Tuesday, February 5, 2008

Hadalka Lama Saarnaadee Taariikhdii SNM In La Masaxo Sababtay ku dhacday Waxaa Soo Koobay Koloneel Mj. Axmed Mire Hadalkana Ku Soo Jara!










Soomaalidu waxay tidhaahdaa hadal nin badiyey ma wada odhan nin yareeyayna kama wada tagin Carabtuna waxay tidhaahdaa khayrul kalaami maa qalla wadalla waana laba odhaahood oo aad isugu macne dhaw. Beryahaan dadku wuxuu soo qorayay halgankii SNM oon wax qaddarina iyo qiimayntoona loo hayn hadday tahay xagga Xukuumadda iyo hadday tahay beelaha Somaliland qaarkood waana arrin aan lagu farxin loona arko inay keeni karto xasaraad ka dhex abuurma dalka dhexdiisa. Qoraaladii dadku ku cabbirayeen ra’yigooda ku aadan tirtiridda taariikhdii SNM ee dugsiyada dalka WAXAA si mugleh u soo koobay runtana ka sheegay Mujaahid Koloneel Axmed Maxamed Mire oo safka hore uga jiri jiray halgankii qadhaadhaa ee dalka lagu xoreeyey oo reebay taariikh aan la halmaami doonin.

Waxaa nasiib darraa in mujtamaceenna intiisa badani aysan ogsoonayn taariikhda iyo faa’idooyinka weyn ee ay u leedahay ku barbaarinta ubadka soo koraya oo mustaqbalka dhaw noqondoona kuwa hoggaamindoona dalkan waana waajib muqadasa in la baro wixii dalkoodu soo maray samo iyo xumaanba, shar iyo khayrba, dhib iyo dheefba, Xukuumad qarqoosha iyo Xukuumad wacnaydba. Taariikhdu waa xusuus reebta wixii ummaddu soo martay in laga been sheegaana waa waddaniyad xumo iyo isku kalsoonaan la’aan aan la doonayn in ummadu ogaato taariikhdii dalkoodu soo maray. Qarinta Xukuumaddu isku dayayso inay ka saarto manhajka waxbarashada iskuulada dalka waa markhaati ma doonto sida ay Xukuumaddu uga xuntahay taariikhdii halyeeyadii SNM oo xoreeyey Somaliland maadaama aysan meelnaba ka soo galayn halgankii xoreynta ee Somaliland-ta cusub.

Inta danaysa Somaliland horumarkeeda ayaa aad ugu riyaaqay waraysigii uu Kayse Axmed Digaale la yeeshay MJ. Axmed Maxamed Mire oo soo koobay dhammaan wixii lagu murmayay labadii asbuuc ee ina dhaafay oo ahaa maxaa manhajkii dugsiyada dhexe looga masaxay halgankii ama taariikhdii SNM. Waa in dadku kala gar qaataan oo caqliga dib loogu noqdaa oo sida uu u yidhi Axmed Mire loo fahmaa inaysan SNM maanta dhiman ee raggeedii bari hore qabri ku rideen aysan ka fiirsan waxa ka imandoona laakiin nasiib darro ay maanta farta dhexda ka qaniinyaan mana jirto meel ku habboon in wajiga la saaro si wixii ina dhaafay looga daba tago hase ahaatee xaalkii wuxuu marayaa oday geeli ba’ay oo geel diday ka badaba daw-dawleh da’duse u dansheegtay oo awoodii shalay uu lahaa aysan soo mari doonin iyo HAYE fudud HAYE habeenkaan lahaabay hubsiimadu habboonayd.

Meeye raggii odhan jiray anigoo wax dili kara duco qaadan mahayee maxaa u diiday inay maanta wax iska baadh baadhaan waa iyagii tolkoodba usoo farabaxsan jiraye. Ma waxay noqdeen sidii wiilkii fulayga ahaa oo aabihi ku yidhi “Aabbow ninka yar iga celi anaa ninka wayn iska celinayee”. Akhristow waxba yaan laga biyodiidin kalmadaha kor ku qoran iyaguba waa taariikh ina soo martay haddaan been la isku maaweelinayn. Miyaadse halmaanteen madaxweynihii lahaa “ We declare a war against Tribe Hebel” kuna yidhi Af-Soomaali, Af-Carabi iyo Af-Ingiriis iyo sidii hore ma nihin oo ah waxaan ku habboonayn nin weynoo sheeganaya mas’uul umadeed inay afkiisa soo marto. Markaa miyeysan mudnayn in la soo qoro taariikhihii ina soo maray oo dhan mid dhaw iyo mid fogba si jiilasha soo socdaa aysan u noqon sideenoo kale iyo qaar ku milmaha qabyaaladda oo noloshu ka xumaato.

Aan soo qaadanno qaar ka mida caalamka jabhadihii soo maray oo dagaallo lagu wiiqday u horseeday dadkoodii, oo dhibtii laga dhaxlay iyo dheeftii ka timid ay dhibtu aad uga badnayd dheeftii laga helay. Aan in yar ka xusno Mujaahidiintii reer AFQAANISTAAN oo muddo dheer dagaal reer galbeedku hiil iyo hooba isla barbartaageen la galay dawladdii Midawga Soofiyeeti oo ahayd quwadda labaad ee dunida ka jirtay muddo qarni ku dhaw laakiin dagaalkii ay ku soo qaaday Afqaanistaan dhammaadkii qarnigii dhammaaday waxay ka dhaxashay burbur ku yimid midnimadii dalkeeda, mid dhaqan-dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo dawladdii quwaddaa lahayd ay maanta u kala jajabtay 16 dawladood oon waxba la isaga tidhin waxayna ka baxday saaxaddii siyaasadeed iyo loolankii milatari ee dunida ay ku lahaan jirtay.

Markii dagaalkii dhammaaday oo Ruushkii ka huleelay dalka Afqaanistaan ayaa nasiib darro waxaa dhacday inay mujaahidiintii laftirkoodii qorigii isku soo jeediyeen waxaana ka dhex qarxay dagaal ka ba’an kii ay la galeen midawga Soofiyeeti, cid u miciintana way waayeen. Markay muddo dheer ku jireen xaal cakiran oo ah laa qaaliba walaa maqluuba ayaa waxaa soo baxday quwaddii labaad ee la odhan jiray Daalibaan oo sidii Maxaakiimtii reer Muqdisha mar qura u baacsadeen qabqablayaashii reer Muqdisha ayay Daalibaanna caqta marisay mujaahidiintii reer Afqaanistaan ahaana quwaddii jabisay Midawgii Soofiyeetka.

Miyaad dib u maqasheen qammaamiirtii hore ee Afqaanistaan kala qoqobay sida Axmed Shaah Mascuud, Qulbadiin Xikmatiyaar, Burhaanudiin Rabbaani, Cabdirashiid Dustom iyo qaarkaloo badan, maantana waxaa ka soo dhexbaxay nacamlaha koowaad ee Xamiid Karasaay oon aqoonba MAYA, dilka iyo burburka lagu hayo dalkiisana ugu hambalyeeya Ciidama gaalada ee Afqaanistaan jooga. Waxaan maqli jiray adduunyada ninkii noolaw maxaa aragti kuu laaban ee aan idin waydiiyee xaggay iska shabbahaan Cabdullaahi Yuusuf iyo Xamiid Karasaay!

Reer galbeedku dantii uu ka lahaa dagaalkii Afqaanistaan ku qaaday Ruushka iyo taageerada dhaqaale ee loo fidinayey Mujaahidiintii Afqaanistaan wuxuu ahaa in awoodda millatari iyo ta dhaqaale ee Midawgii Soofiyeeti la wiiqo iyadoon wiil reer galbeedihi ku dhiman, Afqaanistaana waxaa laga dhigtay xaabadii dabka lagu hurinayay oo lagu dan gaaray. Laakiin kii lagu dangaaray markuu u baahnaa hiilkii dhabta ahaa reer galbeedku way isaga dhaqaaqeen waana loo kala baxay Afqaanistaan, ceel gun dheer bayna ku dhacday talona way ku caddaatay, meelay u ciirsadaanna haba sheegin xaalna wuxuu ku noqday xabaal iyo ninkeed loo kala tagyeey.

Abaalkii reer galbeedka ee Afqaanistaan ka sugaysay wuxuu noqday in ummadda intaa le’eg oo muslimiintaa lagu sumado waxaysan ahayn iyo inay tahay hoyga Argagixisada caalamigaa. Xaqiiqdu sidaa maahan ee reer galbeedkaa ku soo tababara ciidamadooda, dalkaana waxaa laga dhigtay meel lagu shiish barto hubkana lagu tijaabiyo oo anaa xaqiiqda dhabtaa idiin og oo u soo taagnaa muran siyaasadeed oo dhexmayay baarlamaanada Noorad Ameerika oo madaxdoodii la soo taagnayd inay tahay fursad dahabiya in ciidamadoodu halkaa u joogaan tababar iyo tijaabinta hubka casrigaa si Teknoolajiyadda Millatari kor loogu qaado.

Aan iyadana wax ka soo qaadanno Jabhaddii reer Eritariya oo muddo 30 sano ka badan dagaal kula jirtay maamulkii Boqor Xayle Salaase iyo kii Mangiste Xayle Maaryam oo labada maamulba inkireen xuquuqdii shacabka Eritariya oo go’doon siyaasadeed lagu soo rogay. Itoobiya siyaasaddii ay ka lahayd inay Eritariya qabsato waxaa ugu waynaa baahida ay u qabto inay hesho MARIN BADEED wax uga soo dagaan. Eritariya waxay ka mid ahayd seddexdii dal ee Talyaanigu gumaysan jiray sida Koofurta Soomaaliya iyo Liibiya oo markii dagaalkii labaad ee dunidu dhammaaday ayaa maamulkii Eritariya Talyaanigu ku wareejay Itoobiya si loo gaarsiisyo xorriyadooda sidii Koofurta Soomaaliya Talyaaniga loogu dhiibay 1950-gii ilaa 1960-gii (TRUSTSHIP) si loo tababaro Soomaaliya sidii ay u hanan lahayd maamulka dawladnimo laakiin nasiib darro Talyaanigii waxaa laga bartay oo qudha musuqmaasuq iyo maafiyanimo ilaa iyo immika ay Koofurta Soomaaliya u caalwayday lana dagi la’dahay.

Nasiib darro waxay dhacday markii Xayle Salaase ku dhawaaqay inay Eritariya ka mid tahay Boqortooyada Itoobiya oo ay galeen marxalad labaad iyo gumaysi madaw oon isku haysan inuu yahay gumaysi laakiin ah ka ugu xun inta wax gumaysata. Shicibka Eritariya ma uu noqon sida OGADEEN oo kale ee waxay go’aansadeen inaysan aqbalin inay ka midnoqdaan dawladda guunkaa ee Itoobiya oo u xaalwayday qoomiyadaha kale ee ku hoos nool waxaana dhaxmaray dagaallo la mida dagaaladii SNM la gashay kaligi-taliyihii Siyaad Barre.

Dagaalkaasi markuu socday muddo dheer ayaa waxaa Mangiste ku kacay JABHAD kale oo Tigreegu soo abaabulay, deetana labadii jabhadood waxaa dhexmaray isgaashaan-buursi milatari iyo mid siyaasadeed ilaa ay xoog ku muquuniyeen maamulkii Kaligi-Taliyihii Mangiste. Labada Jabhadood waxay isku afgarteen in shacabka Eritariya laga qaado AFTI lagu waydiinayo masiirkooda siyaasadeed goob joogna ay ka ahaato qaramada midoobay. Aftidaa Eritaraya waxay ku doortay inay ka hoos baxdo gumaysiga ITOOBIYA lana soo noqoto dhulkeedii hooyo maantana waa dawlad ka mida dawladaha Afrika oo u madaxbannaan qaranimadeeda iyo maamulka dalkeeda. Arrinta Eritariya waxa ka markhaati kacaysaa inaan gobonimo bilaash lagu helin ee dhib loo soo maro.

Waxaa xusid mudan Itoobiya iyo Eritariya inay gacanta ku hayaan raggii madaxda ka ahaan jiray jabhadihii xukumka ka qabsaday Mangiste, meesha SNM ay noqotay AWR reeryadiisii cunay oo iyadu gacmaheeda isku qawracday. Anoon ku sii dheeraanayn dunida wixii jabhado soo maray bal aan ku soo noqdo teennii SNM oo hiil iyo hooba shacabka Somaliland isla barbartaagay meeshay ku dambaysay, maxaase keenay marlabaad inay faqashtii dalka horay u soo rogtay maamulkii gacantooda ku soo noqdo iyagoon wax dagaala ama dhiba u soo marin. Waxaan wali la sii yaabanahay igana dagi la’ shacabkii sidaan ogaa loola dagaalamay oo dhulkoodii hooyo loo qoondeeyey dadkale in lagu beero inay si fudud u halmaamaan wixii soo maray ugana hiiliyaan SNM-tii xoreysay.

SNM waxay soo afjartay maamulkii 21-ka sano sida macangagnimadaa uga talinayay Soomaaliya waxayna ku dhawaaqday inaan la kala aargoosan oo wixii dawladdii Afweyne ummadda kala dhexdhigtay laga heshiiyo gacmahana la isqbsado iyo cafallaahu cammaa salafa. Nabadda Somaliland ku faanto waxaa saldhig u ahaa shirkii beelaha Somaliland wada dagaa isugu yimaadeen Magaalada Burco 1991kii laguna go’aansaday la soo noqodkii madaxbannaanida Somaliland markii laga quustay Koofurta Soomaaliya inaan nabadi ka soo socon.

Gabagabo: Nin baa laga hayaa hubsiimo hal dhan baan siistay ee tolow reer Somaliland ama SNM maxay dhaafsatay ama ku baddalatay himiladii shacabkeeda iyo miro-dhalkii halgankii hubaysnaa oo waxaan dhib ogaa loo soo maray. Waxaa la yidhi caano daatay dabadoodaa la qabtaa ee raggii SNM wada ahaan jiray oo maanta ku soo ururay Xisbiga Kulmiye oo taageero weyn ka haysta bulsho weynta dalka ku dhaqan MIYEY marlabaad ilduufi doonaan mise wixii ummaddu uga fadhiday oo kol hore dayacmay bay soo celin doonaan ka dib markii lagu hungoobay Xisbiga talada haya (UDUB) oon wali laga arag waxuu ballanqaaday inuu oofiyo. Laga fiican calaacalka iyo maxaa taariikhdii SNM ta loo xusi waayey ee ka midooba inaad meel iska dhigtaan khilaafaadka dhexdiinaa una soo jeesta sidii aad uga faa’idaysan lahaydeen fursaddan dahabigaa oo dalkoo dhan la idiinka hayo.

Waxaa la yidhi talo waa maraad garan wayday iyo maraad gaari wayday ee maanta TALO yay idin seegin, waxaana rajaynayaa in qammaamiirtii SNM ay ku cibro qaadato wixii ku keenay in Xukumkii ay xaqa u lahaayeen gacantooda ka wareego oo kuwo aan taariikh wadaninimo lahayn loogu igmaday taladii dalka deetana ay ku danbeysay nimaan talin jirin hadduu taliyo nimaan tag jirin baa taga oo waataa birmagaydadii SNM jeelka loo dhigay aragtidooda siyaasadeed oo qudha.



Wa billaahi tawfiiq iyo Raxmaankaa mahadleh.

Shueib A. Gaboose

Toronto, Canada

No comments: