Tuesday, November 20, 2007

Shirkadda Dahab Shiil oo Mashaariic kala Duwan ka Hirgalisay Degmada Oodwayne






Shirkada Dahab Shiil oo Mashaariic Kala Duwan Ka Hir Gelisay Degmada Oodweyne
November 18th, 2007 [News]
Burco (Somaliland.org) - Shirkada Ganacsiga Dahab Shiil ayaa xadhiga ka jartay ilaa 4 afar mashruuc oo kala duwan oo ay ka hir gelisay Degmada Oodweyne ee Gobalka Togdheer.
Mashaariicdan ay saaka shirkadan Dahab Shiil ka furtay gudaha Degmada Oodweyne oo kala ahaa Mashruuca Dibu dhiska Cusbitaalka Degmada, Dhismaha Dayrka Cusbitaalka, Gaadiidka Gurmadka Deg Dega ah, iyo weliba Xarun Cusub oo ay shirkadan ka dhisatay Degmada Oodweyn, waxaana maanta goob joog ka ahaa xildhibaanoka tirsan Golaha Baarlamaanka, Xildhibaano ka mid ah golaha Deegaanka Degmada Oodweyne, Gudoomiyaha Guud ee Gobalada Bari Shirkada Dahab Shiil iyo weliba Maareeyaha Shirkada Dahab Shiil ee Gobalka Togdheer.
Gudoomiyaha Shirkada Dahab Shiil ee gobolada bari Nuux Siciid Ducaale oo saaka hadal ka jeediyey goobtii laga furey Mashaariicdan ayaa waxaa uu sheegay in mashaariicdan oo ay ku baxday lacag gaadhaysa $ 22300 Dollor marka laga reebo dhismaha Shirkadooda ay shirkadani kaga qayb galayso dibu dhiska iyo dayac tirka adeega Bulshada.
Gudoomiyaha Dahab Shiil waxaa kale oo uu sheegay in hada ka hor ay shirkadani Degmada ugu deeqday kulankan kii xigay dhul ay shirkadu u iibisay, dhul banana oo laga dhisayo Cusbitaal iyo Dugsi ay wax ku bartaan Kalkaaliyayaasha Caafimaadka Nursing School, Shirkada Dahab Shiil waxaa kale oo ay ka qayb qaadataa horumarka gaar ahaan Wadooyinka, Caafimaadka iyo Waxbarashadaba.iyo adeega guud ee Bulshada.
Xildhibaan Maxamed Xaaji Yusuf Waabeeyo oo ka mid ah xildhibaanada golaha wakiilada ee laga soo doortay Degmada Oodweyne ayaa isagu ku tilmaamay mashaariicdan ay fulisay shirkada dahab shiil kuwo laf dhabar u noqonaya adeega bulshada waana munaasibad Taariikhiya, isla markaana waxaa kale oo ugu baaqay shirkadaha kale ee ganacsi ee dalka ka jira in ay ku daydaan shirkada Dahab Shiil, waayo waxaa lagu gartaa dalka horumarkiisa marka Company uu ku soo celiyo danta dalkiisa iyo dantiisaba wuxuu ka faa,iiday, waxaa kale oo aan munaasibadan uga faa,iidaysanayaa oo aanu u mahadnaqaynaa Bulshada Oodweyne qurba jooga Reer Oodweyne oo u dhisay Dugsiga Waxbarasho ee Degmada Oodweyne.
Sidoo kale Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Degmada Oodweyne Maxamed C/raxmaan Xaaji ayaa isaguna deeqdan Mashaariicda tahay in ay ahaayeen mashaariic ay degmadu u baahnayd, waxayna ku soo kordhisay Degmada Oodweyne qurux, waxayna kabayaan Nolasha Bulshada.
Waxaa kale oo isna ka hadlay Xafladan Masuuliyiinta ay ka mid yihiin Mareeyaha Shirkada Dahab Shiil ee Gobalka Togdheer Maxamed Xaaji Yusuf, Cuqaal, Duqayda Degmada iyo waxgarad kale oo fara badaban, Mashaariicdan oo la gudoonsiiyey Gudida Caafimaadka Degmada Oodweyne, iyo Madaxda Maamulka Degmada Oodweyne.
Reported By: Yusuf Ibraahim Warsame (Ilka Case)
Burco, Somaliland

No comments: