Tuesday, February 5, 2008

Hadalka Lama Saarnaadee Taariikhdii SNM In La Masaxo Sababtay ku dhacday Waxaa Soo Koobay Koloneel Mj. Axmed Mire Hadalkana Ku Soo Jara!










Soomaalidu waxay tidhaahdaa hadal nin badiyey ma wada odhan nin yareeyayna kama wada tagin Carabtuna waxay tidhaahdaa khayrul kalaami maa qalla wadalla waana laba odhaahood oo aad isugu macne dhaw. Beryahaan dadku wuxuu soo qorayay halgankii SNM oon wax qaddarina iyo qiimayntoona loo hayn hadday tahay xagga Xukuumadda iyo hadday tahay beelaha Somaliland qaarkood waana arrin aan lagu farxin loona arko inay keeni karto xasaraad ka dhex abuurma dalka dhexdiisa. Qoraaladii dadku ku cabbirayeen ra’yigooda ku aadan tirtiridda taariikhdii SNM ee dugsiyada dalka WAXAA si mugleh u soo koobay runtana ka sheegay Mujaahid Koloneel Axmed Maxamed Mire oo safka hore uga jiri jiray halgankii qadhaadhaa ee dalka lagu xoreeyey oo reebay taariikh aan la halmaami doonin.

Waxaa nasiib darraa in mujtamaceenna intiisa badani aysan ogsoonayn taariikhda iyo faa’idooyinka weyn ee ay u leedahay ku barbaarinta ubadka soo koraya oo mustaqbalka dhaw noqondoona kuwa hoggaamindoona dalkan waana waajib muqadasa in la baro wixii dalkoodu soo maray samo iyo xumaanba, shar iyo khayrba, dhib iyo dheefba, Xukuumad qarqoosha iyo Xukuumad wacnaydba. Taariikhdu waa xusuus reebta wixii ummaddu soo martay in laga been sheegaana waa waddaniyad xumo iyo isku kalsoonaan la’aan aan la doonayn in ummadu ogaato taariikhdii dalkoodu soo maray. Qarinta Xukuumaddu isku dayayso inay ka saarto manhajka waxbarashada iskuulada dalka waa markhaati ma doonto sida ay Xukuumaddu uga xuntahay taariikhdii halyeeyadii SNM oo xoreeyey Somaliland maadaama aysan meelnaba ka soo galayn halgankii xoreynta ee Somaliland-ta cusub.

Inta danaysa Somaliland horumarkeeda ayaa aad ugu riyaaqay waraysigii uu Kayse Axmed Digaale la yeeshay MJ. Axmed Maxamed Mire oo soo koobay dhammaan wixii lagu murmayay labadii asbuuc ee ina dhaafay oo ahaa maxaa manhajkii dugsiyada dhexe looga masaxay halgankii ama taariikhdii SNM. Waa in dadku kala gar qaataan oo caqliga dib loogu noqdaa oo sida uu u yidhi Axmed Mire loo fahmaa inaysan SNM maanta dhiman ee raggeedii bari hore qabri ku rideen aysan ka fiirsan waxa ka imandoona laakiin nasiib darro ay maanta farta dhexda ka qaniinyaan mana jirto meel ku habboon in wajiga la saaro si wixii ina dhaafay looga daba tago hase ahaatee xaalkii wuxuu marayaa oday geeli ba’ay oo geel diday ka badaba daw-dawleh da’duse u dansheegtay oo awoodii shalay uu lahaa aysan soo mari doonin iyo HAYE fudud HAYE habeenkaan lahaabay hubsiimadu habboonayd.

Meeye raggii odhan jiray anigoo wax dili kara duco qaadan mahayee maxaa u diiday inay maanta wax iska baadh baadhaan waa iyagii tolkoodba usoo farabaxsan jiraye. Ma waxay noqdeen sidii wiilkii fulayga ahaa oo aabihi ku yidhi “Aabbow ninka yar iga celi anaa ninka wayn iska celinayee”. Akhristow waxba yaan laga biyodiidin kalmadaha kor ku qoran iyaguba waa taariikh ina soo martay haddaan been la isku maaweelinayn. Miyaadse halmaanteen madaxweynihii lahaa “ We declare a war against Tribe Hebel” kuna yidhi Af-Soomaali, Af-Carabi iyo Af-Ingiriis iyo sidii hore ma nihin oo ah waxaan ku habboonayn nin weynoo sheeganaya mas’uul umadeed inay afkiisa soo marto. Markaa miyeysan mudnayn in la soo qoro taariikhihii ina soo maray oo dhan mid dhaw iyo mid fogba si jiilasha soo socdaa aysan u noqon sideenoo kale iyo qaar ku milmaha qabyaaladda oo noloshu ka xumaato.

Aan soo qaadanno qaar ka mida caalamka jabhadihii soo maray oo dagaallo lagu wiiqday u horseeday dadkoodii, oo dhibtii laga dhaxlay iyo dheeftii ka timid ay dhibtu aad uga badnayd dheeftii laga helay. Aan in yar ka xusno Mujaahidiintii reer AFQAANISTAAN oo muddo dheer dagaal reer galbeedku hiil iyo hooba isla barbartaageen la galay dawladdii Midawga Soofiyeeti oo ahayd quwadda labaad ee dunida ka jirtay muddo qarni ku dhaw laakiin dagaalkii ay ku soo qaaday Afqaanistaan dhammaadkii qarnigii dhammaaday waxay ka dhaxashay burbur ku yimid midnimadii dalkeeda, mid dhaqan-dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo dawladdii quwaddaa lahayd ay maanta u kala jajabtay 16 dawladood oon waxba la isaga tidhin waxayna ka baxday saaxaddii siyaasadeed iyo loolankii milatari ee dunida ay ku lahaan jirtay.

Markii dagaalkii dhammaaday oo Ruushkii ka huleelay dalka Afqaanistaan ayaa nasiib darro waxaa dhacday inay mujaahidiintii laftirkoodii qorigii isku soo jeediyeen waxaana ka dhex qarxay dagaal ka ba’an kii ay la galeen midawga Soofiyeeti, cid u miciintana way waayeen. Markay muddo dheer ku jireen xaal cakiran oo ah laa qaaliba walaa maqluuba ayaa waxaa soo baxday quwaddii labaad ee la odhan jiray Daalibaan oo sidii Maxaakiimtii reer Muqdisha mar qura u baacsadeen qabqablayaashii reer Muqdisha ayay Daalibaanna caqta marisay mujaahidiintii reer Afqaanistaan ahaana quwaddii jabisay Midawgii Soofiyeetka.

Miyaad dib u maqasheen qammaamiirtii hore ee Afqaanistaan kala qoqobay sida Axmed Shaah Mascuud, Qulbadiin Xikmatiyaar, Burhaanudiin Rabbaani, Cabdirashiid Dustom iyo qaarkaloo badan, maantana waxaa ka soo dhexbaxay nacamlaha koowaad ee Xamiid Karasaay oon aqoonba MAYA, dilka iyo burburka lagu hayo dalkiisana ugu hambalyeeya Ciidama gaalada ee Afqaanistaan jooga. Waxaan maqli jiray adduunyada ninkii noolaw maxaa aragti kuu laaban ee aan idin waydiiyee xaggay iska shabbahaan Cabdullaahi Yuusuf iyo Xamiid Karasaay!

Reer galbeedku dantii uu ka lahaa dagaalkii Afqaanistaan ku qaaday Ruushka iyo taageerada dhaqaale ee loo fidinayey Mujaahidiintii Afqaanistaan wuxuu ahaa in awoodda millatari iyo ta dhaqaale ee Midawgii Soofiyeeti la wiiqo iyadoon wiil reer galbeedihi ku dhiman, Afqaanistaana waxaa laga dhigtay xaabadii dabka lagu hurinayay oo lagu dan gaaray. Laakiin kii lagu dangaaray markuu u baahnaa hiilkii dhabta ahaa reer galbeedku way isaga dhaqaaqeen waana loo kala baxay Afqaanistaan, ceel gun dheer bayna ku dhacday talona way ku caddaatay, meelay u ciirsadaanna haba sheegin xaalna wuxuu ku noqday xabaal iyo ninkeed loo kala tagyeey.

Abaalkii reer galbeedka ee Afqaanistaan ka sugaysay wuxuu noqday in ummadda intaa le’eg oo muslimiintaa lagu sumado waxaysan ahayn iyo inay tahay hoyga Argagixisada caalamigaa. Xaqiiqdu sidaa maahan ee reer galbeedkaa ku soo tababara ciidamadooda, dalkaana waxaa laga dhigtay meel lagu shiish barto hubkana lagu tijaabiyo oo anaa xaqiiqda dhabtaa idiin og oo u soo taagnaa muran siyaasadeed oo dhexmayay baarlamaanada Noorad Ameerika oo madaxdoodii la soo taagnayd inay tahay fursad dahabiya in ciidamadoodu halkaa u joogaan tababar iyo tijaabinta hubka casrigaa si Teknoolajiyadda Millatari kor loogu qaado.

Aan iyadana wax ka soo qaadanno Jabhaddii reer Eritariya oo muddo 30 sano ka badan dagaal kula jirtay maamulkii Boqor Xayle Salaase iyo kii Mangiste Xayle Maaryam oo labada maamulba inkireen xuquuqdii shacabka Eritariya oo go’doon siyaasadeed lagu soo rogay. Itoobiya siyaasaddii ay ka lahayd inay Eritariya qabsato waxaa ugu waynaa baahida ay u qabto inay hesho MARIN BADEED wax uga soo dagaan. Eritariya waxay ka mid ahayd seddexdii dal ee Talyaanigu gumaysan jiray sida Koofurta Soomaaliya iyo Liibiya oo markii dagaalkii labaad ee dunidu dhammaaday ayaa maamulkii Eritariya Talyaanigu ku wareejay Itoobiya si loo gaarsiisyo xorriyadooda sidii Koofurta Soomaaliya Talyaaniga loogu dhiibay 1950-gii ilaa 1960-gii (TRUSTSHIP) si loo tababaro Soomaaliya sidii ay u hanan lahayd maamulka dawladnimo laakiin nasiib darro Talyaanigii waxaa laga bartay oo qudha musuqmaasuq iyo maafiyanimo ilaa iyo immika ay Koofurta Soomaaliya u caalwayday lana dagi la’dahay.

Nasiib darro waxay dhacday markii Xayle Salaase ku dhawaaqay inay Eritariya ka mid tahay Boqortooyada Itoobiya oo ay galeen marxalad labaad iyo gumaysi madaw oon isku haysan inuu yahay gumaysi laakiin ah ka ugu xun inta wax gumaysata. Shicibka Eritariya ma uu noqon sida OGADEEN oo kale ee waxay go’aansadeen inaysan aqbalin inay ka midnoqdaan dawladda guunkaa ee Itoobiya oo u xaalwayday qoomiyadaha kale ee ku hoos nool waxaana dhaxmaray dagaallo la mida dagaaladii SNM la gashay kaligi-taliyihii Siyaad Barre.

Dagaalkaasi markuu socday muddo dheer ayaa waxaa Mangiste ku kacay JABHAD kale oo Tigreegu soo abaabulay, deetana labadii jabhadood waxaa dhexmaray isgaashaan-buursi milatari iyo mid siyaasadeed ilaa ay xoog ku muquuniyeen maamulkii Kaligi-Taliyihii Mangiste. Labada Jabhadood waxay isku afgarteen in shacabka Eritariya laga qaado AFTI lagu waydiinayo masiirkooda siyaasadeed goob joogna ay ka ahaato qaramada midoobay. Aftidaa Eritaraya waxay ku doortay inay ka hoos baxdo gumaysiga ITOOBIYA lana soo noqoto dhulkeedii hooyo maantana waa dawlad ka mida dawladaha Afrika oo u madaxbannaan qaranimadeeda iyo maamulka dalkeeda. Arrinta Eritariya waxa ka markhaati kacaysaa inaan gobonimo bilaash lagu helin ee dhib loo soo maro.

Waxaa xusid mudan Itoobiya iyo Eritariya inay gacanta ku hayaan raggii madaxda ka ahaan jiray jabhadihii xukumka ka qabsaday Mangiste, meesha SNM ay noqotay AWR reeryadiisii cunay oo iyadu gacmaheeda isku qawracday. Anoon ku sii dheeraanayn dunida wixii jabhado soo maray bal aan ku soo noqdo teennii SNM oo hiil iyo hooba shacabka Somaliland isla barbartaagay meeshay ku dambaysay, maxaase keenay marlabaad inay faqashtii dalka horay u soo rogtay maamulkii gacantooda ku soo noqdo iyagoon wax dagaala ama dhiba u soo marin. Waxaan wali la sii yaabanahay igana dagi la’ shacabkii sidaan ogaa loola dagaalamay oo dhulkoodii hooyo loo qoondeeyey dadkale in lagu beero inay si fudud u halmaamaan wixii soo maray ugana hiiliyaan SNM-tii xoreysay.

SNM waxay soo afjartay maamulkii 21-ka sano sida macangagnimadaa uga talinayay Soomaaliya waxayna ku dhawaaqday inaan la kala aargoosan oo wixii dawladdii Afweyne ummadda kala dhexdhigtay laga heshiiyo gacmahana la isqbsado iyo cafallaahu cammaa salafa. Nabadda Somaliland ku faanto waxaa saldhig u ahaa shirkii beelaha Somaliland wada dagaa isugu yimaadeen Magaalada Burco 1991kii laguna go’aansaday la soo noqodkii madaxbannaanida Somaliland markii laga quustay Koofurta Soomaaliya inaan nabadi ka soo socon.

Gabagabo: Nin baa laga hayaa hubsiimo hal dhan baan siistay ee tolow reer Somaliland ama SNM maxay dhaafsatay ama ku baddalatay himiladii shacabkeeda iyo miro-dhalkii halgankii hubaysnaa oo waxaan dhib ogaa loo soo maray. Waxaa la yidhi caano daatay dabadoodaa la qabtaa ee raggii SNM wada ahaan jiray oo maanta ku soo ururay Xisbiga Kulmiye oo taageero weyn ka haysta bulsho weynta dalka ku dhaqan MIYEY marlabaad ilduufi doonaan mise wixii ummaddu uga fadhiday oo kol hore dayacmay bay soo celin doonaan ka dib markii lagu hungoobay Xisbiga talada haya (UDUB) oon wali laga arag waxuu ballanqaaday inuu oofiyo. Laga fiican calaacalka iyo maxaa taariikhdii SNM ta loo xusi waayey ee ka midooba inaad meel iska dhigtaan khilaafaadka dhexdiinaa una soo jeesta sidii aad uga faa’idaysan lahaydeen fursaddan dahabigaa oo dalkoo dhan la idiinka hayo.

Waxaa la yidhi talo waa maraad garan wayday iyo maraad gaari wayday ee maanta TALO yay idin seegin, waxaana rajaynayaa in qammaamiirtii SNM ay ku cibro qaadato wixii ku keenay in Xukumkii ay xaqa u lahaayeen gacantooda ka wareego oo kuwo aan taariikh wadaninimo lahayn loogu igmaday taladii dalka deetana ay ku danbeysay nimaan talin jirin hadduu taliyo nimaan tag jirin baa taga oo waataa birmagaydadii SNM jeelka loo dhigay aragtidooda siyaasadeed oo qudha.



Wa billaahi tawfiiq iyo Raxmaankaa mahadleh.

Shueib A. Gaboose

Toronto, Canada

Khilaaf Kala Dhexgalay Axmed-Siilaanyo iyo Dr. Axmed Xuseen Ciise







Written by Qarannews.
Feb 04, 2008 at 04:33 PM

Hargeysa (QRN)
Xoghayaha arrimaha dibedda ee KULMIYE Dr. Axmed Xuseen Ciise, ayaa jawaab ka bixiyey sababta Guddoomiyaha xisbigoodu uga reebay xubnihii ku wehelin lahaa kulankii ay shalay kula yeesheen Hotelka Ambassador Kaaliyaha Xoghayaha Dibedda Arrimaha Afrika u qaabilsan dawladda Maraykanka Ms. Jendayi Frazer.

Dr. Axmed Xuseen oo ka mid ahaa xubnihii markii hore isu soo diyaariyey ka qaygalka kulankaas, balse Guddoomiyuhu ka reebay xubnihii uu markii dambe u soo xushay inay kala qaybgalaan kulanka, kuwaasoo kala ahaa; Md. Axmed Xaaji Cali Caddaani iyo Xuseen Axmed Caydiid.

Haddaba, Dr. Axmed oo Jamhuuriya xalay wax ka waydiiyey sababta arrintan ku timi iyo sida uu shaqsiyan isagu u arko, waxa uu yidhi; “Arrintan [ka reebitaanka Guddoomiyaha xisbiga kaga reebay Dr. Axmed Xuseen Ciise ka qaybgalka kulankii xisbigu shalay la yeeshay Jendayi Frazer] waxba uma arko, Guddoomiyuhu isaga ayaa xaq u leh cidda raacaysa marka uu kulan leeyahay. Aniguna kollay ciil uma qabo la kulanka weftigan Maraykanka ahaa. Bishii Diisamber waanu isaragnay xubno weftigan ka mid ahaa, waana tii aan hore u sii sheegay inuu dhaqdhaqaaq ay wada yeelan doonaan Maraykanka iyo Somaliland dhawaan, tiina waxa muuqata inay dhabooday, waana arrin fiican. Imikana maanta markii aannu kulanay ballan baannu qaadanay inaanu Washington mar kale isku aragno.

Aniga waxa farxad ii ah inay dhabooday saadaashii aan December 21kii ka sheegay VOA kuna qoray jaraa’idka ee ahayd in dawladaha waaweyn isbeddel ka muuqdo siyaasadoodoodii Somaliland.”

Dhanka kale, Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo aannu isku daynay inaannu arrintan wax ka weydiino ayaanay noo suurtogelin.

Dhacdadan ayaa ku soo beegantay waqti ay soo fufayaan ifafaalayaal muujinaya kala fiigsanaan siyaasadeed oo ka dhex oogan siyaasiyiinta xisbiga KULMIYE dhexdiisa. Murug siyaasadeedkaas oo ah mid salka ku haya dhawr arrimood oo ay ugu weyn yihiin arrinta ku saabsan murashaxiinta xisbiga uga qaybgeli doona tartanka doorashada Madaxtooyada ee soo socota iyo tirada ergada ka qaybgalaysa shirweynaha labaad ee KULMIYE oo uu iyana khilaaf weyni ka taagan yahay.

Arrimahan iyo dib-u-dhaca ku yimi shirweynaha 2aad ee xisbiga KULMIYE waxa kale oo iyana barbar socday maqaa

Monday, February 4, 2008

Madaxweyne Riyaale Oo Qaabiley Wufuud Ka Socota Shirkadaha Patroolka Baadha Ee Dalka

Written by Faysal Cabdilaahi
Monday, 04 February 2008
ImageHargeysa(Hormoodnews).

Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa uu qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wufuud ka socota Shirkadaha Patroolka baadha ee dalka Norway oo booqasho ku jooga Jamhuuriyadda Somaliland.

Wefdigaasi waxa ka mid ahaa Shirkadd ka tirsan dalka Norway oo beryahanba ku
hawlanayd baadhista dhulka ay ku jiraan Khayraadka dabiiciga ah ee Jamhuuriyadda
Somaliland , kuwaasi oo ay ugu horeyso Sayliida iyo Gaasta oo ay bad iyo Barriba si
cilmiyaysan ay ugu kuur galayso kana baadhayso dhinaca hawada meelaha loo malaynayo in Saliida iyo Gaastu ku jirto dhulka Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu wefdiga uga mahad naqay hawlihii ay tan iyo imika ka soo
qabteen Somaliland oo meel fiican maraya.

Shirkadaasi Norwegian-ka ah ee ku shaqada leh baadhista khayraadka dabiiciga ah waxa la filayaa in ay dhawaan soo saari doonto warbixino ku saabsan xogta ay ka
gaadheen Baadhistooda. Waxa kale oo ka mid ahaa Wefdigaasi Norwegian-ka ah ee uu Madaxweynuhu qaabilay Saaka Khubaro ka tirsan Shirkadaha Saliida Baadha ee dalka Norway oo xidhiidh la leh Shirkadaha waaweyn ee Saliida iyo Gaasta ee wadankooda , kuwaasi oo la filayo in ay iyana si dhakhso ah uga hawl geli doonaan Somaliland marka ay hawlaha ay qaban doonaan ka heshiiyaan iyaga iyo Wasaarada Macdanta iyo Biyaha Somaliland .

Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa uu isla Saaka Qaabilay Wefdi ka socda Hay’adda Loo Yaqaano ‘’SOS‘’ oo Mashaariic dhawr ah ka hir galisay gobollo
iyo degmooyin ka tirsan Somaliland oo ay ka mid yihiin Magaalada Sheekh , Burco iyo
Magaalada Hargeysa , kuwaasi oo u badan dugsiyo wax lagu barto iyo xarumo caafimaad oo dadka danyarta ah laga taakuleeyo .

Waxa kale oo ay si dhakhso ah u bilaabi doonaan Mashaariic kuwaa la mid ah oo ay ka
hir gelin doonaan Boorame . Madaxweynuhu waxa uu si weyn ugu mahad naqay hawsha wax ku oolka ah ee hay’adda SOS ay a hir galisay Jamhuuriyadda Somaliland , kuwaasi ay ugu weyn tahay Mashaariicda Waxbarashada iyo Caafimaadka.

Waxa kale oo uu Madaxweynuhu ka Codsaday hay’adda SOS in ay dib u bilowdo Dhismihii iyo taabo gelinta dugsigii Farsamada Gacanta ee ku ooli jiray Magaalada Burco, kaasi oo si weyn ay uga faa’iidaysan doonaan Dhalinyarada reer Somaliland marka ay ka qalin jabiyaan dugsigaasi , fursad weyna u heli doona shaqooyinka uu u baahan yahay dalkeenu .


Alla Mahad leh

Siciid Cadaani Mooge

Sunday, February 3, 2008

Jawaabtii Shirgudoonka Wakiillada aay ka bixiyaan arragtida Ururka Qaran iyo waraaq ay hore ugu qoreen








By: Admin on 02/03/08

Jawaabtii Shirgudoonka Wakiillada aay ka bixiyaan arragtida Ururka Qaran

Hoggaanka Urur-siyaasadeedka QARAN, ayaa sheegay in Shir-guddoonka Golaha Wakiilada Somaliland si cad uga soo jawaabay waraaq ay hore ugu qoreen, taas oo ay kaga dalbadeen ifitiiminta Xeerka doorashooyinka ee Xeer Lr. 14.

Hoggaanka sare oo shalay Shir jaraa’id ku qabtay Xafiiskooda Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in Shir-guddoonka Golaha Wakiilladu u xaqiijiyay inuu Xeerkani dhaqan-gal yahay, isla markaana uu shaqaynayo inta xeer laalayaa ka soo daba baxayo. Waxaanay intaa ku dareen in ay Urur ahaan la xidhiidheen Guddoomiyaha Maxkamada Sare, ka dibna uu ugu jawaabay in aanay arrinta xeerkani isaga khusaynin, balse ay tahay mid sharci-dejinta dalka u taala.

Ugu horeyn waxa faahfaahin ka bixiyay u jeedada shirka Jaraa’id, Guddoomiye xigeenka koowaad ee Ururka Qaran Maxamed Xaashi Cilmi, oo ka waramay jawaabta shir-gudoonka Wakiilada. Sidoo kale, Qoraal aad u dheer oo uu shirkaa Jaraa’id ka akhriyay Xoghayaha Warfaafinta iyo wacyigelinta Ururka Qaran Eng. Maxamed Jaamac, ayaa waxa ka mid ahaa;

“Dastuurka JSL waxa uu si cad u qeexay in Muwaadiniintu isu abaabuli karaan Ururo-siyaasadeed, xaqaasina waa xaq Dastuuri ah oo lama taabtaan ah. Haddaba, waxa dhacday in xaqaa Dastuuriga ah Xukuumaddu muran galisay oo Madaxweynuhu shir jaraa’id ku sheegay in Xeerka Lr. 14/2000 oo ogolaanaya in Ururada siyaasiga ahi ka qayb-galaan doorashooyinka dawladaha hoose uu yahay xeer Guurtidu burisay, oo uu waxba kama jiraan yahay. Waxana arrintaa lagu xidhay hoggaanka Urur-siyaasadeedka Qaran, laguna xukumay in aanay shanta sannadood ee soo socda siyaasad ka qayb-qaadan Karin (lana dooran Karin, waxna dooran Karin). Si xeerarkan mugdiga la galiyay loo iftiimiyo, waxa Ururka Qaran uu la xidhiidhay jihooyin badan.”

Ururka Qaran waxa ay ku sheegeen qoraalkoodan in Xeerarka iftiiminaya sharcinimada Ururkooda ay caddeeyeen Hay’ado badan oo isugu jira kuwo waddaniya iyo kuwo Caalami ahiba. Qoraalkani isaga oo ka hadlaya qaabkii ay ula xidhiidheen Guddoomiyaha Maxkamada Sare iyo shir guddoonka Wakiilada waxa uu yidhi, “Waxa xusid mudan in Guddoomiyaha Maxkamada Sare oo ah Guddoomiyaha Maxkamada Dastuuriga ah, inuu yidhi, ‘Aniga arrinkani ima khuseeyo ee dabagalka dhaqan-gelinta Xeerarka waxa leh Xeer-dejinta, garsoorkuna wuxuu leeyahay fasiraadda Dastuurka iyo Xeerarka marka qodobo laysku qabto.” Intaa ka dib, ayaa waraaq Qoraal ah oo ay u direen Wakiillada, iyana ay uga soo jawaabeen, ka dib. Waxa Ururka Qaran Shirkoodii Jaraa’id ku sheegeen in iyaga oo ka duulaya Jawaabta Shirguddoonka Wakiillada, uu Ururkoodu yahay mid sharci ah.

Isla markaana uu Xeer Lr. 14/2000 uu yahay Xeer dhaqan-gal. Ururka Qaran qoraalkoodan oo aad u dheeraa waxay wax badan kaga hadleen xaqa muwaadiniintu u leeyihiin furashada Ururro Siyaasadeed, bulsho, shaqo cilmiyeed iyo kuwa la mid ka ah, Xaqa muwaadiniintuna yahay lama taabtaan uu dastuurku u damaanad qaaday. “Haddaba, waxa aanu ku boorinaynaa komishanka doorashooyinka Qaranka inay xilkooda garsoor u gutaan si u siman Xisbiyadda iyo Ururada, sida ku qeexan Xeer 20/2001, Xeer Lr. 14/2000 iyo qodobada dastuurka ee kor ku xusan.

Waxa fiiro gaar ah mudan qodobka Lr. 19 ee Xeer 20/2001, oo ah dhaarta Komsihanka doorashooyinka Qaranka oo ay mid mid dhaartaa hoos ku qoran kaga hor dhaaranayaan Guddoomiyaha Maxkamada Sare; Waxa igu wallaahiya oo igu bilaahiya inaan hawsha doorashada u gudan doono si xilkasnimo, daacadnimo leh. (Inaan dhex u ahaado xibiyada/ururada iyo musharaxiinta, sharciga iyo cadaaladdana aan ku shaqeeyo.) Waxaanu xusuusinaynaa Komishanka doorashooyinka in seddexda Xisbi Qaran ee jiraa ku meel-gaadh yihiin lana siiyay shahaadado ku mudaysan 5 sanno. Sidaa darteed waxa ku waajib ah Xisbiyada Qaranka iyo Xukuumadda inay danta guud ka horumariyaan danahooda gaarka ah oo xuquuqda muwaadiniinta ee Dastuurka iyo xeerka dalku u jideeyeen ay daryeelaan oo ay ixtiraamaan.” Sidaa waxay ku yidhaahdeen Hoggaanka Qaran Shirka Jaraa’id, waxaanay intaa ku dareen oo ay ku yidhaahdeen, “Ururka Qaran waxa uu ka digayaa ku dhaqan la’aanta Xukuumadda ee dastuurka iyo xeerarka dalka u yaala ee lagu duudsiyaayo xuquuqda muwaadininta maanta nool iyo kuwa dhalan doonaba ay ka waantowdo.

Source goljano

Junday Frazer Oo Socdaal Rasmi Ah Ku Timid Somaliland kana dhooftay galabta














Written by Qarannews.
Feb 03, 2008 at 10:39
Hargeysa(Qarannews)- Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Afrika, Mrs Junday Frazer, ayaa maanta socdaal ku timid Somaliland, waxana ay wada hadalo ay la yeelanaysaa Madaxweynaha somaliland, Md Daahir Rayaale Kaahin iyo shirgudoonada golayaasha baarlamaanka JSL.

Junday Frazer, ayaa socdaalkeedu la xidhiidhaa sii ambo qaadka waxyaabihii ay ku heshiiyeen Madaxweyne Rayaale iyo Weftigii uu hoggaaminayay ay bishii la soo dhaafay ku tageen dalka maraykanka, markaasi oo ay isla qaateen sii xoojinta xidhiidh iyo iskaashi dhex mara Somaliland iyo maraykanka.

Kaaliyaha xoghayaha Arrimaha dibada Maraykanka, oo la dejiyay Huteelka Ambassador ee magaalada Hargeysa, waxa sida la sheegay ay maanta qado sharaf qasriga madaxtooyada ugu samaynaya Madaxeynaha Somaliland Md Daahir Rayaale Kaahin, waxa kale oo ay la kulmaysaa madaxda sadexda xisbi qaran.
Jenday Frazer oo qolka VIP-da saxaafada kula hadashay waxa ay ugu horeyn tidhi ‘’Waxaan marka hore ugu hambalyaynayaa Jamhuuriyadda Somaliland nidaamka dimuqraadiga , Nabad gelyada iyo xasiloonida ay dalkeeda ka hir galisay’’.
Jenday Frazer waxa kale oo ay inta raacisay in socdaalkeedan rasmiga ah uu yahay mid sii xoojinaya Xidhiidhka saaxiibtinimo ee u dhaxeeya Somaliland iyo Maraykanka.
Waxa kale oo ay sheegtay in ay doorashooyinka ka taageeri doonaan Somaliland.
Mar la waydiiyay arrinta Aqoonsiga waxa ay sheegtay in dawlada Maraykanku ay ku boorinayso dalalka Afrika in ay iyagu arrintaa bilaabaan , anaguna aanu gacan weyn ka gaysan doono sidii Jamhuuriyadda Somaliland u noqon lahayd dal la aqoonsado.
Intaa ka dib , Waxa loo soo qaaday dhinaca Huteelka loogu tallo galay ee Ambasaddor Hotel , halkaasi oo uu Madaxweynuhu qado Kula Yeeshay Frazer iyo Wefdigeeda.
Wefdigan Maraykanka ahi waa kii ugu cuslaa ee yimaada dalka Somaliland tan iyo intii gooni isu taaga Somaliland lagu dhawaaqay .
socdaalkan oo ka dambeeyay socdaalkii Madaxweyne Rayaale iyo wefdi uu hogaaminayay ee horaantii Bishan ku tageen Dalka Maraykanka.

Dhinaca kale, safiirka Maraykanka u fadhiya dalka Itoobiya oo isagu shalay fiidkii booqasho ku yimid dalka, ayaa u sii gogol xaadhayay socdaalka kaaliyaha xoghayaha Arrimaha dibada Maraykanka.


Junday Frazer ayaa galabnimadii isla maanta ka dhooftay garoonka magaalada caasimada ah ee Hargaysa ee- Egail Intaranational Airport xagaasi oo ay ku dhamaysatay wada hadaladii ay la lahayd madaxweynaha Somaliland iyo xukumadiisa
Sample Image.

Wada hadaladaasi oo ay ku weheliyeen qaar ka tirsan golihiisa wasiirada waxyaabaha laga wada hadlay waxa ugu wayanaa xidhiidhka labada dal iyo sidii si joogta ah labada dhan u wada shaqayn lahaayeen, sidoo kale waxa kulankaasi maanta lagaga wada hadlay sidii Somaliland u helilahayd aqoonsi caalami ah oo dhamaystiran.

Dhanka kalena warar ayaa sheegaaya in laga wada hadlay sidii dawlada Maraykanku xafiis uga furan lahayd magaalada Hargaysa iyada oo wakiil u joogo Somaliland dalka Maraykanka, sidoo kale socdaalkani ma noqon doono socdaalkii ugu horeeyay ee ay dawlada Maraykanka madax doodu ku timaado Somaliland, mana noqon doono kii ugu danbeeyay socdaalkan maanta, ee waxa jiri doona xidhiidh booqashooyin ah oo labada dal is waydaarsan doonaan iyada oo madaxweyne Rayaale dhawaan ka soo laabtay dalka Maraykanka sidoo kale waxa ay sheegtay in dawlada Maraykanku ay si toos ah u taagerayso oo ka qayb qaadanayso doorashooyinka dalka ka dhici doona oo ay maal galin doonaan, iyo waxyaabo kale oo ay ka mid tahay amaanka geeska Afrika.

Dhanka kalena warar aanu ka helanay ilo mihiim ah oo ka mid yihiin diblomaasiyiin u dhashay Somaliland ayaa noo xaqiijiyay in uu madaxweyne Rayaale casuumad sharaf ka helay wadamo dhowr ah oo ay ka mid yihiin oo ka tirsan caalmka, sideedaba tan iyo intii uu madaxweynaha Somaliland ka soo laabtay dalka Maraykanka waxa dalka ku soo qul qulaayay waftiyo kal gadisan oo ka imanaaya caalmak kuwaasi oo isugu jira ganacsato iyo madax ka tirsan caalmka.

Junday Frazer ayaa socdaalkeeda ku tilmaamtay ay maanta ku tagtay Somaliland mid tariikhi ah oo midho dhalay, waxa ay aad ugu mahad naqday xukumada Somaliland iyo shicibkaba sidii ay u soo dhaweeyeen.

Faallo Safarka Xildhibaanada Golaha Wakiilada ay Ingriiska ku Tagayaan













hadhwanaag 2008-02-01 (Hadhwanaagnews) Hargeysa-(HWN):- Shan iyo Toban Mudane oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa shalay galabnimadii waxa ay socdaal ugu ambabaxeen Wadanka Boqortooyada Ingiriiska, ka dib markii ay casuumad rasmi ah ka heleen Xildhibaano ka tirsan Baarlamka Ingiriiska.

Safarka Mudanayaashan ayaa waxa uu qayb ka yahay dadaalada ay Jamhuuriyada Somaliland ugu jirto in ay aqoonsi buuxa ka hesho Beesha Caalamka.

Waxaana Mudayaashi ka hor intii aanay wadanka ka dhoofin ay soo saareen War-safaadeed ay kaga hadlayaa ujeeda safarkoodaas iyo cidda ay doonayaan in ay la kulmaan.

War-saxaafadeedkaas oo dhamaystiranina waxa uu u qornaa sidan:

“Safarkani waxa uu guud ahaan ka mid yahay dadaalka aynu dhamaan Shacan iyo dawlab-ba ugu jirno in aynu qadiyadeena ka dhaadhicino Beesha Caalamka. Waxa uu ka mid yahay dadaalada dheeraadka ah ee Golaha Wakiilada la soo doortay ugu jiro ka qayb qaadashada baadi-goobka ictiraafka uu Qarankeenu aadka ugu baahan yahay.

Safarkani waxa uu gaar ahaan daba socdaa safar ay dhawaan dalkeena [Somaliland] ku yimaadeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamabka Ingiriiska, kuwaas oo ka mid ah Urur la yidhaahdo All-party Parlimentry Group for Somaliland, oo ka kooban Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamanka Ingiriiska, oo tiradoodu hada dhantahay 38 Mudne. Kuwaas oo isu bahaystay meel-marinta qadiyada Somaliland.

Xildhibaanadaa safarka ku yimi Somaliland, waxaa hogaaminayey Mudanaha aynu aadka ugu mahadcelinayno ee magaciisa la yidhaahdo Hon. Alun Michael. Mudanahaas oo aynu dhamaanteen ognahay sidii qiimaha lahayd ee isaga iyo Saaxibadii ay Madaxweynaha Somaliland iyo wefttigiisu markii ay halkaa ku tegeen safarka, sidii ay ugu soo dhaweeyeen Baarlamanka Ingiriiska.

Waxa aanu shirar badan ka dib isla garanay in Golaha Wakiiladu sameeyo Guddi farsamo, oo gaar ahaan la shaqeey Ururkaas APG. Intaas ka dib ayaa Shirgudoonka Goluhu sameeyey Guddidan gaar ah ee magaceedu yahay Cross-party Parliamentry Group (CPG) kana kooban 15 Mudane.

Shir kooban oo dhawaan labada Guddi ay ku yeesheen Aqalka Baarlamaanka Ingiriiska (House of Commons) ayaa la isla gartay in nalagu marti qaado Baarlamaanka Ingiriiska. Halkaas oo aanu kula kulmi doono dhamaan Xubnaha Ururka APG, oo aanu wada qaban doono hawlo badan oo ah danaha Somaliland, haday tahay hawlaha ictiraafka iyo kuwa horumarinta dalkeena.

Waxaa kale oo aanu fursan qaaliga ah uga faa’idaysan doonaa in aanu la kulano Jaaliyadeena joogtar cariga Ingiriiska, oo kaalin lama ilaabaan ah kaga jirta dhismaha Qarankeenan curdinka ah, waxa aanu ku dhiir-gelin doonaa ka qayb qaadashada dardar-gelinta hawlaha iftiraaf raadinta, oo ay mar hore kaalin muhiim ah kaga jireen iyo in shakhsi waliba iska xil saaro, sidii uu qadiyadeena uga dhaadhicin lahaa Beesha Caalamka iyo cidda ama wadanka uu ku nool yahay.

Talo bixin:-

Waxa aanu Madaxweynaha iyo Xukuumadaba ugu baaqaynaa, hadii aanu nahay Golahii Wakiilada ee la soo doortay in si wada jir loogu wada hawl-galo arrinta ictiraaf raadinta iyo ka dhaadhicinta qadiyadeena Bulshada Caalamka. Taas oo aanay cidina xaq gaar ah u lahayd una qaban Karin.

Waxaanu soo jeedinaynaa in dhamaan laamaha dawlada, Xisbiyada Qaranka, Jaaliyada dibada, Ganacsatada dalka iyo Muwaadiniinta aqoonyahanka ah, in laga wada qayb-geliyo ka midho-dhalinta qadiyadeena.

Mahadnaq:-


Waxaanu Mahad gaar ah u celinaynaa marka ugu horaysa shirgudoonka iyo Xildhibaanada Golaha Wakiilada, oo taageero iyo dhiiri-gelin nagu siiyey safarkan qaaliga ah ee anynu dhamaanteen illaahay kaga baryayno in uu ka dhigo mid horseeda guulo badan oo aynu tebayno.

Mar labaadka waxaanu mahad gaar ah u celinaynaa Madaxweynayha Jamhuuriyada Somaliland oo gacan-weyn naga siiyey suurto-gelinta safarkan taatiikhiga ah.
Waxaa kale oo iyagana aanu mahad u celinaynaa Shirkadaha Wadaniga ah ee Dahabshiil iyo Telesom, oo iyaguna taageero lama ilaabaan ah naga siiyey hawlahayaga.”

Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse (C/Heersare)
Hadhwanaagnews Reporter

Hargeysa Somaliland

cabdiheersare01@hotmail.com

Ka Qaybgalka Xuskii sannad Guuradii 14 aad ee Aasaaska Ciidanka Qaranka















(Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin ayaa markii ugu horeysay daboolka ka qaaday in la sameyndoono oo lagu tala-jiro, Ciidamada ilaalada Cirka Somaliland

Sida waxa uu Madaxweynuhu ka sheegay mar uu maanta ka qeybgalay Xuska sanad-guuradii 14aad ee ka soo wareegtay asaaskii Ciidanka Qaranka JSL, oo ku beeganayd 2/2/1994, taas oo lagu qabtay Xarunta taliska guud ee Ciidanka Qaranka.

Xafladaas oo ay ka soo qayb-galeen Shirgudoonka labada gole Barlamaan [Guurtida iyo Wakiillada], Wasiiro ka tirsan Xukuumada, Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo] Masuuliyiin ka socotay labada Qaran ee UDUB iyo UCID, Safiirka Dawlada Ethiopia u fadhiya Somaliland, Saraakiisha iyo hogaanada kala duwan ee Ciidanka Qaranka, fanaaniinta Qaranka Cutubyo ka tirsan ciidanka iyo marti sharaf kale.

Madaxweynaha Somaliland Md Daahir Rayaale Kaahin oo ka hadlay xuska sannad-guurada 14-aad ee ka soo wareegtay asaaskii Ciidanka Qaranka oo ku beegan maanta oo kale sanadkasta waxa uu yidhi “Maanta maalintaynu joognaa waa 2-dii February, waxaa xusid muddan waa maalintii ugu horeeyey ee Ciidanka Qaranka la asaasay. Waxaana asaasay dawladii 1993-kii lagu soo dhisay Boorama ee Alle ha u naraxiistee uu Madaxweyne ka ahaa Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal, Madaxweyne ku xigeen-na uu ka ahaa Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax [Laba Tolle], ayay ahaayeen raggii asaasay.”

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Maanta iyo Maalintaasina way kala duwan yihiin, Maalintaa dabaal-deg ma jirin ayaan u malaynayaa, ee qasabaa lagu samaynayey maalintaa.”

“Ciidan Qaran in la dhisaa wax hawl yar maaha, awood iyo dhaqaale ayuu ciidan u baahan yahay in lagu dhiso, waxaan anigu is leeyahay, waynu isla ognahayoo awood ma hayno. Laakiin dadaal iyo tadxiyad ay sameeyeen raggaa Ciidamada ahi, ayuu Ciidankani ku dhismay, iyo kolba Madaxda joogta oo la dadaalaysay.” Ayuu yidhi Madaxweyne Rayaale.

Md. Rayaale waxa uu yidhi “Waxaa xusid muddan Ciidamada in aan wixii hore ee qabsoomay mooyaane intii aan anigu imidna, waxaan ku booriyey waar bal cidina inooma soo socoto, ceel-na uma qodna cidina uma maqnee, bal waxaan inaga kharaabay ma hagaajisan karaynaa. Run ahaantii fikradaa ninkii aanu isla soo qaadnay wuu dhintaye waxa uu ahaa Xasan Yoonis Habane .”

“Dalkaa Itoobiya ee aynu jaarka nahay aad baan ugu mahadnaqayaa, oo tababar badan ayey Saraakiisha inoo siiyeen, xaga caafimaadka iyo Engineering-ka intaba. Waa cidda keliya ee wax inagu caawisay in ay cid wax inoo baraan. Waxaan rajaynayaa meel kasta oo aan Ciidanka wax uga raadin karna-ba in aynu wax uga raadino.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweyne Rayaale.

Madaxweyne Rayaale waxa uu shaaca ka qaaday in mustaqbalka lagu talo-jiro sidii loo samayn lahaa Ciidankii Cirka. “Waxaan odhan lahaa ku tala-galkeenu in uu noqdo, maanta Ciidanka jira waa Ciidankii Ciidankii dhulka [Infant Riga] oo kaliya, oo weliba baahidiisa aan 2% haysan ayaan odhan karaa, intii badnayd-na ay ka maqan tahay. Laakiin himilada fog waa in aynu ku tala-galnaa, oo aynu samaynaa asaaskii Ciidankii Cirka, Inkasta oo Engineering loo diray, waxaan rajaynayaa in ay Baylood-nimada soo bartaan. Waayo Ciidanka Dhulka ilaa lagu ladho ka Cirka, guulihiisa wax baa ka dhinaanaya.”

Md Daahir Rayaale Mar uu ka hadlayey Ciidamada Qaranka ee ku sugan jiida hore ee Gobolka Sool waxa uu yidhi “Waxaan dhamaan Ciidanka Somaliland ee jiida hore ku hambalyaynayaa guulihii ay soo hooyeen iyo adkaysigii ay muujiyeen mudadii ay joogeen. Waxaanan leeyahay Taliyaha iyo Wasiirka-ba abaalmarintii iyo billadihii wixii ay kala mutaysteen waa in aad soo diyaarisaan,”

Isaga oo hadlkiisa sii watana waxa uu intaa raaciyey oo uu yidhi “Waxaan leeyahay himiladeenu way fogtahay, Sool iyo meelahaas aynu joogno maaha himilada Ciidanka loo dhisayaa, waa himilo ka fog oo ah in ay Qarankan markasta jiritaankiisa ay u noqdaan kuwo u diyaar ah, oo daafici-karaya haddii illaahay yidhaahdo.”

“Waxaan leeyahay xil-weyn baa ina horyaala, Ciidanku xilkoodii way guteen, anaguna Xukuumad ahaan waxba kala hadhi mayno, waxaanan u rajaynayaa [Ciidanka Qaranka] sannadka sannadkiisa in Illaahay ku gaadhsiiyo horumar, si aanu ugu abaal-gudno, waxa ay ummadan u soo qabteen.” Ayuu yidhi president Rayaale.

Wasiirka Gashaandhiga Somaliland Md Cabdilaahi Ibraahim Cali, oo isna munaasibadaa Xuska Ciidanka Qaranka waxa uu yidhi “Wax mar keliya la sameeyaa ma jiraan, 14 sannaadood ka hor midhihii la beeray weeyaan kuwan [Ciidanka Qaran] maanta la isugu yimi, waxaanan rajaynayaa in ay sii socdaan, oo sidaa iyo si la mid ah la isaga xil-qaamo wax alle iyo wixii ummada u dhexeeya, isku dayashana laga sameeyo wixii wanaagsan. Wixii xunna laga hadho,”.

Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Col. Nuux Ismaaciil Taani oo isna ka hadlay Xuska sanadkii 14aad ee ka soowareegtay asaaskii Ciidanka Qaranka waxa uu yidhi “Maanta waxa laga jooga 14 sanno markii la asaasay Ciidanka Qaranka, Taariikhda Ciidanka Qarankuna waa mid sannad kasta soo noq-noqonaysa.”

“Ciidanka Qaranka waxa la asaasay 02-02-1994-kii. Sidaad ogtihiina dawladi ma dhismi karto hadaanay helin Ciidan amnigeeda ilaaliya. Kadib markii shirkii Boorama 1993-kii lagu soo dhisay dawladii xiligaa jirtay ee uu hogaaminayay alle ha u naxariistee Maxmuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal, waxaa lagama maarmaan noqotay in la helo Ciidan Qaran, oo dalwada adkeeya. Waxaana taasi keentay in Ciidan-beeleedyadii waddada fadhiyey in la mideeyo, taas oo dhibaatadeeda iyo khatarteeda lahayd.” Ayuu yidhi Nuux Ismaaciil Taani.

Taliyuhu isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi .“Waxa lagu guulaystay in 500 askari ee ugu horeeyey la uruuriyey, oo ka koobnaa Beelaha Somaliland, kuna salaysnaa tirada Wakiillada iyo Guurtida in la qarameeyo. Intaa ka dib ayey suurto-gashay in la dhiso Ciidan Qaran, oo ay ugu horeeyeen Guutadii 1-aad iyo Guutadii 2-aad. Markii dhidibada loo taagay Ciidanka Qaranka maalin-ba maalinta ka dambaysa ayuu soo kobcayey tirro iyo tayaba.”

“Dhibta ugu weyni waxay ka dhacday markii Ciidankaa la mideynayey, oo Maleeshiyo-beeleedkaa la isugu keeno hal meel, ragii arrintaa ka shaqeeyey ee maanta inoo dhigay asaaskan. Hadaanay maalintaa asaaskan inoo dhigi lahayn, oo aanay ku dadaalin Odoyaal, Guurti, Aqoonyahan iyo cid waliba. Maanta waxaynu ahaan lahayn sida Xamar.” Ayuu yidhi Nuux Ismaaciil Taani.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa raaciyey oo uu yidhi “Waxaa maanta Ciidanku gaadhay in uu yeesho, wixii Ciidan dawladeed oo rigliya uu leeyahay, duruufo badan oo wadanka la soo gudboonaaday-na wuu ka nabad-geliyey. Waajibaadkiisa gudaha iyo kiisa dibada intaba Ciidanku diyaar ayuu u yahay, inkasta oo Ciidanka Qaranku la wadaago Ciidamada Booliska sugida amaanka, hadana waxaa anaga [Ciidanka Qaranka] noo dheer oo aanu u xil-saaran-nahay difaaca Qaranka iyo sugida Xuduudaha wadanka.”

Dhinaca kale, Madaxwayne Rayaale waxa uu isla maanta xadhiga ka jaray dhismihii miiska saraakiisha oo lagu sameeyay dayactir kaas oo ku yaala xaafada Pepsi-ga ee degmada Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa, waxa kale oo uu booqday madaarka magaalada Hargeysa.

Cabdishakuur Xaaji. Muxumed
Hadhwanaagnews.com/Reporter
Hargeysa/Somaliland.