Saturday, January 9, 2010

Taageeridda Baajinta Shirka Horumarinta Beesha H Y

Oodweyne.blogspot.com
09/01/10
Taageeridda Baajinta Shirka Horumarinta Beelaha H Y

ASALAAMU ALAYYKUM WARAHMATULLAHI WABARAKATUH.

Salaantaa ka bacdi waxaan u mahadnaqaynaa golaha guurtida iyo odayaasha Habar Yoonis ee Togdheer markii ay kawada xaajoodeen isla meel dhigeena inaanay suurtagal ahayn in si kadis ah iyadoo loo soo shaaciyey muddo gaabana ay ahayd in la qabto shirkaasi. Inaysan suurto gal u ahayn sababo dhawr ah oo ku gedaaman inuu shirkani qabsoomo, waxaana ugu sii wayn inaysan suurto gal ahayn in martidii qurba joogta ahayd wada iman karaynin waqtigaas degdega ah
ee la soo sheegay inay muhiim tahay in si wacan looga sii tabaabushaysto.

Arrimaha la doonayo inla suurto galiyo horena looga sii anba qaado in guddida gudaha joogaa ajenda u samaystaan iyadoo wax bilaabmeen laga sii xoojiyo oo taageero maskax iyo maalba loo huro mashaariicda lana fuliyo qaybaha ay suurto galin karaan ee horumarineed sida waddada oo lasii xaadho grader la shaqo galiyo sanduuqana laga maalgaliyo shaqadaas.

Haddaba haddaan sida wanaagsan ee loo soo gorfeeyey inaysan waqtigan ku suurto galayn waxaan aad ugu mahad celinaynaa Golaha guurtida Habar Yoonis
Hambalyo iyo bogaadina u soo diraynaa sida ay isugu xilqaameen inaan laab la kac caadifiyad leh loogu degdegin shirka oo ay xilligan ku gedaaman tahay duruufo badan oo si yar u burburin kara inay maanta karaamadii iyo magacii reerka lagu waayo waxaan natiijo ka soo baxaynin oo khalkhal geliya beesha.

Waa ilaahay mahadiis waxaanu u sii tabaabushaysanay inaan heer dhaqaale sanduuq ah oo khuseeya Dekadda Maydh u samayno inta maalgalin wayn oo Dekad shub ah laga gaadhi doono. waxaan gacanta ku haynaa dekadaha loo yaqaan DOCKPORTS oo sida ganacsiga yaryar ee bagaashka iyo rarista xoolaha iyo qalabka guud ee ganacsiga suurto galiya waana ta aanu ku wadno inla keeno Maydh oo bilaabi ddonta shaqadeeda. Guddida iyo Guurtiduna haka wada xaajoodaan sii bilowga waddada Burco ilaa Hargaysa ee marta degmada Oodweyne si loogu soo celiyo Magacii taariikhiga ahaa iyo degaankii shacbiyadda badnaa ee degaanka Oodweyne iyo beerato, ayna maal gashadaan Tujaarta iyo Qurba joogga u dhashay degaanka Daad madheedh iyo ganacsatada kale ee maalgashi danaynaya waxii dantoodu ugu jirto.

Waxay ahayd Oodweyne waa layaqaan nin aan aqoona loo sheegi maayo waa tii ay ka soo baxeen waxbarashdeeda iskuulka sare,,, maanta raggii u abaal gudi lahaana way ka seexdeen, ilaahay baa gargaarka leh waxaa haddaba waqtigan suurto galinaysaa taariikhdu iyadaa isa soo celcelisee kontii sanaba mar, inay haddii alle idmo degaanka Oodwayne iyo tuulooyinka hoos yimaada oo konton ku dhow ay noqon doonaan mustaqbalka dhaw meelaha ugu wacan oo ka haqab tirmay adeega Waxbarashada, Caafimaadka, Beeraha, Wax soosaarka warshadaha yaryar, Biyaha iyo Laydhka waana xudunta ganacsiga hawd ilaa xeebaha dalak bari iyo galbeedba isku xidhi lahayd.

Astaanteeda loo yaqaan ee Daadmadheedhna runtii ay tahay xeradii togagga caqli iyo maal haddii la galiyana ay u raaci doonto waabkii harooyinka Daadmadheedh adduunkuna waxaa uu hore ugu maray waa dhaqaale soo jiita ganacsiga yaryar iyo shacbi weyn oo ah ka isticmaalka adeega bulshada oo dhamaystiran "Consumer & Service".

Wadadii Burco - Oodwayne - Hargaysa ,,,,,,,, iyo tii Oodayne ku xidhi lahayd laamiga xagga Berbera waxay suurto galinaysaa inay Oodweyne noqoto Xuddunta isku xidha Somaliland ( The Heart of All ) .

Inaanu qorshahayagu ku dhicin ceel waanu u mahad naqaynaa Guddida iyo Golaha Guurtidaba ilaahay baa idin waafajiyey talowanaag waana idiinku mahadiney

Wallahu Waliyu Towfiiq.

Cabdinasir M Cabdille Six
Toronto, Canada

No comments: