Saturday, January 16, 2010

Oodwayne Waa balad Wanaag iyo Qurux lagu Manaystee

HEESTANI WAA GOBOLKA Oodwayne.
Waxaa Curiyey Midhaha heestan Abwaan Cabdillahi Xasan Mataan


Oodwayne waa balad
Wanaagiyo qurux lagu manaystoo
Bulsho wacani joogtoo
Barashada tacliintuna waa baaxad weynoo
Ilaaha raxmaankoow balaayada hareer mari
Oo ka dhig meel barwaaqo ah

Bulsho weynta maantaay
Ma ogtihiin dhammaantiin
Xamar kii ka baaqiyo
Baladweyn dusheediyo
Boosaaso iyo bari
Badhtamaha hargaysiyo
Burco dacaladeediyo
Bulshadeena maydhiyo
Inta sheekha dhex joogtiyo
Go da daris wanaagiyo
Sool iyo sanaagiyo
Badhan macallin joogiyo
Baraa ceerigaabiyo
Dhulka beeralaydiyo
Ilamaa beer iyo wabi
Waa halkay ka beermeen
Waa gobol barwaaqiyo
Daadmadheedh bulshadu tidhi





Oodwyne waa balad
Wanaagiyo qurux lagu manaystoo
Bulsho wacani joogtoo
Barashada tacliintana waa baaxadweynoo
Ilaaha raxmaankoow balaayada hareer mari
Oo ka dhig meel barwaaqo ah

Barbaartii dadkaygaay
Aan idiin bidhaanshee
Bilan waxaad tidhaahdaa
Oodwayne waa bayd
waa barta lagu kulmaayee
Tacliinta lagu bartaayee
Wanaag lagu barbaarshee
Buugga iyo tacliintii
Barbaartii waa halkaad ka baratee
Beerka iyo wadnaha geli
Ana ii bushaaree nimcada iyo badhaadhaha
Adiguna bilk hayr noqo.


Oodwayne waa balad
Wanaagiyo qurux lagu manaystoo
Bulsho wacani joogtoo
Barshada tacliintana
Waa baaxad waynoo
Ilaha raxmaankoow
Belaayada hareer mari
Oo ka dhig meel barwaaqo ah.

HEESTANI WAA Heesta
GOBOLKA Oodwayne

No comments: