Monday, April 28, 2008

Magaalo ku Taala Badda oo Aan Laga Quudan Kalluunka iyo Khayraadka Dihin.






Faysal Cabdilaahi
Tuesday, 22 April 2008

(Hormoodnews).

Magaalada Maydh waa magaalo da' weyn , waxayna ka mid tahay meelihii xadaaradaha ganacsiga dalkan Somaliland ku soo unkameen muddo boqolaal sano laga joogo , hase yeeshee maanta waxay maraysaa heer liita dhinac kasta oo aad ka eegtaba.

Maydh waa degmo 90 ka dhinaca Woqooyi kaga beegan Magaalada Ceerigaabo , isla markaana ka tirsan gobolka Sanaag , waxa ku yaala dhismayaal qadiimi ah , waana magaalo taariikhiya oo uu ku aasan yahay Sheekh isaxaaq oo la siyaarto iyo culimo kaleba , kaasi oo ay ka soo tafiirmeen qaar ka mid ah dadka ku wada nool dalkan Somaliland .

Waxay Maydh leedahay Dekeda dabiiciya oo doonyuhu ku soo xidhan jireen hadan ku soo xidhaan , isla markaana intii aan ilbaxnimadu soo gaadhin qoomiyadii Soomaalida laysku odhan jiray waxay ka mid ahayd meelihii furaha ama marin kaba u ahayd ee waxna laga dhoofsan jiray waxna lagala soo degi jiray , sidoo kalena waxay caan ku tahay oo ay lafdhabar u ahayd dhoofinta ka ganasiga beenyada ka baxda dalkan Somaliland , gaar ahaan gobolka Sanaag .

Hase yeeshee magaalada Maydh ee udub dhexaadka u ah taariikhda Somaliland iyo dhinaca Ilbaxnimadaba , magaca iyo taariikhda ay magaaladani leedahay iyo muuqa ay maanta leedahay aanay is lahayn , kana muuqdeen duruuf dhinac walba leh oo dib u dhac ku keenay Maydh.

Shacbiga Maydh ku nool ku liitaan dhinaa wax kala soo bixista khayraadka badda ku jira hadday tahay kalluunka iyo waxyaabaha kaleba.

Qaar ka mid ah dadweynayha degmada Maydh ayaa sheegay in ugu yaraan habeenkiiba ay konton Laash oo kalluumaysato Carbeed ah iyo kuwo wadani oo u sii shaqaynaya Carabta badooda ka gurtaan kalluun , Maydhna ay ka kalluun la'dahay , isla markaana dhaqaale ahaan degmada iyo dalkaba wax cashuur ah oo la taaban karaa ayna ka soo galin , kuwaasi oo u badan Yemaniyiin ay ka wakiil yihiin muwaadiniin reer Maydh ah , iyadoo khidmada ay ka qaataana tahay shidaal yar oo aan sidan u sii badnayn , waxa iyaduna intaa dheer beenyadi oo iyadana rashin carabtaasi ka bedeshaan aan qiimo ahaan u qalmin .

Mar aan u kuur galay saddex cisho oo wefdigaa Madaxweyne ku xigeenku oo aan la socday booqasho ku joogay Maydh Magaaladaasi bada leh ee kalluunkeeda iyo khayraadkeeda kaleba ee Yemaniyiintu dal dalanayso in aanu ku arag kalluun lagu dhex cunayo ama lagu dhex iibinayaba , taasina ay tahay ayaan darro haysata Maydh iyo meelo kale oo la mid ah oo Somaliland ku yaalaba oo leh Dekedo.

Inkastoon dib u dhaca dhinaca wax la soo bixista khayraadka ee shacbiga Maydh ay qayb ka tahay siyaarada la keeno Sheekh Isaxaaq oo ay ku tiirsan yihiin, isla markaana marka aad la sheekaysato shacbigaasi waxay ku jiraan riyo ah in ay yihiin dadka ugu ilbaxsan Somaliland walow aan waxba uga hoosayn lagu tuhmaa.

Madaxweyne ku xigeenka JSL Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa intii uu hawsha shaqo isaga iyo wefdigiisu gobolkaa Sanaag ku joogeen ayaa fagaare kasta oo uu hadal ka jeediyo waxa u ka sheegay in dawladu go'aan ku gaadhay si loo horumariyo gobolkaasi in ganacsatada gobolkaasi wixii ay ka dhoofinayaan iyo wixii ay ka soo dajinayaan ee daruuriya dekeda gobolkaasi leeyahay cashuur dhaaf loo samaynayo , taasi oo ujeedada dawladu ka leedahay ay tahay si aan bulshada gobolkaasi ugu baahnin dekedaha la jaarka ah ee Puntland tahay dhinaca ganacsiga.

Ciidan ka mid ah Ciidanka Marinska ee Somaliland oo si fiican u labisan iyo dadweyne aad xukuumada u jecel ayaa Madaxweyne ku xigeenka iyo wefdigiisa ku soo dhaweeyay Maydh markii ay tageen.

Si kastaba ha ahaatee Maydh waa Meel u baahan gurmad qaran oo dib loogu soo celinayo magacii iyo mansabkii hore ee ay lahayd.

Faysal Cabdillahi

No comments: