Sunday, February 3, 2008

Ka Qaybgalka Xuskii sannad Guuradii 14 aad ee Aasaaska Ciidanka Qaranka















(Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin ayaa markii ugu horeysay daboolka ka qaaday in la sameyndoono oo lagu tala-jiro, Ciidamada ilaalada Cirka Somaliland

Sida waxa uu Madaxweynuhu ka sheegay mar uu maanta ka qeybgalay Xuska sanad-guuradii 14aad ee ka soo wareegtay asaaskii Ciidanka Qaranka JSL, oo ku beeganayd 2/2/1994, taas oo lagu qabtay Xarunta taliska guud ee Ciidanka Qaranka.

Xafladaas oo ay ka soo qayb-galeen Shirgudoonka labada gole Barlamaan [Guurtida iyo Wakiillada], Wasiiro ka tirsan Xukuumada, Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo] Masuuliyiin ka socotay labada Qaran ee UDUB iyo UCID, Safiirka Dawlada Ethiopia u fadhiya Somaliland, Saraakiisha iyo hogaanada kala duwan ee Ciidanka Qaranka, fanaaniinta Qaranka Cutubyo ka tirsan ciidanka iyo marti sharaf kale.

Madaxweynaha Somaliland Md Daahir Rayaale Kaahin oo ka hadlay xuska sannad-guurada 14-aad ee ka soo wareegtay asaaskii Ciidanka Qaranka oo ku beegan maanta oo kale sanadkasta waxa uu yidhi “Maanta maalintaynu joognaa waa 2-dii February, waxaa xusid muddan waa maalintii ugu horeeyey ee Ciidanka Qaranka la asaasay. Waxaana asaasay dawladii 1993-kii lagu soo dhisay Boorama ee Alle ha u naraxiistee uu Madaxweyne ka ahaa Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal, Madaxweyne ku xigeen-na uu ka ahaa Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax [Laba Tolle], ayay ahaayeen raggii asaasay.”

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Maanta iyo Maalintaasina way kala duwan yihiin, Maalintaa dabaal-deg ma jirin ayaan u malaynayaa, ee qasabaa lagu samaynayey maalintaa.”

“Ciidan Qaran in la dhisaa wax hawl yar maaha, awood iyo dhaqaale ayuu ciidan u baahan yahay in lagu dhiso, waxaan anigu is leeyahay, waynu isla ognahayoo awood ma hayno. Laakiin dadaal iyo tadxiyad ay sameeyeen raggaa Ciidamada ahi, ayuu Ciidankani ku dhismay, iyo kolba Madaxda joogta oo la dadaalaysay.” Ayuu yidhi Madaxweyne Rayaale.

Md. Rayaale waxa uu yidhi “Waxaa xusid muddan Ciidamada in aan wixii hore ee qabsoomay mooyaane intii aan anigu imidna, waxaan ku booriyey waar bal cidina inooma soo socoto, ceel-na uma qodna cidina uma maqnee, bal waxaan inaga kharaabay ma hagaajisan karaynaa. Run ahaantii fikradaa ninkii aanu isla soo qaadnay wuu dhintaye waxa uu ahaa Xasan Yoonis Habane .”

“Dalkaa Itoobiya ee aynu jaarka nahay aad baan ugu mahadnaqayaa, oo tababar badan ayey Saraakiisha inoo siiyeen, xaga caafimaadka iyo Engineering-ka intaba. Waa cidda keliya ee wax inagu caawisay in ay cid wax inoo baraan. Waxaan rajaynayaa meel kasta oo aan Ciidanka wax uga raadin karna-ba in aynu wax uga raadino.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweyne Rayaale.

Madaxweyne Rayaale waxa uu shaaca ka qaaday in mustaqbalka lagu talo-jiro sidii loo samayn lahaa Ciidankii Cirka. “Waxaan odhan lahaa ku tala-galkeenu in uu noqdo, maanta Ciidanka jira waa Ciidankii Ciidankii dhulka [Infant Riga] oo kaliya, oo weliba baahidiisa aan 2% haysan ayaan odhan karaa, intii badnayd-na ay ka maqan tahay. Laakiin himilada fog waa in aynu ku tala-galnaa, oo aynu samaynaa asaaskii Ciidankii Cirka, Inkasta oo Engineering loo diray, waxaan rajaynayaa in ay Baylood-nimada soo bartaan. Waayo Ciidanka Dhulka ilaa lagu ladho ka Cirka, guulihiisa wax baa ka dhinaanaya.”

Md Daahir Rayaale Mar uu ka hadlayey Ciidamada Qaranka ee ku sugan jiida hore ee Gobolka Sool waxa uu yidhi “Waxaan dhamaan Ciidanka Somaliland ee jiida hore ku hambalyaynayaa guulihii ay soo hooyeen iyo adkaysigii ay muujiyeen mudadii ay joogeen. Waxaanan leeyahay Taliyaha iyo Wasiirka-ba abaalmarintii iyo billadihii wixii ay kala mutaysteen waa in aad soo diyaarisaan,”

Isaga oo hadlkiisa sii watana waxa uu intaa raaciyey oo uu yidhi “Waxaan leeyahay himiladeenu way fogtahay, Sool iyo meelahaas aynu joogno maaha himilada Ciidanka loo dhisayaa, waa himilo ka fog oo ah in ay Qarankan markasta jiritaankiisa ay u noqdaan kuwo u diyaar ah, oo daafici-karaya haddii illaahay yidhaahdo.”

“Waxaan leeyahay xil-weyn baa ina horyaala, Ciidanku xilkoodii way guteen, anaguna Xukuumad ahaan waxba kala hadhi mayno, waxaanan u rajaynayaa [Ciidanka Qaranka] sannadka sannadkiisa in Illaahay ku gaadhsiiyo horumar, si aanu ugu abaal-gudno, waxa ay ummadan u soo qabteen.” Ayuu yidhi president Rayaale.

Wasiirka Gashaandhiga Somaliland Md Cabdilaahi Ibraahim Cali, oo isna munaasibadaa Xuska Ciidanka Qaranka waxa uu yidhi “Wax mar keliya la sameeyaa ma jiraan, 14 sannaadood ka hor midhihii la beeray weeyaan kuwan [Ciidanka Qaran] maanta la isugu yimi, waxaanan rajaynayaa in ay sii socdaan, oo sidaa iyo si la mid ah la isaga xil-qaamo wax alle iyo wixii ummada u dhexeeya, isku dayashana laga sameeyo wixii wanaagsan. Wixii xunna laga hadho,”.

Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Col. Nuux Ismaaciil Taani oo isna ka hadlay Xuska sanadkii 14aad ee ka soowareegtay asaaskii Ciidanka Qaranka waxa uu yidhi “Maanta waxa laga jooga 14 sanno markii la asaasay Ciidanka Qaranka, Taariikhda Ciidanka Qarankuna waa mid sannad kasta soo noq-noqonaysa.”

“Ciidanka Qaranka waxa la asaasay 02-02-1994-kii. Sidaad ogtihiina dawladi ma dhismi karto hadaanay helin Ciidan amnigeeda ilaaliya. Kadib markii shirkii Boorama 1993-kii lagu soo dhisay dawladii xiligaa jirtay ee uu hogaaminayay alle ha u naxariistee Maxmuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal, waxaa lagama maarmaan noqotay in la helo Ciidan Qaran, oo dalwada adkeeya. Waxaana taasi keentay in Ciidan-beeleedyadii waddada fadhiyey in la mideeyo, taas oo dhibaatadeeda iyo khatarteeda lahayd.” Ayuu yidhi Nuux Ismaaciil Taani.

Taliyuhu isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi .“Waxa lagu guulaystay in 500 askari ee ugu horeeyey la uruuriyey, oo ka koobnaa Beelaha Somaliland, kuna salaysnaa tirada Wakiillada iyo Guurtida in la qarameeyo. Intaa ka dib ayey suurto-gashay in la dhiso Ciidan Qaran, oo ay ugu horeeyeen Guutadii 1-aad iyo Guutadii 2-aad. Markii dhidibada loo taagay Ciidanka Qaranka maalin-ba maalinta ka dambaysa ayuu soo kobcayey tirro iyo tayaba.”

“Dhibta ugu weyni waxay ka dhacday markii Ciidankaa la mideynayey, oo Maleeshiyo-beeleedkaa la isugu keeno hal meel, ragii arrintaa ka shaqeeyey ee maanta inoo dhigay asaaskan. Hadaanay maalintaa asaaskan inoo dhigi lahayn, oo aanay ku dadaalin Odoyaal, Guurti, Aqoonyahan iyo cid waliba. Maanta waxaynu ahaan lahayn sida Xamar.” Ayuu yidhi Nuux Ismaaciil Taani.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa raaciyey oo uu yidhi “Waxaa maanta Ciidanku gaadhay in uu yeesho, wixii Ciidan dawladeed oo rigliya uu leeyahay, duruufo badan oo wadanka la soo gudboonaaday-na wuu ka nabad-geliyey. Waajibaadkiisa gudaha iyo kiisa dibada intaba Ciidanku diyaar ayuu u yahay, inkasta oo Ciidanka Qaranku la wadaago Ciidamada Booliska sugida amaanka, hadana waxaa anaga [Ciidanka Qaranka] noo dheer oo aanu u xil-saaran-nahay difaaca Qaranka iyo sugida Xuduudaha wadanka.”

Dhinaca kale, Madaxwayne Rayaale waxa uu isla maanta xadhiga ka jaray dhismihii miiska saraakiisha oo lagu sameeyay dayactir kaas oo ku yaala xaafada Pepsi-ga ee degmada Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa, waxa kale oo uu booqday madaarka magaalada Hargeysa.

Cabdishakuur Xaaji. Muxumed
Hadhwanaagnews.com/Reporter
Hargeysa/Somaliland.

No comments: