Saturday, November 24, 2007

Bandhigii wax qabadka Iskaashatada Dhaqata Shinida

Iskaashato shinnida Dhaqda Oo Soo Ban-dhigtey Wax Qabadkeeda Print E-mail
Written by Faysal Cabdilaahi
Saturday, 24 November 2007
ImageHargeysa(Hormoodnews)-Iskaashatada SHIFO oo ay ku bahoobeen ganacsato dhaqda shinnida ayaa maant ku soo bandhigtey xaflad ay ku qabteen huteel imperial ee magaalada Hargeysa noocyada malabka iyo waxyaabaha kale ee ay ka sameeyaan.

Iskaashatada oo ka howl gasha deegaanada Meygaagta weyn iyo Ina qarbooshe, waxa ay soo bandhigeen noocyada malabka ay soo saaraan iyo waxyaabaha ay ka sameeyaan ee kale. Gudoomiyaha iskaashatada Xasan Cali oo ka hadley xaflada ayaa ka warramey wax soosaarkooda, dhibaatada ka hor timaada iyo baahiyaha u baahan in wax lagala qabto. Waxa kale oo xaflada ka hadley wasiirka beeraha Adan Cilmi oo goob joog ka ahaa, waxaanu ka warramey faa'iidada shininda iyo sida ay waxtarka u tahey in laga faa'ideysto. Isaga oo tilmaamey in arrintan wax ka tareyso in la dhawro deegaankii lagu hayey dhibaatada. Waxaanu ku booriyey bulshada in ay ka faaideystaan dhulkooda oo ay wax kala soo baxaaan. Maxamed Warsame oo ka socdey heyada FAO, ayaa isna goobta ka sheegey in ay diyaar u yihiin wax la qabashada iskaashatada,waxaanu carrabka ku dhuftey in ay u furi doonaan tababaro la xidhiidha sida ugu haboon ee looga faaideysto shinnida.

Faysal Cabdilaahi.

Hargeysa-Hormoodnews.

No comments: