Wednesday, January 23, 2008

“Haddii Ay Doorashadu Dhici Weydo Ama Ay Xukuumaddu Musuq-maasuqdo La Tegi Mayso”

London, January 22, 2008 (Haatuf) - Waxa maalintii sabtidii ka dhacday magaaladda Manchester ee carriga Ingiriiska xaflad aad loo soo agaasimay oo ay isugu yimaadeen saraakisha xisbiga Kulmiye ee laamaha Ingiirska. Xafladan oo ay soo agaasintay laanta xisbiga Kulmiye ee Manchester waxa ka soo qayb galay Madax sare oo ka tirsan xisbiga Kulmiye, oo uu ka mid yahay Md Abiib Diiriye Nuur oo horena u ahaan jiray wasiir ka tirsan xukuumadda Rayaale, Xildhibaan Cumar Sanweyne oo ah xildhibaan ka tirsan Golaha wakiilada isla markaana ka mida saraakiisha xisbiga Kulmiye.

Kadib aayado quraan ah iyo soo dhoweyn waxa faahfaahin ka bixiyey ujeedada xafladda guddomiye xigeenka Kulmiye ee Manchester, Mr Saciid oo xafladaas daadihinayey, isaga oo ku tilmaamay ujeedada xafladda in ay tahay dardar gelin hawlaha xisbiga iyo soo dhoweeyn madax xisbiga ah oo ku sugan carriga Ingiriiska. Intas kadib waxa codbaahiyaha lagu soo dhoweeyey Md Farax Xasan Jagac oo ah guddoomiyaha laanta Manchester ee xisbiga Kulmiye. Mr Faarax ayaa ka warramay taariikhda magaaladda Manchester iyo doorkii ay kasoo qaadatay halgankii dheeraa ee dalka lagu soo xoreeyey. Waxa kale uu ka waramay waxqabadka laanta Manchester iyo waxyaabahii u qabsoomay muddadii ay shaqaynaysay.

Mudane Abiib Diiriye Nuur oo ahaa wasiir hore uga tirsanaa xukuumadda Madaxweyne Rayale hase yeeshee xilkii uu hayay iska casilay markii uu ka biyo diiday hab dhaqanka xukuumadda Rayale ayaa lagu soo dhoweeyey codbaahiyaha. Mudane Abiib waxa uu ka warramay in sidda dad badani xuseen uu kasoo qayb qaatay halgankii hubaysnaa ee Somaliland lagu xoreeyey, isaga oo ka mid ahaa tobankii sarkaal ee ugu horeeyey ee talaaba. Waxa Mr Abiib uu sidoo kale kasoo shaqeeyey jagooyin Wasiiro ahna kasoo qabtay xukuumaddi ugu horeysay Somaliland ee uu Madaxweynaha ka ahaa Marxuum Cabdiraxman Axmed Cali iyo xukuumaddii Marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal. Mudane Abiib waxa uu xusay inuu ka mid ahaa wasiiraddii lasoo shaqeeyey Madaxweyne Rayale iyo xukuumadda wakhtigan dalka ka talisa, isla markaana uu ahaa raggii ay isugu dho-dhowaayeen Madaxweyne Rayale. Sababta kaliftay in uu iska casilo xilkii wasiirnimo ayaa Mr Abiib isaga oo ka warramaya waxa uu yidhi:

‘Markii aan arkay in xukuumaddani aanay dadkii iyo dalkii u shaqaynayn, waddadii aan ka filayeyna ay ka leexatay, ayaa waxa damiirkaygu i siin waayay inaan kasii mid noqdo oo kusii jiro’
Mudane Abiib waxa uu sheegay in xukuumadda Madaxweyne Rayaale aanay dadka u shaqayn laakiin ay ka shaqaysato, taasina ay nasiib darro tahay. Isaga oo ka warramaya xaaladda maanta wadanku ku sugan yahay waxa uu xusay in Somaliland maalinba maalinta kasii danbaysa ay wax kasii dhacayaan, guulahii iyo dedaalkii Somaliland hore ula timina xukuumaddani sii marayso.meel halisa.
‘Waxaan maqlayay Jidhif oo berri dhexdaasa yidhi isagoo Madaxweyne Rayaale la hadlaya ‘Haddii doorasho dhacdona waa si wanaagsan, haddii ay dhici weydo oo xukuumaddu ka warwareegtona kaba sii fiican’. Anna waxaan leeyahay in isbedel loo baahan yahay xukuumaddana dalka laga badbaadiyo weeye, sidaas darteed, haddii doorasho dhacdo waa si wanaagsan oo waa sidii lagu bedeli lahaa, laakiin haddii ay dhici weydo ama xukuumaddu sideedii is tidhaahdo musuq maasuq lama tegi karto oo u suuroobi mayso maanta” ayuu yidhi Mr Abiib Timacadde.

Waxa intaas ka bacdi codbaahiyaha lagu soo dhoweyey xildhibaan Cumar Sanweyne oo ka warramay hawlaha u qabsoomay mudaddii uu socdaalka ku marayay dalka dibadiisa. Xildhibaanku waxa uu sheegay in mudaddii uu Ingiriiska ku sugnaa la kulmay xildhibaano Ingiriis ah oo u ololeeya ictiraafka Somaliland oo ku midoobay urur la yidhahdo Somaliland Focus. Xildhibaan Cumar waxa uu ku booriyey dadkii xafladaas kasoo qayb galay in xubin walba la xidhiidho xildhibaanka xaafadiisa u metela Baarlamanka isla markaana ka dhaadhiciyaan qadiyadda Somaliland.

Mar uu ka hadlayay arrimaha golaha wakiiladda iyo waxii u qabsoomay wakhtigii golaha cusub lasoo doortay waxa uu xildhibaanku sheegay in ay iyagu (wakiilo ahaan) yihiin gole sharci dejin. Sidaas darteed ay shaqadoodu tahay in ay sharciga sameeyaan, xukuumaddana ay waajib ku tahay inay fuliso sharciga golahu sameeyey, maadaama ay tahay waaxdii fulinta. Hase yeeshe waxa uu xildhibaanku sheegay in sharciyadii ay sameeyeen oo dhan qaarna xukuumaddu is hortaagtay oo aanay fulin, kuwo kalana ay golaha guurtida oo la shaqeenaya xukuumadda gidaar looga dhigay oo is hortaageen.

Waxa sidoo kale isna goobtaas ka hadlay Mudane Maxamud Xaashi oo ka tirsanaan jiray golahii wakiiladda Somaliland ee hore. Mr Maxamuud waxa uu ka waramay isbedelka maanta wadanka looga baahan yahay iyo sida wax isu bedeleen ilaa wakhtigii xukuumadda Madaxweyne Rayaale talada dalka haysay, taasoo uu ku tilmaamay in aanay iska xilsaarin waxqabad iyo horumar dalku gaadho laakiin aad moodo inay burburinayso guulahii Somaliland hore u gaadhay.

Isla madashaas waxa sidoo kale warbixin ka bixiyey guddoomiyaha xisbiga Kulmiye ee UK Mudane Ibrahim Nuux oo dhowaan safar uu ku tagay Somaliland dib uga soo laabtay. Mudane Ibrahim waxa uu dadkii kasoo qayb galay xafladaas uga waramay halka ay marayso qaban qaabadda shirweynaha Kulmiye iyo doorka ay qurba jooga Kulmiye ku yeelan karaan geediga hanaan socodka dimuqraadiyada Somaliland, gaar ahaan xisbiga Kulmiye.

Shacab weynahii kasoo qayb galay xafladaas ayaa geba gebadii su’aalo kala duwan weydiiyey masuuliyiintii goobtaas ka hadlay, su’aalahaas oo isugu jiray qaar xogwaraysi ah oo xubnaha Kulmiye weydiinayeen iyo qaar kale oo wareysi ah oo xubno aan ka tirsanayn xisbiga Kulmiye, siday sheegeen, hase yeeshe danaynaya inay wax ka ogaadaan qorshaha xisbiga Kulmiye weydiinayeen.

No comments: