Tuesday, March 25, 2008

Golaha Wakiilada Somaliland Oo Xeerkii Maal-gashiga Ku Ansixiyay Habkii Xukuumadu U Soo Dhigtay

Oodwayne.blogspot.com
Written by Qarannews.
Mar 25, 2008.


Hargeysa(Qaran).
Golaha wakiilada Somaliland, ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku taageeray Xeerkii Maal-gashiga oo qodobo ka mid ah Madaxweyanaha Somaliland dib ugu soo celiyay, ka dib markii uu sheegay inay ka hor imanayaan shuruucda dalka.

Fadhigii maanta ee Golaha wakiilada oo uu gudoominayay gudoomiyaha aqalkaasi, Md C/raxmaan maxamed Cabdilaahi, ayaa golahu u codeeyay laba qodob oo ku jiray xeerkii maalgashiga oo Madaxweyne Rayaale soo jeediyay in wax laga bedelo kuwaasi oo kala ahaa qodobada 5-aad iyo 13-aad ee xeerkaasi.


28 Mudane ayaa taageeray in sidii madaxweynuhu soo jeediyay lagu ansixiyo Qodobka 5-aad ee xeerka maal gashiga, oo ahayd in cashuur dhaaf loo sameeyo shirkadaha wadaniga ah ee maal gashaynaya dalka, isla markaana uu codsaday in laga saaro in wax cashuur dhaaf ah loo sameeyo shirkadaha shisheeye, ee doonaya inay maal gelin ku sameeyaan Somaliland, oo xeerka hore ugu xusnaa.

13 Xildhibaan ayaa ka aamusay, halka 1 Mudane uu taageeray in qodobkaasi lagu daayo sidiisii hore.

Sidoo kale, waxa golahu u codeeyay qodobka 13-aad ee xeerkan oo 35 Mudane ay taageereen sidii Madaxweynuhu u soo dhigay, halka 6 Mudane ka aamuseen gudoomiyuhuna aanu codayn. Qodobkaasina waxa uu la xidhiidhay Wasaaradaha ka shaqaynaya dhinaca maalgashiga.


Cumar Maxamed Faarax
Qarannews/Hargeysa

No comments: