Sunday, September 23, 2007

Cisbitaalka Guud ee Oodwayne ( OGH )

Waxay dayacnaanta ka muuqata Cisbitaalka Oodwayne ka turjumaysaa aragtida guud markaad u sii dhabo gashona ku tusaysa wadcigan ku habsadey maanta Xarunta Cisbitaalka Guud ee degmada Oodwayne oo aad u liidata una baahan gargaar degdeg ah.

Wax wal oo la ballan qaadaa ma suurtooban baahiduna way sii korodhaa mid looga fadhiyo inay dawladdu la soo gaadho dab damisna arrin aan maanta uga fadhino maaha. Waxay Soomaalidu ku maahmaahdaa "Gacmo wada jir bay wax ku gooyaan". Meeye qurba jooggii reer Oodwayne Wax garadkii iyo ganacsatadii Ab iyo Isirba ku magac sheeganayey degaankan inta uu barriga baaxaddiisu le'eg yahay ka soo kala jeedsaday aan maanta abaal uu u gudo mooyaane aan dib u eeg lahayn carruur iyo cirroole inoo cilmi iyo caqli midna ku takri falo sidii uu wax ula qaban lahaa dadkiisa iyo degaankiisaba.

Ma sidii tusbax go'ay bay noqdeen mise abaabul bay ku maqan yihiin?.
Mayee ganacsato iyo mid ugu jira maamul dawladeedka maanta way joogaan wax qabad degdeg ah ayaana looga fadhiyaa.

Cisbitaalka degmada Oodwayne waxa looga baahan yahay in la kordhiyo lana taageero si uu u qaban karo hawl maalmeedka dadka dayacan ee u baahan ilaahay hortii gargaar xagga Cudurada Duumada iyo TB da oo faro kulul ku haya xoolo dhaqatada iyo beeralayda deggan agagaarka iyo duleedka gacan Libah oo biyo fadhiisinka ay ka dhalato Kaneecadu iyo Buuraha oo marka qabowgu jiro qofka reer miyiga ah ee deggan aanu ku arradnayn dharka qaboobaha.

Taasina ay keento xanuunka feedhaha iyo qufac dawo la'aan sababa xanuunka TB da nafaqo xumoduna ay tahay dilaha koowaad haddii aan loo helin Anti Biotic iyo Vitamins kor u soo celiya nafaqada jidhka.

Waxaa kale oo iyana daruuri ah in la qalabeeyo oo tabaruc loo galo loona raadiyo sariiro iyo huggoodii oo qalab dhamaystiran ah , waxaan qiyaasi karaa haddii loo gurmado oo la is xilqamo in qof iyo shay loo keeni karo. Waa bil ramadaan ah ilaahay ha idin waafajiyo saqaqaadkiinana ku darsada oo sanduuqa u hura xarumaha iyo dadka u hawl gala baraarujintna ilaahay ha didnka yeelo.

Wa billahi Towfiiq.

Cabdinasir M Cabdilleh "Sigis"

No comments: