Sunday, January 20, 2008

Wararkii maanta Xagan ka Akhriso
















Written by Qarannews.
Jan 20, 2008 at 01:31 PM

Madaxweynaha Somaliland mudane Dahir Rayaale Kaahin iyo waftiguu hogaaminaayay ee soo maray dalalka Ingriiska iyo Maraykanka ayaa hada ku sii jeeda magaalo madaxda Somaliland ee Hargaysa, madaxweyanaha iyo waftigiisa ayaa xalay ka soo ambabaxay magaalada Washinghtonm ee dalka Maraykanka oo ay ku sugnaayeen ayaamahii ina soo dhaafayba, waftiga uu hogaaminaayo madaxweyne Rayaale waxa ay maanta joogi doonaan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoiobiya iyaga oo maalinta isniinta ahna u socdaali doona magaalada Hargaysa.

Sida ay doontaba ha ahaatee socdaalka madaxweyanah ayaa ahaa mid hirgalay dhamaana uu ku soo guulaystay ujeedooyinkii socdaalkisa, saraakiil aanu la xidhiidhnay oo ka tirsan madaxda wadamadii uu soo maray madaxweyne Rayaale ayaa noo xaqiijiyay in socdaalkii madaxweyaha ee dalalkaasi Britain iyo USA uu ku soo dhamaaday jawi aad u wanaagsan, sidoo kale diblomaasiyiin ka tirsan wasaarada arimaha dibada ee ku kula sugan wadamada USA iyo UK ayaa noo xaqiijiyay in midho dhalkii kulmada madaxweynaha Somaliland ee dalalkaasi uu soo maray ay bilaabmi doonaan bilaha fooda inagu soo hayo iyada oo la arki doono midho dhalkii socdaalka madaxweyanah ee Somaliland mudane Daahir Rayaale Kaahin ee dalalkaasi.

Dhanka kalena waxa ilaa maanta laga dareemay magaalada Hargaysa dhaq dhaqaaq xoogan oo loogu diyaargaroobaayo soo dhawaynta madaxweyanah oo ku soo fool leh magaalada Hargaysa, oo runtii ay dadweynaha magaalada Hargaysa ku soo dhawayn doonaan madaxweynahooda iyo waftiga uu hogaaminaayaba caleemo qoyan iyo ciyaaro kala duwan oo loogu sii diyaar garoobaayo soo dhawaynta waftiga.





Source Qarannews

Wararka kale ee maanta.



Hargeysa : Xaflad Ay Ku Qalin Jabiyeen 105 Arday Oo Kulmisay Gud/ Ku Xigeenka Kowaad Ee Wakiilada Iyo Xildhibaano Ay Isku Seegeen Golaha



Hargeysa (Qaran)- Xaflad ay ku qalin jabinayeen 105 arday oo muddo laba sano ah, wax ka baranayay Machadka Luuqadaha ee aflax, ee ku yaala magaalada Hargeysa, ayay ku kulmeen Gudoomiye Ku xigeenka Kowaad ee Aqalka Wakiilada, Md Cabdi-casiis Maxamed Samaale, Md Xasan Cawaale Caynaan, oo ka tirsan Xildhibaanada Xisbiga UDUB kaga jira Aqalkaas iyo Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa, oo ka mid ah Mudaneyaasha Xisbiga UCID kaga jira Golaha Wakiilada, hase yeeshee si adag u naqdiya Hoggaaminta sadxda xubnood ee shirgudoonka Golahiisa.

.

Xafladii loo sameeyay qalin jabinta dufcada 16-aad ee Machadka Aflax oo lagu qabtay Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa, waxa ka soo qayb galay Wasiir ku xigeenka Waxbarashada , Xoghayaha Arrimaha Dibada KULMIYE , Gudoomiyaha UCID ee Gobolka Hargeysa , Arday iyo Macalimiinta dugsigaas wax ka barata.



Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Somaliland Mudane C/casiis Maxamed Samaale ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay midhaha Ardayda uu soo saaray dugsiga Aflax oo ka mid ah dugsiyada gaarka loo leeyahay ee ka jira caasimada Hargeysa , waxana uu yidhi “Waxaan aad ugu faraxsanahay in aan ka soo qayb galo xafladan qiimaha leh , waxana aanu idiin muujinaynaa in aanu idinla faraxsan nahay , waxa aanu idiinku hambalyaynayaa Luuqadaha aad barateen oo furre u ah Waxbarashada Aqoonta kala duwan’’.



Mudane Samaale oo sharax ka bixinayay waxtarka Aqoontu u leedahay Bini’aadmiga waxa uu yidhi “Aqoontu waa shay qaali ah waxana ilaahay ku kala fadilay bini’aadmiga aqoonta , markaa Waxbarashadu marka ay qiimaha leedahay waa marka ay ilaahay kugu xidho ee ay kuu diido Waxa xun’’.



Gudoomiye ku xigeenka Golaha Wakiiladu waxa uu Ardaydaas ugu baaqay in aqoontuudu noqoto mid dhinaca Wanaagsan loo adeegsado.



“Bini’aadmigu wuxuu isku afgartaa waa luuqadaha , markaa Barashada luuqadaha aad ayaan idiinku dar daarayaa inaad barataan , halkaasna ka sii wada’’ ayuu intaas raaciyay C/casiis Samaale.

Xoghayaha Arrimaha Dibada Xisbiga KULMIYE Dr Axmed Xuseen Ciise oo ka hadlay xafladaas ayaa ardayda ku taageeray Barashada luuqadaha , waxana uu yidhi “Waxaan idinku hambalyaynayaa barashada luuqadaha oo mihiim u ah kasbashada Cilmiga kale , waxaan idiin soo jeedinayaa inaad barataan luuqada China , waayo waxay dalkaasi noqonayaa dal hogaaminaya dhaqaalaha adduunka , luuqadiisana waa la wada baran doonaa’’.



Dr Axmed Xuseen waxa uu sheegay in ay dalka waxtar u tahay da’yartu noqoto qaar aqoon leh , waxana uu yidhi “Xaq waxa aad noogu leedihiin in aanu wax idin barno oo dhismaha iyo kobcinta garaadkiina aanu dhisno , taas ayaanu balan qaadaynaa haddii aanu waalidiintii iyo siyaasiyiintii nahay’’.



Maamulaha dugsiga Aflax , Axmed Ismaaciil oo ka hgadlay xafladaasi ayaa sheegay in dugsiga in la aasaasay 1996-kii ay ka baxeen kumanaan Arday oo luuqadaha carabiga iyo Ingiriisida ka bartay.

Maamulaha dugsiga Aflax , waxa uu amaan u soo jeediyay Ardayda iyo maalimiinta dugsigaasi.
Axmed Ismaaciil waxa uu waalidiinta u soo jeediyay inay xidhiidh la sameeyaan dugsigaasi la iskaga kaashado waxbarashada ubadka.

Sidoo kale , waxa xafladaas ka hadlay Mudane Xasan Cawaale Caynaan iyo Mudane Ibraahim Mahdi Buubaa , oo labadooduba ka tirsan Golaha Wakiilada, waxana ay xuseen inay soo dhawaynayaan wax soo saarka Waxbarashada ee dugsiyada gaarka ah oo ay amaaneen kaalinta ay kaga jiraan Waxbarashada dalka.

Waxa kale, oo xafladaasi ka hadlay Gudoomiyaha Xisbiga UCID ee Gobolka Hargeysa, Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdi-raxmaan, oo sheegay in dugsiga AFLAX, uu kaalin wax ku ool ah kaga jiro kobcinta barashada luuqadaha iyo xisaabaadka.

Xasan Suldaan, waxa uu amaanay maamulka iyo macalimiinta dugsigaas, oo uu ka dalbayday inay dedaalkooda sii wadaan.



Cumar maxamed Faarax

Qarannews/Hargeysa



HantiDhawraha Guud Ee Somaliland Oo Soo Dhaweeyay Xeerka Xakamaynta Musuqmaasuqa Iyo Ilaalinta Hantida Qaranka

Hargeysa(Qaran)- Hantidhawraha Guud ee Somaliland,Axmed xasan, ayaa soo dhaweeyay,Xeerka Xakamaynta Musuqmaasuqa Iyo Ilaalinta Hantida Qaranka, oo dhawaan golayaasha Baarlamaanka [Wakiilada iyo Guurtidu] ay ansixiyeen, isla markaana uu digreeto ku ogolaaday Madaxweynaha Somaliland.

Hantidhawraha guud ee Somaliland, waxa uu mar uu maanta saxaafada ugu waramayay xafiiskiisa, ku sheegay in xeerkani uu soo noolaynayo qeybo ka mid ah awoodaha xafiiska Hantdhawrka, waxana uu tilmaamay in sanadkan deg deg u dhaqan gelinayaan.

"Xeerkani waanu dhaqan gelinaynaa waxana uu wax ka tarayaa , sidii aanu shaqadayada u gudan lahayn"Ayuu intaas raaciyay Hantidhawraha guud.

Xeerkani, oo ay soo curiyeen Gudida ilaalinta Hantida Qaranka iyo xakamaynta Musuqmaasuqa ee golaha Wakiilada somaliland, ayaa si weyn looga taageeray dalka dhaqan gelkiisa, waxana golayaasha Baarlamaanku ay qabaan in xeerkani uu wax weyn ka tarayo sidii ciqaab adag loo marsiin lahaa dadka lagu helo inay ku tagri faleen hanti qaran.

Cumar Maxamed Faarax
Qarannews/Hargeysa


Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Tababar U Furay 117 Askari Oo Boolis Iyo Asluub Ah


Hargeysa (Qaran)- Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Cabdilaahi Ismaaciil Cali, ayaa maanta tababar ku saabsan xirfada iyo shuruucda ciidamada dugsiga Mandheera uga furay 117 Askari, oo isugu jiray Boolis iyo Asluub, kuwaasi oo laga kala keenay gobolada dalka.

Xafladii Loo sameeyay furitaanka tababarkaasi, oo ay goob joog ka ahaayeen, Wasiir Ku-xigeenka Cadaalada, Mudane Yuusuf Ciise Ducaale [Talaabo], Taliayaha Ciidanka Booliska Maxamed Saqadhi Dubad, Saraakiil ka socday Taliska guud ee asluubta iyo masuuliyiin ka tirsan Haa’yada UNDP.

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo tababarkaasi ka hadlay ayaa ka waramay waxtarka tababarada ciidamadu ay ka qaadan karaan sugida nabadgelyada dalka, waxana uu ciidamaadaasi, oo ay ku jireen Ciidanka Booliska Laas-Caanood, ugu baaqay inay ka faa’iidaystaan.

“Waxaan idinka rajaynayaa inaad xirafada ciidanimo iyo shuruucda aad ku shaqaynaysaan, ee tababarkan aad ku qaadanaysaan aad sida ay tahay uga faa’iidaysataan, si dhawaan aad wax uga bedeshaan hawlaha aad haystaan ee dhinaca nabadgelyada la xidhiidha” Ayuu intaas raaciyay”Mudane C/Laahi Ismaaciil Cali [Cirro].

Wasiirku waxa kale oo uu ka waramay culayska ay leedahay shaqada ciidamada nabadgelyada, oo uu xusay inay si fiican u gutaan.waajibkooda.

Sidoo kale, waxa xafladaasi ka hadlay Wasiir ku xigeenka Cadaalada, Md Yuusuf Ciise Ducaale [Talaabo] iyo Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland, Maxamed saqadhi Dubad, waxana ay ka warameen sida loogu baahan yahay in mar walba loo casriyeeyo tabobarada iyo xirfada ciidamada nabadgelyada dalka.


