo kala tuurin afarta baynul jaho todobaatanadii iyo ka hor waqtigii ay soo if baxday kala kaxee oo iska hor gee beelo waqooyi.

Seerihii degaanka ee caanka ahaa sida Ceel Xume ilaa Kaba dheere... Xaaxi ilaa bananka Tuuyo dushiisa Lo'da iyo adhigaba lagu sii dayn jiray waa in maanta maamulka degaanku soo celiyo isagoo la kaashanaya ganacsatada una furaya indhahooda si ay wax ula qabtaan wadi tashi iyo maalgalinba. Halka Maxjarka ay rabto dawladdu inay ka furto Berbera waxaanu u sheegayna madaxda degaanka Oodwayne inay u doodaan oo u sheegto dawladda in Maxjarka Caafimaadka iyo Kobcinta Xoolaha xaruntiisa Dhabta ahi tahay Oodwayne. Seero iyo ceelal baaxad leh na laga sameeyo oo dhakhaatiirta iyo shaqaalahaba loo dhiso guryihii ay degi lahaayeen (Compound) kii haddii taasi u cuntami waydo ganacsatadu maal gashato Maxjarka oo 50, 000 ilaa 100,000 oo neef marsiin kara bil walba haddii loo baahdo dhaqniin iyo kobcin tamar neefku ku suuq galo gaadhsiisa, shahaadooyinkii ama Certification of Health soo saara.

Waxaa loo ballamiyey nin carbeed oo tuug ah oo la yidhaah Jaabiri inay Jabuuti ku tidhi annagaa Soomaliland xoolaheeda gacanta kuugu hayna iyo maamulkeedaba. Bal waxaan rabnaa inay dhab ka tahay iyo in ninka u dhashay Soomaaliland ilaahay mooyee aanu waligii qof kale isu daba taagi jirin xoolaha la dhoofiyo...Waana ilaahay nimco qani ah oo na siiyey. Ma suurto gashaa inaan nin Carab ahi patroolkiisa uu isu kay daba taago.
"Ilaahay qofna maduleeyo ee qofku isagaa is duleeya".
Anigana in Maamulkaygu i duleeyo ilaahay baan ka magan galay.

Ganasadaha runta ahina waa kii aan isu daba taagin nin kale sidii uu lacag u samayn lahaa ee waa kii Fursadaha samaysan lahaa reer Oodwaynow waxaa la idinka fadhiyaa maamul iyo nin deeq ilaahy siiyeyba sidii aad Maxjarkiinii u Furi lahaydeen una dibaaqan lahaydeen xoolaha aad degaankiina ku soo barbaariseen ee neef neefka aad u kala taqaaneen oo Cashuur dakhli ah oo degaanku leeyahay aad u samaysan lahaydeen.

Intaa waxa ii dheer mashruuca ceelasha biyaha ee gaagaaban ee loo yaqaan Ceelal Dixeedka oo ku xeeran Beerato iyo dal dawan(Valley Water well). Kuwaas oo dhan qofka joogiisa (dhererkiisa) oo soo maaxda kuna shaqeeya Solar Water Pump
oo Beeraha waraabiya si loo beerto khudaarta kala dudwan ee maalin walba loo baahdo sida Tamaandhada, Basasha, Kamsarada, dabcasah, Baradhada, Kaabashka iyo Saladhka iwm,....

halkan aan ku soo laabto mar kale hadhuudhka aarabakhida iyo digirta oo ah seaonal crops isna waa meelaha dabiiciga ah ee ay ka baxaan Oodwayne - Beerato. taasoo iyana ina tusaysa inuu
degaankani yahay qani laakiin dabran yahay. ilaahay ha inagu hanuuniyi toobada iyo dedaalka wax soorka caafimaadka qaba ee ka fog qabiilka iyo dib u dhaca aafeeyey qaaradda madow maanta. Halkan waxaan ula beegsaday inaan ku soo qaato degaankan oo ay ku deydaan kuwa la midka ah cimilo iyo degaanba. sidaas bay Soomaliland horumar ku gaadhi kartaa kuna kasban kartaa cashhuur iyo wax qabad.

wa Billahi Towfiiq.

Cabdinasir M Cabdilleh Sigis"

Cisbitaalka Guud ee Oodwayne ( OGH )

Waxay dayacnaanta ka muuqata Cisbitaalka Oodwayne ka turjumaysaa aragtida guud markaad u sii dhabo gashona ku tusaysa wadcigan ku habsadey maanta Xarunta Cisbitaalka Guud ee degmada Oodwayne oo aad u liidata una baahan gargaar degdeg ah.

Wax wal oo la ballan qaadaa ma suurtooban baahiduna way sii korodhaa mid looga fadhiyo inay dawladdu la soo gaadho dab damisna arrin aan maanta uga fadhino maaha. Waxay Soomaalidu ku maahmaahdaa "Gacmo wada jir bay wax ku gooyaan". Meeye qurba jooggii reer Oodwayne Wax garadkii iyo ganacsatadii Ab iyo Isirba ku magac sheeganayey degaankan inta uu barriga baaxaddiisu le'eg yahay ka soo kala jeedsaday aan maanta abaal uu u gudo mooyaane aan dib u eeg lahayn carruur iyo cirroole inoo cilmi iyo caqli midna ku takri falo sidii uu wax ula qaban lahaa dadkiisa iyo degaankiisaba.

Ma sidii tusbax go'ay bay noqdeen mise abaabul bay ku maqan yihiin?.
Mayee ganacsato iyo mid ugu jira maamul dawladeedka maanta way joogaan wax qabad degdeg ah ayaana looga fadhiyaa.

Cisbitaalka degmada Oodwayne waxa looga baahan yahay in la kordhiyo lana taageero si uu u qaban karo hawl maalmeedka dadka dayacan ee u baahan ilaahay hortii gargaar xagga Cudurada Duumada iyo TB da oo faro kulul ku haya xoolo dhaqatada iyo beeralayda deggan agagaarka iyo duleedka gacan Libah oo biyo fadhiisinka ay ka dhalato Kaneecadu iyo Buuraha oo marka qabowgu jiro qofka reer miyiga ah ee deggan aanu ku arradnayn dharka qaboobaha.

Taasina ay keento xanuunka feedhaha iyo qufac dawo la'aan sababa xanuunka TB da nafaqo xumoduna ay tahay dilaha koowaad haddii aan loo helin Anti Biotic iyo Vitamins kor u soo celiya nafaqada jidhka.

Waxaa kale oo iyana daruuri ah in la qalabeeyo oo tabaruc loo galo loona raadiyo sariiro iyo huggoodii oo qalab dhamaystiran ah , waxaan qiyaasi karaa haddii loo gurmado oo la is xilqamo in qof iyo shay loo keeni karo. Waa bil ramadaan ah ilaahay ha idin waafajiyo saqaqaadkiinana ku darsada oo sanduuqa u hura xarumaha iyo dadka u hawl gala baraarujintna ilaahay ha didnka yeelo.

Wa billahi Towfiiq.

Cabdinasir M Cabdilleh "Sigis"

Oodwayne Technical Institute.(OTI).

Waxaan ilaahay ka baryeynaa in Mashruucan waxbarashada ah laga hir galiyo degmada Oodwayne sannadkan 2008 bilihiisa dhexe haddii lagu maalgalin lahaana oo ay isugu tagi lahaayeen Ganacsatada, Qurba Joogta, Dawladda iyo Dadka u dhashay degaanka iyo facal khayrta daneeya horumarka dalkooda iyo dadkooda. Waxaa kale oo ay u bannaantahay haddii institution kan Madaxa bannaan qof mawaadin ah uu rabo inuu maalgashado maamulana waxa uu u soo mari karaa waddo sharciyeynaysa inuu mulkiile madax bannaan oo soo maraya qawaaniinta dawladda sifaha iyo habka ay wsaaaradda waxbarashadu rabto in loo maamulo wasaaraddaha ay khusaysona laga diiwaan galiyo iyagoo u ogol Maalgalinta mashaariicda horumarinta iyo waxtarka u leh dalka iyo dhallinyarada inuu ka soo dhamaysto una guntado oo lala garab qabto si uu hir galo. Mashruucani oo degaanku maanta u baahan yahay mar haddii la furay dusigii sare inuu diyaariyo farsamoyaqaano kuu noqda kalkaaliye xirfadeed.
Xirafadaha lagu barayona waa kuwan:

A)Metal crafters,... Bending, drilling Welding , Cutting, Braking, Shearing, Miter sawing, Polishing, milling, grinding, Railing and Painting.

B) CNC Machine Operating Training in Plasma digital Precision metal Cutting and bending to manufacture all kind of shaping and producing metal products.

Computer Programming and Info Technology for today state of the art tech world.

Wa billahi Towfiiq.

Cabdinasir M Cabdilleh."Sigis"

Qorshaha Caawimada ee Horumarinta Oodwayne

Oodwayne Development Assistance Program. (ODAP)

Baryahan danbe waxa soo badatay is qabqabsasho iyo xagxagasho siyaasadeed oo u dhaxeeysa fikradaha siyaasadda xorta ah iyo maamulka dawladda Somaliland. Haddaba iyada oo aanan ku sii fogaanayn waxa aan uga jeedaa in nabadda iyo horumarinta dalka ay ku jirto maslaxaddii lagu gaadhi lahaa hannaan socodkii aan kaga midho dhalin lahayn horumarinta ictiraafka Somaliland.

Waxa mar walba naga go'an in danta guud ee degmada Oodwayne ay ku jirto inaan sidii mashaariic horumarin ah looga fulin lahaa degaanka Beerato, Xaaxi, Gacan Libah ilaa Go'o
si kor loogu qaado wax soosaarka beeraha, kobcinta xoolaha la dhoofiyo oo loo sameeyo Seero xidhan iyo daryeel caafimaad qaba. Xagga waxbarashada in la aasaaso Iskuulka farsamada gacanta ee Oodwayne (Oodwayne Technical Institute) si loo helo xirfad yaqaan farsamada gacanta iyo Technologiyada ka haytsa khibrad ku filan oo uu ku shaqo tago ardaygu laakiin aysan ku ekaanin waxbarashadu iskuul buug iyo qalin kaliya ah.

Waxaa kale oo ilaahay idinkii aan la tiigsanaynaa degaanku inuu sikaga filaado xagga biyaha
iyo laydhka iyadoo daraasad laga gaadhay in biyaha ceelasha ee degaanka Oodwayne yahay
mid ka qani ah oo biyo intii la doono laga helayo haddii laga sameeyo Ceelal casri ah.
Xoojinta iyo kor u qaadista tayada laydhka waxaa degmada Oodwayne ka xiga xagga koonfurta galbeed Banka caanka ah ee loo yaqaan BANKA TUUYO kaas oo dabaylaha ka yimaada xagaaga haddii loo adeegsado Maraxawadaha Dhaliya Dabka ee loo yaqaano Wind Mill iyo Solar lagu sameeyo banka oo keena ilaa quwad ku filan kana badan degaanada oo awoodaas laga heli karo Laydh ku filan ilaa Gobolada kale ee u dhow dhow oo dad badani ku nool yihiin Sida tuulooyinka Xaaxi, Guled Xaaji, Go'o Burco, iyo Hargaysa.

Dhakhtarka Wayn ee degmada Oodwayne oo u baahan in la kordhiyo laguna daro qaybta duumada iyo Cudurada TB da iyo qaybta naafada ee miinooyinka dayacan meel walba ku qaraxdo loogu daaweeyo. Mashaariicda degaanka Degmada Oodwayne waxay waxtar u leedahay ilaa dhawr iyo konton tuulo oo hoos yimaada maamulka Degmada. Sidaa awgeed waa in wax qabadka loo sameeyo mashruuc ku hawl gala Magaca degaanka oo lagu Magacaabo
Oodwayne Development Assistance Project (ODAP) . Waana in la diiwaan galiyo sanadkan gudihiisa si loo kaabo oo loo dadejiyo waxqabadka ay sugayaan dadka reer Oodwayne maanta.

Xagga Mashruucii wadada isku xidha Oodwayne iyo Burco ilaa Hargaysa oo loo guntado inay suurto gasho waayo waxa laga saaray Maabka degmadii xudunka u ahayd Ganacsiga xoolaha iyo khudaarta inay go'doon ku noqoto oo laga guuro maanta kuwa ku noolina ay noqdaan gabal iyo waa daye bishii mar gaadhi soo maro. Taana waxaa ka sdhiidhiyi kara nin damiirkiisu siinayo in
wax loo qabto oo ka qayb qaato mashruuca horumarinta degaanka Oodwayne.

Waxii talo iyo tusaale ah ku soo biiri inta website ka la dhamaynayo.
Guddidu Guud waa guddida deggan dalka Imaaraadka ee qurba joogga.
Guddida guduhuna waa kuwa jooga Oodwayne ee fuliya mashaariicda.

Wa Billahi Towfiiq.

waxa qoray oo soo diyaariyey.
Cabdinasir M Cabdilleh "Sigis"
Toronto, Canada.