Sunday, February 3, 2008

Faallo Safarka Xildhibaanada Golaha Wakiilada ay Ingriiska ku Tagayaan













hadhwanaag 2008-02-01 (Hadhwanaagnews) Hargeysa-(HWN):- Shan iyo Toban Mudane oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa shalay galabnimadii waxa ay socdaal ugu ambabaxeen Wadanka Boqortooyada Ingiriiska, ka dib markii ay casuumad rasmi ah ka heleen Xildhibaano ka tirsan Baarlamka Ingiriiska.

Safarka Mudanayaashan ayaa waxa uu qayb ka yahay dadaalada ay Jamhuuriyada Somaliland ugu jirto in ay aqoonsi buuxa ka hesho Beesha Caalamka.

Waxaana Mudayaashi ka hor intii aanay wadanka ka dhoofin ay soo saareen War-safaadeed ay kaga hadlayaa ujeeda safarkoodaas iyo cidda ay doonayaan in ay la kulmaan.

War-saxaafadeedkaas oo dhamaystiranina waxa uu u qornaa sidan:

“Safarkani waxa uu guud ahaan ka mid yahay dadaalka aynu dhamaan Shacan iyo dawlab-ba ugu jirno in aynu qadiyadeena ka dhaadhicino Beesha Caalamka. Waxa uu ka mid yahay dadaalada dheeraadka ah ee Golaha Wakiilada la soo doortay ugu jiro ka qayb qaadashada baadi-goobka ictiraafka uu Qarankeenu aadka ugu baahan yahay.

Safarkani waxa uu gaar ahaan daba socdaa safar ay dhawaan dalkeena [Somaliland] ku yimaadeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamabka Ingiriiska, kuwaas oo ka mid ah Urur la yidhaahdo All-party Parlimentry Group for Somaliland, oo ka kooban Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamanka Ingiriiska, oo tiradoodu hada dhantahay 38 Mudne. Kuwaas oo isu bahaystay meel-marinta qadiyada Somaliland.

Xildhibaanadaa safarka ku yimi Somaliland, waxaa hogaaminayey Mudanaha aynu aadka ugu mahadcelinayno ee magaciisa la yidhaahdo Hon. Alun Michael. Mudanahaas oo aynu dhamaanteen ognahay sidii qiimaha lahayd ee isaga iyo Saaxibadii ay Madaxweynaha Somaliland iyo wefttigiisu markii ay halkaa ku tegeen safarka, sidii ay ugu soo dhaweeyeen Baarlamanka Ingiriiska.

Waxa aanu shirar badan ka dib isla garanay in Golaha Wakiiladu sameeyo Guddi farsamo, oo gaar ahaan la shaqeey Ururkaas APG. Intaas ka dib ayaa Shirgudoonka Goluhu sameeyey Guddidan gaar ah ee magaceedu yahay Cross-party Parliamentry Group (CPG) kana kooban 15 Mudane.

Shir kooban oo dhawaan labada Guddi ay ku yeesheen Aqalka Baarlamaanka Ingiriiska (House of Commons) ayaa la isla gartay in nalagu marti qaado Baarlamaanka Ingiriiska. Halkaas oo aanu kula kulmi doono dhamaan Xubnaha Ururka APG, oo aanu wada qaban doono hawlo badan oo ah danaha Somaliland, haday tahay hawlaha ictiraafka iyo kuwa horumarinta dalkeena.

Waxaa kale oo aanu fursan qaaliga ah uga faa’idaysan doonaa in aanu la kulano Jaaliyadeena joogtar cariga Ingiriiska, oo kaalin lama ilaabaan ah kaga jirta dhismaha Qarankeenan curdinka ah, waxa aanu ku dhiir-gelin doonaa ka qayb qaadashada dardar-gelinta hawlaha iftiraaf raadinta, oo ay mar hore kaalin muhiim ah kaga jireen iyo in shakhsi waliba iska xil saaro, sidii uu qadiyadeena uga dhaadhicin lahaa Beesha Caalamka iyo cidda ama wadanka uu ku nool yahay.

Talo bixin:-

Waxa aanu Madaxweynaha iyo Xukuumadaba ugu baaqaynaa, hadii aanu nahay Golahii Wakiilada ee la soo doortay in si wada jir loogu wada hawl-galo arrinta ictiraaf raadinta iyo ka dhaadhicinta qadiyadeena Bulshada Caalamka. Taas oo aanay cidina xaq gaar ah u lahayd una qaban Karin.

Waxaanu soo jeedinaynaa in dhamaan laamaha dawlada, Xisbiyada Qaranka, Jaaliyada dibada, Ganacsatada dalka iyo Muwaadiniinta aqoonyahanka ah, in laga wada qayb-geliyo ka midho-dhalinta qadiyadeena.

Mahadnaq:-


Waxaanu Mahad gaar ah u celinaynaa marka ugu horaysa shirgudoonka iyo Xildhibaanada Golaha Wakiilada, oo taageero iyo dhiiri-gelin nagu siiyey safarkan qaaliga ah ee anynu dhamaanteen illaahay kaga baryayno in uu ka dhigo mid horseeda guulo badan oo aynu tebayno.

Mar labaadka waxaanu mahad gaar ah u celinaynaa Madaxweynayha Jamhuuriyada Somaliland oo gacan-weyn naga siiyey suurto-gelinta safarkan taatiikhiga ah.
Waxaa kale oo iyagana aanu mahad u celinaynaa Shirkadaha Wadaniga ah ee Dahabshiil iyo Telesom, oo iyaguna taageero lama ilaabaan ah naga siiyey hawlahayaga.”

Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse (C/Heersare)
Hadhwanaagnews Reporter

Hargeysa Somaliland

cabdiheersare01@hotmail.com

No comments: