Saturday, January 16, 2010

Qorshaha Taakulaynta Horumarinta Oodwayne











Qorshaha Taakulaynta Horumarinta Oodwayne
Oodwayne Development Assistance Program

Oodwayne.blogspot.com
15-1-10
Asalaamu calaykum dhamaan Akhristayaasha qoraalkan aan rabo inaan in yar oo dhiiri galin ah ku taageero dhallinyarada mustaqbalka degaanka Oodwayne iyo shacbiwaynaha daneeya horumarinta, inaan waxyar ka taabto waxa muhiimka ah ee khuseeya nolosha mujtamaca kana qayb qaata aasaaska bulsho ka caafimaad qabta dhibaatooyinka baahida oo iyadu saamayn wayn ku reebta geeddi socodka nolosha ee qofka. Haddaba iyadoo markeeda hore qof waliba jecel yahay wax qabad uu ku higsanayo aayatiin wacan iyo horusocod meeshuu kaga hagaagi lahaa kana higsan lahaa inuu mustaqbal wacan ku heli lahaa degaankiisa, isaga oo meelna uga haajirin wadankiisa iyo dadkiisa.
‘ Maal adduun waxa uu qiimo iyo magacba ku leeyahay meel lagaa yaqaan’.
Waxaan u guda galayaa mawduucan aan ku soo qaatay ee degaanka Oodweyne iyo qorshihiisa horumarinta waa sidaan qabo ama ku talin lahaa shakhsiyan aniga oo daba socda weriyaha cabdishakuur heersare warbixinta wanaagsanayd ee
ku salaysnayd xaqiiqda dhabta ah iyo waxa ka jira degaanka baahiyo iyo waddadii lagaga bixi lahaa iyadoo siduu sheegay ay u soo tafa xayteen hay’ado caalami ah iyo wasaaradda Arrimaha gudaha iyo waliba wasaaradda Qorshaynta oo iyadu keentay mashaariicda lix da degmo lagu horumarinayo. Waxaa xaqiiqdii anigoo warka sidaan u qabo ay jiraan ballan qaadyo, haddana waligeed mashruuc 100% u taabo qaada sidii loogu talogalay oo ay hay’ado fulinayaan waxaan qabaa inuu yahay hal bacaad lagu lisay oo barako ma yeesho. Waxaan odhan lahaa waa in Qurba jooga degaanka oo guddidiisa wayn ee deggan dalka imaaraadku inay xoojiyaan dedaalka iyo horumarinta, waxaan kula talinlahaa in xidhiidhka la adkeeyo meel fiican bay ka qaadeen oo iskuulka sare iyagaa suurto galiyey inuu furmo taageero qurba joogna way ahayd miisaaniyadda ugu badani, waxaan leeyahay ooku adkaynayaa Oodwayne waxay u baahan tahay iskuulkii farsamada gacanta oo dalkii markuu wada jaamacad noqday shaqooyina aysan jirin xaalkuna sidan soo dhaafaynin in la maalgaliyo
*Iskuulada farsamada gacanta iyo tiknoolojiyada oo kabta shaqooyinka gacanta sida warshadaynta mustaqbalka jiilkii la jaan qaadi lahaa aqoonteedana u lahaana magac ku sheegtaan Oodwayne Technical Institute OTI Machadka Farsamada Gacanta ee Oodwayne.
*Xagga caafimaadka waa midaan laga fursanayn inay xoogga saaraan dhismaha cisbitaalka Guud ee Oodwayne oo ay hoos yimaadaan in ka badan 50 tuulo
Oo u baahan haqabtirka baahida caafimaadka xarumaha Gargaarka Caafimaadka Medical Health Center (MHC).
Kaasina waa sanduuq joogto loo bixiyo gudaha iyo dibada inta laga gaadhsiinayo heer lagu maamulo, oo sii taaba qaada gaadhsiiyana heer uu ismaamuli karo cisbitaalka iyo xarumaha hoos yimaadaa.
*Quba joogta North America oo midaysan iyo Yurub kaalinta ugu wayn ka qaata deeq bixinta imika hala bilaabo ha ugu horrayso reer Oodwayne deeq bixintu kama liitaan qurba joogta kale ee u dhashay gobolada kale ee Somaliland ee intaa u soo dedaalaya siday tacliin iyo caafimaadba horumar wacan uga gaadhsiin lahaayeen degaankooda, waayo dawladda waxaan ka sugaa waa waxaan qabsaday markay aragto inay kaalin ka geysato ee aanan uga sugin wax tar
Somalidaa ku maah maahda “nin baahan nin buka waxba looguma dhiibo”.
Wasiir aan waxar u dhiibanayaa ma jirayo oo majaraha igu koraa maanta horaan uga heli lahaa maalinta uu ii baahdona waan soo dhawayn oo marti sharaf dheh.
Runta ilaahay markaan ka hadlo aniga oo aan mucaarad iyo muxaafad midna geeska saarayn inaan sannad aan ku noolaa Somaliland cilmiga aan ka soo qaatay yahay ISKAA WAX U QABSO ayaa horumarkaagu ku xidhan yahay ee “ninkii dedaalaa xaaji cabbaasna waa gaadhi karaa waana dhhafi karaa”.
Gobolka ilaahay ku manaystay Beerihii Xoolihii Daaqii Biyihii Togaggii iyo Dooxooyin meelaad ka marto lahayn ee haddana baahida uu ka soo warramay wariyuhu caloosha ku wareejinayso, waa mid subxaana allee reer Oodwaynow fadhiga ka kaca. Waxaa jirtay taariikh hore oo ahayd markii calanka la qaatay Lixdankii sanado yar ka bacdi ayaa Guddoomiyihii gobolka Togdheer u yimi xaqiiq raadin bal waxay u baahan yihiin reer Oodwayne, wuxuu ka dhagaystoba nin walbaana hadalyoo wax sheeg waxay isugu biyo shubatay beerihii ayax baa gamta u joogsaday waxaanu kaloo uga taag la’nahay shimbiro oo hadhuudhkii aanu beernoba waxyar mooyaane waxba noogama soo baxaan. Waxaa la gudbiyey baahida reer Oodwayne soo qorteen waxaa laga joogay dhawr bilood waxaa timi diyaaraddii ayaxa oo ku soo degtay meel bannaan ah oo ka baxsan magaalada nin maalintii joogay shirkii ayaa soo cararay oo intuu soo galay magaaladii ‘ waar maantay ugu daran tahay ka soo kaca ninkii aan ku nidhi shimbiraa beerihii naga madhiyey waxaa uu soo diray tii ugu waynayd shimbiraha ee kaalaya oo ila shiida’.
Waxaan si fiican intaa dhextaalka uga dhigtay waa maanta hala taageero horumarinta Gobolka heer Ganacsi kobcinta ganacsiyada yaryar oo ah soo jiidashada degaanka iyo macaamiisha, caafimaadka, Waxbarashada aasaaska hoose ilaa farsamdii gacanta haddii dawladu shimbirtaa wayn keentana yaan la shiidineh soo dhaweeya, haddii maalgalin qurbajoog iyo mid hay’adeed la keenana sii Kobciya iyadaa taaba qaadi doonta guddida odayaasha iyo waxgaradkuna haku midoobeen Guddida Horumarinta ee Qorshaha Taakulaynta Horumarinta Oodwayne waxaan ka ballan qaadaynaa inaan si hagar la’aan ah ugu soo deeqi doono wax tar la taaban karo oo keena horumarka ay higsanayaan reer Oodwayne. Harooyinkii Biyo qabadka noqon lahaa waa ku Hodan iyo Laydhka laga dhaliyo hawada oo uu yahay Bananka Koonfur Galbeed ilaa bari waa ka ugu wax soo saarka badan isaga iyo ka saraar ,,,,,,,,,,, “Banka Tuuyo”.
Laydh iyo Biyo,
Beero iyo Seero
Banka Tuuyo iyo
Baaxadwayna beerato
Bash bash iyo barwaaqo
intaasuba waa barakee
Bilkhayr dhaha
beesha daadmadheedhow

Wa salaamu Calaykum
Wa billaahi Towfiiq.
Cabdinaasir M Cabdilleh (Six)
Toronto, Kanada.
www.oodwayne.blogspot.com

No comments: