Sunday, February 3, 2008

Jawaabtii Shirgudoonka Wakiillada aay ka bixiyaan arragtida Ururka Qaran iyo waraaq ay hore ugu qoreen








By: Admin on 02/03/08

Jawaabtii Shirgudoonka Wakiillada aay ka bixiyaan arragtida Ururka Qaran

Hoggaanka Urur-siyaasadeedka QARAN, ayaa sheegay in Shir-guddoonka Golaha Wakiilada Somaliland si cad uga soo jawaabay waraaq ay hore ugu qoreen, taas oo ay kaga dalbadeen ifitiiminta Xeerka doorashooyinka ee Xeer Lr. 14.

Hoggaanka sare oo shalay Shir jaraa’id ku qabtay Xafiiskooda Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in Shir-guddoonka Golaha Wakiilladu u xaqiijiyay inuu Xeerkani dhaqan-gal yahay, isla markaana uu shaqaynayo inta xeer laalayaa ka soo daba baxayo. Waxaanay intaa ku dareen in ay Urur ahaan la xidhiidheen Guddoomiyaha Maxkamada Sare, ka dibna uu ugu jawaabay in aanay arrinta xeerkani isaga khusaynin, balse ay tahay mid sharci-dejinta dalka u taala.

Ugu horeyn waxa faahfaahin ka bixiyay u jeedada shirka Jaraa’id, Guddoomiye xigeenka koowaad ee Ururka Qaran Maxamed Xaashi Cilmi, oo ka waramay jawaabta shir-gudoonka Wakiilada. Sidoo kale, Qoraal aad u dheer oo uu shirkaa Jaraa’id ka akhriyay Xoghayaha Warfaafinta iyo wacyigelinta Ururka Qaran Eng. Maxamed Jaamac, ayaa waxa ka mid ahaa;

“Dastuurka JSL waxa uu si cad u qeexay in Muwaadiniintu isu abaabuli karaan Ururo-siyaasadeed, xaqaasina waa xaq Dastuuri ah oo lama taabtaan ah. Haddaba, waxa dhacday in xaqaa Dastuuriga ah Xukuumaddu muran galisay oo Madaxweynuhu shir jaraa’id ku sheegay in Xeerka Lr. 14/2000 oo ogolaanaya in Ururada siyaasiga ahi ka qayb-galaan doorashooyinka dawladaha hoose uu yahay xeer Guurtidu burisay, oo uu waxba kama jiraan yahay. Waxana arrintaa lagu xidhay hoggaanka Urur-siyaasadeedka Qaran, laguna xukumay in aanay shanta sannadood ee soo socda siyaasad ka qayb-qaadan Karin (lana dooran Karin, waxna dooran Karin). Si xeerarkan mugdiga la galiyay loo iftiimiyo, waxa Ururka Qaran uu la xidhiidhay jihooyin badan.”

Ururka Qaran waxa ay ku sheegeen qoraalkoodan in Xeerarka iftiiminaya sharcinimada Ururkooda ay caddeeyeen Hay’ado badan oo isugu jira kuwo waddaniya iyo kuwo Caalami ahiba. Qoraalkani isaga oo ka hadlaya qaabkii ay ula xidhiidheen Guddoomiyaha Maxkamada Sare iyo shir guddoonka Wakiilada waxa uu yidhi, “Waxa xusid mudan in Guddoomiyaha Maxkamada Sare oo ah Guddoomiyaha Maxkamada Dastuuriga ah, inuu yidhi, ‘Aniga arrinkani ima khuseeyo ee dabagalka dhaqan-gelinta Xeerarka waxa leh Xeer-dejinta, garsoorkuna wuxuu leeyahay fasiraadda Dastuurka iyo Xeerarka marka qodobo laysku qabto.” Intaa ka dib, ayaa waraaq Qoraal ah oo ay u direen Wakiillada, iyana ay uga soo jawaabeen, ka dib. Waxa Ururka Qaran Shirkoodii Jaraa’id ku sheegeen in iyaga oo ka duulaya Jawaabta Shirguddoonka Wakiillada, uu Ururkoodu yahay mid sharci ah.

Isla markaana uu Xeer Lr. 14/2000 uu yahay Xeer dhaqan-gal. Ururka Qaran qoraalkoodan oo aad u dheeraa waxay wax badan kaga hadleen xaqa muwaadiniintu u leeyihiin furashada Ururro Siyaasadeed, bulsho, shaqo cilmiyeed iyo kuwa la mid ka ah, Xaqa muwaadiniintuna yahay lama taabtaan uu dastuurku u damaanad qaaday. “Haddaba, waxa aanu ku boorinaynaa komishanka doorashooyinka Qaranka inay xilkooda garsoor u gutaan si u siman Xisbiyadda iyo Ururada, sida ku qeexan Xeer 20/2001, Xeer Lr. 14/2000 iyo qodobada dastuurka ee kor ku xusan.

Waxa fiiro gaar ah mudan qodobka Lr. 19 ee Xeer 20/2001, oo ah dhaarta Komsihanka doorashooyinka Qaranka oo ay mid mid dhaartaa hoos ku qoran kaga hor dhaaranayaan Guddoomiyaha Maxkamada Sare; Waxa igu wallaahiya oo igu bilaahiya inaan hawsha doorashada u gudan doono si xilkasnimo, daacadnimo leh. (Inaan dhex u ahaado xibiyada/ururada iyo musharaxiinta, sharciga iyo cadaaladdana aan ku shaqeeyo.) Waxaanu xusuusinaynaa Komishanka doorashooyinka in seddexda Xisbi Qaran ee jiraa ku meel-gaadh yihiin lana siiyay shahaadado ku mudaysan 5 sanno. Sidaa darteed waxa ku waajib ah Xisbiyada Qaranka iyo Xukuumadda inay danta guud ka horumariyaan danahooda gaarka ah oo xuquuqda muwaadiniinta ee Dastuurka iyo xeerka dalku u jideeyeen ay daryeelaan oo ay ixtiraamaan.” Sidaa waxay ku yidhaahdeen Hoggaanka Qaran Shirka Jaraa’id, waxaanay intaa ku dareen oo ay ku yidhaahdeen, “Ururka Qaran waxa uu ka digayaa ku dhaqan la’aanta Xukuumadda ee dastuurka iyo xeerarka dalka u yaala ee lagu duudsiyaayo xuquuqda muwaadininta maanta nool iyo kuwa dhalan doonaba ay ka waantowdo.

Source goljano

No comments: