Sunday, April 13, 2008

Wefti ka Socda Deeq-bixiyeyaasha oo Socdaal ku Yimi Hargeysa

Oodwayne.blogspot.com
April,13. 2008
Wefti ka Socda Deeq-bixiyeyaasha oo Socdaal ku Yimi Hargeysa

Hargeysa (Jam)- Wefti laba xubnooda oo ka socday Midowga Yurub iyo deeq-bixiyaasha ee xafiiska dawlad-wanaagga iyo dimoqraadiyeynta Soomaaliya iyo Somaliland ee Nairobi, ayaa soo gaabiyey booqasho ay ku joogeen Somaliland, kuwaas oo shalay dib ugu laabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, si ay latashi ula soo yeeshaan xafiiskooda iyo dalalka deeq-bixiyeyaasha, kadib markay kulan la yeesheen Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo axsaabta siyaasadda ka hor intii aanay shalay ka ambabixin Madaarka Hargeysa.

“Booqashadayadu waxay ku xidhiidhsanayd sidaanu taageerada deeq-bixiyeyaasha uga gacan siin lahayn Komishanka Doorashooyinka heshiiskii laga gaadhay Arbacadii waqtiga doorashooyinka iyo diiwaangelinta codbixiyeyaasha. Go’aankii Khamiistii ay gaadheen Golaha Guurtidu ayaa abuuray xaalad qalalaase.” Waxa sidaa yidhi Richard Hands oo madax u ahaa weftiga labada xubnood oo shir-jaraa’id ku qabtay shalay Madaarka Egal International Airport ee magaalada Hargeysa.

Madaxa weftiga Mr. Hands waxa uu sheegay inay aad ugu bogeen heshiiska caqligalka ee la gaadhay, balse arrimahan dambe ee dhacay yihiin kuwo ka dhalin kara Somaliland dhibaatooyin burburiya dimoqraadiyadda curdinka ah ee Somaliland dadaalka badan u soo hurtay 15kii sannadood ee la soo dhaafay. Waxa uu intaa raaciyey inay ku bogaadinayaan hawsha ay qabteen Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo siduu sheegay haysta taageerada dalalka deeq-bixiyeyaasha, isagoo yidhi; “Komishanka Doorashooyinka ayaa xaq u leh ku dhawaaqista waqtiga qabashada doorashooyinka iyo diiwaangelinta codbixiyeyaasha.”

Xubnaha weftiga labada xubnood ka kooban waxay metelayeen dalalka deeq-bixiyeyaasha ee kala ah Norway, Sweden, Denmark, Maraykanka iyo Komishanka Yurub, waxay xusuusiyeen daneeyayaasha (stakeholders) in dhibaatooyin badan soo mareen oo sabab u tahay waayo-aragnimo la’aan ah in goldaloolooyin badan ku jiraan sharciga.

Mr. Hands oo ka hadlayey arrintan waxa uu yidhi; “Ha ku dhegganaanina sharciyada, waxaanan ku faraxsanahay xalka la gaadhay, kaas oo aan doonayno inaad xejisataan, si aanay meel cidla’ ah ugu dhicin horumarka ilaa hadda aad samayseen.”

Mar uu ka hadlayey dib-u-dhaca ku yimi doorashooyinka waxa uu yidhi; “Maaha sabab dhaqaale, maadaama lacagihii deeq-bixiyeyaashu ahaayeen kuwo mar kasta diyaar ah.” Ugu dambayntii waxa uu hoggaamiyeyaasha siyaasadda ee Somaliland iyo shacbigaba ugu baaqay in nabadda iyo deganaanshaha ku dadaalaan, xooggana saaraan inay ilaashadaan waxyaabaha la gaadhay ilaa hadda, ayuu yidhi Mr. Hands.



Jamhuuriya Online

1 comment:

Anonymous said...

Hello. This post is likeable, and your blog is very interesting, congratulations :-). I will add in my blogroll =). If possible gives a last there on my blog, it is about the Dieta, I hope you enjoy. The address is http://dieta-brasil.blogspot.com. A hug.