Cumar Maxamed Faarax
Qarannews/Hargeysa



Warbixin: Xaalada Soomaalida ku nool Caasimada Uganda ee Kampala, uu inoo soo diray Wariye Siciid Maxamed Cismaan



Kampala (Qaran)-Dalkan Uganada waxa uu ku dhaca bariga Qaarada Africa waan dal sanadihi u danbeeyay ku talaabsaday horumar balaadhan hadaba caasimada Dalka Uganda ee Kampala ayaa waxa hada ku nool soomaali aad u badan oo u jeedoyin kala duwan u yimi dalkan sida Ganacsi, Qaxoontinimo, Waxbarasho iyo arimo kale hadaba warbixintan waxaynu ku eegi doona bal soomaalida ku nol dalkan Uganda iyo xaaladahooda kala duwan:-

Kampala :

Muuqalka Kampala


Magaalada Kampala waa Caasimada Dalka Uganada waxa ku nool dad lagu qiyaaso 1.5 Million waana meesha inta badan dadka Soomaalida ahi ku noolyihiin waa caasimada si weyn u dhisantay sandihi u danbeeyay.

Muuqalka Kampala Casimada Uganda

Ganacsiga:-

Dadka soomaalida ah ee ku nool Dalka Uganda intooda badan waxay u yimaaden qaxoonti nimo laakin waxa jirta dad badan oo Soomaali ah kuwaaso dalka Uganada ka bilaabay Arimo Ganacasi isla markaan maalgashiyo kala duwan kusameeyay dalkan.

hada waxa dalkan Uganada ka shaqeeya Shirkado Badan oo ay leeyihiin dad Soomaali ah kuwas oo si weyn uga hawla gala dalkan isla markaan ka qabta hawlo kala duwan


Maamulaha Dahabshiil Kampala Axmed Rashiid Cabdi Cilmi


Hadaba shirkadahaas waxa kamid ah Shirkada Xawaaladda ee Dahabshiil oo aan dhawaan booqday xafiiskoda Magaaladda Kampala Axmedrashiid Cabdi Cilimi oo ah Maamulka Dahabshiil Kampala ayaan wax ka waydiiyay sida shirkadoodu uga shaqeyso Dalka Uganda waxaana uu yidhi " Shirkada Dabashiil waa shirkadii xawaaladeed ee ugu horayasay ee Soomaaliyeed oo sifo sharciya uga hawla gasha dalkan Uganda shirkadan Dahabshiil hada waxay kamid tahay shirkadaha ugu waaweyn ee ka jira dalkan Uganda waxaan la odhan kara shirkada Dabashiil waxay dabooshay baahi badan oo dadka Soomaalida ah ee halkan dagani ay u qabeen madaama Dahabshiil tahay shirkada ka wada shaqeysa Dhamaan dhulka soomaalidu degto iyo kuwa ay ku noolyihiin ee daafaha dunida" ayu yidhi Md Axmed Rashiid

Gudaha Xafiiska Dahabshiil Kampala


Cabdixakiin Ismaciil Siciid Masuuliyinta Dahabshiil Kampala

Cabdixakiin Ismaciil Siciid oo isna kamid ah Madaxda Shirkada Dahabshiil Kampala oo isna nooga waramay adeegyada shirkadoodu qabato ayaa waxa uu yidhi "shirkada Dahabshiil dalkan Uganda waxay adeegyo kala duwan u qabata dadyo kala duwan oo ay u qabto adeega Xawaalada iyo adeegyo kale oo la xidhiidha xawaalada waan shirkad shaqo badan u abuurtay dadka soomaalida ah ee ku nool dalkan iyo Dalka Ugandaba waxaana hada Magaalada Kampala ka hawl gala laba xafiis waxan dhawaan aanu ku talo jirna in aanu Magaaloyinka kale ee dalka Ugandana aanu ku fidino adeega shirkada ayuu yidhi Md Cabdi Xakiin


Sidoo kale dhanka Ganacsigu kuma koobna oo kaliya Xawaaladaha ee waxa jira Soomaali kale oo dalka keena Shidaalka isla markaan Magaalada Kampala ku dhex leh Kaalmo iibiya shidaalka keenida shidaalka ayaa ah ganacsi inta badan dadka soomaalida ahi ay aad uga dhex muuqdan dalka Uganda

Xarunta Dahashiil Kampala


Ddka Soomaalida ah ee ku dhaqan Qaaradaha Europe, America iyo meelo kale ayaa iyaguna hada maalgashiyo kala duwan ka sameystay dalkan Uganda waxan uu hada Dalka Uganda uu kamid noqday dhulka Dadka Soomaalida ahi ay hantida kala duwan iyo ganacsiga ku leeyihiin waan dal amaankisu aad u wanaagsan yahay taaso sababtay inay dad badan soo jiidato.

Soomaalida Qaxoontiga ah:-

Dadka Soomaalida ah ee ku nool dalka Uganada intooda badan waa Dad ku yimi Qaxoonti nimo kuwaaso hada ku kala nool Magaalada Kampala iyo xero Qaxoonti oo ku taal xadka Uganda iyo Tanzania xeradan oo UN ku u sameeyay Soomaalida qanxoontiga ah halkaas oo inta badan dadka soomaalida ah iska diwaan galiyaan isla markaana dhawrki biloodba mar ay iska xaadiriyaan si loga helo warbixino

Dadka dalkan Uganada soo galay ayaa intooda badan yimi shanti sano ee u danbeeyay kuwaaso qaar kood ay dhawaan ka soo yaacen dagaalada ka socda Koonfurta soomaaliya halka ay jiraan soomaali in ka badan 10 sano iyagu joogay dalka Uganda

Waxbarashada:-

Soomaalida Joogta Dalkan Uganda waxa iyaguna aan ka maqnayan dhalinyaro waxbarasho uga soo hayaamay dalkoodi waxaana hada wax ka barta Jaamacadaha Dalkan Arday badan oo soomaali ah kuwaaso jaamacado kala duwan wax ka barta waxan sanadahan danbe aad u soo badanayay ardayda waxbarashada u soo doonta Dalkan Uganda



Qaarkamid ah Ardayda Reer Somaliland ee waxkabarta Jaamacada KIU ee Dalka Uganda

Muuqalka Ardayada Reer Somaliland

Mar aan Booqday Jaamacada KIU oo ah Jaamacada inta badan ay ardayada Soomaalida ahi wax ka bartaan ayaa waxan kula kulmay arday badan oo halkaas wax ka barta isla markaana hada qaarkood sanado badan joogen Ardayda Jaamacadda KIU oo aan ka waraystay sida Dalkan Uganda wax looga baran karo ayaa waxay i sheegen in u yahay dal Dadka Soomaalida aad u soo dhaweeya isla markaan qofka waxbarasho doonaya uu si fuduud u heli karo Jaamacadaha Dalkan oo ah kuwa Tayadooda waxbarasho aad u sarayso waxa kale oo ay ardaydaasi i sheegen in Jaamacadaha Dalkan looga yimaado wadamo badan sida Tansania, Kenya, Sudan iyo meelo kale Jaamacada KIU ayaa hada wax wax ka barta in ku dhaw 100 arday oo soomaali ah kuwaaso ka kala yimi dhulka soomaalidu degto sida Jamhuuriyada Somaliland, Koonfurta Somalia, Kenya iyo meelo kale waxa kale oo Xusid mudan in Jaamacadaha Dalkan Uganda qaarkood Ardayda Reer Somaliland ku dhigtaan Shahadada Wasaarada Waxbarashada Somaliland oo Jaamaadahani aqoonsadeen sido kale Dadka safarada ku yimaada Dalkan ayaa qaarkood waxay ku yimaadan Passoportka Somaliland kaaso si caadiya loogu soo galo dalkan Uganda.

Gunaanad

Dalka Uganda ayaa ah Dal hada Dadka Soomaalida ahi ay u soo gali karaan si aad u dhib yar iyagoo ku soo gali kara Passoport ka soomaaliga ah isla markaan aan inta badan aan la waydiinin waxa sharci ah waxaana hada Todobaad walba soo gala soomali badan dadka soomaalida ah waxay magaalada Kampala ka sameysteen xaafada soomaalida u gaar ah taaso inta badan ganacsiga yar yar ee ka jira ay leeyihin soomaali halkaaso oo deegan u noqtaya kumanaan soomaali ah.



Wariye :Siciid Maxamed Xaaji Cismaan
Kampala Uganda
Togdheernews

No comments: