Wednesday, November 21, 2007

xildhibaan u Mahad Celiyey Taageerada Shirkadda Dahab Shiil



Xildhibaan Maxamed X Yusuf Wabeeye oo Hambalyo u diraya Shirkada Dahab Shiil Waxqabadka Degmada Oodweyne



Xildhibaan Maxamed Xaaji Yusuf Waabeeye oo ah Xildhibaanada laga soo doortay Gobalka Togdheer, gaar ahaan Degmada Oodweyne ayaa baaq u soo jeediyey Ganacsatada Somaliland, isagoo ka hadlay Munaasibad Shirkada DahabShiil ay ka hir galisay Mashaariic Degmada Oodweyne.



Shirkada Dahab Shiil ayaa afar Mashruuc ka hir galisay Degmada Oodweyne, munaasibadan oo ka dhacday Xarunta Shirkada Dahabshiil ee Degmada Oodweyne, kulankan oo uu ka hadlay Xildhibaan Waabeeyo wuxuu ka cudur daartay shacabka Reer Oodweyn in aanu ku soo noqonin degmadii laga soo doortay waqtiga doorasha ka dib, isagoo xildhibaanku ku sababeeyey Duruufo jira Awgeed.



Dhinaca kale Xildhibaanka isagoo ka hadlaya Horumarka Degmada waxaa maanta ku kulmay Degmada Oodweyne Shirkada Telesom oo ka hirgelisay Isticmaalka Khadka Isgaadhsiinta ee Mobile,ka iyadoo markii hore la isticaali jirey Land Lineka, oo keliya, Dhamaytirka Cusbitaalka Oodweyne iyo Hirgelinta Dugsiyada Waxbarashada Oodweyne, iyo kulanka ay degmada Oodweyne ku kulmayeen Hayadaha Samafalka Caalamiga ah, iyo Kuwa Wadaniga ahba.



Xildhibaanku wuxuu sii diiran u hanbalyeeyey isaga iyo Shacabka Oodweyne Shirkada Dahab Shiil ,isagoo sheegay in ay soo dhoweynayaan Shacabka Reer Oodweyne cid kasta oo wax u qabanaysa Horumarka Dalka, iyo Degmadaba.


Taageerada Qurba jooga Degaanka oodwayne

Gurbajooga Somaliland oo ugu deeqay lacag dhan US $ 53,240/- Dib-u- Dhiska Dugsiga Sare ee Odweyne.


“Qurbe-joogeenu baal dahab ah ayay ka geli doonaan taariikhda dugsigan”

Oodwayne: Markii ugu horraysay oo dugsi sare laga furo

Wasiirka Hawlaha Guud iyo Wasiirka Waxbarashada oo ku sugan Deeganka Odweyne

Wasiirka Hawlaha Guud Md. Siciid Sulub Maxamed, ayaa shalay gelinkii dambe ku soo laabtay magaalada Hargeysa, ka dib safar shaqo oo uu ku wehelinayay wefti uu horkacayo Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Md. Xasan X Maxamuud Warsame (Xasan Gadh-wayne) ku tageen Degmada Oodwayne ee Gobolka Togdheer.


Ardayda waxkabarata Dugsiyada Odweyne


Weftigan oo uu hoggaaminayay Wasiirka Waxbarashadu waxay intii aanay gaadhin Degmada Oodwayne sii mareen tuulooyin dhawr ahaa, kuwaas oo ay dadweynaha kala hadlayeen xaaladdaha nololeed, waxaanay meelahaas ka dhegaysteen warbixino ay dadweynuhu u soo jeedinayeen. Isla markaana Wasiirka Waxbarashada ayaa duhurnimadii Khamiistiiba xadhiga ka jaray Dugsigii ugu horeeyay ee sare ee ay degmada Oodwayne yeelato, kaasoo ay dib u dhis ku sameeyeen Jaalliyadda Dibaddaha ee degaankaas ka soo jeeda dhalasho ahaan. Ka sokow, munaasibaddii furitaanka dugsiggaas, waxa weftiga kaga horyimi degaanka Xaaxi Guddoomiyaha Golaha Degaanka Oodwayne iyo dadweyne kale.


Waftiga Wasiirada oo la kulmaaya Bulshada Reer Odweyne


Xafladdii furitaanka oo dadweynaha reer Oodwayne ay si farxadi ku dheehan tahay u soo dhaweeyeen, waxa ka hadlay masuuliyiin kala duwan. Ugu horayna waxa halkaa ka hadlay Wasiirka Waxbarashada Xasan X Maxamuud (Xasan Gadh-wayne), waxaanu hadalkiisa ku bilaabay; “Dadweynaha reer Oodwaynoow waad ku mahadsan tihiin soo dhawayntiina, waxaanan idiin sheegayaa in dugsigan horena loogu aayay, haddana loo aayi doono.” Wasiirku waxa uu mahadnaq u soo jeediyay Jaaliyadda dibadda ee xilka iska saartay dib u dhiska dugsiggaas, isla markaana waxa uu intaa raaciyay inay iyagu ku soo casuumeen furitaanka dugsiga iyo in Wasaaradda Waxbarashada lafteedu ay kaalin ku lahayd dib u dhiskiisa. Sidoo kale, waxa halkaa ka hadlay Wasiirka Hawlaha Guud Siciid Sulub Maxamed, oo ballanqaaday in wasaaraddiisa iyo dawladu ay iyana iska kaashan doonaan dayr dugsigaa lagu wareejiyo.




Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka Togdheer Prof: Cabdi Axmed oo ka hadlaaya furitaanki Dugsiga Sare Odweyne

“Reer Oodwayne way joogaan meel kasta oo dalka ah, laakiin waxa dhamaantood ka dedaal batay oo dib u dhiska dugsigan uga soo dheereeyay qurba-jooggii. Markaa qurbe-joogeenu baal dahab ah ayay ka geli doonaan taariikhda dugsigan,” ayuu yidhi Md. Siciid Sulub Maxamed. Waxaanu dadweynaha u soo jeediyay inay ilaashadaan dugsigooda iyo danahooda, isaga oo si gaar ah ugu booriyay inay kala dambaynta iyo amaankooda si taxadar leh u ilaashadaan.

“Aniga xafladdani maanta waxay iigu fadhidaa farxad qaali ah, sababta oo ah, waa Illaahay mahadii haddii maanta inmadii markii aan maamulaha ka ahaa dugsigan (xilligii uu ahaa dhexe) halkan (daabuurkii dugsiga) aynu maanta taaganahay inamadii aan ugu khudbadayn jiray waxa tihiin hoggaamiyeyaashii mustaqbalka iyo wasiirradii berri, uu nasiibkaygu I siiyay in aanu isku soo gaadhno Siciid Sulub oo ardaydaa ka mid ahaa uu maanta yahay wasiir, waa Illaahay Mahadii,” sidaa waxa yidhi Ibraahim Dhegowayne, oo ah Agaasimaha Waaxda Dugsiyada Sare, balse 1969 – 1971-kii ahaa maamulihii dugsiggaa dib loo dhisay oo dhexe ahaa. Masuuliyiin kale, iyo xubno dadweynaha ka tirsan ayaa iyana halkaa ka hadlay, kuwaas oo dhamaantood xusay muhiimada uu Degmada Oodwayne ugu fadhiyo Dugsigan Sare, oo noqonaysa markii ugu horaysay ee ay degmaddaasi yeelato noociisa.

Wasiirka Waxbarashada Xasan X Maxamuud (Xasan Gadh-wayne), iyo masuuliyiin ka qaybqaatay soo dhawaynta weftiga oo uu hor-kacayay Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolka Togdheer Cabdi Axmed, ayaa subaxnimadii Jimcihii shalay u kicitimay booqashooyin ay ku marayeen degaamada degmooyinka Oodwayne iyo Duruqsi, waxaana lagu wadaa inay socdaalkooddaas ugu kuurgalayaan hawlaha iyo agabka waxbarasho ee deegaamaddaas.

DOORKA QURBAJOOGA

Hadaba si aanu wax uga ogaano dhaqaalihii ku baxay Dugsigan iyo wakhtiga rasmiga ah ee la furayo ayaa Weriye Kayse Axmed Digaale wax ka waydiiyay Cali Ibraihm Jamac , oo dalka booqasho gaaban ku soo gaadhay, ahna aqoonyahan deggan Abu Dhabi, oo ah Xiriiryaha Guud “ Co-ordinator” ee uruurinta dhaqaalaha Dugsiga Sare ee Odweyne.


Cali Ibraahon Jaamac


S: Goorma ayay idinku dhalatay fikradda dhaqale uruurintu , maxaase idinku kalifay ?



J: Fikaradu waxay nagu dhalaty May,2002 marki aanu aragnay burburka ku dhacay dugsiga, dibudhaca waxbarasho ee degmadda, iyo dawladda oo awood u wayday inay wax ka qabato .

S. Dawladda miyaad kala hadhasheen in wax laga qabto skuulkaas?

J. Dhawr codsi ayaanu u gudbinay Madaxweynaha .Warqad rasmi ah ayuu Madaxweynahu u qoray taariikhdu markay ahayd 03/08/2003,wasiirkii hore ee Wasaaradda Dib-u-Dejinta & Dib-u-dhiska , Mudane Cabdillaahi Darawal, asagoo ku amraaya inuu dugsigaas siiyo mudnaanta kowaad “Top priority’. Laakinse , Wasiirku ma tixgelin warqadaas.

S. Dhaqaale maxa idin soo galay ?

J. Waxaanu ilaa hada uruurinay US $ 53,240/- oo ay bixiyeen Jaaliyadaha kala degan dalalka soo socda:

1. UAE 16,800
2. UK 12,000
3. Norway 5,400
4. USA 4,800
5. Denmark 4,000
6. Canada 3,500
7. Saudia Arabia 2,740
8. France 2,700
9. Sweden 1,000
10. Qatar 300
Total US $ 53,240
=======
S: laacgtaas maxa ku qabateen ?

J: Dib-u-dhiska skuulka iyo hawlaha la xiriira waxa ku baxay US $ 34,500/-.Inta kalena gacanta ku haynaa , oo furitaanka Dugsiga ayaanu la sugaynaa.

S: Haweenku ma ka qayb qaateen uruurinta dhaqaalaha ?

J: Haa. Lacagta ka timid Canada oo dhan US 3,500/- waxa soo diray Ururka Haweenka ee degan “Ottawa”. Dhaqaalahii odayadda reer ee Canada weli waa soo socda, waxaanu filaynaa bishan dhamaadkeeeda . Dhinaca Maraykanka Gabadh mujaahidad ah oo la yidhaaho “ Huda Xaaji Cabdi Hersi “Daado” ayaa soo uruurisay lacag dhan US $ 3,200/-. Dhamaan waanu u mahadcelinaynaa ,rag & dumarba , intii ka qaybqaadatay ololahaas samofalka ah. Bulshada Reer Somaliland ee qurba jooga waxaanu kula talinaynaa inay shilinka u quudhan horumarinta dalka iyo dadka , oo aany sugin NGO wax u qabta.


Muuqaalka Dugsiga Sare Odweyne

S. Goorma ayaa la furayaa Dugsiga Sare ?

J. Furayaashii waxaanu ku wareejinay Wasaaradda Waxabarashada , iskaashi ayaa naga dhexeeya. Qorshahu waa in dugsiga la furo sanadkan gudaheesa.

S: Maxad dhaqaale ugu talo gasheen macalimiinta Dugsiga Sare marka la furo?

J: Waxaanu ugu tallo galay inaanu siino guno “ incentives” dheeraad ah , oo la mid ah ama ka badan inta ay Wasaaraddu mushahar u siiso ,taaso ku xidhnaan doonta aqoonta, khibradda iyo hawl karnimadda macalinka.. Waxaanu wadi doona gunadaas muddo laba sanadood ah “two year program”.

S : Wadanka Gudihiisa yaa idnika la shaqeeya?

J: Waxa jira Guddi ka kooban shan , oo ay ka mid yaheen Guddoomiyha Degmadda, Guddoomiyha Waxbarashada , Saddex ka mid ah odayaasha Degmadda , iyo laba aqoonyahan oo degan Hargeisa –Dr Khan & Eng Xariir.

S. Maxa ka qabateen dhinaca caafimaadka?

J. Waxaanu cisbitaalka u keenay sareero iyo qalab kale ‘ Medical Equipment”oo ay nagu caawiyeen ururka “ Somaliland Association, Paris”. Laakinse ,nassib daro, wuxuu cisbitaalku maanta u xidhanyahay Gaadhi Xajiyad ah ‘ Pick-up truck’oo ku jira miisaaniyadda sanadka 2007 , taasi oo Golaha Wakiiladu dib u soo celiyay. In kasto Golahu ay xaq u leeyaheen gudbinta miisaaniyadda, hadana waa inay tixgeliyaan adeegyadda bulshada ee u xaniban gudbinta miisaaniyadda.

Si kastaba ha aahatee hadii furitaanka dugsigani najaxo , waxa hubaala inu faaiido iyo waxtar badan u yeelandoono bulshada reer Somaliland oo dhan gaar ahaan degaanka Odweyne oo dadkiisu u badan yahay Beeralay iyo Xoolo Dhaqato , Islamarkaana soo afjarmidoonto dhibaatadii ay la kulmijireen ardayda u gudubta fasalada dugsiyada sare ee tagi jiray Burco Iyo Hargaysa.

Togdheer News





TOGDHEER NEWS NETWORK
(c) 2006-2007:All rights reserved to Togdheer News : Contact us: edito

Shilkii Miinada ee ugu waynaa Degaanka Togdheer

Shilkii Ugu Cuslaa ee Miinada oo Ka Dhacay Deegaanka Burco

In ka badan 10 Qof aya ku dhintay oo laba ka mida ay yihiin haween ugu yaraan 15 Qof oo kalena waa ku dhaawacmeen, ka dib markii galabta ay miino kula kacday Baabuur Dyna ah shciba, Deegaanka Goraya Xunta Hoose oo 120 KM, dhinaca koonfureed ka xigta Magaalada Burco ee Gobalka Togdheer.

Sida u ii cadeeyey Gudoomiyaha Gobalka Togdheer Cabdi Xuseen Dheere oo isugu si toosa ula xidhiidhay Madaxda Degmada Oodweyne ayaa waxaa uu sheegay in baabuurkaasi oo ka soo baxay galabta tuulada goraya xunta hoose una soo jeeday dhinaca Magaalada Burco oo ay miinadani kale kacday agagaarka wadada uu marayey isla markaana uu gaystay khasaarihii ugu badnaa ee dhinaca miinada ka soo gaadhay dadka rayidka a,deegaanka gobalka Togdheer.

Gudoomiyaha Gobalka waxaa kale oo ii cadeeyey in maamul gobalka Togdheer iyo Degmada ay xilligan gurmad Caafimaad ugu baxayaan deegaanka shilku ka dhacay isla markaana ay wehliyeen, gurmad dhinaca Wasaarada Caafimaadka ah, isagoo xusay in dadkan dhaawaca xiligan lagu hayo goobtii shilku ka dhacay.

Geesta kalena deegaanka shilka ka dhacay ee goroya ooda, oo ka mid ah goobihii ay baadheen hayadaha miinosaarka ee Santabarbara Foundtion, iyo hayada Hello Trust, sanadihii 2003/2006, hawl galo miino baadhisa ka waday deegaankaasi waxaa wararku ku sheegayaan in lagu tilmaamay goobaha laga sifeeyey miinada.

Reported By Yuusuf I.Warsame,
Ilkacase,Burco
Email: xagaa67@hotmail.com

Mahadnaq Qurba Joogta reer Oodwayne

Mahadcelin -Shirkada Dhabshiil. Print E-mail
Written by Ali Jama
Monday, 19 November 2007
Image




Anaga oo ku hadlayna magaca dhamaan Qurba-jooga Reer Oodweyne, waxaanu hambalyo iyo mahadcelin u soo jedinaynaa Shirkada & Maamulka Dhahabshiil , oo deeeq samafal ah ku caawiyay Cusbitalka Oodweyne, isla markaana degmada ka hirgeliyay degmada mashruucyo horumarin ah oo kala duwan .

Shirkada Dhabshiil ayaa ku caan baxday deeqaha ay u fidiso adeegyada bulshada ee
Somaliland , siiba Waxbarashada , Caafimaadka , Ciyaaraha iwm.Shirkadu waxay hore
u dhistay Dugsiyo Sare , waxaanay caawimo u fidisay Jamaacadaha, Cisbitaalada ,
iyo goobaha lagu xanaaneeyo dadka maskaxda wax uga dhimanyaheen.


Waxaanu ku boorinaynaa Shariikadaha , Ganacsatada waawayn , iyo dhamaan Qurba
jooga, inay dalkooda iyo dadkooda dhibaataysan ay waxtar u fidiyaan, kuna
daydaan Shirkada “Dahabshiil’, oo kaalinta kowaad kaga jirta hawlaha samafalka.
Sida la xasuusanyahay , waxay Qurbajooga Reer Oodweyne uruuriyeen lacag dhan US $ 53,000/ oo ay ugu deeqeen Dugsiga Sare ee Oodweyne , Cusbitaalka , la dagaalanka Nabaad-guurka, iyo gubista dhuxusha .


Allaa Mahad leh.
Guddiga Dhexe ee Horumarinta
1. Dr. Abdillahi Jama ‘ Awrfool.
2. Eid Haji Abdillahi
3. Ali Ibrahim Jama
4. Farah M Abdi
5. Awil Mohmed Magan
6. Kaizi Haji Derie
7. Mustafa Ahmed Gulaid
8. Yusuf Ibrahim

Ali Jama.

Horumarinta Khayraadka Dabiiciga ah ee Banka Tuuyo

Shir hawleed ay ka qaybgaleen hayadaha caalamiga iyo wadaniga oo ka furmay odweyne.

Odweyne( Jam)Shir hawleed ku saabsan sidii qorshe horumarineed loogu samayn lahaa khayraadka dabiiciga ah ee banka Tuuyo oo ay ka soo qaybgaleen 120 xubnood oo ka kala socda Hayadaha Caalamiga ah,kuwa wadaniga,hayadaha dawlada,masuuliyiin ka tirsan xukuumada,wakiilada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa maalintii sabtidii ka furmay magaalada oodweyne ee ka tirsan xarunta gobolka togdheer.

Shir hawleed oo socon doona mudo sadex cisho ayaa waxa soo qabanqaabiyay hayada GAA,kaasoo salka ku haya sidii ay hayadaha Samafalka iyo kuwa wadaniga ahi ay doorkooda uga qaadan lahaayeen qorshahan looga talagalay fayodhowrka degaameed ee dib loogu soo dabaalayo banka tuuyo lagana sameeyo seerayaal xooluhu daaqaan xiliyada abaarta,loona daryeelo degaanka.

Duqa degmada odweyne Maxamed C/raxmaan X.Axmed oo kulankaa fuaya ayaa warbixino kooban kaga waramayo xaalada degmadaas ee dhinacyada Caafimaadka,biyaha,waxbarshada,degaanka,xoolaha,waxaanu tilmaamay in ay ka horumarsan tahay dhinacyada waxbarshada,haseyeeshee ay uugu liidato dhinaca adeega caafimaadka dadka iyo xoolaha islamrkaana xaalafufinta degaankan ay farao baas ku hayaan dhul la ootay iyo gubista dhirta ee dhuxusha laga samaynayo,kuwaasoo aan dagaalan xoogleh kula jirno “waxaan rajaynaya hadii maanta lagu dhan yahay hayado caalamiya iyo xukuumadba inaad gacan na siisaan wax ka qabashada caafimaadka xoolaha iyo degaanka.

Waxa uu intaas ku daray hadii qorshaha waxka qabashada ee banka tuuyo oo galbeed ka xigta odweyne uu waxtar badan u soo kordhinkaro xoolaha iyo bulshadaba,ka hortagna u noqondoono ilaalinta iyo daryeelka degaanka.

Axmed Faarax Jooj oo ka mid masuuliyiinta Hayada GAA,ee iyagu soo qabanqaabiyay shir hawleedkan oo goobta ka hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyay ujedada lagaga leeyahay kulankan waxaanu yidhi “shir hawleedkan aynu isugu nimi waa mid ku saabsan sidii qorshe fog oo horumarineed loogu samayn lahaa banka tuuyo “Sidaas darteed loo baahan yahay in aynu si weyn ugu lafa gurno arintaas”.

Waxa uu intaa ku daray Mr.Jooj in mudada uu socdo shirhawleedkani ay soo booqandoono Degaanka Banka tuuyo,lana soobandhigi doono macluud badan oo lagu sharixi doono siyaabaha wax looga qaba karo bankaas,ee seerayaal looga hirgalin karo ay xooluhu daaqaan wakhtiyada jiilaalka,iyo habka maamulka iyo maareynta.(Cummunity based natural reason management).

Mr.Jooj waxa uu ku soo koobay hadalkiisii in gunaanadka shirkan ay ka soo saaridoono go,aamo dhaxal gal ah oo bulshada loogu faaiideeyo.

Shir hawleedkan ayaa ah kii noociisa ah ee lagu qabto magaalada oodweyne kaasoo dadweynaha degaankaas ay si weyn u soo dhaweeyeen,kana filayaan inuu noqdo mid midhala.

Tuesday, November 20, 2007

Shirkadda Dahab Shiil oo Mashaariic kala Duwan ka Hirgalisay Degmada Oodwayne






Shirkada Dahab Shiil oo Mashaariic Kala Duwan Ka Hir Gelisay Degmada Oodweyne
November 18th, 2007 [News]
Burco (Somaliland.org) - Shirkada Ganacsiga Dahab Shiil ayaa xadhiga ka jartay ilaa 4 afar mashruuc oo kala duwan oo ay ka hir gelisay Degmada Oodweyne ee Gobalka Togdheer.
Mashaariicdan ay saaka shirkadan Dahab Shiil ka furtay gudaha Degmada Oodweyne oo kala ahaa Mashruuca Dibu dhiska Cusbitaalka Degmada, Dhismaha Dayrka Cusbitaalka, Gaadiidka Gurmadka Deg Dega ah, iyo weliba Xarun Cusub oo ay shirkadan ka dhisatay Degmada Oodweyn, waxaana maanta goob joog ka ahaa xildhibaanoka tirsan Golaha Baarlamaanka, Xildhibaano ka mid ah golaha Deegaanka Degmada Oodweyne, Gudoomiyaha Guud ee Gobalada Bari Shirkada Dahab Shiil iyo weliba Maareeyaha Shirkada Dahab Shiil ee Gobalka Togdheer.
Gudoomiyaha Shirkada Dahab Shiil ee gobolada bari Nuux Siciid Ducaale oo saaka hadal ka jeediyey goobtii laga furey Mashaariicdan ayaa waxaa uu sheegay in mashaariicdan oo ay ku baxday lacag gaadhaysa $ 22300 Dollor marka laga reebo dhismaha Shirkadooda ay shirkadani kaga qayb galayso dibu dhiska iyo dayac tirka adeega Bulshada.
Gudoomiyaha Dahab Shiil waxaa kale oo uu sheegay in hada ka hor ay shirkadani Degmada ugu deeqday kulankan kii xigay dhul ay shirkadu u iibisay, dhul banana oo laga dhisayo Cusbitaal iyo Dugsi ay wax ku bartaan Kalkaaliyayaasha Caafimaadka Nursing School, Shirkada Dahab Shiil waxaa kale oo ay ka qayb qaadataa horumarka gaar ahaan Wadooyinka, Caafimaadka iyo Waxbarashadaba.iyo adeega guud ee Bulshada.
Xildhibaan Maxamed Xaaji Yusuf Waabeeyo oo ka mid ah xildhibaanada golaha wakiilada ee laga soo doortay Degmada Oodweyne ayaa isagu ku tilmaamay mashaariicdan ay fulisay shirkada dahab shiil kuwo laf dhabar u noqonaya adeega bulshada waana munaasibad Taariikhiya, isla markaana waxaa kale oo ugu baaqay shirkadaha kale ee ganacsi ee dalka ka jira in ay ku daydaan shirkada Dahab Shiil, waayo waxaa lagu gartaa dalka horumarkiisa marka Company uu ku soo celiyo danta dalkiisa iyo dantiisaba wuxuu ka faa,iiday, waxaa kale oo aan munaasibadan uga faa,iidaysanayaa oo aanu u mahadnaqaynaa Bulshada Oodweyne qurba jooga Reer Oodweyne oo u dhisay Dugsiga Waxbarasho ee Degmada Oodweyne.
Sidoo kale Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Degmada Oodweyne Maxamed C/raxmaan Xaaji ayaa isaguna deeqdan Mashaariicda tahay in ay ahaayeen mashaariic ay degmadu u baahnayd, waxayna ku soo kordhisay Degmada Oodweyne qurux, waxayna kabayaan Nolasha Bulshada.
Waxaa kale oo isna ka hadlay Xafladan Masuuliyiinta ay ka mid yihiin Mareeyaha Shirkada Dahab Shiil ee Gobalka Togdheer Maxamed Xaaji Yusuf, Cuqaal, Duqayda Degmada iyo waxgarad kale oo fara badaban, Mashaariicdan oo la gudoonsiiyey Gudida Caafimaadka Degmada Oodweyne, iyo Madaxda Maamulka Degmada Oodweyne.
Reported By: Yusuf Ibraahim Warsame (Ilka Case)
Burco, Somaliland

Sunday, November 11, 2007

Isbitaalka Oodwayne oo wali xidhan

Isbitaalka Oodwayne wuu xidhan Yahay, balse waxa shaqeeya MCH'yada
Posted to the web 13:39 Jun 21 2004


Jun 21 2004 Oodweyne(Somaliland Net) - Degmada Oodwayne ayaa ka tirsan Gobolka Togdheer, waxaana hoos yimaada tuulooyin farabadan oo afarteenayo kor u dhaafay. Degmadani waxay hada si wayn uga soo kabatay dhinaca wax barashada ka dib markii HAYADA SCF/UK.ay degaankaas ka hirgalisay dugsiyo wax barasho oo cusub, tababarona ay siisay macalimiinta, balse waxa weli aan shaqayn isbitaalka magaladaasi oo hada dibu dhis lagu sameeyay.

Posted by Kayse Digale.