Sunday, November 25, 2007

Maxaa kallifey in La Tahriibiyo Xoolaha Dhoofka.













Waxaa ku soo badanaya tahriibinta xoolaha lagala baxsanayo dekadda Berbera oo u xidhan taajir carbeed oo la galay kaligii Dawladda inuu dhoofin doono Xoolaha kuna qaadanayo qaaimad ka jaban tii hore ee ganacsatadu ku dhoofin jireen xoolaha.

Waxa haddaba dawladdu meesha ka saartey haddii ganacsaduhu fulin waayo heshiiska inay dib ugu celin doonto ganacsatada inay wataan hawlahoodii xorna u yihiin inay Yemen, Imaaraadka iyo meelihii ay u dhoofin jireen geynayaan ama Sacuudiga haku danbeeyeen ama Ciraaq.

Waxay dawladdu u xalaalaysay Carabkan inuu Kaligii dhoofsan karo waxayna og yihiin in maxjarka Jabuuti uu isagu maalgashaday oo sidii markabkii looga raray Berbera ee siday 8000 ee neef inuu geeyo Jiddah kula weecday Jabuuti si looga dhigo in dekadda Jabuuti xooluhu ka yimaadeen Ictimaadkuna uu ku furnaa marka horeba baanka Jabuuti.

Halkaa waxaa ku yaalla maxjarka Caafimaadka Xoolaha oo dhisan oo dawladda Jabuutina ay ku Faanto inuu noqon doona Xarunta Ganacsiga Xoolaha geeska Afrikada Bari. Waa guul ay tirsanayso Dawladda Jabuuti, waa midda kalee waa ayaan darro in ganacsatadii xoolaha dhoofin jirtay qaarkood looga soo baaqo Jabuuti oo la yidhaahdo keena xoolaha Saylac iyo Lughaya si looga tahriibiyo waana tii wiiggan ciidanka ilaalada Xeebaha Soomaaliland oo iska maraya xeebta u dhaxaysa Saylac iyo Lughaya la kulmeen doonyo daldalayanaya xoolihii oo la rabo in la geeyo Jabuuti si looga sii dhoofiyo waana xilligii xajka.

Taasi waxay daboolka ka qaaday inaan loo joojinayn xukuumadda haddii ayna u fiirsan hab dhaqanka loola dhaqmayo ganacsatada u ordaya inay dalkooda iyo dadkoodaba wax u qabtaan.
Haddii kalena tahriibinta xoolaha ayaa soo badanaysa kharash ilaalo ku korwareegta xeebta iyo qalalaaso bay keeni doontaa arrimaha kala kaxaynaya dawladda iyo ganacsatada xorta ah.

Ilaha dhaqaalaha ee dalku ku kala socdaa waa dhoofinta xoolaha arrintan xajka ayey kala saari doontaa dawladdu inay khaldan tahay iyo in ganacsatadu xagxaganayso qorshe dhamaystiran.
Sacuudiga dabar baan ugu xidhnayan 10 kii sano ee inna soo dhaafay xooleheenuna way galayeen intaas oo waddo mid loo mariyaba waa laga cunayey Sacuudiga oo dhan.

Dawladda Soomaaliland sannad kaliya waxii natiijo laga arki waayo loo daba fadhiisan maayo ee maxjar Xoolaha lagu xannaaneeyo oo tallaal iyo Daaq caws oo aan la goyn leh baa laga hirgalinayaa degaanka Oodwayne siaan la isu daba taagin Carabka.... marka uu markabku soo xidhanayo saadanbena loogu raro xoolaha uu ku sugan xarunay nasasho ka heleen iyo daaq wacan.

waxa aanu kala tashan doonaa mashruucan si wada shaqayn iyo wax qabad leh oo aanu u tixgalinayno dawladda hay'adeheeda ay khusayso in la suurto galiyo maalgashiga Xarunta xannaanada xoolaha ee degaanka Oodwayne.

Waxa qoray oo soo gudbiyey.
Cabdinasir M Cabdilleh "Sigis'

Dallada Ururada Waxbarashada Dadban oo laga Aasaasay Gobolka Togdheer


Kulan lagu abuurayay daladii u horaysay ee ay ku midoobaan Ururada gacanta ku haya dugsiyada waxbarshada dadban ee gobolka togdheer oo ay ka soo qaybgaleen shan iyo todobaatan xubnood ayaa maalintii


jimcihii ka furmay Huteelka Cityplaza ee magaalada Burco.

Kulankan oo ay soo qabanqaabiyeen Ururka Togoyovo,ayaa munaasibadii furitaanka waxa ka hadlay Gudoomiyaha W/Waxabarshada ee g/togdheer Cabdi Axmed Siciid,Isagoo sheegay inuu soo dhaweenayo Daladan ay ku midoobayaan ururada gacanta ku haya Dugsuyada waxbarshada dadban ee gobolku,waxaanu faahfaahin ka bixiyay muhiimada ugu weyn ee laga leeyahay samaynta daladan waxaanu yidhi “ujeedada samaynta daladan waa sidii iskaashi midaysan oo macalimiinta dugsiyada waxbarshada dadbani yeeshaan,,manhaj waxbarsho oo kaliyana loo dhigo ardayada oo barbar socota waxbarshada tooska ah.iyi in la fahmo faaiidada waxbarshadu leedahay lana raaco tubta ay u dhigtay wasaarada waxbarshadu.”.

Waxa uu intaa raaciyay in looga baahan yahay Bahweynta waxbarsho in dhegaha bulshada galiyaan Wadaniyad,Isagoo kala dardaarmay in ay ka fogaadaan Qabyaalad iyo cid jeclaysi “Ardayda aad wax u dhigaysaan maaha qabiil kaliya ee ummad kala duwan ayay ka yimaadeen.”.

Waxa kale oo isna goobtaa ka hadlay C/fataax Cali ,oo ka mid gudiga qabanqaabada, aya aka waramay in ujeedada aanu isugu nimi kulankani yahay sidii aanu u asaasi lahayn dalad waxbarsho oo ay ku midaysan yihiin Ururada gacanta ku haya dugsiyada waxbarshada dadban mudana aanu qabanqaabadeeda ku hawlayn balse hada kulankan lagaga dhawaaqi doona dalad ay ku bahoobeen Ururadu..

Sidoo kale waxa iyaguna hdalo kooban ka jeedisay Munaasibadaa furitaanka Gudoomiyaha Ururka Togoyovo Ismahaan Jaamac iyadoo tilmaantay in daladan noqondoonto tii u horaysay ee dhinaca waxbarshada laga sameeyo gobolka togdheer,islmarkaana aan u rajaynayo inay noqoto mid faaiido iyo waxtar u soo kordhisa gobolka,waxayna u mahadcelisay Hayada Unicef oo ay sheegtay inay gacan weyn ka siisay hirgalinta daladan.

Kulan oo socondoona mudo sadex cisho ayaa waxa maalgalisay Hayada Unicef,kaasoo gabagabada lagaga dhawaaqi doono daladii kulminaysay Ururada gacanta ku haya dugsiyada waxbarshada dadban ee g/togdheer,kaasoo ah daladii u horaysay ee ay ku midoobeen..

Saturday, November 24, 2007

Bandhigii wax qabadka Iskaashatada Dhaqata Shinida

Iskaashato shinnida Dhaqda Oo Soo Ban-dhigtey Wax Qabadkeeda Print E-mail
Written by Faysal Cabdilaahi
Saturday, 24 November 2007
ImageHargeysa(Hormoodnews)-Iskaashatada SHIFO oo ay ku bahoobeen ganacsato dhaqda shinnida ayaa maant ku soo bandhigtey xaflad ay ku qabteen huteel imperial ee magaalada Hargeysa noocyada malabka iyo waxyaabaha kale ee ay ka sameeyaan.

Iskaashatada oo ka howl gasha deegaanada Meygaagta weyn iyo Ina qarbooshe, waxa ay soo bandhigeen noocyada malabka ay soo saaraan iyo waxyaabaha ay ka sameeyaan ee kale. Gudoomiyaha iskaashatada Xasan Cali oo ka hadley xaflada ayaa ka warramey wax soosaarkooda, dhibaatada ka hor timaada iyo baahiyaha u baahan in wax lagala qabto. Waxa kale oo xaflada ka hadley wasiirka beeraha Adan Cilmi oo goob joog ka ahaa, waxaanu ka warramey faa'iidada shininda iyo sida ay waxtarka u tahey in laga faa'ideysto. Isaga oo tilmaamey in arrintan wax ka tareyso in la dhawro deegaankii lagu hayey dhibaatada. Waxaanu ku booriyey bulshada in ay ka faaideystaan dhulkooda oo ay wax kala soo baxaaan. Maxamed Warsame oo ka socdey heyada FAO, ayaa isna goobta ka sheegey in ay diyaar u yihiin wax la qabashada iskaashatada,waxaanu carrabka ku dhuftey in ay u furi doonaan tababaro la xidhiidha sida ugu haboon ee looga faaideysto shinnida.

Faysal Cabdilaahi.

Hargeysa-Hormoodnews.

Go'aamadii ka soo baxay Shir hawleedkii Lagu Horumarinayey Khayraadka Dabiiciga ah

Shir hawleed ka socday magaalada Odweyne ayaa gabagabdii laga soo saaray qodob dhowr ah kuwaasoo liishaanka lagu saarayo sidii bulshada xoola dhaqatada ee degaankaasi uga faa'iidaysan lahaayeen kharaadka dabiiciga ah ee banka tuuyo wakhtiyada abaarta ah.





Axmed Faarax Joorje oo ka mida saraakiisha Hayada GAA,ee iyagu soo qabanqaabiyay shirkan ayaa faahafaahin ka bixiyay qodobada lagu gaadhay shirkaa Isagoo Mr.Jooj arintaa ka hadlayana waxa uu yidhi “Shirkan waxa ka soo qaybgalay 120 xubnood,oo lixdan ay ka socdeen haydaha caalmiga kuwa,wadaniga ah,hayadaha dawliga ee ka shaqeeya degaanka,beeraha,masuuliyiin dawlada ka tirsan,lixdanka kalena waxay ka socdeen bulshada degaankaa”.Waxa uu nitaa ku daray qodobada la gaadhay waxa ka mid ah “ in beesha Feberwari dib layskugu soo noqdo,iyadoo xilka inta badan la saarayo cida ay khusayso,In la sameeyo xeerar iyo qawaaniin lagu maamulo banka tuuyo,In la sameeyo guddi maamusha kuwaasoo laga soo dooranayo todobada tuulo ee ku xeeran banka tuuyo.Iyo Hayada GAA,bixiso dhaqaalaha ku aadan qorshaha bankaas,islamrkaana hayadaha kale ee dananaynayaa ay u furan tahay inay kaalintooda qaataan.

Waxa Mr.Jooj, ku soo koobay hadalkiisii in shirhawleedkani uu ku dhamaaday si wanaagsan una mahadcelinayno dhamaan ka soo qaybgalayaashii oodhan.

Shirkan oo ay soo qabanqaabisay Hayada Gaa,(Germany Agro Action) oo ka hawlgashaa degaankaas,ayaa ahaa mid salka ku haya sidii qorshe fog loogu samayn lahaa ka faaidaysiga khayraadka dabiiciga ah ee banka Tuuyo oo dhinaca galbeed ka xiga Magaalda Odweyne,waxaana si aada looga dooday qaababka ugu wanaagsan ee bankaa looga samaynlahaa Serayaal la xidho oo xooluhu ay daaqaan xiliyada jiilaalka taasoo waxtar badan u yeelan karta degaanka ,difaacna uga noqon karta xaalufka iyo dhibaatada lagu hayo degaanka,waxa kale oo la xusay in bulshada xoola dhaqatada ah ee kulaalaysa bankaasi ay doorka ugu weyn ku yeeshaan qorshahaas.

Waa markii u horaysay ee shir noocan oo kale ah, oo ay ka soo qaybgalaan dad intaa le,egi lagu qabto magaalaada Odweyne,waxaana si weyn u soo dhaweeyay bulshada degaankaas iyagoo ku tilamaamay inuu wax badan u soo kordhinayo.


Togdheer News
Oodweyne





Qurba jooga sidee Kaalintooda wax uga Tari Karaan Degmada Oodwayne

Dhismihii Sariibadda Oodwayne

Oodweyne (Jam)- Duqa Degmada Oodweyne, Maxamed Cabdi, ayaa shalay xadhigga jaray dhisme sariibad casri ah oo loogu talogalay ganacsatada yaryar ee khudaarta, hilibka, caanaha iyo cagaashleyda.

Maayarka Oodweyne oo furitaankii sariibadda casriga ah hadal kooban ka jeediyey, ayaa sheegay in Sariibadani inay ahayd mid dadweynaha Oodweyne baahi weyn u qabay oo aanay jirin meel ganacsatada yaryar ee muhiimka ahi ay wax ku iibayaan oo ay bacadka fadhiisan jireen. “Waxaan rajaynayaa in ay baahidii aanu qabnay ay dabooli doonto Sariibadan,” ayuu yidhi Maxamed Cabdi.

Maxamed cabdi waxa uu balanqaaday inay joogteyn doonaan ilaalinta nadaafadeed iyo daryeelkeedaba, “Balse hay’adda waxaan ka dalbanaynaa in ay ballanqaado waxa naga dhiman dhammaystirkeeda.” Ugu dambayna waxa uu u mahadceliyey hay’adaha DRC iyo UN-HABITAT, kuna ammaanay hawlaha waxtarka leh ay ka fuliyeen degmada Oodweyne.

Katja Schafer oo ka tirsam masuuliyiinta UN-HABITAT oo iyagu ah hay’adda maalgalisay dib-u-dhiska iyo Dayactirka Sariibadaa oo halkaa ka hadashay ayaa sheegtay in Magaalada Burco ay ka wadaan hawlo dibloogu hagaajinayo laba sariibadood oo loo dhisayo si casri ah iyaguna ay hawshaa u leeyihiin khibrad iyo waayo-aragnimo. Waxay intaa ku dartay in dhulka Jarmalka oo ay u dhalatay meel kastaa nadiif tahay, isla markaana bulshada reer Oodweyne laga doonayo inay sidaas oo kale noqdaan.

Miss.Katja waxa ay sheegtay ku dartay in Sariibadaha Burco markay dhismaheeda bilaabayeen ay dadkii u rareen goob cusub oo nadiif ah, balse laba toddobaad kadib ay u ekaatay meel labaatan sannadood la deganaa, “Sidaas darteed, waxaan idinkula dardaarmayaa inaydun sidaas oo kale noqon. Waxay kaloo xustay in dhaqaalaha lagu maalgaliyay dhismahan ay ka soo qaadeen Ururka Midowga Yurub, dhismaha fulintiisana ay samaysay hay’adda DRC.

Waxay ugu dambayntii ku baraarujisay dadweynaha reer Odweyne inay xil weyn iska saaraan Ilaalinta Nadaafada iyo joogteynta Sariibadan lana kaashadaan dawladda hoose, “Haweenka ganacsatada ah waa inay sida ay uga fikiraan nadiifinta guryahooda ay uga fikiraan sariibada nadiifinteeda,” ayey tidhi Miss.Katja.

Xasan Maxamed Aadan iyo Saynab Caydiid oo ka tirsan masuuliyiinta hay’adda DRC oo iyaguna ka hadlay munaasibaddii furitaanka Sariibadaa, ayaa bulshada Oodweyne kula dardaarmay inay ka faa’iidaystaan Sariibadda casriga ah, isla markaana ay ogaadaan in ay iyagu leeyihiin, kuna kalsoonaataan guddiga loo sameeyey maamulka sariibadda. “Dumarow indinkaa u badan dadka ka faaiidaysanaya ee ilaaliya nadaafadeeda oo ahaada kuwo ku manaafacsada. Haseyeshee, waxaanu hay’adda ka codsanaynaa inay naga caawiso wixii dhiman, ha noqoto dhinaca qalabka nadaafada iyo kordhinta qaybaha dhiman,” ayuu yidhi Xasan Maxamed Aadan.

Caasha X. Jaamac oo u hadashay dadweynaha Odweyne ayaa balanqaaday inay si wanaagsan ugu manaafacsandoonaan waxaanan u arki doonaa sidii gurigayagii oo kale. Waxaannay intaa ku dartay inay haween ahaan ismaqlaan dardaaran iyo tusaaleba waxaad nagu tidhaahdeen aanu ku dhaqmi doono.

Sidoo kale Cabdi Jaamac oo ka socday hay’adda waddaniga ah ee SCC ee ku guulaysta Qandaraaskii dhismaha sariibadan dhisay ayaa isaguna hadal kooban halkaa ka jeediyay.

Mashruucan dib-u-dhiska iyo qalabeynta ee sariibadan casriga ee Oodweyne, ayaa qayb ka ah barmaamij ay hay’adda UN-HABITAT ka wado gobollada dalka dalka, kaas oo lagu horumarinayo magaalooyinka Somaliland, isla markaana waxay hadda gacanta ku haysaa laba sariibood casri ah oo dhismahooda laga wado magaalada Burco.

Thursday, November 22, 2007

Dib u Dhiska Iskuulada iyo Tayada Waxbarashada Gobolka Togdheer

Waxa burburay kaabayaashii wax-barashada , waxaanay dadka gobolka gudo iyo debedba iyo xukuumaduba gudo galeen sidii wax looga qaban lahaa dib u dhaca tacliinta ee gobolka hadhaysay.


Ardayda oo dhageysanaysa Khudbada Subixii ee Dugsigooda

Waxaa dib loo bilaabay tegistii dugsiyada, waxaana bilaabantay wax-barashadii Aasaasiga ahayd.

Sannadkii2001dii ayaa Midowga yurub waxa uu maalgeliyay mashruuc tiro koob ah oo lagu ogaanayo Ardayda wax-ka barata dugsiyada Aasaasiga ah ee dalka oo dhan. Xog ururintaas waxaan ka soo qaatay xaalada ay maraysay lix sanadood ka hor waxbarashada gobolku,
waxaanay u qorantahay sedan:


Ardayda Dugsida Hoose Dhexe oo taagan Safka aroornimo

Gobolka Togdheer.

Degmada : Tirada Ardayda

Burco 4274
Oodweyne 435
Buuhoodle 938
Qoryaale 206
Sh.X.Xasan geele(balli dhiig) 182
Duruqsi 235

Tirada Guud ee gobolku waxay ahayd 6270 , tiradaa ardayda lix iyo lixdan arday oo keliya ayaa ka fadhiyey fasalka sideedaad.


hablo ku jira Xisaaskii Dugsigooda

Xogtaas tiro koobka ahi waxay inoo muujinaysaa xaalada rasmiga ahayd ee ka jirtay lixsanadood ka hor gobolka . gobolada kale sida Awdal ayaa aad uga sareeyey tiradan, waxaana sababayey deganaanshaha ka jirtay goboladaas .

Heerka wax-barashada oo xilligaa sidaa u hooseeyay ayaa waxaa gobolka u weheliyey dhaqaalo xumidii ay ku keentay xoolo joojintii . taasi waxay keentay in dhalinyaradii kacaantay xilliyadii ka horeeyay ee waayay furasadihii wax-barashada in ay ku kelifto in ay naftooda ku miidaamiyaan saxaaraha iyo badaha ,oo ay u tahriibaan debidaha si ay wax shaqa ah uga helaan dalalka reer galbeedka .

Si kasta ha ahaatee dareenkii aqoon yahanka ee gobolka iyo wax-garadkiisii ayaa isku hawlay sidii xaaladahaa adag ee gobolka soo waajahay gobolka looga badbaadin lahaa , loona abuuri lahaa jawi ka duwan oo munaasib ah, kaas oo noqday dedaal wax-barasho oo la abuuro..



Waxay abuureen istiraatiijayad xoogan oo wax ka bedeshay hanaankii iyo hab-nololeedkii dadka ku dhaqan gobolka , taas oo marmarka qaarkood tusaale u noqotay goboladii kale ee deganaanshaha iyo duruufaha fiican ku jiray. Waxaana lix sannadood gudohood lagu gaadhay talaabooyin wax-barashada ku saabsan oo ay malaayiin dollar ku bixi lahaayeen.


Caruur waxa ka baranaysa mid ka mid ah Dugsiyada Burco


Haddaba waxaan halkan ku soo gudbinayaa xog tiro koob oo kale oo ay qaaday wasaaradda wax-barashadda ee gobolka togdheer, oo la qaaday sannadkan 2007. taas oo lagu ogaanayo tirada Ardayda dugsiyada Aasaasiga ah tagtay lixdaa sannadood ka dib, waxa kale oo xogtan ay muujinaysaa tirade ardayda inta wiilal ah iyo inta gabdhaha ah.

Gobolka Togdheer

Deg: Wiilal Gabdho
Burco 13,313 5820
Oodweyne 1571 762
Buuhoodle 2550 1421
Qoryaale 456 293
Duruqsi 414 194
Sh.X.Xasan geelle 940 446


Tirada Guud ee ardaydu waa 28,180 arday.

Xogtani waxay muujinaysaa xawaaraha ay goysay waxbarashadu iyo faraqa u dhexeeya xogtan iyo 2001dii.

Dhinaca kale Madaxdii u kala dambaysay Wax-barashada gobolka ayaa lagu tilmaami karaa in ay ahaayeen mar-la-arag, ruug caddaa ah oo lexo jeclo ka haysay gobolkooda iyo ubadkooda , islamarkaana geliyay dedaal ka badan awoodooda, ilaa ay soo gaadhsiiyeen gobolka kaalin wax ku ool ah.


Muqaalka Gudaha Dugsiga 21 November (Ex-Qasabka)

Haddaan si kale u eegno xogtan ugu danbaysa ee sannadkani waxay muujinaysaa in tirade gabdhaha wax-barataa ay aad u hoosayso, taas oo lagu sababayn karo xaalado kala duwan oo ay ka mid tahay, ka dib markii ay camal la'aan xoog leh ku timi raggii in hooyadii ay u gundatay ka qayb galka quudinta qoyska oo ay suuqa iyo meheredaha ku maqnaato maalintii , gabdhihiina lagag tago guriga iyo caruurta yar-yar. Faa'iidada gabdhaha oo aan waayadii hore muuqan jirin iyo arrimo kale oo dhaqanka la xidhiidha.


Marka dhinac kale laga eego Wax-barashada gobolka. Dadka gobolka togdheer waxay u badan yihiin reer guuraa , taas oo aan u suuro gelinahayn in ay helaan wax-barasho joogto ah , islamarkaana aanay jirin dugsiyadii hoyga ahaan jiray ee ku yaallay Oodweyne iyo Beer. Waxaana taasi ay muujinaysaa in loo baahan yahay dugsiyo Hoy ah oo caruurta reer guuraaga ah ay wax ka bartaan si kor loogu qaado tayada wax-barashada reerguuraaga ee gobolka Togdheer.

Sidoo kale waxa iyagu aan ka qayb qaadan horumarka Waxbarasho Dugsigii Farsamada Gacanta ee Burco oo ilaa hada burbursan iyo Dugsigii Daaqa Qaranka oo isna aan shaqaynin Dugsiga ITB oo kamid ah dugsiyadii ugu sareeyay dhanka tayada waxbarashada ayaa waxa uu sugayay dadkii faraha badnaa ee uu soo saari jiray inay dib u dhisaan una hawl galiyaan.


Muuqalka Dugsigii Farsamada Gacanta Burco oo burbursan

Ugu danbeyn waxaan warbixintan ka dheehanaynaa isbedelka iyo koboca ay samaysay waxbarashada gobolka iyo dedaalka horyaala dadka u dhashay gobolka ee ku jihaysan waxbarashada iyo kor u qaadisteeda guud ahaan.

Waxa iska Bedelay Waxbarashada Gobolka Togdheer

Maxaa iska bedelay wax-barashada gobolka Togdheer 6 dii sano ee u danbeeyay?. PDF Print E-mail
Written by Qarannews
Nov 22, 2007 at 06:59 PM

Haddaba marka aan ku soo laabano mawduuca wax-barashada gobolka Togdheer sannadihii ugu danbeeyay , waxaan odhan karnaa waxay soo mareen xaalado iyo maraaxil kala duwan.

Waa Warbixin aanu kagag hadlayno xaaladda waxbarasho iyo isbadalada la taaban karo ee ku soo kordhay sanadihii ugu danbeeyay Warbixintan ayaa waxay kamid tahay barnaamijyo aanu doonayno inaanu kaga hadalno arimaha bulshada iyo dhaqdhaqaq horumarineed ee ka jira Somaliland


Muuqalka Ardayada da'da yar oo taagan Safka Dugsigooda

Wax-barashadu guud ahaan waa shayga keliya ee bedala bulsho. Marka la eego taariikhdan casriga ah wax-barashadu waxay ka xoog badatay hubka, waxaana arrintaa xaqiijiyay dalka Jaban , oo konton sanno ka hor lagu masaxay bambaaneyaal Nukliyeer ah, islamarkaan go'aansaday in ay dunida ku soo gaadhaan wax-barasho.


Muuqalka Albaabka hore Dugsiga Ilayska Togdheer Burco


Haddaba marka aan ku soo laabano mawduuca wax-barashada gobolka Togdheer sannadihii ugu danbeeyay , waxaan odhan karnaa waxay soo mareen xaalado iyo maraaxil kala duwan.


Muuqalka Gabadhaha Dugsiga Ilayska Togdheer waxa ka barta


Gobolka waxaa soo waajahay intii xorriyada Somaliland la soo noqotay , dagaalo iyo abaaro iska daba tegay, kuwaas oo ragaadiyey geedi socodkii nolosha, gaar ahaan wax-barashada iyo huromarka gobolka.


Ardayada oo ku guda jira Waxbarashadooda


Wax-barashada toosan iyo ta dadbanba way istaageen, mana ay jirin goobo wax-barasho oo si joogto ah oo nidaamsan loo tago. Waxaana gobolka ku kacaamay jiilal ku garaadsaday dagaalada oo qorugu la qiimo badan yahay fursaduna aanay u ogalaan in ay hesho wax-barashada Aasaasiga ah.