Wednesday, January 23, 2008

Md.Axmed Siilaanyo oo ka hadlay manhajka Dugsiyada oo laga saaray Taariikhdii halganka SNM.








Published Jan 23, 2008
by siciid

Siyaasiyiin, saraakiil millateri iyo dadweyne tiro badan oo reer Somaliland ayaa cadho weyn go’aan Wasaaradda Waxbarashadu manhajka dugsiyada dalka kaga saartay cutubyo kooban oo ka hadlayey

Siyaasiyiin, saraakiil millateri iyo dadweyne tiro badan oo reer Somaliland ayaa cadho weyn go’aan Wasaaradda Waxbarashadu manhajka dugsiyada dalka kaga saartay cutubyo kooban oo ka hadlayey taariikhda halgankii ururka SNM ee kumanyaalka mujaahid u shahiideen iyo aasaaskii dhismaha qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ee KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ahna guddoomiyihii ugu muddada dheeraa ee ururka SNM, ayaa ayaan-daro weyn ku tilmaamay in la tirtiro taariikhda halgankii ururkii SNM ee dalka lagaga xorreeyey keligii-taliyihii dhiig-yacabka ahaa ee ummadda reer Somaliland dhibaatada weyn gaadhsiiyey.

Axmed-siilaanyo oo xafiiskiisa ugu warramayey shalay qaar ka mid ah warbaahinta dalka shalay, ayaa isaga oo daba socday arrintaas waxa uu ku tilmaamay inay SNM tahay hooyada dhashay qarannimada Somaliland, isla markaana u taal ummadda reer Somaliland tallaabada ay ka qaadayaan falkan foosha xun ee lagu duudsiyayo taariikhda halgankii qadhaadhaa ummadda Somaliland u soo gashay xorriyadooda.

Waxaannu isaga oo arrimahaa faahfaahinayey yidhi; “Waxaan u arkaa ayaan-darro aad iyo aad u weyn. Waynu ognahay halgankii SNM inuu ahaa ka keenay Somaliland, waa halgankii xornimada Somaliland keenay. Waynu la soconaa oo dad farabadan ayaa u shihiiday, kumanaan baa ku dhintay, kumanaan baa lugo beelay, kumanaan baa ku agoomoobay, maantana Somaliland waxa dhashay SNM, waynanu ku sugaynay waqtigeeda, markii hore waxa la lahaa mujaahidiintii dalka u soo halgamay ayaa dayacan, maantana magacii SNM ayaa siduu u dhan yahay meesha laga saarayaa, haddii ay ummadda reer Somaliland waxaas oo kale ay aqbasho oo ka dhiidhi weydo oo

damiirkeedu fari waayo in waxaasi wax la qaadan karo aannu ahayn ayaan-darro ayey noqonaysaa.”
Sidoo kale, Muj. Muuse Biixi Cabdi oo ka mid ahaa saraakiishii millateri ee hoggaaminayey halgankii hubaysnaa ee ururka SNM, haddana ka tirsan guddiga fulinta ee xisbiga KULMIYE oo ka hadlayey dareenkiisa ku wajahan arrintan, ayaa waxa uu si kulul ugu eedeeyey hoggaanka sare ee dalka inay ka suurtowdo tirtirista taariikhda halgankii SNM ee ummadda reer Somaliland u horseeday neecawda xornimo ee ay haystaan, isaga oo intaa ku daray in dunida aan lagu arag ummad baabiisa

taariikhdeeda, waxaannu mid aan suurtogal ahayn ku tilmaamay in masuuliyiinta waxbarashada dalka oo mujaahaidiin u badnaa ay ku kacaan tallaabo halgankii ummaadda lagu baabi’iyo oo haddii ay dhacdana il-duuf ahaan uga tageen, laakiin ay suurtogal noqon karto in ay tahay siyaasad hoggaanka sare ee dalku aaminsan yihiin. Isaga oo arrimahaas faahfaahinayeyna waxa Muuse Biixi yidhi; “La yaabi maayo inay qoladan dalka ka taliyaa tirtiraan taariikhda halgankii SNM oo iyagu maaha qolo soo dagaalantay, wayna ka xun yihiin halgankii iyo wixii soo hadal-qaadaba, markaa hoggaanka sare ee dalka inay tallaabadaa qaadaan way ka suurtowdaa. Adduunyada lama arag ummad taariikhdeeda tirtirta inay ilaashato oo ay ku faanto mooyee, laakiin hoggaanka sare ee talada dalka haya way ka suuroobi kartaa tallaabadan, sababtoo ah ma jaclaysanayaan halgankii oo iyagu kamay soo

qaybqaadan, laakiin macallimiinta dalka mujaahidiin bay u badan yihiin arrintaas ka suurtogali mayso.”
Ugu dambayn, Muj. Muuse Biixi oo faahfaahin ka bixinayey aragtidiisa ku wajahan arrintan iyo lugta ay ku yeelan karaan masuuliyiinta Wasaaradda Tacliinta Somaliland, waxa uu yidhi; “Ragga wasaaradda waxbarashada iyo manaahijta dalka gacanta ku hayaana waxay u badan yihiin rag halgankii ka soo qaybqaatay oo badankooduna ku soo dhaawacmay, markaa arrintaa kanaan filayn, waxaanna laga yaabaa in ay il-duufeen oo ay dib-u-sixi doonaan, waxaanan doonayaa in aannu is aragno oo arrintaa kala hadalno, hadday tahay siyaasad cusub oo hadda soo baxdayna waxaan filayaa inay khalad tahay.”

Dhinaca kale, dadweyne tiro badan ayaa dareen cadho leh ka muujiyey arrintan, kuwaas oo tallaabadan ku tilmaamay inay tahay khiyaamo qaran oo aan sinaba suurtogal u noqon karin.
Ugu horreyn, Maxamed Saleebaan Cali oo ah wiil dhallinyaro ah, ayaa isaga oo ka jawaabayey dareenkiisa ku saabsan arrinta, waxa uu yidhi; “Kacdoonka waxa keena muhindis, waxana fuliya geesiyaal, waxaanna ka midho-gurta fule iyo doqon, waxayna taasi u muuqata inuu doqonkii iyo fulaygii ka faa’iidaystay dalka. Waayo, waxaynu wada ognahay in dalkan dhibaato farabadan loo soo maray, oo ay kumanaan geesi ku naf waayeen, kumanaan kalena u naafoobeen, kumanaan kalena way waalan yihiin, kumanaan kale way ku agoomoobeen. Sidaas oo ay tahay buuggii hore taariikhda muu ahayn buug uu ku dhammaystiran yahay taariikhda halgankii SNM ee dhashay Somaliland, waxaanna wax lala yaabo ah annagoo markii horeba dhaliilsan cutubkii yaraa ee ku qornaa buugga taariikhda fasalka 8-aad in laga saaro, waxaanay ku tusaysaa in maamulka jiraa uu dabar-jarayo taariikhda halganka SNM iyo Somaliland-ba.

Wasiirka Waxbarashada waxaannu u aragnaa inuu u badheedhay arrintan, waayo wuxuu lahaa hirgelinta buugga. Haddii Madaxweynuhu arrinkan aannu wax qaban waxa cad inuu ka dambeeyo, taasina waxay u taallaa shacabka reer Somaliland waxay ka yeeli lahaayeen.”

Maxamed Aadan Tarabi oo ka mid ah dhallinyarada ku barbaartay xorriyaddii ay dhaliyeen ururka SNM, oo dareenkiisa ka hadlayey, ayaa isaga oo cabbirayey aragtidiisa la xidhiidha arrintaa, waxa uu yidhi; “Waxaan ka mid ahay barbaarta ku hana-qaaday xorriyadda iyo xorriyatul-qawlka barbaartan loo halgamay iyo qarannimada dhiigga loogu daadiyey siday ugu noqon lahaayeen kuwo sharaf ku nool, kana mid ahay barbaarta hiigsanaysa mujaahintii iyo halyeyadii SNM iyo inta dhimatayba, waxaan u taaganahay dhaqdhaqaaqa iyo taabogelinta taariikhda SNM, waxaan aad uga xumahay wasaaradda waxbarashada arrinkaa xun ee ay ku kacday, waxaanan bulshada Somaliland ugu baaqayaa ninkii qayrkii loo xiirayow soo qoyso ayey ka dhigan tahay, maadaama dadkii qarannimadan naftooda u soo huray lagu tuuray kudaafada, oo laga saaray manhajkii waxbarashada, waxaan ku talin lahaa inay ka waantoobaan, haddii ay ka waantoobi waayana waxaannu ku dhawaaqi doonaa bannaanbaxyo arrintaa aannu kaga soo horjeedno.”

“Aad baan uga xumahay taariikhda SNM in laga saaro manhajka waxbarashada, oo waliba waxaan ka soo jeedaa SNM, dadkayaga oo dhan ayaa lagu madhiyey, mana oggoli in laga saaro manhajka waxbarashada, waxaanan leeyahay annaga ayaa gacmahayga ku beddeli doona oo kii hore in yar buu qorayee taariikhdii SNM oo dhan ayaannu ku qori doonaa. SNM-na waxay ahayd udub dhexaadka ay ku taagan yahay Somaliland, mayana jirteen Somaliland, dhaliishana waxaan saarayaa

xukuumadda, buuggan iyada ayaa soo saartay ee hay’adi may soo saarin, iyadaana kow ka ahayd ciddii abaabushay buuggan, dadku waxay moodayaan in loo fududaynayo, laakiin anigu waxaan u arkaa in SNM la xasuuqayo.” Sidaa waxa tidhi Amaal Muuse Ciise.

TogdheerNews
Hargaysa.

No comments: