Monday, January 18, 2010

XAFLADDII SANNAD GUURADA KOOWAAD EE URURKA DHALLINYARADA ODAWO

oodwayne.blogspot.com

Xafladdan ooahayd mid si heersare ah loo soo agaasimey, waxaa ka soo qayb galay madaxda gobolka daadmadheedh iyo xildhibaano ka soo jeeda degaanka.

waxaa lagu xusayey xafladdan sannad guuradii koowaad ee ka soo wareegtay aasaaskii ururka Oodweyne development association and welfare organization (ODAWO).ururkan dhallinyaradu ka sameeyeen iyo arrimaha wanaagsan ee ka hirgaliyeenba waxaa lagu soo qaaday xafladdan oo uu furay hadalka badhasaabka Gobolka Daadmadheedh Maxamed Cabdi Liibaan oo faahfaahin ka bixiyey sida wacan ee ururkani uga shaqeeyeen Horumarinta arrimaha bulashada iyo adeega degmada oo ay ka suurto galiyeen waxqabad lagu diirsan karo, waxaa uu ugu baaqay shacbigana inay la shaqeeyaan oo u suurto galiyaan guntigana ugu adkaystaan wax allaale waxii ka shaqaynaya horumarka gaar ahaan degaanka oodweyne iyo guud ahaan ka Gobolka Daadmadheedh.

waxaa ka sii qaatay hadalkii halkaa guddoomiyaha Ururka Odawo mudane cabdi xakiin nuur (Quule) oo si faahfaahsan uga warbixiyey waxqabadka ururka waxii u suurto galay waxa u dhiman ee higsanayaanba muddadii sannadka ahayd ee uu jiray ururkani, waxaa kaloo uu aad u qeexay sida isku duubnaanta leh ee reer oodweyne ugu soo jeesteen inay horumariyaan degaankooda walow ay wax badan u hadheen shaqo baaxad weyn lihina hortaalo, ilaahaybayna la kaashadeen sidii hawshan loogu soo dhamaystiri lahaa muddo dhow si gobolku u gaadho horumar ka dhamays tiran hawlaha iyo adeega bulshada guud ahaanba. waxaa lagu soo gabo gabeeyey waji aad u qurux badan oo loo riyaaqay.

www.oodwayne.blogspot.com

No comments: