Wednesday, November 21, 2007

xildhibaan u Mahad Celiyey Taageerada Shirkadda Dahab Shiil



Xildhibaan Maxamed X Yusuf Wabeeye oo Hambalyo u diraya Shirkada Dahab Shiil Waxqabadka Degmada Oodweyne



Xildhibaan Maxamed Xaaji Yusuf Waabeeye oo ah Xildhibaanada laga soo doortay Gobalka Togdheer, gaar ahaan Degmada Oodweyne ayaa baaq u soo jeediyey Ganacsatada Somaliland, isagoo ka hadlay Munaasibad Shirkada DahabShiil ay ka hir galisay Mashaariic Degmada Oodweyne.



Shirkada Dahab Shiil ayaa afar Mashruuc ka hir galisay Degmada Oodweyne, munaasibadan oo ka dhacday Xarunta Shirkada Dahabshiil ee Degmada Oodweyne, kulankan oo uu ka hadlay Xildhibaan Waabeeyo wuxuu ka cudur daartay shacabka Reer Oodweyn in aanu ku soo noqonin degmadii laga soo doortay waqtiga doorasha ka dib, isagoo xildhibaanku ku sababeeyey Duruufo jira Awgeed.



Dhinaca kale Xildhibaanka isagoo ka hadlaya Horumarka Degmada waxaa maanta ku kulmay Degmada Oodweyne Shirkada Telesom oo ka hirgelisay Isticmaalka Khadka Isgaadhsiinta ee Mobile,ka iyadoo markii hore la isticaali jirey Land Lineka, oo keliya, Dhamaytirka Cusbitaalka Oodweyne iyo Hirgelinta Dugsiyada Waxbarashada Oodweyne, iyo kulanka ay degmada Oodweyne ku kulmayeen Hayadaha Samafalka Caalamiga ah, iyo Kuwa Wadaniga ahba.



Xildhibaanku wuxuu sii diiran u hanbalyeeyey isaga iyo Shacabka Oodweyne Shirkada Dahab Shiil ,isagoo sheegay in ay soo dhoweynayaan Shacabka Reer Oodweyne cid kasta oo wax u qabanaysa Horumarka Dalka, iyo Degmadaba.


No comments: