Sunday, April 13, 2008

Komishanka Doorashooyinka oo markale ayiday Go’aankii ay wadagaadheen 3-da Xisbi qaran

Oodwayne.blogspot.com
April,13. 2008

Hargeysa (Jam)- Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa markale si buuxda u ayiday go’aankii ay wadajirka u gaadheen Guddiga Doorashooyinka iyo saddexda xisbi qaran ee lagu cayimay waqtiga dambaysta ah ee dhammaystirka hawsha diiwaangelinta codbixiyeyaasha iyo qabsoomidda doorashooyinka Golahaasha Degaanka iyo Madaxtooyada.

Warsaxaafadeed ay wadajir u soo saareen shalay lixda xubnood ee Guddiga Doorashada waxa ay ku sheegeen in Komishanku awood u leeyahay muddadaynta iyo maamulka hawlaha doorashooyinka, isla markaana wadatashiyo sal ballaadhan la yeesheen qaybaha kala duwan ee ummadda iyo wakiillada ururrada bulshada rayidka ah, sidaa daraadeedna si cad ugu hoggaansamayaan heshiiskii jawdalka doorashooyinka ee ay wada gaadheen axsaabta qaranka.

Haseyeeshee, Komishanku warsaxaafadeedkooda kumay soo qaadin go’aankii muddo-kordhinta ee golaha Guurtidu muddada sannadka ah xilka ugu kordhiyeen madaxweyne Rayaale iyo ku-xigeenkiisa, balse waxay ku adkaysteen in aanay wax werwer ah ka qabin dhammaystirka hawsha diiwaangelinta codbixiyeyaasha iyo qabashada doorashooyinka ee ay ku heshiiyeen axsaabta qaranka iyo Komishanku, isla markaana aannu wax dib-u-dhac ahi ku imanayn waqtiga ay cayimeen.

Warsaxaafadeedka Komishanku ku ayideen go’aankii ay wadajirka u gaadheen Guddiga Doorashooyinka iyo axsaabta qaranka ee lagu muddeeyey waqtiga qabashada doorashooyinka iyo dhammaystirka hawsha diiwaangelinta codbixiyeyaasha waxa uu isagoo faahfaahsan u dhignaa sidan:

“1. Markaanu aragnay qodobadda dastuurka qaranka ee ku saabsan shuruucda iyo shaqooyinka Komishanka Doorshooyinka Qaranka.

2. Markaan aragnay xeerka doorashada Xeer Lr.20/2001 qodobka 14aad, faqradiisa 1aad iyo awoodaha uu xeerkan siiyey Komishanka oo ah inuu cayimo maalinta doorashadu dhacayso.

3.Markaan eegnay, annagoo tixgelin siinayna dareenka dadweynaha ee hadda taagan iyo dareenka asxaabta siyaasiga ah, annagoo rumaysan qiimaha ay leedahay in la adkeeyo lana joogteeyo geeddi-socodka hannaanka dimuqraadiga ah ee lagu gaadhay isu-tanaasulka asxaabta Somaliland.

4. Markaanu la samaynay wadatashiyo sal ballaadhan qaybo badan oo ka mid ah bulshada oo ay ku jiraan Wakiillada, ururrada bulshada, kuwaas oo si weyn uga warqaba xaaladda dalku marayo ee gobollada iyo degmooyinka doorashada iyo waqtiga kooban ee ka hadhay muddadii doorashada.

5. Sidaa awgeed, Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee Somaliland iyo saddexda xisbi qaran iyo muddaynta waqtiga diiwaangelinta codbixiyeyaasha iyo xilliga doorashooyinka la qabanayo.

Dhammaadka muddada diiwaangelinta codbixiyeyaasha: 05/10/2008.

Maalinta doorashada hore waa 06/10/2008.

Maalinta doorashada dambe waa 31/12/2008.

Komishanka Qaranku wuxuu ixtiraamayaa kuna shaqaynayaa heshiiska uu la galay saddexda xisbi, heshiiskaas oo lagu gaadhay wadahadallo dhexmaray dhinacyada aann soo sheegnay, isla markaana u arkay dhinacyada ay khuseeyo arrintaas isu-taansul.

Waxaannu ugu baaqaynaa dadweynaha reer Somaliland inay sabir yeeshaan ilaaliyaan deganaanshaha iyo nabadgalyada.

Jamhuuriya Online

No comments: