Sunday, September 23, 2007

Mashruuca Seeraha iyo Kobcinta Xoolaha Dhoofka

Mashruucani waa laf dhabartii dhaqaalaha degaanka Oodwayne isla markaasna ah kii lagu yiqiinay degaankan intii aan la kala baylihin ee aan kabihiisa loo kala tuurin afarta baynul jaho todobaatanadii iyo ka hor waqtigii ay soo if baxday kala kaxee oo iska hor gee beelo waqooyi.

Seerihii degaanka ee caanka ahaa sida Ceel Xume ilaa Kaba dheere... Xaaxi ilaa bananka Tuuyo dushiisa Lo'da iyo adhigaba lagu sii dayn jiray waa in maanta maamulka degaanku soo celiyo isagoo la kaashanaya ganacsatada una furaya indhahooda si ay wax ula qabtaan wadi tashi iyo maalgalinba. Halka Maxjarka ay rabto dawladdu inay ka furto Berbera waxaanu u sheegayna madaxda degaanka Oodwayne inay u doodaan oo u sheegto dawladda in Maxjarka Caafimaadka iyo Kobcinta Xoolaha xaruntiisa Dhabta ahi tahay Oodwayne. Seero iyo ceelal baaxad leh na laga sameeyo oo dhakhaatiirta iyo shaqaalahaba loo dhiso guryihii ay degi lahaayeen (Compound) kii haddii taasi u cuntami waydo ganacsatadu maal gashato Maxjarka oo 50, 000 ilaa 100,000 oo neef marsiin kara bil walba haddii loo baahdo dhaqniin iyo kobcin tamar neefku ku suuq galo gaadhsiisa, shahaadooyinkii ama Certification of Health soo saara.

Waxaa loo ballamiyey nin carbeed oo tuug ah oo la yidhaah Jaabiri inay Jabuuti ku tidhi annagaa Soomaliland xoolaheeda gacanta kuugu hayna iyo maamulkeedaba. Bal waxaan rabnaa inay dhab ka tahay iyo in ninka u dhashay Soomaaliland ilaahay mooyee aanu waligii qof kale isu daba taagi jirin xoolaha la dhoofiyo...Waana ilaahay nimco qani ah oo na siiyey. Ma suurto gashaa inaan nin Carab ahi patroolkiisa uu isu kay daba taago.
"Ilaahay qofna maduleeyo ee qofku isagaa is duleeya".
Anigana in Maamulkaygu i duleeyo ilaahay baan ka magan galay.

Ganasadaha runta ahina waa kii aan isu daba taagin nin kale sidii uu lacag u samayn lahaa ee waa kii Fursadaha samaysan lahaa reer Oodwaynow waxaa la idinka fadhiyaa maamul iyo nin deeq ilaahy siiyeyba sidii aad Maxjarkiinii u Furi lahaydeen una dibaaqan lahaydeen xoolaha aad degaankiina ku soo barbaariseen ee neef neefka aad u kala taqaaneen oo Cashuur dakhli ah oo degaanku leeyahay aad u samaysan lahaydeen.

Intaa waxa ii dheer mashruuca ceelasha biyaha ee gaagaaban ee loo yaqaan Ceelal Dixeedka oo ku xeeran Beerato iyo dal dawan(Valley Water well). Kuwaas oo dhan qofka joogiisa (dhererkiisa) oo soo maaxda kuna shaqeeya Solar Water Pump
oo Beeraha waraabiya si loo beerto khudaarta kala dudwan ee maalin walba loo baahdo sida Tamaandhada, Basasha, Kamsarada, dabcasah, Baradhada, Kaabashka iyo Saladhka iwm,....

halkan aan ku soo laabto mar kale hadhuudhka aarabakhida iyo digirta oo ah seaonal crops isna waa meelaha dabiiciga ah ee ay ka baxaan Oodwayne - Beerato. taasoo iyana ina tusaysa inuu
degaankani yahay qani laakiin dabran yahay. ilaahay ha inagu hanuuniyi toobada iyo dedaalka wax soorka caafimaadka qaba ee ka fog qabiilka iyo dib u dhaca aafeeyey qaaradda madow maanta. Halkan waxaan ula beegsaday inaan ku soo qaato degaankan oo ay ku deydaan kuwa la midka ah cimilo iyo degaanba. sidaas bay Soomaliland horumar ku gaadhi kartaa kuna kasban kartaa cashhuur iyo wax qabad.

wa Billahi Towfiiq.

Cabdinasir M Cabdilleh Sigis"

No comments: