Monday, January 21, 2008

Wafdigii Madaxwaynaha oo Dalka ku soo laabtay















Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):-Weftigii u hogaaminayey Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin ayaa galabta dalka ku soo guryo noqday,kadib markii uu soo Dhameystay Socdaal qaatay muddo laba todobaad iyo dheeraad oo ay ku soo Mareen Wadamada Ingiriiska iyo Mareykanka.

Madaxweyne Rayaale iyo Weftigiisa Waxa dhabaha Diyaaradaha ee Egal International Airport ee Magaalada Hargeysa ku soo Dhaweeyey Masuuliyiin Badan Oo uu Hormood ka ahaa Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasin, Raxan Wasiiro ah, Xildhibaano, labada Gole Barlamaan [Guurtida iyo Wakiillada], Masuuliyiin ka socday Xisbul-Xaakimka talada haye ee UDUB, dadweyne aad u tira badan iyo Marti sharaf kale.

Kadib, Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin waxa uu Shir-jaraa’id oo uu tafaasiil kaga bixinayey Socdaalkii uu ku soo Maray Wadamada, Ingiriiska iyo Mareykanka ku qabtay Qasriga Madaxtooyada, isaga oo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxaan u maleynayaa ducadii aan Maalintii aan tagayey idinku lahaa igu sii dara waa la aqbalay, Markaa Waxaad ku darsataan in ducadiini la aqbalay”

“Markaan idiin waramo waa-nagii halkan [Hargeysa] ka baqoolnay aniga iyo xeynta Wasiirada ahi, Safarkayagii waxaanu ka bilownay Ingiriiska, halkaas oo aanu kula kulanay Wasiiru Dawlaha Arrimaha Afrika oo nin Cusub ah, run ahaantii si fiican ayuu noo soo dhaweeyey ninkaas odayga ahi” ayuu yidhi Madaxweyne Rayaale

Mar uu ka hadlayey Madaxweyne Rayaale Wax-yaabihii ay ka Wada hadleen Wasiiru Dawlaha Arrimaha Afrika u qaabilsan boqortooyada Ingiriiska Waxa uu yidhi “Waxaanu ka Wada hadalnay Qadiyadeena [Somaliland] oo isugu jirta, haday tahay ta aanu markastaba ka hadalno oo ah Aqoonsiga, iyo sida ay wax inoola qaban lahaayeen Ingiriisku iyo xaga horumarinta”

“Waxaad Maqasheen kooxdii [Barlamaanka] ee u ololeyn jirtay qadiyadeena had iyo Jeer oo uu Madaxda u yahay Xildhibaan Alen Allen Michael sifiican ayuu noogu soo dhaweeyey oo subixi oo dhan Shir ayaanu lahayn, isaga oo kaliya maahe Xisbiyada kala duwan ee Dalka Ingiriiska, oo aanu kala hadlaynay sidii aanu qadiyadeena ugu qancin lahayn iyo Sidii ay u sii-wadi lahaayeen inay markasta qadiyadeena taageeraan”ayuu yidhi President Rayaale.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa raaciyey oo uu yidhi“ Xildhibaan Allen Michael waxa uu nagu martiqaaday fadhi Su’aalo lagu weydiinayey Ra’iisal Wasaaraha [Ingiriiska Brown], oo aad la socoteen, Ra’iisal Wasaaruhuna si dhaba markii ugu horeysay uga jawaabay BBC-da ku celin uma baahna, Wasiiraduna qolyo kale ayey la kulmeen oo iyaga ka waramidoona oo dib ayaad uga wareysandoontaan”

Mar uu Madaxweyne Rayaale ka hadlayey Socdaalkii uu ku tagay Wadanka Mareykanka waxa uu yidhi“Mareykanka Marti-qaad waanu haysanay dadban oo weli laynama aqoonsan run ahaantii, laakin waxaanu idiin sheegaynaa in si fiican na loo soo dhaweeyey, oo VIP na lagu soo dhaweeyey oo Airport-ka nalaga qaaday,”

“Dawlada Mareynkanka Xafiisyadeedii ugu muhiimsanaa oodhan Shirar ayaanu la yeelanay haday tahay State department, haday tahay Congress-ka oo ah Sub Commity of Afrika, haday tahay US-AID oo xaga horumarka u qaabilsan, haday tahay Pentagon-ka oo ah qolada Gaashaandhiga iyo rag kale oo Madaxweynaha arrimaha Afrika kala-taliya intaasba kulamo ayaanu la yeelanay” ayuu intaas raaciyey Madaxweyne Rayaale isaga oo hadalkiisa sii wata

“Hadaan idiin soo Uruuriyo kulamadaa waxaan u arkayey, dad raba inay wax inalaqabtaan, una baahan inaanu anaga qudhayadu [Somaliland] iska warano, waxaanu isleenahay fariintiini waad gaadhsiiseen si fiicana way u qaateen Dawlada Mareykanku”ayuu yidhi President Rayaale.

Madaxweyne Rayaale oo waxa uu ku dooday inaanu wax faah-faahina ka bixinayn Safarkiisa uu ku tagay Wadanka Mareykanka, balse uu ku soo Uruurinayo inuu Safarkaasi guul ku soo dhamaaday oo uu si wanaagsan u dhacay “Bilow Wanaagsan oo inoo bilaabmay inaga [Somaliland] iyo Mareykanka uu yahay, waxaan rajeynayaa Mustaqbalka inay wax-yaabo badan ay ka soo bixidoonaan,”ayuu yidhi.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa raaciyey oo uu yidhi “Anaguna waxaanu is-leenahay Somaliland si fiican waad u iibiseen oo fariintiina waad gaadhsiiseen, Mareykankuna idinkama war la’a sidaanu halkan uga haysano, warkeena way hayaan wixii ka dhinaana ee uu mugdi kaga jirayna inaanu u buuxinay waan filayaa, xidhiidhkani halkaa kuma eekaanayo oo uu sii socondoona”.

Mar uu Madaxweyne Rayaale ka hadlayey waxa uu ku soo arkay Wadanka Mareykanka waxa uu yidhi “Waxaan la hadlay Jaaliyadeena [Mareykanka], aniguna wixii aan u sheegayey waan u sheegay,iyaguna waxa ay I weydiinayeen way I weydiiyeen”

“Laakin, waxaan halkaa [Mareykanka] ku soo arkay waxay kaga duwanaayeen reer Yurub oo dad xoogsanaya ayey ahaayeen,Yurub qaraamaad ayaa la siiyaa oo meelahaa ayey iska fadhiyaan, laakin meeshan meel la shaqeysanayo oo ninkasta Xog-sanayo ayuu Mareykanku ahaa” ayuu yidhi Rayaale

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Dad badan ayaa halkaasi wax-bartay oo dhalinyarada ah, oo ninkastaaba dedaal ayuu ugu jiraa Survivor-ka, oo waad dareemi kareysaa inuu ninwaliba dalkiisa Jecel yahay”

Weftiga Madaxweynaha waxa ku wehelinayey Wasiirada Arrimaha Dibada Cabdilaahi Maxamed Ducaale, Caafimaadka iyo Shaqada Md. Cabdi-haybe Maxamed, Wasiirka Cadaalada Axmed Xasan Cali Casoowe, Wasiir ku-xigeenka qorsheynta Md. Axmed Xaashi iyo Xogheynta gaarka.

Intaa kadib, waxay Weriyaashu Su’aalo ku boobeen Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin.

Mar la weydiiyey Su’aal ahayd, Madaxweyne Madaxdii Hogaamiyayaasha Urur Siyaasadeedka Qaran waxay Socdaal dhawaan ku tageen Magaalada Boorame oo kulan ayey ku qabteen Huteel Rays oo way ka hadleen markaa Sideed u aragtaa arrinta Urur Siyaasadeedka Qaran?Waxa uu Madaxweynuhu ku jawaabay oo uu yidhi “Horta kuwaasi [Uururka Qaran] Sharciyad kuma fadhiyaan oo hore ayaan u sheegay, dadka uma diideyno inuu ninkastaaba inay Siyaasada damac u yeesho,taan anigu u leeyahay qofkasta oo reer Somaliland ahi xaq ayuu u leeyahay,laba ayeynu kala dooranay inaga [Somaliland] iyo Koonfurta Soomaaliya waxaanu ku kala duwanay inaanu noqono dadkeenan waxaanu anagu ku hogaaminaynaa dad Sharci ku nool uu noqdo ee dalkani inuu noqdo mid hebel la ixtiraamo inuu noqdo maaha, haddii hebel la ixtiraamo meel aynu u soconaynaa ma jirto, Laakin dadka waxaanu ku ixtiraamaynaa dastuurka iyo Sharciga inay u maraan damaca ay Siyaasada u leeyihiin. Qolada Mareykankuna kuwaanu is-heyno way og yihiin”

Mar iyana la weydiiyey Su’aal ahayd, Afhayeenkii arrimaha dibada ee dalka Mareyka dabadeed, waxa hadashay oo War-saxafadeed soo saartay isla Wasaarada Arrimaha Dibada oo taas oo lagu sheegay kulankii uu Weftigii aad hogaaminaysay la yeeshay Jandeya Frazer aanu waxba ka beddelin mawqifkii Maraykanku ka taagnaa Aqoonsiga Somaliland,? Waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi. “Horta kaa laftiisu war xun ma odhan. Warka uu yidhi waxaweeyaan qarka uma saarna aqoonsiga Somaliland, haddaad ‘between the lines’ iska akhrido ma dafirin inuu Somaliland ahaan wax inala wadaan, laakiin, weliba dad inaga ina taageeraya ayaa su’aasha ku cel-celiyey ninkan, wax badanna inuu sheego diyaar umu ahayn oo nin hoose ayuu ahaa.
Waa laga yaaba inuu War kale ka soo bixidoono, sidaanu qoladaa isku aragnay inuu Statement danbe ka soo bixidoono, Waayo dib ayaanu u wada hadalnay ninkaasi [Afhayeenka Arrimaha Dibada Mareykanka] nin yar oo Cidla naga helay oo layarawareystay”

Mustafe Abdi Maxamed [Mustafe-Janaale]
Reporter Hadhwanaagnews.com/Hargeysa
E-mail, janaale94@yahoo.com

No comments: