Wednesday, November 21, 2007

Taageerada Qurba jooga Degaanka oodwayne

Gurbajooga Somaliland oo ugu deeqay lacag dhan US $ 53,240/- Dib-u- Dhiska Dugsiga Sare ee Odweyne.


“Qurbe-joogeenu baal dahab ah ayay ka geli doonaan taariikhda dugsigan”

Oodwayne: Markii ugu horraysay oo dugsi sare laga furo

Wasiirka Hawlaha Guud iyo Wasiirka Waxbarashada oo ku sugan Deeganka Odweyne

Wasiirka Hawlaha Guud Md. Siciid Sulub Maxamed, ayaa shalay gelinkii dambe ku soo laabtay magaalada Hargeysa, ka dib safar shaqo oo uu ku wehelinayay wefti uu horkacayo Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Md. Xasan X Maxamuud Warsame (Xasan Gadh-wayne) ku tageen Degmada Oodwayne ee Gobolka Togdheer.


Ardayda waxkabarata Dugsiyada Odweyne


Weftigan oo uu hoggaaminayay Wasiirka Waxbarashadu waxay intii aanay gaadhin Degmada Oodwayne sii mareen tuulooyin dhawr ahaa, kuwaas oo ay dadweynaha kala hadlayeen xaaladdaha nololeed, waxaanay meelahaas ka dhegaysteen warbixino ay dadweynuhu u soo jeedinayeen. Isla markaana Wasiirka Waxbarashada ayaa duhurnimadii Khamiistiiba xadhiga ka jaray Dugsigii ugu horeeyay ee sare ee ay degmada Oodwayne yeelato, kaasoo ay dib u dhis ku sameeyeen Jaalliyadda Dibaddaha ee degaankaas ka soo jeeda dhalasho ahaan. Ka sokow, munaasibaddii furitaanka dugsiggaas, waxa weftiga kaga horyimi degaanka Xaaxi Guddoomiyaha Golaha Degaanka Oodwayne iyo dadweyne kale.


Waftiga Wasiirada oo la kulmaaya Bulshada Reer Odweyne


Xafladdii furitaanka oo dadweynaha reer Oodwayne ay si farxadi ku dheehan tahay u soo dhaweeyeen, waxa ka hadlay masuuliyiin kala duwan. Ugu horayna waxa halkaa ka hadlay Wasiirka Waxbarashada Xasan X Maxamuud (Xasan Gadh-wayne), waxaanu hadalkiisa ku bilaabay; “Dadweynaha reer Oodwaynoow waad ku mahadsan tihiin soo dhawayntiina, waxaanan idiin sheegayaa in dugsigan horena loogu aayay, haddana loo aayi doono.” Wasiirku waxa uu mahadnaq u soo jeediyay Jaaliyadda dibadda ee xilka iska saartay dib u dhiska dugsiggaas, isla markaana waxa uu intaa raaciyay inay iyagu ku soo casuumeen furitaanka dugsiga iyo in Wasaaradda Waxbarashada lafteedu ay kaalin ku lahayd dib u dhiskiisa. Sidoo kale, waxa halkaa ka hadlay Wasiirka Hawlaha Guud Siciid Sulub Maxamed, oo ballanqaaday in wasaaraddiisa iyo dawladu ay iyana iska kaashan doonaan dayr dugsigaa lagu wareejiyo.




Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka Togdheer Prof: Cabdi Axmed oo ka hadlaaya furitaanki Dugsiga Sare Odweyne

“Reer Oodwayne way joogaan meel kasta oo dalka ah, laakiin waxa dhamaantood ka dedaal batay oo dib u dhiska dugsigan uga soo dheereeyay qurba-jooggii. Markaa qurbe-joogeenu baal dahab ah ayay ka geli doonaan taariikhda dugsigan,” ayuu yidhi Md. Siciid Sulub Maxamed. Waxaanu dadweynaha u soo jeediyay inay ilaashadaan dugsigooda iyo danahooda, isaga oo si gaar ah ugu booriyay inay kala dambaynta iyo amaankooda si taxadar leh u ilaashadaan.

“Aniga xafladdani maanta waxay iigu fadhidaa farxad qaali ah, sababta oo ah, waa Illaahay mahadii haddii maanta inmadii markii aan maamulaha ka ahaa dugsigan (xilligii uu ahaa dhexe) halkan (daabuurkii dugsiga) aynu maanta taaganahay inamadii aan ugu khudbadayn jiray waxa tihiin hoggaamiyeyaashii mustaqbalka iyo wasiirradii berri, uu nasiibkaygu I siiyay in aanu isku soo gaadhno Siciid Sulub oo ardaydaa ka mid ahaa uu maanta yahay wasiir, waa Illaahay Mahadii,” sidaa waxa yidhi Ibraahim Dhegowayne, oo ah Agaasimaha Waaxda Dugsiyada Sare, balse 1969 – 1971-kii ahaa maamulihii dugsiggaa dib loo dhisay oo dhexe ahaa. Masuuliyiin kale, iyo xubno dadweynaha ka tirsan ayaa iyana halkaa ka hadlay, kuwaas oo dhamaantood xusay muhiimada uu Degmada Oodwayne ugu fadhiyo Dugsigan Sare, oo noqonaysa markii ugu horaysay ee ay degmaddaasi yeelato noociisa.

Wasiirka Waxbarashada Xasan X Maxamuud (Xasan Gadh-wayne), iyo masuuliyiin ka qaybqaatay soo dhawaynta weftiga oo uu hor-kacayay Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolka Togdheer Cabdi Axmed, ayaa subaxnimadii Jimcihii shalay u kicitimay booqashooyin ay ku marayeen degaamada degmooyinka Oodwayne iyo Duruqsi, waxaana lagu wadaa inay socdaalkooddaas ugu kuurgalayaan hawlaha iyo agabka waxbarasho ee deegaamaddaas.

DOORKA QURBAJOOGA

Hadaba si aanu wax uga ogaano dhaqaalihii ku baxay Dugsigan iyo wakhtiga rasmiga ah ee la furayo ayaa Weriye Kayse Axmed Digaale wax ka waydiiyay Cali Ibraihm Jamac , oo dalka booqasho gaaban ku soo gaadhay, ahna aqoonyahan deggan Abu Dhabi, oo ah Xiriiryaha Guud “ Co-ordinator” ee uruurinta dhaqaalaha Dugsiga Sare ee Odweyne.


Cali Ibraahon Jaamac


S: Goorma ayay idinku dhalatay fikradda dhaqale uruurintu , maxaase idinku kalifay ?



J: Fikaradu waxay nagu dhalaty May,2002 marki aanu aragnay burburka ku dhacay dugsiga, dibudhaca waxbarasho ee degmadda, iyo dawladda oo awood u wayday inay wax ka qabato .

S. Dawladda miyaad kala hadhasheen in wax laga qabto skuulkaas?

J. Dhawr codsi ayaanu u gudbinay Madaxweynaha .Warqad rasmi ah ayuu Madaxweynahu u qoray taariikhdu markay ahayd 03/08/2003,wasiirkii hore ee Wasaaradda Dib-u-Dejinta & Dib-u-dhiska , Mudane Cabdillaahi Darawal, asagoo ku amraaya inuu dugsigaas siiyo mudnaanta kowaad “Top priority’. Laakinse , Wasiirku ma tixgelin warqadaas.

S. Dhaqaale maxa idin soo galay ?

J. Waxaanu ilaa hada uruurinay US $ 53,240/- oo ay bixiyeen Jaaliyadaha kala degan dalalka soo socda:

1. UAE 16,800
2. UK 12,000
3. Norway 5,400
4. USA 4,800
5. Denmark 4,000
6. Canada 3,500
7. Saudia Arabia 2,740
8. France 2,700
9. Sweden 1,000
10. Qatar 300
Total US $ 53,240
=======
S: laacgtaas maxa ku qabateen ?

J: Dib-u-dhiska skuulka iyo hawlaha la xiriira waxa ku baxay US $ 34,500/-.Inta kalena gacanta ku haynaa , oo furitaanka Dugsiga ayaanu la sugaynaa.

S: Haweenku ma ka qayb qaateen uruurinta dhaqaalaha ?

J: Haa. Lacagta ka timid Canada oo dhan US 3,500/- waxa soo diray Ururka Haweenka ee degan “Ottawa”. Dhaqaalahii odayadda reer ee Canada weli waa soo socda, waxaanu filaynaa bishan dhamaadkeeeda . Dhinaca Maraykanka Gabadh mujaahidad ah oo la yidhaaho “ Huda Xaaji Cabdi Hersi “Daado” ayaa soo uruurisay lacag dhan US $ 3,200/-. Dhamaan waanu u mahadcelinaynaa ,rag & dumarba , intii ka qaybqaadatay ololahaas samofalka ah. Bulshada Reer Somaliland ee qurba jooga waxaanu kula talinaynaa inay shilinka u quudhan horumarinta dalka iyo dadka , oo aany sugin NGO wax u qabta.


Muuqaalka Dugsiga Sare Odweyne

S. Goorma ayaa la furayaa Dugsiga Sare ?

J. Furayaashii waxaanu ku wareejinay Wasaaradda Waxabarashada , iskaashi ayaa naga dhexeeya. Qorshahu waa in dugsiga la furo sanadkan gudaheesa.

S: Maxad dhaqaale ugu talo gasheen macalimiinta Dugsiga Sare marka la furo?

J: Waxaanu ugu tallo galay inaanu siino guno “ incentives” dheeraad ah , oo la mid ah ama ka badan inta ay Wasaaraddu mushahar u siiso ,taaso ku xidhnaan doonta aqoonta, khibradda iyo hawl karnimadda macalinka.. Waxaanu wadi doona gunadaas muddo laba sanadood ah “two year program”.

S : Wadanka Gudihiisa yaa idnika la shaqeeya?

J: Waxa jira Guddi ka kooban shan , oo ay ka mid yaheen Guddoomiyha Degmadda, Guddoomiyha Waxbarashada , Saddex ka mid ah odayaasha Degmadda , iyo laba aqoonyahan oo degan Hargeisa –Dr Khan & Eng Xariir.

S. Maxa ka qabateen dhinaca caafimaadka?

J. Waxaanu cisbitaalka u keenay sareero iyo qalab kale ‘ Medical Equipment”oo ay nagu caawiyeen ururka “ Somaliland Association, Paris”. Laakinse ,nassib daro, wuxuu cisbitaalku maanta u xidhanyahay Gaadhi Xajiyad ah ‘ Pick-up truck’oo ku jira miisaaniyadda sanadka 2007 , taasi oo Golaha Wakiiladu dib u soo celiyay. In kasto Golahu ay xaq u leeyaheen gudbinta miisaaniyadda, hadana waa inay tixgeliyaan adeegyadda bulshada ee u xaniban gudbinta miisaaniyadda.

Si kastaba ha aahatee hadii furitaanka dugsigani najaxo , waxa hubaala inu faaiido iyo waxtar badan u yeelandoono bulshada reer Somaliland oo dhan gaar ahaan degaanka Odweyne oo dadkiisu u badan yahay Beeralay iyo Xoolo Dhaqato , Islamarkaana soo afjarmidoonto dhibaatadii ay la kulmijireen ardayda u gudubta fasalada dugsiyada sare ee tagi jiray Burco Iyo Hargaysa.

Togdheer News





TOGDHEER NEWS NETWORK
(c) 2006-2007:All rights reserved to Togdheer News : Contact us: edito

No comments: