Sunday, September 23, 2007

Oodwayne Technical Institute.(OTI).

Waxaan ilaahay ka baryeynaa in Mashruucan waxbarashada ah laga hir galiyo degmada Oodwayne sannadkan 2008 bilihiisa dhexe haddii lagu maalgalin lahaana oo ay isugu tagi lahaayeen Ganacsatada, Qurba Joogta, Dawladda iyo Dadka u dhashay degaanka iyo facal khayrta daneeya horumarka dalkooda iyo dadkooda. Waxaa kale oo ay u bannaantahay haddii institution kan Madaxa bannaan qof mawaadin ah uu rabo inuu maalgashado maamulana waxa uu u soo mari karaa waddo sharciyeynaysa inuu mulkiile madax bannaan oo soo maraya qawaaniinta dawladda sifaha iyo habka ay wsaaaradda waxbarashadu rabto in loo maamulo wasaaraddaha ay khusaysona laga diiwaan galiyo iyagoo u ogol Maalgalinta mashaariicda horumarinta iyo waxtarka u leh dalka iyo dhallinyarada inuu ka soo dhamaysto una guntado oo lala garab qabto si uu hir galo. Mashruucani oo degaanku maanta u baahan yahay mar haddii la furay dusigii sare inuu diyaariyo farsamoyaqaano kuu noqda kalkaaliye xirfadeed.
Xirafadaha lagu barayona waa kuwan:

A)Metal crafters,... Bending, drilling Welding , Cutting, Braking, Shearing, Miter sawing, Polishing, milling, grinding, Railing and Painting.

B) CNC Machine Operating Training in Plasma digital Precision metal Cutting and bending to manufacture all kind of shaping and producing metal products.

Computer Programming and Info Technology for today state of the art tech world.

Wa billahi Towfiiq.

Cabdinasir M Cabdilleh."Sigis"

1 comment:

Nassir Six said...

Dugsiga sare oo wali ay socoto taakulayntiisii wax yari u dhiman yihiin in la dhammaystiro. Waxaa laga
codsanayaa qurba joogta reer Oodwayne inay dhamaystiraan inta yar ee dhiman si loogu hawl galo mashaariicda kale inta aaan la galin wajiga kale ee Cisbitaalka iyo College ka Technikada iyo technoologiyada ee Oodwayne.