Wednesday, November 21, 2007

Mahadnaq Qurba Joogta reer Oodwayne

Mahadcelin -Shirkada Dhabshiil. Print E-mail
Written by Ali Jama
Monday, 19 November 2007
Image




Anaga oo ku hadlayna magaca dhamaan Qurba-jooga Reer Oodweyne, waxaanu hambalyo iyo mahadcelin u soo jedinaynaa Shirkada & Maamulka Dhahabshiil , oo deeeq samafal ah ku caawiyay Cusbitalka Oodweyne, isla markaana degmada ka hirgeliyay degmada mashruucyo horumarin ah oo kala duwan .

Shirkada Dhabshiil ayaa ku caan baxday deeqaha ay u fidiso adeegyada bulshada ee
Somaliland , siiba Waxbarashada , Caafimaadka , Ciyaaraha iwm.Shirkadu waxay hore
u dhistay Dugsiyo Sare , waxaanay caawimo u fidisay Jamaacadaha, Cisbitaalada ,
iyo goobaha lagu xanaaneeyo dadka maskaxda wax uga dhimanyaheen.


Waxaanu ku boorinaynaa Shariikadaha , Ganacsatada waawayn , iyo dhamaan Qurba
jooga, inay dalkooda iyo dadkooda dhibaataysan ay waxtar u fidiyaan, kuna
daydaan Shirkada “Dahabshiil’, oo kaalinta kowaad kaga jirta hawlaha samafalka.
Sida la xasuusanyahay , waxay Qurbajooga Reer Oodweyne uruuriyeen lacag dhan US $ 53,000/ oo ay ugu deeqeen Dugsiga Sare ee Oodweyne , Cusbitaalka , la dagaalanka Nabaad-guurka, iyo gubista dhuxusha .


Allaa Mahad leh.
Guddiga Dhexe ee Horumarinta
1. Dr. Abdillahi Jama ‘ Awrfool.
2. Eid Haji Abdillahi
3. Ali Ibrahim Jama
4. Farah M Abdi
5. Awil Mohmed Magan
6. Kaizi Haji Derie
7. Mustafa Ahmed Gulaid
8. Yusuf Ibrahim

Ali Jama.

No comments: