Thursday, January 17, 2008

Madaxwaynaha oo kala qayb galay banaan bax Qurba jooga Somaliland




























Washington DC, January 17 2008

Qurbo-joogga reer Somaliland ee ku nool Woqooyiga Ameerika, ayaa isaga kala yimi meelo kala duwan si ay shacbiga iyo xukuumadda Maraykanka ugu muujiyaan dareenkooda la xidhiidha qaddiyadda madaxbannaanida


Somaliland, taas oo ay ku soo bandhigayaan maanta bannaanbax ka dhacaya Washington.
Bannaanbaxyo iyo shirar ballaadhan oo dhici doona Washington DC- MD/VA ee aagga Metropolitan, ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo weftigiisa oo hadda ku sugan magaaladaasi kala qaybgelayaan bannaanbaxayaasha reer Somaliland ee goobtaa isugu yimi si ay u tusaan dunista doonistooda qarannimo iyo in aanay marnaba qayb ka ahayn wixii loogu yeedhi jiray Soomaaliya.

Madaxweyne Rayaale ayaa la sheegay inuu dadka isugu yimi goobtaa si ay u soo bandhigaan dareenkooda uu halkaa uga jeedin doono khudbad, isla markaana kula shiri doono si ay u isu xogogaal-warraystaan qurbo-joogga Maraykanka ee reer Somaliland.

Bannaanbax kan la mid ah ayaa sidoo kale isna maanta ka dhacay dhammaan gobollada dalka Somaliland, kaas oo shacbigu ku muujinayaan siday uga go’an tahay in aanay dib uga noqonayn madaxbannaanidooda iyo goonni-isu-taagga Jamhuuriyadda Somaliland.

Dhinaca kale, Warsaxaafdeed uu soo saaray Wakiilka Somaliland u jooga dalka Maraykanka Md, Amb. Sacad Sheekh Cismaan Nuur, waxa madaxweynaha iyo wefdigiisu labadii maalmood ee ina dhaafay la yeesheen saraakiil sare oo ka tirsan dawladda Maraykanka kullamo iyo wada hadalo qaatay in mudo ah, kuwaas oo ka dhacay meelo kala duwan. Warsaxaafadeedkaas oo faah-faahsana waxa uu u dhignaa sedan;

“Weftigii uu hoggaaminayey Madaxweynaha JSL, Mudane, Daahir Rayaale Kaahin, waxa qado loogu sameeyay Xarunta Wasaradda Arrimaha Debedda (State Department-ka). Qaddaddaasi waxa Madaxweynaha iyo weftigiisa u fidiyey kaaliyaha Xog-hayaha Arrimaha Debdda Dr. Jendayi Frazer, waxa kaaliyaha ku weheliyey ku-xigeenka kaaliyaha Xafiiska Arrimaha Debedda, Agaasimaha Bariga Africa ee Arrimaha Debedda, Madaxa Xafiiska Arrimaha Somaliland iyo Somalia iyo Madax kala oo ka socday Wasaaradda Arrimaha Debedda.
Isla maanta waxa uu Madaxweynaha iyo weftigiisu la kulmay, Madaxa la dagaalanka Argagixisada Caalamiga ah iyo madax sarsare oo ka tirsan Xafiiskiisa.

Sidoo kale, Madaxweynaha iyo weftigiisa waxa ay si rasmi ah u bilaabeen Isniintii dorraad oo ku beegan 14/10/08 kullamadoodii u horeeyay, kuwaas oo ay wada hadal rasmi ah kula yeesheen masuuliyiin ka tirsan wasaarada Arimaha Dibedda oo ay ka mid tahay kaaliyaha Xog-hayaha Arrimaha Debedda Dr. Jendayi Frazer iyo dhammaan hawlwadeenada xafiiskooda iyo kaaliyaha Xog-hayaha Gaashaandhiga ee Arrimaha Africa, Ms. Theresa M. Whalan oo uu kula kulmay Xarunta Petagon-ka.

Sidoo kalena, waxa xubnaha wefiga Madaxweynuhu kulan la yeesheen masuuliyiinta Haya’adda USAID oo iyadu dawlada Maraykanka u qabilsan Horumarinta Caalamiga, intaas ka dibna waxa Madaxweynaha iyo wefdigiisu wada hadal dheer la yeesheen La taliyaha Gaarka ah ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Africa, Mr. Bobby J. Pittman oo isagu ku soo booqday Huteelka ay deggan yihiin.

Sidoo kalen, Madaxweynaha iyo wefdigiisu waxa ay habeenimadii Salaasada ka qayb Xaflad ballaadhan oo jaaliyadda Somaliland u qabatay, kullankaas oo Madaxweynuhu ugaga xog-waramay Jaaliyadda xaaladda dalku halka ay marayso iyo wixii u qabsoomay iyo waxa aynu rajeynayno inay dhawwaan inoo qabsoomaan, hadalkaa Madaxweynaha kadib, Jaaliyaddu waxay halkaasi

Madaxweynaha ku weydiiyeen su’aalo farabadan oo dhammaantood Madaxweynuhu uga jawaabay.
Kullamadaas waxa Madaxweynaha ku wehelinayay Wasiirka Arrimaha Debedda, Cabdillaahi Maxamed Ducaale, Wasiirka Caafimaadka Cabdi Haybe Maxamed, Wasiirka Caddaaladda Axmed Cali Xassan Wasiir-ku-xiggeenka Qorsheynta Axmed Xaashi Cabdi, Xog-hayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha Axmed Maxmed Ciise iyo Marwada Madaxweynaha Marwo Hudo Barkhad Aadan

TogdheerNews
Hargaysa.

No comments: