Sunday, April 13, 2008

Oodweyne iyo Munaasibad Balaadhan oo Loogu Wanqalay Gobolka Cusub..Iyo Sawridii Xafladaa

Oodwayne.blogspot.com
April 13, 2008

Oodweynenews:
Munaasibad balaadhan oo loogu wanqalayay gobolka cusub ee dhowaan loo magaacaabay Oodweyne,oo ay ka soo qaybgaleen Koox Wasiiro ahXildhibaano ka tirsan wakiilada,Masuuliyiinta g/togdheer,golaha degaanka Burco, Cuqaal,Salaadiin,Hayadaha Wadaniga iyo martisharaf kale oo badan ayaa maalinti shalay) ka lagu qabtay xarunta Gobolkaasi.
Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Md.C/llaahi Ciro,oo Munaasibadaas xadhiga ka jaray ayaa sheegay inuu ugu hambalyaynayo dadweynaha Reer Oodweyne gobolnimadaa cusub ee la siiyay islamarkaana soo dhawaynayaan.

Waftigii Wasiirada ee ka qaybgalay Munaasibada Oodweyne

Waxa uu intaa ku daray Wasiirku in hawlaha wasaarad ahaan ka khuseeya Gobolka ay sida ugu dhakhso badan uga fulin doonaan, Haseyeeshee waxaan idinkula dardaarmayaa inaad ilaashataan Nabada galyada oo ah shayga ugu muhiimsan “Waad la socotaan waxyaalaha maalmahan dambe laga wado hargaysa ee la doonayo in nabadgalyada lagu khalkhal galiyo,Mana aha mid aanu raali ka noqonayno.”



Dadweynhii Oodweyne iyo Fagaarihii Lagu Qabtay Munaasibada.

Wasiirka Hawlaha Guud Siciid sulub Maxamed ayaa isaguna munaasibadaa ka sheegay in xukuumadihii wadanka soo maray reer Oodweyne ay waydiisan jireen laba arimood oo ah Gobolnimo iyo Dhismaha jidka isku xidha Oodweyne iyo Hargaysa,Balse labadii arimoodba waxa u fuliyay M/weyne Rayaale.Waxa uu intaas raaciyay Siciid Sulub in halkan hada laga sheegay in Oodweyne yahay degaan hodon ku ah dhinacyada Xoolaha iyo beeraha sidaas darteed Bulshada looga baahan yahay sidii ay uga faaiidaysan lahaayeen khayraadkaas “Horumarka iyo hirgalinta Gobolka cusubi waa mid ku xidhan dadweynaha oodweyne”.

Wasiirka Hawlaa Guud iyo Waasiirka Arimaha Gudaha.

Waxa kale oo Wasiirku halkaa ka sheegay in lala wada socdo arimihii Wasiiraka daakhaligu ka sheegay BBC-da,waa Runtii warkuu sheegay,waayo Isagaa Aminga dalka u qaabilsan,cida waxa wadaana kama iman meel dheer ee waa gudaheena “Waa rag doonayaa inay burburiyaan Nabada iyo Horumarka aynu gaadhnay ee aduunku inagu majeeranayo…Miyaynu ka yeelnaa …Dadweynihii..Maya..Maya. Isagoo Siciid Sulub ka hadlaya Arimaha Doorashada waxa uu yidhi “M/weynuhu marnaba ma odhan hay lay kordhiyo,ee waxa uu markasta cadeenayay inuu diyaar u yahay doorashadu inay wakhtigeeda qabsoonto.
Waxa Wasiirku ku soo koobay hadalkiisii in Gobolka Oodweyne yahay mid u dhexeeya Reer somaliland oo dhan,cid gaar u lihina aanay jirin.


Xaabsade Cheif..Maxamed Daahir

Axmed Cabdi Xaabsade oo ka mid ah siyaasiyiinta waaweyn ee Reer Sool,oo Munaasibadaa ka qaybgalay ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo magacaabista gobolada cusub isagoo arimahaa faahfaaniyana waxa uu yidhi “Dadbaa lahaa gobolada cusub waa khalad oo cambaareynayay,hasehaatee anigu waxaan leeyahay waa talaabo wanaagsan,waayo Tirada iyo tadawarka dadku waa sii kordhiyaa markaa waxa loo baahan yahay in la kordhiyo gobolada iyo degmooyinka oo aan la taagnaan halkii ingiriisku inagaga tagay.
Waxa kale oo Xaabsade tilmaamay inuu ahaa gudoomiyihii golaha wakiilada Somaliland ee ugu horeeyay,balse uu markii dambe aan cadho kaga tagay iyadoo lawada ogyahay,hadana dib ayaan ugu soo laabtay Somaliland sababtuna waxay tahay markaan arkay in xisbiyo siyaasadeed la furay oo isbedel yimi oo wixii aan ka cadhooday shalay ka baxeen meesha “Waxaan hada isku soo sharaxayaa jagada M/weynaha soo codka isiin maysaan”.
Waxa uu ku soo koobay Xaabsade hadalkiisii in Reer Oodweyne looga baahan yahay sidii hanashada gobolkooda cusub.
Xildhibaan Cali Xaaji oo ka mid xildhibaanadii baarlamaanka ee ka soo baxay degaanka Oodweyne ayaa isaguna sheegay in hada gobolka Burco iyo Oodweyne yihiin laba gobol oo siman,kana madaxbaanaday.Xildhibanku waxa uu intaa raaciyay in dadweynaha Oodweyne looga baahan yahay sidii ay muujin lahaayeen gobolkooda.waxaanu ku soo koobay hadalkiisii in xafladani tahay mid loogu talagalay gobolnimada cusub iyo mid duco ah maadaama xaalad abaareed oo xun lagu jiro,olaahayna ka baryayno inuu raxmad khayr qabta inoo shubo.

Gudoomiyaha Cusub Ee G/Oodweyne. Xildh.Cali Xaaji.
Duqa magaalada Burco Maxamuud Axmed Xasan(Dhegalaab)ayaa munaasibadaa ka cadeeyay inay soo dhaweynayaan gobolnimada cusub ee Oodweyne tahayna wax u soo kordhay togdheer,waxa uu intaa ku daray in Xiligii aanu Maleeshiyada ahayn Oodweyne u magacaabnay Gobolka Daadmadheedh,sidaas darteed magaca Goblku yahay Daadmadheedh,ugu dambayntii waxa bulshada Oodweyne kula dardaarmay inay ka hawlgalaan horumarinta gobolkooda oo camiraan Balse aanay hada markaanu ka caraabno naga soo daba caraabin ee ku nagaadaan gobolka.

Duqa Burco Badhasaabka Burco.
Gudoomiyaha Gobolka cusub ee Odweyne Col.Maxamed Cabdi Libaan ayaa balan qaaday in si cadaalad ah ugu shaqayndoono dadweynaha gobolka,kana hawlgalidoono sidii dhamaanteen inagoo gacmaha ishaysana u horumarin lahayn gobolkeena.

Suldaan..Qoobey. Suldaan Galaal.
Gudoomiyaha gobolka Togdheer, Duqa Oodweyne,Chief,Maxamed Daahir,Suldaan Maxamed C/laahi(Galaal),Suldaan Qoobey,iyo Xubno kale oo badani ay ka hadleen Munaasibadaas loogu talagalay gobolnimada Cusub ee Oodweyne,Waxa kale oo munaasibadaa Wacdaro ka muujisay Kooxda Baanbooyda.
Munaasibadan loogu wanqalayay gobolada Cusub ee Oodweyne ayaa waxa ka soo qayb galay Wasiirada Hawlaha Guud,Arimaha Gudaha,Beeraha,X/xoolaha.Wasiir udawlaha Arimaha dibada,Wasiir ku xigeenka wasaarada Ganacsiga,Siyaasiyiin,Xildhibaano iyo Martisharaf badan ,waxayna ahayd munaasibad si weyn loo soo agaasimay.

Kayse Axmed Digaale
Kdigale@Yahoo.com
Burco

No comments: