Wednesday, November 21, 2007

Shilkii Miinada ee ugu waynaa Degaanka Togdheer

Shilkii Ugu Cuslaa ee Miinada oo Ka Dhacay Deegaanka Burco

In ka badan 10 Qof aya ku dhintay oo laba ka mida ay yihiin haween ugu yaraan 15 Qof oo kalena waa ku dhaawacmeen, ka dib markii galabta ay miino kula kacday Baabuur Dyna ah shciba, Deegaanka Goraya Xunta Hoose oo 120 KM, dhinaca koonfureed ka xigta Magaalada Burco ee Gobalka Togdheer.

Sida u ii cadeeyey Gudoomiyaha Gobalka Togdheer Cabdi Xuseen Dheere oo isugu si toosa ula xidhiidhay Madaxda Degmada Oodweyne ayaa waxaa uu sheegay in baabuurkaasi oo ka soo baxay galabta tuulada goraya xunta hoose una soo jeeday dhinaca Magaalada Burco oo ay miinadani kale kacday agagaarka wadada uu marayey isla markaana uu gaystay khasaarihii ugu badnaa ee dhinaca miinada ka soo gaadhay dadka rayidka a,deegaanka gobalka Togdheer.

Gudoomiyaha Gobalka waxaa kale oo ii cadeeyey in maamul gobalka Togdheer iyo Degmada ay xilligan gurmad Caafimaad ugu baxayaan deegaanka shilku ka dhacay isla markaana ay wehliyeen, gurmad dhinaca Wasaarada Caafimaadka ah, isagoo xusay in dadkan dhaawaca xiligan lagu hayo goobtii shilku ka dhacay.

Geesta kalena deegaanka shilka ka dhacay ee goroya ooda, oo ka mid ah goobihii ay baadheen hayadaha miinosaarka ee Santabarbara Foundtion, iyo hayada Hello Trust, sanadihii 2003/2006, hawl galo miino baadhisa ka waday deegaankaasi waxaa wararku ku sheegayaan in lagu tilmaamay goobaha laga sifeeyey miinada.

Reported By Yuusuf I.Warsame,
Ilkacase,Burco
Email: xagaa67@hotmail.com

No comments: