Sunday, April 27, 2008

Hayada Wadaniga Candle-Light ayaa maanta mar kale dib u bilowday hawlaha biyo dhaamiska
















Hayada Candle-Light oo Biyo Dhaamis Ka Bilowday Deegaanka Gobolka Togdheer.

Oodwayne.blogspot.com
27.4.08

Madaxa Mashaariicda Gurmada Deg dega C/risaaq Bashiir Liibaan oo maanta shir jaraa,id ku qabtay xafiiskooda Burco ayaa daboolka ka qaaday in Candle-Light ay tan iyo 24 Bishan April ay gaadhsiisay 56 konton iyo lix tuulo oo ka mida 7 Degmo oo ku yaala nawaaxiga gobalka togdheer kuwaas oo ay qiimayn ku sameeyeen ay ku ogaadeen meelaha u daran.

Sarkaalkan waxaa kale oo uu warkiisa ku sheegay in biyaha ilaa hada ay bixiyeen oo dhan 3000 Sadex Kun oo Foosto oo si wada jira isaga kaashadeen Hayada Novib aanay ahayn kuwa xaalada biyo yaraanta wax ka taraya ee xilligan xaaladu marayso maqaamkii ugu cuslaa kaasi oo uu xusay inay 20,000 labaatan kun oo foosto horey u qaybiyeen, Sarkaalkan Candl-Light waxaa uu warkiisa ku sheegay inay goobaha qaar kood xaalad argagax leh taasi oo haraad dadka iyo duunyadaba sii kordhayaan.

Horaantii bisha April ayaa sidan oo kale hayada candl-light iyo hayada CCS,Soyvo si wada jira ugu wadeen deegaamada gobalka hawl gal biyo dhaamis oo maamulka gobalka war bixin ka soo saaray xilligaas ay ku tilmaameen inay ahayd talaabo muhiima .

Hawl gal muhiima ayaa waxaa uu ku soo beegmay xilli ay xaaladu biyo yaraanta marayso heerkii ugu adkaa iyada oo xiligan aanay xoolihii u dhimanayaan macaluul iyo haraad kaasi oo ay muskiladan shidaalka ay isla markiiba sare u gaadhay.

“ maanu arag dad dhimanaya laakiin xaalad u dhiganta ayaanu aragnay”


Reported By: Yusuf I Warsame
Burco : Ilka Case Burco

No comments: