Saturday, November 24, 2007

Go'aamadii ka soo baxay Shir hawleedkii Lagu Horumarinayey Khayraadka Dabiiciga ah

Shir hawleed ka socday magaalada Odweyne ayaa gabagabdii laga soo saaray qodob dhowr ah kuwaasoo liishaanka lagu saarayo sidii bulshada xoola dhaqatada ee degaankaasi uga faa'iidaysan lahaayeen kharaadka dabiiciga ah ee banka tuuyo wakhtiyada abaarta ah.





Axmed Faarax Joorje oo ka mida saraakiisha Hayada GAA,ee iyagu soo qabanqaabiyay shirkan ayaa faahafaahin ka bixiyay qodobada lagu gaadhay shirkaa Isagoo Mr.Jooj arintaa ka hadlayana waxa uu yidhi “Shirkan waxa ka soo qaybgalay 120 xubnood,oo lixdan ay ka socdeen haydaha caalmiga kuwa,wadaniga ah,hayadaha dawliga ee ka shaqeeya degaanka,beeraha,masuuliyiin dawlada ka tirsan,lixdanka kalena waxay ka socdeen bulshada degaankaa”.Waxa uu nitaa ku daray qodobada la gaadhay waxa ka mid ah “ in beesha Feberwari dib layskugu soo noqdo,iyadoo xilka inta badan la saarayo cida ay khusayso,In la sameeyo xeerar iyo qawaaniin lagu maamulo banka tuuyo,In la sameeyo guddi maamusha kuwaasoo laga soo dooranayo todobada tuulo ee ku xeeran banka tuuyo.Iyo Hayada GAA,bixiso dhaqaalaha ku aadan qorshaha bankaas,islamrkaana hayadaha kale ee dananaynayaa ay u furan tahay inay kaalintooda qaataan.

Waxa Mr.Jooj, ku soo koobay hadalkiisii in shirhawleedkani uu ku dhamaaday si wanaagsan una mahadcelinayno dhamaan ka soo qaybgalayaashii oodhan.

Shirkan oo ay soo qabanqaabisay Hayada Gaa,(Germany Agro Action) oo ka hawlgashaa degaankaas,ayaa ahaa mid salka ku haya sidii qorshe fog loogu samayn lahaa ka faaidaysiga khayraadka dabiiciga ah ee banka Tuuyo oo dhinaca galbeed ka xiga Magaalda Odweyne,waxaana si aada looga dooday qaababka ugu wanaagsan ee bankaa looga samaynlahaa Serayaal la xidho oo xooluhu ay daaqaan xiliyada jiilaalka taasoo waxtar badan u yeelan karta degaanka ,difaacna uga noqon karta xaalufka iyo dhibaatada lagu hayo degaanka,waxa kale oo la xusay in bulshada xoola dhaqatada ah ee kulaalaysa bankaasi ay doorka ugu weyn ku yeeshaan qorshahaas.

Waa markii u horaysay ee shir noocan oo kale ah, oo ay ka soo qaybgalaan dad intaa le,egi lagu qabto magaalaada Odweyne,waxaana si weyn u soo dhaweeyay bulshada degaankaas iyagoo ku tilamaamay inuu wax badan u soo kordhinayo.


Togdheer News
Oodweyne





No comments: