Wednesday, November 21, 2007

Horumarinta Khayraadka Dabiiciga ah ee Banka Tuuyo

Shir hawleed ay ka qaybgaleen hayadaha caalamiga iyo wadaniga oo ka furmay odweyne.

Odweyne( Jam)Shir hawleed ku saabsan sidii qorshe horumarineed loogu samayn lahaa khayraadka dabiiciga ah ee banka Tuuyo oo ay ka soo qaybgaleen 120 xubnood oo ka kala socda Hayadaha Caalamiga ah,kuwa wadaniga,hayadaha dawlada,masuuliyiin ka tirsan xukuumada,wakiilada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa maalintii sabtidii ka furmay magaalada oodweyne ee ka tirsan xarunta gobolka togdheer.

Shir hawleed oo socon doona mudo sadex cisho ayaa waxa soo qabanqaabiyay hayada GAA,kaasoo salka ku haya sidii ay hayadaha Samafalka iyo kuwa wadaniga ahi ay doorkooda uga qaadan lahaayeen qorshahan looga talagalay fayodhowrka degaameed ee dib loogu soo dabaalayo banka tuuyo lagana sameeyo seerayaal xooluhu daaqaan xiliyada abaarta,loona daryeelo degaanka.

Duqa degmada odweyne Maxamed C/raxmaan X.Axmed oo kulankaa fuaya ayaa warbixino kooban kaga waramayo xaalada degmadaas ee dhinacyada Caafimaadka,biyaha,waxbarshada,degaanka,xoolaha,waxaanu tilmaamay in ay ka horumarsan tahay dhinacyada waxbarshada,haseyeeshee ay uugu liidato dhinaca adeega caafimaadka dadka iyo xoolaha islamrkaana xaalafufinta degaankan ay farao baas ku hayaan dhul la ootay iyo gubista dhirta ee dhuxusha laga samaynayo,kuwaasoo aan dagaalan xoogleh kula jirno “waxaan rajaynaya hadii maanta lagu dhan yahay hayado caalamiya iyo xukuumadba inaad gacan na siisaan wax ka qabashada caafimaadka xoolaha iyo degaanka.

Waxa uu intaas ku daray hadii qorshaha waxka qabashada ee banka tuuyo oo galbeed ka xigta odweyne uu waxtar badan u soo kordhinkaro xoolaha iyo bulshadaba,ka hortagna u noqondoono ilaalinta iyo daryeelka degaanka.

Axmed Faarax Jooj oo ka mid masuuliyiinta Hayada GAA,ee iyagu soo qabanqaabiyay shir hawleedkan oo goobta ka hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyay ujedada lagaga leeyahay kulankan waxaanu yidhi “shir hawleedkan aynu isugu nimi waa mid ku saabsan sidii qorshe fog oo horumarineed loogu samayn lahaa banka tuuyo “Sidaas darteed loo baahan yahay in aynu si weyn ugu lafa gurno arintaas”.

Waxa uu intaa ku daray Mr.Jooj in mudada uu socdo shirhawleedkani ay soo booqandoono Degaanka Banka tuuyo,lana soobandhigi doono macluud badan oo lagu sharixi doono siyaabaha wax looga qaba karo bankaas,ee seerayaal looga hirgalin karo ay xooluhu daaqaan wakhtiyada jiilaalka,iyo habka maamulka iyo maareynta.(Cummunity based natural reason management).

Mr.Jooj waxa uu ku soo koobay hadalkiisii in gunaanadka shirkan ay ka soo saaridoono go,aamo dhaxal gal ah oo bulshada loogu faaiideeyo.

Shir hawleedkan ayaa ah kii noociisa ah ee lagu qabto magaalada oodweyne kaasoo dadweynaha degaankaas ay si weyn u soo dhaweeyeen,kana filayaan inuu noqdo mid midhala.

No comments: