Saturday, November 24, 2007

Qurba jooga sidee Kaalintooda wax uga Tari Karaan Degmada Oodwayne

Dhismihii Sariibadda Oodwayne

Oodweyne (Jam)- Duqa Degmada Oodweyne, Maxamed Cabdi, ayaa shalay xadhigga jaray dhisme sariibad casri ah oo loogu talogalay ganacsatada yaryar ee khudaarta, hilibka, caanaha iyo cagaashleyda.

Maayarka Oodweyne oo furitaankii sariibadda casriga ah hadal kooban ka jeediyey, ayaa sheegay in Sariibadani inay ahayd mid dadweynaha Oodweyne baahi weyn u qabay oo aanay jirin meel ganacsatada yaryar ee muhiimka ahi ay wax ku iibayaan oo ay bacadka fadhiisan jireen. “Waxaan rajaynayaa in ay baahidii aanu qabnay ay dabooli doonto Sariibadan,” ayuu yidhi Maxamed Cabdi.

Maxamed cabdi waxa uu balanqaaday inay joogteyn doonaan ilaalinta nadaafadeed iyo daryeelkeedaba, “Balse hay’adda waxaan ka dalbanaynaa in ay ballanqaado waxa naga dhiman dhammaystirkeeda.” Ugu dambayna waxa uu u mahadceliyey hay’adaha DRC iyo UN-HABITAT, kuna ammaanay hawlaha waxtarka leh ay ka fuliyeen degmada Oodweyne.

Katja Schafer oo ka tirsam masuuliyiinta UN-HABITAT oo iyagu ah hay’adda maalgalisay dib-u-dhiska iyo Dayactirka Sariibadaa oo halkaa ka hadashay ayaa sheegtay in Magaalada Burco ay ka wadaan hawlo dibloogu hagaajinayo laba sariibadood oo loo dhisayo si casri ah iyaguna ay hawshaa u leeyihiin khibrad iyo waayo-aragnimo. Waxay intaa ku dartay in dhulka Jarmalka oo ay u dhalatay meel kastaa nadiif tahay, isla markaana bulshada reer Oodweyne laga doonayo inay sidaas oo kale noqdaan.

Miss.Katja waxa ay sheegtay ku dartay in Sariibadaha Burco markay dhismaheeda bilaabayeen ay dadkii u rareen goob cusub oo nadiif ah, balse laba toddobaad kadib ay u ekaatay meel labaatan sannadood la deganaa, “Sidaas darteed, waxaan idinkula dardaarmayaa inaydun sidaas oo kale noqon. Waxay kaloo xustay in dhaqaalaha lagu maalgaliyay dhismahan ay ka soo qaadeen Ururka Midowga Yurub, dhismaha fulintiisana ay samaysay hay’adda DRC.

Waxay ugu dambayntii ku baraarujisay dadweynaha reer Odweyne inay xil weyn iska saaraan Ilaalinta Nadaafada iyo joogteynta Sariibadan lana kaashadaan dawladda hoose, “Haweenka ganacsatada ah waa inay sida ay uga fikiraan nadiifinta guryahooda ay uga fikiraan sariibada nadiifinteeda,” ayey tidhi Miss.Katja.

Xasan Maxamed Aadan iyo Saynab Caydiid oo ka tirsan masuuliyiinta hay’adda DRC oo iyaguna ka hadlay munaasibaddii furitaanka Sariibadaa, ayaa bulshada Oodweyne kula dardaarmay inay ka faa’iidaystaan Sariibadda casriga ah, isla markaana ay ogaadaan in ay iyagu leeyihiin, kuna kalsoonaataan guddiga loo sameeyey maamulka sariibadda. “Dumarow indinkaa u badan dadka ka faaiidaysanaya ee ilaaliya nadaafadeeda oo ahaada kuwo ku manaafacsada. Haseyeshee, waxaanu hay’adda ka codsanaynaa inay naga caawiso wixii dhiman, ha noqoto dhinaca qalabka nadaafada iyo kordhinta qaybaha dhiman,” ayuu yidhi Xasan Maxamed Aadan.

Caasha X. Jaamac oo u hadashay dadweynaha Odweyne ayaa balanqaaday inay si wanaagsan ugu manaafacsandoonaan waxaanan u arki doonaa sidii gurigayagii oo kale. Waxaannay intaa ku dartay inay haween ahaan ismaqlaan dardaaran iyo tusaaleba waxaad nagu tidhaahdeen aanu ku dhaqmi doono.

Sidoo kale Cabdi Jaamac oo ka socday hay’adda waddaniga ah ee SCC ee ku guulaysta Qandaraaskii dhismaha sariibadan dhisay ayaa isaguna hadal kooban halkaa ka jeediyay.

Mashruucan dib-u-dhiska iyo qalabeynta ee sariibadan casriga ee Oodweyne, ayaa qayb ka ah barmaamij ay hay’adda UN-HABITAT ka wado gobollada dalka dalka, kaas oo lagu horumarinayo magaalooyinka Somaliland, isla markaana waxay hadda gacanta ku haysaa laba sariibood casri ah oo dhismahooda laga wado magaalada Burco.

No comments: