Sunday, September 23, 2007

Qorshaha Caawimada ee Horumarinta Oodwayne

Oodwayne Development Assistance Program. (ODAP)

Baryahan danbe waxa soo badatay is qabqabsasho iyo xagxagasho siyaasadeed oo u dhaxeeysa fikradaha siyaasadda xorta ah iyo maamulka dawladda Somaliland. Haddaba iyada oo aanan ku sii fogaanayn waxa aan uga jeedaa in nabadda iyo horumarinta dalka ay ku jirto maslaxaddii lagu gaadhi lahaa hannaan socodkii aan kaga midho dhalin lahayn horumarinta ictiraafka Somaliland.

Waxa mar walba naga go'an in danta guud ee degmada Oodwayne ay ku jirto inaan sidii mashaariic horumarin ah looga fulin lahaa degaanka Beerato, Xaaxi, Gacan Libah ilaa Go'o
si kor loogu qaado wax soosaarka beeraha, kobcinta xoolaha la dhoofiyo oo loo sameeyo Seero xidhan iyo daryeel caafimaad qaba. Xagga waxbarashada in la aasaaso Iskuulka farsamada gacanta ee Oodwayne (Oodwayne Technical Institute) si loo helo xirfad yaqaan farsamada gacanta iyo Technologiyada ka haytsa khibrad ku filan oo uu ku shaqo tago ardaygu laakiin aysan ku ekaanin waxbarashadu iskuul buug iyo qalin kaliya ah.

Waxaa kale oo ilaahay idinkii aan la tiigsanaynaa degaanku inuu sikaga filaado xagga biyaha
iyo laydhka iyadoo daraasad laga gaadhay in biyaha ceelasha ee degaanka Oodwayne yahay
mid ka qani ah oo biyo intii la doono laga helayo haddii laga sameeyo Ceelal casri ah.
Xoojinta iyo kor u qaadista tayada laydhka waxaa degmada Oodwayne ka xiga xagga koonfurta galbeed Banka caanka ah ee loo yaqaan BANKA TUUYO kaas oo dabaylaha ka yimaada xagaaga haddii loo adeegsado Maraxawadaha Dhaliya Dabka ee loo yaqaano Wind Mill iyo Solar lagu sameeyo banka oo keena ilaa quwad ku filan kana badan degaanada oo awoodaas laga heli karo Laydh ku filan ilaa Gobolada kale ee u dhow dhow oo dad badani ku nool yihiin Sida tuulooyinka Xaaxi, Guled Xaaji, Go'o Burco, iyo Hargaysa.

Dhakhtarka Wayn ee degmada Oodwayne oo u baahan in la kordhiyo laguna daro qaybta duumada iyo Cudurada TB da iyo qaybta naafada ee miinooyinka dayacan meel walba ku qaraxdo loogu daaweeyo. Mashaariicda degaanka Degmada Oodwayne waxay waxtar u leedahay ilaa dhawr iyo konton tuulo oo hoos yimaada maamulka Degmada. Sidaa awgeed waa in wax qabadka loo sameeyo mashruuc ku hawl gala Magaca degaanka oo lagu Magacaabo
Oodwayne Development Assistance Project (ODAP) . Waana in la diiwaan galiyo sanadkan gudihiisa si loo kaabo oo loo dadejiyo waxqabadka ay sugayaan dadka reer Oodwayne maanta.

Xagga Mashruucii wadada isku xidha Oodwayne iyo Burco ilaa Hargaysa oo loo guntado inay suurto gasho waayo waxa laga saaray Maabka degmadii xudunka u ahayd Ganacsiga xoolaha iyo khudaarta inay go'doon ku noqoto oo laga guuro maanta kuwa ku noolina ay noqdaan gabal iyo waa daye bishii mar gaadhi soo maro. Taana waxaa ka sdhiidhiyi kara nin damiirkiisu siinayo in
wax loo qabto oo ka qayb qaato mashruuca horumarinta degaanka Oodwayne.

Waxii talo iyo tusaale ah ku soo biiri inta website ka la dhamaynayo.
Guddidu Guud waa guddida deggan dalka Imaaraadka ee qurba joogga.
Guddida guduhuna waa kuwa jooga Oodwayne ee fuliya mashaariicda.

Wa Billahi Towfiiq.

waxa qoray oo soo diyaariyey.
Cabdinasir M Cabdilleh "Sigis"
Toronto, Canada.

No comments: