Wednesday, January 23, 2008

“Haddii Ay Doorashadu Dhici Weydo Ama Ay Xukuumaddu Musuq-maasuqdo La Tegi Mayso”

London, January 22, 2008 (Haatuf) - Waxa maalintii sabtidii ka dhacday magaaladda Manchester ee carriga Ingiriiska xaflad aad loo soo agaasimay oo ay isugu yimaadeen saraakisha xisbiga Kulmiye ee laamaha Ingiirska. Xafladan oo ay soo agaasintay laanta xisbiga Kulmiye ee Manchester waxa ka soo qayb galay Madax sare oo ka tirsan xisbiga Kulmiye, oo uu ka mid yahay Md Abiib Diiriye Nuur oo horena u ahaan jiray wasiir ka tirsan xukuumadda Rayaale, Xildhibaan Cumar Sanweyne oo ah xildhibaan ka tirsan Golaha wakiilada isla markaana ka mida saraakiisha xisbiga Kulmiye.

Kadib aayado quraan ah iyo soo dhoweyn waxa faahfaahin ka bixiyey ujeedada xafladda guddomiye xigeenka Kulmiye ee Manchester, Mr Saciid oo xafladaas daadihinayey, isaga oo ku tilmaamay ujeedada xafladda in ay tahay dardar gelin hawlaha xisbiga iyo soo dhoweeyn madax xisbiga ah oo ku sugan carriga Ingiriiska. Intas kadib waxa codbaahiyaha lagu soo dhoweeyey Md Farax Xasan Jagac oo ah guddoomiyaha laanta Manchester ee xisbiga Kulmiye. Mr Faarax ayaa ka warramay taariikhda magaaladda Manchester iyo doorkii ay kasoo qaadatay halgankii dheeraa ee dalka lagu soo xoreeyey. Waxa kale uu ka waramay waxqabadka laanta Manchester iyo waxyaabahii u qabsoomay muddadii ay shaqaynaysay.

Mudane Abiib Diiriye Nuur oo ahaa wasiir hore uga tirsanaa xukuumadda Madaxweyne Rayale hase yeeshee xilkii uu hayay iska casilay markii uu ka biyo diiday hab dhaqanka xukuumadda Rayale ayaa lagu soo dhoweeyey codbaahiyaha. Mudane Abiib waxa uu ka warramay in sidda dad badani xuseen uu kasoo qayb qaatay halgankii hubaysnaa ee Somaliland lagu xoreeyey, isaga oo ka mid ahaa tobankii sarkaal ee ugu horeeyey ee talaaba. Waxa Mr Abiib uu sidoo kale kasoo shaqeeyey jagooyin Wasiiro ahna kasoo qabtay xukuumaddi ugu horeysay Somaliland ee uu Madaxweynaha ka ahaa Marxuum Cabdiraxman Axmed Cali iyo xukuumaddii Marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal. Mudane Abiib waxa uu xusay inuu ka mid ahaa wasiiraddii lasoo shaqeeyey Madaxweyne Rayale iyo xukuumadda wakhtigan dalka ka talisa, isla markaana uu ahaa raggii ay isugu dho-dhowaayeen Madaxweyne Rayale. Sababta kaliftay in uu iska casilo xilkii wasiirnimo ayaa Mr Abiib isaga oo ka warramaya waxa uu yidhi:

‘Markii aan arkay in xukuumaddani aanay dadkii iyo dalkii u shaqaynayn, waddadii aan ka filayeyna ay ka leexatay, ayaa waxa damiirkaygu i siin waayay inaan kasii mid noqdo oo kusii jiro’
Mudane Abiib waxa uu sheegay in xukuumadda Madaxweyne Rayaale aanay dadka u shaqayn laakiin ay ka shaqaysato, taasina ay nasiib darro tahay. Isaga oo ka warramaya xaaladda maanta wadanku ku sugan yahay waxa uu xusay in Somaliland maalinba maalinta kasii danbaysa ay wax kasii dhacayaan, guulahii iyo dedaalkii Somaliland hore ula timina xukuumaddani sii marayso.meel halisa.
‘Waxaan maqlayay Jidhif oo berri dhexdaasa yidhi isagoo Madaxweyne Rayaale la hadlaya ‘Haddii doorasho dhacdona waa si wanaagsan, haddii ay dhici weydo oo xukuumaddu ka warwareegtona kaba sii fiican’. Anna waxaan leeyahay in isbedel loo baahan yahay xukuumaddana dalka laga badbaadiyo weeye, sidaas darteed, haddii doorasho dhacdo waa si wanaagsan oo waa sidii lagu bedeli lahaa, laakiin haddii ay dhici weydo ama xukuumaddu sideedii is tidhaahdo musuq maasuq lama tegi karto oo u suuroobi mayso maanta” ayuu yidhi Mr Abiib Timacadde.

Waxa intaas ka bacdi codbaahiyaha lagu soo dhoweyey xildhibaan Cumar Sanweyne oo ka warramay hawlaha u qabsoomay mudaddii uu socdaalka ku marayay dalka dibadiisa. Xildhibaanku waxa uu sheegay in mudaddii uu Ingiriiska ku sugnaa la kulmay xildhibaano Ingiriis ah oo u ololeeya ictiraafka Somaliland oo ku midoobay urur la yidhahdo Somaliland Focus. Xildhibaan Cumar waxa uu ku booriyey dadkii xafladaas kasoo qayb galay in xubin walba la xidhiidho xildhibaanka xaafadiisa u metela Baarlamanka isla markaana ka dhaadhiciyaan qadiyadda Somaliland.

Mar uu ka hadlayay arrimaha golaha wakiiladda iyo waxii u qabsoomay wakhtigii golaha cusub lasoo doortay waxa uu xildhibaanku sheegay in ay iyagu (wakiilo ahaan) yihiin gole sharci dejin. Sidaas darteed ay shaqadoodu tahay in ay sharciga sameeyaan, xukuumaddana ay waajib ku tahay inay fuliso sharciga golahu sameeyey, maadaama ay tahay waaxdii fulinta. Hase yeeshe waxa uu xildhibaanku sheegay in sharciyadii ay sameeyeen oo dhan qaarna xukuumaddu is hortaagtay oo aanay fulin, kuwo kalana ay golaha guurtida oo la shaqeenaya xukuumadda gidaar looga dhigay oo is hortaageen.

Waxa sidoo kale isna goobtaas ka hadlay Mudane Maxamud Xaashi oo ka tirsanaan jiray golahii wakiiladda Somaliland ee hore. Mr Maxamuud waxa uu ka waramay isbedelka maanta wadanka looga baahan yahay iyo sida wax isu bedeleen ilaa wakhtigii xukuumadda Madaxweyne Rayaale talada dalka haysay, taasoo uu ku tilmaamay in aanay iska xilsaarin waxqabad iyo horumar dalku gaadho laakiin aad moodo inay burburinayso guulahii Somaliland hore u gaadhay.

Isla madashaas waxa sidoo kale warbixin ka bixiyey guddoomiyaha xisbiga Kulmiye ee UK Mudane Ibrahim Nuux oo dhowaan safar uu ku tagay Somaliland dib uga soo laabtay. Mudane Ibrahim waxa uu dadkii kasoo qayb galay xafladaas uga waramay halka ay marayso qaban qaabadda shirweynaha Kulmiye iyo doorka ay qurba jooga Kulmiye ku yeelan karaan geediga hanaan socodka dimuqraadiyada Somaliland, gaar ahaan xisbiga Kulmiye.

Shacab weynahii kasoo qayb galay xafladaas ayaa geba gebadii su’aalo kala duwan weydiiyey masuuliyiintii goobtaas ka hadlay, su’aalahaas oo isugu jiray qaar xogwaraysi ah oo xubnaha Kulmiye weydiinayeen iyo qaar kale oo wareysi ah oo xubno aan ka tirsanayn xisbiga Kulmiye, siday sheegeen, hase yeeshe danaynaya inay wax ka ogaadaan qorshaha xisbiga Kulmiye weydiinayeen.

Md.Axmed Siilaanyo oo ka hadlay manhajka Dugsiyada oo laga saaray Taariikhdii halganka SNM.








Published Jan 23, 2008
by siciid

Siyaasiyiin, saraakiil millateri iyo dadweyne tiro badan oo reer Somaliland ayaa cadho weyn go’aan Wasaaradda Waxbarashadu manhajka dugsiyada dalka kaga saartay cutubyo kooban oo ka hadlayey

Siyaasiyiin, saraakiil millateri iyo dadweyne tiro badan oo reer Somaliland ayaa cadho weyn go’aan Wasaaradda Waxbarashadu manhajka dugsiyada dalka kaga saartay cutubyo kooban oo ka hadlayey taariikhda halgankii ururka SNM ee kumanyaalka mujaahid u shahiideen iyo aasaaskii dhismaha qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ee KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ahna guddoomiyihii ugu muddada dheeraa ee ururka SNM, ayaa ayaan-daro weyn ku tilmaamay in la tirtiro taariikhda halgankii ururkii SNM ee dalka lagaga xorreeyey keligii-taliyihii dhiig-yacabka ahaa ee ummadda reer Somaliland dhibaatada weyn gaadhsiiyey.

Axmed-siilaanyo oo xafiiskiisa ugu warramayey shalay qaar ka mid ah warbaahinta dalka shalay, ayaa isaga oo daba socday arrintaas waxa uu ku tilmaamay inay SNM tahay hooyada dhashay qarannimada Somaliland, isla markaana u taal ummadda reer Somaliland tallaabada ay ka qaadayaan falkan foosha xun ee lagu duudsiyayo taariikhda halgankii qadhaadhaa ummadda Somaliland u soo gashay xorriyadooda.

Waxaannu isaga oo arrimahaa faahfaahinayey yidhi; “Waxaan u arkaa ayaan-darro aad iyo aad u weyn. Waynu ognahay halgankii SNM inuu ahaa ka keenay Somaliland, waa halgankii xornimada Somaliland keenay. Waynu la soconaa oo dad farabadan ayaa u shihiiday, kumanaan baa ku dhintay, kumanaan baa lugo beelay, kumanaan baa ku agoomoobay, maantana Somaliland waxa dhashay SNM, waynanu ku sugaynay waqtigeeda, markii hore waxa la lahaa mujaahidiintii dalka u soo halgamay ayaa dayacan, maantana magacii SNM ayaa siduu u dhan yahay meesha laga saarayaa, haddii ay ummadda reer Somaliland waxaas oo kale ay aqbasho oo ka dhiidhi weydo oo

damiirkeedu fari waayo in waxaasi wax la qaadan karo aannu ahayn ayaan-darro ayey noqonaysaa.”
Sidoo kale, Muj. Muuse Biixi Cabdi oo ka mid ahaa saraakiishii millateri ee hoggaaminayey halgankii hubaysnaa ee ururka SNM, haddana ka tirsan guddiga fulinta ee xisbiga KULMIYE oo ka hadlayey dareenkiisa ku wajahan arrintan, ayaa waxa uu si kulul ugu eedeeyey hoggaanka sare ee dalka inay ka suurtowdo tirtirista taariikhda halgankii SNM ee ummadda reer Somaliland u horseeday neecawda xornimo ee ay haystaan, isaga oo intaa ku daray in dunida aan lagu arag ummad baabiisa

taariikhdeeda, waxaannu mid aan suurtogal ahayn ku tilmaamay in masuuliyiinta waxbarashada dalka oo mujaahaidiin u badnaa ay ku kacaan tallaabo halgankii ummaadda lagu baabi’iyo oo haddii ay dhacdana il-duuf ahaan uga tageen, laakiin ay suurtogal noqon karto in ay tahay siyaasad hoggaanka sare ee dalku aaminsan yihiin. Isaga oo arrimahaas faahfaahinayeyna waxa Muuse Biixi yidhi; “La yaabi maayo inay qoladan dalka ka taliyaa tirtiraan taariikhda halgankii SNM oo iyagu maaha qolo soo dagaalantay, wayna ka xun yihiin halgankii iyo wixii soo hadal-qaadaba, markaa hoggaanka sare ee dalka inay tallaabadaa qaadaan way ka suurtowdaa. Adduunyada lama arag ummad taariikhdeeda tirtirta inay ilaashato oo ay ku faanto mooyee, laakiin hoggaanka sare ee talada dalka haya way ka suuroobi kartaa tallaabadan, sababtoo ah ma jaclaysanayaan halgankii oo iyagu kamay soo

qaybqaadan, laakiin macallimiinta dalka mujaahidiin bay u badan yihiin arrintaas ka suurtogali mayso.”
Ugu dambayn, Muj. Muuse Biixi oo faahfaahin ka bixinayey aragtidiisa ku wajahan arrintan iyo lugta ay ku yeelan karaan masuuliyiinta Wasaaradda Tacliinta Somaliland, waxa uu yidhi; “Ragga wasaaradda waxbarashada iyo manaahijta dalka gacanta ku hayaana waxay u badan yihiin rag halgankii ka soo qaybqaatay oo badankooduna ku soo dhaawacmay, markaa arrintaa kanaan filayn, waxaanna laga yaabaa in ay il-duufeen oo ay dib-u-sixi doonaan, waxaanan doonayaa in aannu is aragno oo arrintaa kala hadalno, hadday tahay siyaasad cusub oo hadda soo baxdayna waxaan filayaa inay khalad tahay.”

Dhinaca kale, dadweyne tiro badan ayaa dareen cadho leh ka muujiyey arrintan, kuwaas oo tallaabadan ku tilmaamay inay tahay khiyaamo qaran oo aan sinaba suurtogal u noqon karin.
Ugu horreyn, Maxamed Saleebaan Cali oo ah wiil dhallinyaro ah, ayaa isaga oo ka jawaabayey dareenkiisa ku saabsan arrinta, waxa uu yidhi; “Kacdoonka waxa keena muhindis, waxana fuliya geesiyaal, waxaanna ka midho-gurta fule iyo doqon, waxayna taasi u muuqata inuu doqonkii iyo fulaygii ka faa’iidaystay dalka. Waayo, waxaynu wada ognahay in dalkan dhibaato farabadan loo soo maray, oo ay kumanaan geesi ku naf waayeen, kumanaan kalena u naafoobeen, kumanaan kalena way waalan yihiin, kumanaan kale way ku agoomoobeen. Sidaas oo ay tahay buuggii hore taariikhda muu ahayn buug uu ku dhammaystiran yahay taariikhda halgankii SNM ee dhashay Somaliland, waxaanna wax lala yaabo ah annagoo markii horeba dhaliilsan cutubkii yaraa ee ku qornaa buugga taariikhda fasalka 8-aad in laga saaro, waxaanay ku tusaysaa in maamulka jiraa uu dabar-jarayo taariikhda halganka SNM iyo Somaliland-ba.

Wasiirka Waxbarashada waxaannu u aragnaa inuu u badheedhay arrintan, waayo wuxuu lahaa hirgelinta buugga. Haddii Madaxweynuhu arrinkan aannu wax qaban waxa cad inuu ka dambeeyo, taasina waxay u taallaa shacabka reer Somaliland waxay ka yeeli lahaayeen.”

Maxamed Aadan Tarabi oo ka mid ah dhallinyarada ku barbaartay xorriyaddii ay dhaliyeen ururka SNM, oo dareenkiisa ka hadlayey, ayaa isaga oo cabbirayey aragtidiisa la xidhiidha arrintaa, waxa uu yidhi; “Waxaan ka mid ahay barbaarta ku hana-qaaday xorriyadda iyo xorriyatul-qawlka barbaartan loo halgamay iyo qarannimada dhiigga loogu daadiyey siday ugu noqon lahaayeen kuwo sharaf ku nool, kana mid ahay barbaarta hiigsanaysa mujaahintii iyo halyeyadii SNM iyo inta dhimatayba, waxaan u taaganahay dhaqdhaqaaqa iyo taabogelinta taariikhda SNM, waxaan aad uga xumahay wasaaradda waxbarashada arrinkaa xun ee ay ku kacday, waxaanan bulshada Somaliland ugu baaqayaa ninkii qayrkii loo xiirayow soo qoyso ayey ka dhigan tahay, maadaama dadkii qarannimadan naftooda u soo huray lagu tuuray kudaafada, oo laga saaray manhajkii waxbarashada, waxaan ku talin lahaa inay ka waantoobaan, haddii ay ka waantoobi waayana waxaannu ku dhawaaqi doonaa bannaanbaxyo arrintaa aannu kaga soo horjeedno.”

“Aad baan uga xumahay taariikhda SNM in laga saaro manhajka waxbarashada, oo waliba waxaan ka soo jeedaa SNM, dadkayaga oo dhan ayaa lagu madhiyey, mana oggoli in laga saaro manhajka waxbarashada, waxaanan leeyahay annaga ayaa gacmahayga ku beddeli doona oo kii hore in yar buu qorayee taariikhdii SNM oo dhan ayaannu ku qori doonaa. SNM-na waxay ahayd udub dhexaadka ay ku taagan yahay Somaliland, mayana jirteen Somaliland, dhaliishana waxaan saarayaa

xukuumadda, buuggan iyada ayaa soo saartay ee hay’adi may soo saarin, iyadaana kow ka ahayd ciddii abaabushay buuggan, dadku waxay moodayaan in loo fududaynayo, laakiin anigu waxaan u arkaa in SNM la xasuuqayo.” Sidaa waxa tidhi Amaal Muuse Ciise.

TogdheerNews
Hargaysa.

Monday, January 21, 2008

Meles Zenawi Oo Madaxweyne Riyaale Saaka Ku Qaabilay Xafiiskiisa







Written by Khadar
Monday, 21 January 2008
ImageHargeysa(Hormoodnews)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Daahir Riyaale Kaahin ayaa saaka intaanu ka dhoofin Dhabada diyaaradaha ee magaalada Addis-Ababa wuxuu Qasriga Madaxtooyada ee dalka Itoobiya kula kulmay Raysal wasaaraha dalka Itoobiye Meles Zenawi.



Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo weftigii uu hogaaminayey oo habeen hore 08:00 fiidnimo ka soo degay Garoonka Caalamiga ah ee Addis Ababa, Madaxweynuhu intaanu ka soo ambabixin Dalka Ethiopia, waxa uu 10:00 Subaxnimo ee Maanta la kulmay Ra'iisal Wasaaraha Dalka Ethiopioa, Mudane, Meles Zenawi, halkaasi oo Madaxweynaha iyo Ra'iisal Wasaaruhu kaga wada hadleen Xaaladda Gobolka gaar ahaan danaha ballaadhan ee ka dhaxeeya labada dal ee Somaliland iyo Ethiopia.

Allaa Mahad Leh

Axmed Maxamed Ciise
Xog-hayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha A.kaah

Wafdigii Madaxwaynaha oo Dalka ku soo laabtay















Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):-Weftigii u hogaaminayey Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin ayaa galabta dalka ku soo guryo noqday,kadib markii uu soo Dhameystay Socdaal qaatay muddo laba todobaad iyo dheeraad oo ay ku soo Mareen Wadamada Ingiriiska iyo Mareykanka.

Madaxweyne Rayaale iyo Weftigiisa Waxa dhabaha Diyaaradaha ee Egal International Airport ee Magaalada Hargeysa ku soo Dhaweeyey Masuuliyiin Badan Oo uu Hormood ka ahaa Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasin, Raxan Wasiiro ah, Xildhibaano, labada Gole Barlamaan [Guurtida iyo Wakiillada], Masuuliyiin ka socday Xisbul-Xaakimka talada haye ee UDUB, dadweyne aad u tira badan iyo Marti sharaf kale.

Kadib, Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin waxa uu Shir-jaraa’id oo uu tafaasiil kaga bixinayey Socdaalkii uu ku soo Maray Wadamada, Ingiriiska iyo Mareykanka ku qabtay Qasriga Madaxtooyada, isaga oo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxaan u maleynayaa ducadii aan Maalintii aan tagayey idinku lahaa igu sii dara waa la aqbalay, Markaa Waxaad ku darsataan in ducadiini la aqbalay”

“Markaan idiin waramo waa-nagii halkan [Hargeysa] ka baqoolnay aniga iyo xeynta Wasiirada ahi, Safarkayagii waxaanu ka bilownay Ingiriiska, halkaas oo aanu kula kulanay Wasiiru Dawlaha Arrimaha Afrika oo nin Cusub ah, run ahaantii si fiican ayuu noo soo dhaweeyey ninkaas odayga ahi” ayuu yidhi Madaxweyne Rayaale

Mar uu ka hadlayey Madaxweyne Rayaale Wax-yaabihii ay ka Wada hadleen Wasiiru Dawlaha Arrimaha Afrika u qaabilsan boqortooyada Ingiriiska Waxa uu yidhi “Waxaanu ka Wada hadalnay Qadiyadeena [Somaliland] oo isugu jirta, haday tahay ta aanu markastaba ka hadalno oo ah Aqoonsiga, iyo sida ay wax inoola qaban lahaayeen Ingiriisku iyo xaga horumarinta”

“Waxaad Maqasheen kooxdii [Barlamaanka] ee u ololeyn jirtay qadiyadeena had iyo Jeer oo uu Madaxda u yahay Xildhibaan Alen Allen Michael sifiican ayuu noogu soo dhaweeyey oo subixi oo dhan Shir ayaanu lahayn, isaga oo kaliya maahe Xisbiyada kala duwan ee Dalka Ingiriiska, oo aanu kala hadlaynay sidii aanu qadiyadeena ugu qancin lahayn iyo Sidii ay u sii-wadi lahaayeen inay markasta qadiyadeena taageeraan”ayuu yidhi President Rayaale.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa raaciyey oo uu yidhi“ Xildhibaan Allen Michael waxa uu nagu martiqaaday fadhi Su’aalo lagu weydiinayey Ra’iisal Wasaaraha [Ingiriiska Brown], oo aad la socoteen, Ra’iisal Wasaaruhuna si dhaba markii ugu horeysay uga jawaabay BBC-da ku celin uma baahna, Wasiiraduna qolyo kale ayey la kulmeen oo iyaga ka waramidoona oo dib ayaad uga wareysandoontaan”

Mar uu Madaxweyne Rayaale ka hadlayey Socdaalkii uu ku tagay Wadanka Mareykanka waxa uu yidhi“Mareykanka Marti-qaad waanu haysanay dadban oo weli laynama aqoonsan run ahaantii, laakin waxaanu idiin sheegaynaa in si fiican na loo soo dhaweeyey, oo VIP na lagu soo dhaweeyey oo Airport-ka nalaga qaaday,”

“Dawlada Mareynkanka Xafiisyadeedii ugu muhiimsanaa oodhan Shirar ayaanu la yeelanay haday tahay State department, haday tahay Congress-ka oo ah Sub Commity of Afrika, haday tahay US-AID oo xaga horumarka u qaabilsan, haday tahay Pentagon-ka oo ah qolada Gaashaandhiga iyo rag kale oo Madaxweynaha arrimaha Afrika kala-taliya intaasba kulamo ayaanu la yeelanay” ayuu intaas raaciyey Madaxweyne Rayaale isaga oo hadalkiisa sii wata

“Hadaan idiin soo Uruuriyo kulamadaa waxaan u arkayey, dad raba inay wax inalaqabtaan, una baahan inaanu anaga qudhayadu [Somaliland] iska warano, waxaanu isleenahay fariintiini waad gaadhsiiseen si fiicana way u qaateen Dawlada Mareykanku”ayuu yidhi President Rayaale.

Madaxweyne Rayaale oo waxa uu ku dooday inaanu wax faah-faahina ka bixinayn Safarkiisa uu ku tagay Wadanka Mareykanka, balse uu ku soo Uruurinayo inuu Safarkaasi guul ku soo dhamaaday oo uu si wanaagsan u dhacay “Bilow Wanaagsan oo inoo bilaabmay inaga [Somaliland] iyo Mareykanka uu yahay, waxaan rajeynayaa Mustaqbalka inay wax-yaabo badan ay ka soo bixidoonaan,”ayuu yidhi.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa raaciyey oo uu yidhi “Anaguna waxaanu is-leenahay Somaliland si fiican waad u iibiseen oo fariintiina waad gaadhsiiseen, Mareykankuna idinkama war la’a sidaanu halkan uga haysano, warkeena way hayaan wixii ka dhinaana ee uu mugdi kaga jirayna inaanu u buuxinay waan filayaa, xidhiidhkani halkaa kuma eekaanayo oo uu sii socondoona”.

Mar uu Madaxweyne Rayaale ka hadlayey waxa uu ku soo arkay Wadanka Mareykanka waxa uu yidhi “Waxaan la hadlay Jaaliyadeena [Mareykanka], aniguna wixii aan u sheegayey waan u sheegay,iyaguna waxa ay I weydiinayeen way I weydiiyeen”

“Laakin, waxaan halkaa [Mareykanka] ku soo arkay waxay kaga duwanaayeen reer Yurub oo dad xoogsanaya ayey ahaayeen,Yurub qaraamaad ayaa la siiyaa oo meelahaa ayey iska fadhiyaan, laakin meeshan meel la shaqeysanayo oo ninkasta Xog-sanayo ayuu Mareykanku ahaa” ayuu yidhi Rayaale

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Dad badan ayaa halkaasi wax-bartay oo dhalinyarada ah, oo ninkastaaba dedaal ayuu ugu jiraa Survivor-ka, oo waad dareemi kareysaa inuu ninwaliba dalkiisa Jecel yahay”

Weftiga Madaxweynaha waxa ku wehelinayey Wasiirada Arrimaha Dibada Cabdilaahi Maxamed Ducaale, Caafimaadka iyo Shaqada Md. Cabdi-haybe Maxamed, Wasiirka Cadaalada Axmed Xasan Cali Casoowe, Wasiir ku-xigeenka qorsheynta Md. Axmed Xaashi iyo Xogheynta gaarka.

Intaa kadib, waxay Weriyaashu Su’aalo ku boobeen Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin.

Mar la weydiiyey Su’aal ahayd, Madaxweyne Madaxdii Hogaamiyayaasha Urur Siyaasadeedka Qaran waxay Socdaal dhawaan ku tageen Magaalada Boorame oo kulan ayey ku qabteen Huteel Rays oo way ka hadleen markaa Sideed u aragtaa arrinta Urur Siyaasadeedka Qaran?Waxa uu Madaxweynuhu ku jawaabay oo uu yidhi “Horta kuwaasi [Uururka Qaran] Sharciyad kuma fadhiyaan oo hore ayaan u sheegay, dadka uma diideyno inuu ninkastaaba inay Siyaasada damac u yeesho,taan anigu u leeyahay qofkasta oo reer Somaliland ahi xaq ayuu u leeyahay,laba ayeynu kala dooranay inaga [Somaliland] iyo Koonfurta Soomaaliya waxaanu ku kala duwanay inaanu noqono dadkeenan waxaanu anagu ku hogaaminaynaa dad Sharci ku nool uu noqdo ee dalkani inuu noqdo mid hebel la ixtiraamo inuu noqdo maaha, haddii hebel la ixtiraamo meel aynu u soconaynaa ma jirto, Laakin dadka waxaanu ku ixtiraamaynaa dastuurka iyo Sharciga inay u maraan damaca ay Siyaasada u leeyihiin. Qolada Mareykankuna kuwaanu is-heyno way og yihiin”

Mar iyana la weydiiyey Su’aal ahayd, Afhayeenkii arrimaha dibada ee dalka Mareyka dabadeed, waxa hadashay oo War-saxafadeed soo saartay isla Wasaarada Arrimaha Dibada oo taas oo lagu sheegay kulankii uu Weftigii aad hogaaminaysay la yeeshay Jandeya Frazer aanu waxba ka beddelin mawqifkii Maraykanku ka taagnaa Aqoonsiga Somaliland,? Waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi. “Horta kaa laftiisu war xun ma odhan. Warka uu yidhi waxaweeyaan qarka uma saarna aqoonsiga Somaliland, haddaad ‘between the lines’ iska akhrido ma dafirin inuu Somaliland ahaan wax inala wadaan, laakiin, weliba dad inaga ina taageeraya ayaa su’aasha ku cel-celiyey ninkan, wax badanna inuu sheego diyaar umu ahayn oo nin hoose ayuu ahaa.
Waa laga yaaba inuu War kale ka soo bixidoono, sidaanu qoladaa isku aragnay inuu Statement danbe ka soo bixidoono, Waayo dib ayaanu u wada hadalnay ninkaasi [Afhayeenka Arrimaha Dibada Mareykanka] nin yar oo Cidla naga helay oo layarawareystay”

Mustafe Abdi Maxamed [Mustafe-Janaale]
Reporter Hadhwanaagnews.com/Hargeysa
E-mail, janaale94@yahoo.com

Sunday, January 20, 2008

Wararkii maanta Xagan ka Akhriso
















Written by Qarannews.
Jan 20, 2008 at 01:31 PM

Madaxweynaha Somaliland mudane Dahir Rayaale Kaahin iyo waftiguu hogaaminaayay ee soo maray dalalka Ingriiska iyo Maraykanka ayaa hada ku sii jeeda magaalo madaxda Somaliland ee Hargaysa, madaxweyanaha iyo waftigiisa ayaa xalay ka soo ambabaxay magaalada Washinghtonm ee dalka Maraykanka oo ay ku sugnaayeen ayaamahii ina soo dhaafayba, waftiga uu hogaaminaayo madaxweyne Rayaale waxa ay maanta joogi doonaan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoiobiya iyaga oo maalinta isniinta ahna u socdaali doona magaalada Hargaysa.

Sida ay doontaba ha ahaatee socdaalka madaxweyanah ayaa ahaa mid hirgalay dhamaana uu ku soo guulaystay ujeedooyinkii socdaalkisa, saraakiil aanu la xidhiidhnay oo ka tirsan madaxda wadamadii uu soo maray madaxweyne Rayaale ayaa noo xaqiijiyay in socdaalkii madaxweyaha ee dalalkaasi Britain iyo USA uu ku soo dhamaaday jawi aad u wanaagsan, sidoo kale diblomaasiyiin ka tirsan wasaarada arimaha dibada ee ku kula sugan wadamada USA iyo UK ayaa noo xaqiijiyay in midho dhalkii kulmada madaxweynaha Somaliland ee dalalkaasi uu soo maray ay bilaabmi doonaan bilaha fooda inagu soo hayo iyada oo la arki doono midho dhalkii socdaalka madaxweyanah ee Somaliland mudane Daahir Rayaale Kaahin ee dalalkaasi.

Dhanka kalena waxa ilaa maanta laga dareemay magaalada Hargaysa dhaq dhaqaaq xoogan oo loogu diyaargaroobaayo soo dhawaynta madaxweyanah oo ku soo fool leh magaalada Hargaysa, oo runtii ay dadweynaha magaalada Hargaysa ku soo dhawayn doonaan madaxweynahooda iyo waftiga uu hogaaminaayaba caleemo qoyan iyo ciyaaro kala duwan oo loogu sii diyaar garoobaayo soo dhawaynta waftiga.





Source Qarannews

Wararka kale ee maanta.



Hargeysa : Xaflad Ay Ku Qalin Jabiyeen 105 Arday Oo Kulmisay Gud/ Ku Xigeenka Kowaad Ee Wakiilada Iyo Xildhibaano Ay Isku Seegeen Golaha



Hargeysa (Qaran)- Xaflad ay ku qalin jabinayeen 105 arday oo muddo laba sano ah, wax ka baranayay Machadka Luuqadaha ee aflax, ee ku yaala magaalada Hargeysa, ayay ku kulmeen Gudoomiye Ku xigeenka Kowaad ee Aqalka Wakiilada, Md Cabdi-casiis Maxamed Samaale, Md Xasan Cawaale Caynaan, oo ka tirsan Xildhibaanada Xisbiga UDUB kaga jira Aqalkaas iyo Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa, oo ka mid ah Mudaneyaasha Xisbiga UCID kaga jira Golaha Wakiilada, hase yeeshee si adag u naqdiya Hoggaaminta sadxda xubnood ee shirgudoonka Golahiisa.

.

Xafladii loo sameeyay qalin jabinta dufcada 16-aad ee Machadka Aflax oo lagu qabtay Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa, waxa ka soo qayb galay Wasiir ku xigeenka Waxbarashada , Xoghayaha Arrimaha Dibada KULMIYE , Gudoomiyaha UCID ee Gobolka Hargeysa , Arday iyo Macalimiinta dugsigaas wax ka barata.



Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Somaliland Mudane C/casiis Maxamed Samaale ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay midhaha Ardayda uu soo saaray dugsiga Aflax oo ka mid ah dugsiyada gaarka loo leeyahay ee ka jira caasimada Hargeysa , waxana uu yidhi “Waxaan aad ugu faraxsanahay in aan ka soo qayb galo xafladan qiimaha leh , waxana aanu idiin muujinaynaa in aanu idinla faraxsan nahay , waxa aanu idiinku hambalyaynayaa Luuqadaha aad barateen oo furre u ah Waxbarashada Aqoonta kala duwan’’.



Mudane Samaale oo sharax ka bixinayay waxtarka Aqoontu u leedahay Bini’aadmiga waxa uu yidhi “Aqoontu waa shay qaali ah waxana ilaahay ku kala fadilay bini’aadmiga aqoonta , markaa Waxbarashadu marka ay qiimaha leedahay waa marka ay ilaahay kugu xidho ee ay kuu diido Waxa xun’’.



Gudoomiye ku xigeenka Golaha Wakiiladu waxa uu Ardaydaas ugu baaqay in aqoontuudu noqoto mid dhinaca Wanaagsan loo adeegsado.



“Bini’aadmigu wuxuu isku afgartaa waa luuqadaha , markaa Barashada luuqadaha aad ayaan idiinku dar daarayaa inaad barataan , halkaasna ka sii wada’’ ayuu intaas raaciyay C/casiis Samaale.

Xoghayaha Arrimaha Dibada Xisbiga KULMIYE Dr Axmed Xuseen Ciise oo ka hadlay xafladaas ayaa ardayda ku taageeray Barashada luuqadaha , waxana uu yidhi “Waxaan idinku hambalyaynayaa barashada luuqadaha oo mihiim u ah kasbashada Cilmiga kale , waxaan idiin soo jeedinayaa inaad barataan luuqada China , waayo waxay dalkaasi noqonayaa dal hogaaminaya dhaqaalaha adduunka , luuqadiisana waa la wada baran doonaa’’.



Dr Axmed Xuseen waxa uu sheegay in ay dalka waxtar u tahay da’yartu noqoto qaar aqoon leh , waxana uu yidhi “Xaq waxa aad noogu leedihiin in aanu wax idin barno oo dhismaha iyo kobcinta garaadkiina aanu dhisno , taas ayaanu balan qaadaynaa haddii aanu waalidiintii iyo siyaasiyiintii nahay’’.



Maamulaha dugsiga Aflax , Axmed Ismaaciil oo ka hgadlay xafladaasi ayaa sheegay in dugsiga in la aasaasay 1996-kii ay ka baxeen kumanaan Arday oo luuqadaha carabiga iyo Ingiriisida ka bartay.

Maamulaha dugsiga Aflax , waxa uu amaan u soo jeediyay Ardayda iyo maalimiinta dugsigaasi.
Axmed Ismaaciil waxa uu waalidiinta u soo jeediyay inay xidhiidh la sameeyaan dugsigaasi la iskaga kaashado waxbarashada ubadka.

Sidoo kale , waxa xafladaas ka hadlay Mudane Xasan Cawaale Caynaan iyo Mudane Ibraahim Mahdi Buubaa , oo labadooduba ka tirsan Golaha Wakiilada, waxana ay xuseen inay soo dhawaynayaan wax soo saarka Waxbarashada ee dugsiyada gaarka ah oo ay amaaneen kaalinta ay kaga jiraan Waxbarashada dalka.

Waxa kale, oo xafladaasi ka hadlay Gudoomiyaha Xisbiga UCID ee Gobolka Hargeysa, Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdi-raxmaan, oo sheegay in dugsiga AFLAX, uu kaalin wax ku ool ah kaga jiro kobcinta barashada luuqadaha iyo xisaabaadka.

Xasan Suldaan, waxa uu amaanay maamulka iyo macalimiinta dugsigaas, oo uu ka dalbayday inay dedaalkooda sii wadaan.



Cumar maxamed Faarax

Qarannews/Hargeysa



HantiDhawraha Guud Ee Somaliland Oo Soo Dhaweeyay Xeerka Xakamaynta Musuqmaasuqa Iyo Ilaalinta Hantida Qaranka

Hargeysa(Qaran)- Hantidhawraha Guud ee Somaliland,Axmed xasan, ayaa soo dhaweeyay,Xeerka Xakamaynta Musuqmaasuqa Iyo Ilaalinta Hantida Qaranka, oo dhawaan golayaasha Baarlamaanka [Wakiilada iyo Guurtidu] ay ansixiyeen, isla markaana uu digreeto ku ogolaaday Madaxweynaha Somaliland.

Hantidhawraha guud ee Somaliland, waxa uu mar uu maanta saxaafada ugu waramayay xafiiskiisa, ku sheegay in xeerkani uu soo noolaynayo qeybo ka mid ah awoodaha xafiiska Hantdhawrka, waxana uu tilmaamay in sanadkan deg deg u dhaqan gelinayaan.

"Xeerkani waanu dhaqan gelinaynaa waxana uu wax ka tarayaa , sidii aanu shaqadayada u gudan lahayn"Ayuu intaas raaciyay Hantidhawraha guud.

Xeerkani, oo ay soo curiyeen Gudida ilaalinta Hantida Qaranka iyo xakamaynta Musuqmaasuqa ee golaha Wakiilada somaliland, ayaa si weyn looga taageeray dalka dhaqan gelkiisa, waxana golayaasha Baarlamaanku ay qabaan in xeerkani uu wax weyn ka tarayo sidii ciqaab adag loo marsiin lahaa dadka lagu helo inay ku tagri faleen hanti qaran.

Cumar Maxamed Faarax
Qarannews/Hargeysa


Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Tababar U Furay 117 Askari Oo Boolis Iyo Asluub Ah


Hargeysa (Qaran)- Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Cabdilaahi Ismaaciil Cali, ayaa maanta tababar ku saabsan xirfada iyo shuruucda ciidamada dugsiga Mandheera uga furay 117 Askari, oo isugu jiray Boolis iyo Asluub, kuwaasi oo laga kala keenay gobolada dalka.

Xafladii Loo sameeyay furitaanka tababarkaasi, oo ay goob joog ka ahaayeen, Wasiir Ku-xigeenka Cadaalada, Mudane Yuusuf Ciise Ducaale [Talaabo], Taliayaha Ciidanka Booliska Maxamed Saqadhi Dubad, Saraakiil ka socday Taliska guud ee asluubta iyo masuuliyiin ka tirsan Haa’yada UNDP.

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo tababarkaasi ka hadlay ayaa ka waramay waxtarka tababarada ciidamadu ay ka qaadan karaan sugida nabadgelyada dalka, waxana uu ciidamaadaasi, oo ay ku jireen Ciidanka Booliska Laas-Caanood, ugu baaqay inay ka faa’iidaystaan.

“Waxaan idinka rajaynayaa inaad xirafada ciidanimo iyo shuruucda aad ku shaqaynaysaan, ee tababarkan aad ku qaadanaysaan aad sida ay tahay uga faa’iidaysataan, si dhawaan aad wax uga bedeshaan hawlaha aad haystaan ee dhinaca nabadgelyada la xidhiidha” Ayuu intaas raaciyay”Mudane C/Laahi Ismaaciil Cali [Cirro].

Wasiirku waxa kale oo uu ka waramay culayska ay leedahay shaqada ciidamada nabadgelyada, oo uu xusay inay si fiican u gutaan.waajibkooda.

Sidoo kale, waxa xafladaasi ka hadlay Wasiir ku xigeenka Cadaalada, Md Yuusuf Ciise Ducaale [Talaabo] iyo Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland, Maxamed saqadhi Dubad, waxana ay ka warameen sida loogu baahan yahay in mar walba loo casriyeeyo tabobarada iyo xirfada ciidamada nabadgelyada dalka.


Cumar Maxamed Faarax
Qarannews/Hargeysa



Warbixin: Xaalada Soomaalida ku nool Caasimada Uganda ee Kampala, uu inoo soo diray Wariye Siciid Maxamed Cismaan



Kampala (Qaran)-Dalkan Uganada waxa uu ku dhaca bariga Qaarada Africa waan dal sanadihi u danbeeyay ku talaabsaday horumar balaadhan hadaba caasimada Dalka Uganda ee Kampala ayaa waxa hada ku nool soomaali aad u badan oo u jeedoyin kala duwan u yimi dalkan sida Ganacsi, Qaxoontinimo, Waxbarasho iyo arimo kale hadaba warbixintan waxaynu ku eegi doona bal soomaalida ku nol dalkan Uganda iyo xaaladahooda kala duwan:-

Kampala :

Muuqalka Kampala


Magaalada Kampala waa Caasimada Dalka Uganada waxa ku nool dad lagu qiyaaso 1.5 Million waana meesha inta badan dadka Soomaalida ahi ku noolyihiin waa caasimada si weyn u dhisantay sandihi u danbeeyay.

Muuqalka Kampala Casimada Uganda

Ganacsiga:-

Dadka soomaalida ah ee ku nool Dalka Uganda intooda badan waxay u yimaaden qaxoonti nimo laakin waxa jirta dad badan oo Soomaali ah kuwaaso dalka Uganada ka bilaabay Arimo Ganacasi isla markaan maalgashiyo kala duwan kusameeyay dalkan.

hada waxa dalkan Uganada ka shaqeeya Shirkado Badan oo ay leeyihiin dad Soomaali ah kuwas oo si weyn uga hawla gala dalkan isla markaan ka qabta hawlo kala duwan


Maamulaha Dahabshiil Kampala Axmed Rashiid Cabdi Cilmi


Hadaba shirkadahaas waxa kamid ah Shirkada Xawaaladda ee Dahabshiil oo aan dhawaan booqday xafiiskoda Magaaladda Kampala Axmedrashiid Cabdi Cilimi oo ah Maamulka Dahabshiil Kampala ayaan wax ka waydiiyay sida shirkadoodu uga shaqeyso Dalka Uganda waxaana uu yidhi " Shirkada Dabashiil waa shirkadii xawaaladeed ee ugu horayasay ee Soomaaliyeed oo sifo sharciya uga hawla gasha dalkan Uganda shirkadan Dahabshiil hada waxay kamid tahay shirkadaha ugu waaweyn ee ka jira dalkan Uganda waxaan la odhan kara shirkada Dabashiil waxay dabooshay baahi badan oo dadka Soomaalida ah ee halkan dagani ay u qabeen madaama Dahabshiil tahay shirkada ka wada shaqeysa Dhamaan dhulka soomaalidu degto iyo kuwa ay ku noolyihiin ee daafaha dunida" ayu yidhi Md Axmed Rashiid

Gudaha Xafiiska Dahabshiil Kampala


Cabdixakiin Ismaciil Siciid Masuuliyinta Dahabshiil Kampala

Cabdixakiin Ismaciil Siciid oo isna kamid ah Madaxda Shirkada Dahabshiil Kampala oo isna nooga waramay adeegyada shirkadoodu qabato ayaa waxa uu yidhi "shirkada Dahabshiil dalkan Uganda waxay adeegyo kala duwan u qabata dadyo kala duwan oo ay u qabto adeega Xawaalada iyo adeegyo kale oo la xidhiidha xawaalada waan shirkad shaqo badan u abuurtay dadka soomaalida ah ee ku nool dalkan iyo Dalka Ugandaba waxaana hada Magaalada Kampala ka hawl gala laba xafiis waxan dhawaan aanu ku talo jirna in aanu Magaaloyinka kale ee dalka Ugandana aanu ku fidino adeega shirkada ayuu yidhi Md Cabdi Xakiin


Sidoo kale dhanka Ganacsigu kuma koobna oo kaliya Xawaaladaha ee waxa jira Soomaali kale oo dalka keena Shidaalka isla markaan Magaalada Kampala ku dhex leh Kaalmo iibiya shidaalka keenida shidaalka ayaa ah ganacsi inta badan dadka soomaalida ahi ay aad uga dhex muuqdan dalka Uganda

Xarunta Dahashiil Kampala


Ddka Soomaalida ah ee ku dhaqan Qaaradaha Europe, America iyo meelo kale ayaa iyaguna hada maalgashiyo kala duwan ka sameystay dalkan Uganda waxan uu hada Dalka Uganda uu kamid noqday dhulka Dadka Soomaalida ahi ay hantida kala duwan iyo ganacsiga ku leeyihiin waan dal amaankisu aad u wanaagsan yahay taaso sababtay inay dad badan soo jiidato.

Soomaalida Qaxoontiga ah:-

Dadka Soomaalida ah ee ku nool dalka Uganada intooda badan waa Dad ku yimi Qaxoonti nimo kuwaaso hada ku kala nool Magaalada Kampala iyo xero Qaxoonti oo ku taal xadka Uganda iyo Tanzania xeradan oo UN ku u sameeyay Soomaalida qanxoontiga ah halkaas oo inta badan dadka soomaalida ah iska diwaan galiyaan isla markaana dhawrki biloodba mar ay iska xaadiriyaan si loga helo warbixino

Dadka dalkan Uganada soo galay ayaa intooda badan yimi shanti sano ee u danbeeyay kuwaaso qaar kood ay dhawaan ka soo yaacen dagaalada ka socda Koonfurta soomaaliya halka ay jiraan soomaali in ka badan 10 sano iyagu joogay dalka Uganda

Waxbarashada:-

Soomaalida Joogta Dalkan Uganda waxa iyaguna aan ka maqnayan dhalinyaro waxbarasho uga soo hayaamay dalkoodi waxaana hada wax ka barta Jaamacadaha Dalkan Arday badan oo soomaali ah kuwaaso jaamacado kala duwan wax ka barta waxan sanadahan danbe aad u soo badanayay ardayda waxbarashada u soo doonta Dalkan Uganda



Qaarkamid ah Ardayda Reer Somaliland ee waxkabarta Jaamacada KIU ee Dalka Uganda

Muuqalka Ardayada Reer Somaliland

Mar aan Booqday Jaamacada KIU oo ah Jaamacada inta badan ay ardayada Soomaalida ahi wax ka bartaan ayaa waxan kula kulmay arday badan oo halkaas wax ka barta isla markaana hada qaarkood sanado badan joogen Ardayda Jaamacadda KIU oo aan ka waraystay sida Dalkan Uganda wax looga baran karo ayaa waxay i sheegen in u yahay dal Dadka Soomaalida aad u soo dhaweeya isla markaan qofka waxbarasho doonaya uu si fuduud u heli karo Jaamacadaha Dalkan oo ah kuwa Tayadooda waxbarasho aad u sarayso waxa kale oo ay ardaydaasi i sheegen in Jaamacadaha Dalkan looga yimaado wadamo badan sida Tansania, Kenya, Sudan iyo meelo kale Jaamacada KIU ayaa hada wax wax ka barta in ku dhaw 100 arday oo soomaali ah kuwaaso ka kala yimi dhulka soomaalidu degto sida Jamhuuriyada Somaliland, Koonfurta Somalia, Kenya iyo meelo kale waxa kale oo Xusid mudan in Jaamacadaha Dalkan Uganda qaarkood Ardayda Reer Somaliland ku dhigtaan Shahadada Wasaarada Waxbarashada Somaliland oo Jaamaadahani aqoonsadeen sido kale Dadka safarada ku yimaada Dalkan ayaa qaarkood waxay ku yimaadan Passoportka Somaliland kaaso si caadiya loogu soo galo dalkan Uganda.

Gunaanad

Dalka Uganda ayaa ah Dal hada Dadka Soomaalida ahi ay u soo gali karaan si aad u dhib yar iyagoo ku soo gali kara Passoport ka soomaaliga ah isla markaan aan inta badan aan la waydiinin waxa sharci ah waxaana hada Todobaad walba soo gala soomali badan dadka soomaalida ah waxay magaalada Kampala ka sameysteen xaafada soomaalida u gaar ah taaso inta badan ganacsiga yar yar ee ka jira ay leeyihin soomaali halkaaso oo deegan u noqtaya kumanaan soomaali ah.



Wariye :Siciid Maxamed Xaaji Cismaan
Kampala Uganda
Togdheernews

Waftigii Madaxweyne Riyaale Hogaaminayey Oo Caawa Soo Cagadhigtay Madaarka Addis-Ababa







Written by Faysal Cabdilaahi
Sunday, 20 January 2008
ImageHargeysa(Hormoodnews)-Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo Weftigii uu Hogaaminayay ee Socdaalka Hawleed ku Marayay Dalalka Ingiriiska iyo Maraykanka ayaa Caawa kasoo degay Garoonka Caalamiga ah ee Magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya.

Weftigan uu Hogaaminayo Madaxweynehu ayaa waxa Madaarka Addis ababa ku soo dhaweeyay Saraakiil ka tirsan xukuumada Itoobiya, Wakiilka Somaliland ee Addis ababa, Jaaliyada Somaliland ee dalkaasi oo caleemo qoyan ku soo dhaweeyay weftiga.

Weftigan uu Hogaaminayo Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa Dalalka Ingiriiska iyo Maraykanka waxa ay kulamo kula yeesheen Jaaliyadaha Somaliland ee Dalalkaasi , Saraakiil ka tirsan Dalalkaasi oo ay ugu horeeyaan Jenday Frazer oo ah Kaaliyaha xoghayaha Arrimaha Dibada ee Afrika u qaabilsan , Saraakiil ka tirsan Wasaarada Gaashaandhiga Maraykanka , Wasiirka Afrika u qaabilsan dalka UK iyo Saraakiil ka tirsan Wasaaradaha Arrimaha dibada ee dalalka England iyo Maraykanka.

Weftiga Madaxweynaha oo ay ka mid yihiin Marwada Koowaad ee Madaxweynaha Marwo Huda Barkhad Aadan , Wasiirka Arrimaha Dibada Mudane Cabdillaahi Maxamed Ducaale , Wasiirka Cadaalada Mudane Axmed Cali Casoowe , Wasiirka Caafimaadka Mudane Cabdi Haybe , Wasiir ku xigeenka Qorshaynta Mudane Axmed Xaashi iyo Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha Mudane Axmed Maxamed Ciise.

Weftiga ayaa la filayaa in ay Soo gaadhaan Caasimada Hargeysa , Maalinta Salaasada ah , iyada oo halkaasi si weyn loogu soo dhawayn doono Madaxweynaha iyo Wefdigiisa.

Waxaana magaalada Hargeysa durdaba ka bilawday udiyaargarawga soo dhaweynta waftiga Madaxweynaha.

Faysal Cabdilaahi.

Hargeysa-Hormoodnews.

Thursday, January 17, 2008

Madaxwaynaha oo kala qayb galay banaan bax Qurba jooga Somaliland




























Washington DC, January 17 2008

Qurbo-joogga reer Somaliland ee ku nool Woqooyiga Ameerika, ayaa isaga kala yimi meelo kala duwan si ay shacbiga iyo xukuumadda Maraykanka ugu muujiyaan dareenkooda la xidhiidha qaddiyadda madaxbannaanida


Somaliland, taas oo ay ku soo bandhigayaan maanta bannaanbax ka dhacaya Washington.
Bannaanbaxyo iyo shirar ballaadhan oo dhici doona Washington DC- MD/VA ee aagga Metropolitan, ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo weftigiisa oo hadda ku sugan magaaladaasi kala qaybgelayaan bannaanbaxayaasha reer Somaliland ee goobtaa isugu yimi si ay u tusaan dunista doonistooda qarannimo iyo in aanay marnaba qayb ka ahayn wixii loogu yeedhi jiray Soomaaliya.

Madaxweyne Rayaale ayaa la sheegay inuu dadka isugu yimi goobtaa si ay u soo bandhigaan dareenkooda uu halkaa uga jeedin doono khudbad, isla markaana kula shiri doono si ay u isu xogogaal-warraystaan qurbo-joogga Maraykanka ee reer Somaliland.

Bannaanbax kan la mid ah ayaa sidoo kale isna maanta ka dhacay dhammaan gobollada dalka Somaliland, kaas oo shacbigu ku muujinayaan siday uga go’an tahay in aanay dib uga noqonayn madaxbannaanidooda iyo goonni-isu-taagga Jamhuuriyadda Somaliland.

Dhinaca kale, Warsaxaafdeed uu soo saaray Wakiilka Somaliland u jooga dalka Maraykanka Md, Amb. Sacad Sheekh Cismaan Nuur, waxa madaxweynaha iyo wefdigiisu labadii maalmood ee ina dhaafay la yeesheen saraakiil sare oo ka tirsan dawladda Maraykanka kullamo iyo wada hadalo qaatay in mudo ah, kuwaas oo ka dhacay meelo kala duwan. Warsaxaafadeedkaas oo faah-faahsana waxa uu u dhignaa sedan;

“Weftigii uu hoggaaminayey Madaxweynaha JSL, Mudane, Daahir Rayaale Kaahin, waxa qado loogu sameeyay Xarunta Wasaradda Arrimaha Debedda (State Department-ka). Qaddaddaasi waxa Madaxweynaha iyo weftigiisa u fidiyey kaaliyaha Xog-hayaha Arrimaha Debdda Dr. Jendayi Frazer, waxa kaaliyaha ku weheliyey ku-xigeenka kaaliyaha Xafiiska Arrimaha Debedda, Agaasimaha Bariga Africa ee Arrimaha Debedda, Madaxa Xafiiska Arrimaha Somaliland iyo Somalia iyo Madax kala oo ka socday Wasaaradda Arrimaha Debedda.
Isla maanta waxa uu Madaxweynaha iyo weftigiisu la kulmay, Madaxa la dagaalanka Argagixisada Caalamiga ah iyo madax sarsare oo ka tirsan Xafiiskiisa.

Sidoo kale, Madaxweynaha iyo weftigiisa waxa ay si rasmi ah u bilaabeen Isniintii dorraad oo ku beegan 14/10/08 kullamadoodii u horeeyay, kuwaas oo ay wada hadal rasmi ah kula yeesheen masuuliyiin ka tirsan wasaarada Arimaha Dibedda oo ay ka mid tahay kaaliyaha Xog-hayaha Arrimaha Debedda Dr. Jendayi Frazer iyo dhammaan hawlwadeenada xafiiskooda iyo kaaliyaha Xog-hayaha Gaashaandhiga ee Arrimaha Africa, Ms. Theresa M. Whalan oo uu kula kulmay Xarunta Petagon-ka.

Sidoo kalena, waxa xubnaha wefiga Madaxweynuhu kulan la yeesheen masuuliyiinta Haya’adda USAID oo iyadu dawlada Maraykanka u qabilsan Horumarinta Caalamiga, intaas ka dibna waxa Madaxweynaha iyo wefdigiisu wada hadal dheer la yeesheen La taliyaha Gaarka ah ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Africa, Mr. Bobby J. Pittman oo isagu ku soo booqday Huteelka ay deggan yihiin.

Sidoo kalen, Madaxweynaha iyo wefdigiisu waxa ay habeenimadii Salaasada ka qayb Xaflad ballaadhan oo jaaliyadda Somaliland u qabatay, kullankaas oo Madaxweynuhu ugaga xog-waramay Jaaliyadda xaaladda dalku halka ay marayso iyo wixii u qabsoomay iyo waxa aynu rajeynayno inay dhawwaan inoo qabsoomaan, hadalkaa Madaxweynaha kadib, Jaaliyaddu waxay halkaasi

Madaxweynaha ku weydiiyeen su’aalo farabadan oo dhammaantood Madaxweynuhu uga jawaabay.
Kullamadaas waxa Madaxweynaha ku wehelinayay Wasiirka Arrimaha Debedda, Cabdillaahi Maxamed Ducaale, Wasiirka Caafimaadka Cabdi Haybe Maxamed, Wasiirka Caddaaladda Axmed Cali Xassan Wasiir-ku-xiggeenka Qorsheynta Axmed Xaashi Cabdi, Xog-hayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha Axmed Maxmed Ciise iyo Marwada Madaxweynaha Marwo Hudo Barkhad Aadan

TogdheerNews
Hargaysa.