Thursday, November 22, 2007

Dib u Dhiska Iskuulada iyo Tayada Waxbarashada Gobolka Togdheer

Waxa burburay kaabayaashii wax-barashada , waxaanay dadka gobolka gudo iyo debedba iyo xukuumaduba gudo galeen sidii wax looga qaban lahaa dib u dhaca tacliinta ee gobolka hadhaysay.


Ardayda oo dhageysanaysa Khudbada Subixii ee Dugsigooda

Waxaa dib loo bilaabay tegistii dugsiyada, waxaana bilaabantay wax-barashadii Aasaasiga ahayd.

Sannadkii2001dii ayaa Midowga yurub waxa uu maalgeliyay mashruuc tiro koob ah oo lagu ogaanayo Ardayda wax-ka barata dugsiyada Aasaasiga ah ee dalka oo dhan. Xog ururintaas waxaan ka soo qaatay xaalada ay maraysay lix sanadood ka hor waxbarashada gobolku,
waxaanay u qorantahay sedan:


Ardayda Dugsida Hoose Dhexe oo taagan Safka aroornimo

Gobolka Togdheer.

Degmada : Tirada Ardayda

Burco 4274
Oodweyne 435
Buuhoodle 938
Qoryaale 206
Sh.X.Xasan geele(balli dhiig) 182
Duruqsi 235

Tirada Guud ee gobolku waxay ahayd 6270 , tiradaa ardayda lix iyo lixdan arday oo keliya ayaa ka fadhiyey fasalka sideedaad.


hablo ku jira Xisaaskii Dugsigooda

Xogtaas tiro koobka ahi waxay inoo muujinaysaa xaalada rasmiga ahayd ee ka jirtay lixsanadood ka hor gobolka . gobolada kale sida Awdal ayaa aad uga sareeyey tiradan, waxaana sababayey deganaanshaha ka jirtay goboladaas .

Heerka wax-barashada oo xilligaa sidaa u hooseeyay ayaa waxaa gobolka u weheliyey dhaqaalo xumidii ay ku keentay xoolo joojintii . taasi waxay keentay in dhalinyaradii kacaantay xilliyadii ka horeeyay ee waayay furasadihii wax-barashada in ay ku kelifto in ay naftooda ku miidaamiyaan saxaaraha iyo badaha ,oo ay u tahriibaan debidaha si ay wax shaqa ah uga helaan dalalka reer galbeedka .

Si kasta ha ahaatee dareenkii aqoon yahanka ee gobolka iyo wax-garadkiisii ayaa isku hawlay sidii xaaladahaa adag ee gobolka soo waajahay gobolka looga badbaadin lahaa , loona abuuri lahaa jawi ka duwan oo munaasib ah, kaas oo noqday dedaal wax-barasho oo la abuuro..



Waxay abuureen istiraatiijayad xoogan oo wax ka bedeshay hanaankii iyo hab-nololeedkii dadka ku dhaqan gobolka , taas oo marmarka qaarkood tusaale u noqotay goboladii kale ee deganaanshaha iyo duruufaha fiican ku jiray. Waxaana lix sannadood gudohood lagu gaadhay talaabooyin wax-barashada ku saabsan oo ay malaayiin dollar ku bixi lahaayeen.


Caruur waxa ka baranaysa mid ka mid ah Dugsiyada Burco


Haddaba waxaan halkan ku soo gudbinayaa xog tiro koob oo kale oo ay qaaday wasaaradda wax-barashadda ee gobolka togdheer, oo la qaaday sannadkan 2007. taas oo lagu ogaanayo tirada Ardayda dugsiyada Aasaasiga ah tagtay lixdaa sannadood ka dib, waxa kale oo xogtan ay muujinaysaa tirade ardayda inta wiilal ah iyo inta gabdhaha ah.

Gobolka Togdheer

Deg: Wiilal Gabdho
Burco 13,313 5820
Oodweyne 1571 762
Buuhoodle 2550 1421
Qoryaale 456 293
Duruqsi 414 194
Sh.X.Xasan geelle 940 446


Tirada Guud ee ardaydu waa 28,180 arday.

Xogtani waxay muujinaysaa xawaaraha ay goysay waxbarashadu iyo faraqa u dhexeeya xogtan iyo 2001dii.

Dhinaca kale Madaxdii u kala dambaysay Wax-barashada gobolka ayaa lagu tilmaami karaa in ay ahaayeen mar-la-arag, ruug caddaa ah oo lexo jeclo ka haysay gobolkooda iyo ubadkooda , islamarkaana geliyay dedaal ka badan awoodooda, ilaa ay soo gaadhsiiyeen gobolka kaalin wax ku ool ah.


Muqaalka Gudaha Dugsiga 21 November (Ex-Qasabka)

Haddaan si kale u eegno xogtan ugu danbaysa ee sannadkani waxay muujinaysaa in tirade gabdhaha wax-barataa ay aad u hoosayso, taas oo lagu sababayn karo xaalado kala duwan oo ay ka mid tahay, ka dib markii ay camal la'aan xoog leh ku timi raggii in hooyadii ay u gundatay ka qayb galka quudinta qoyska oo ay suuqa iyo meheredaha ku maqnaato maalintii , gabdhihiina lagag tago guriga iyo caruurta yar-yar. Faa'iidada gabdhaha oo aan waayadii hore muuqan jirin iyo arrimo kale oo dhaqanka la xidhiidha.


Marka dhinac kale laga eego Wax-barashada gobolka. Dadka gobolka togdheer waxay u badan yihiin reer guuraa , taas oo aan u suuro gelinahayn in ay helaan wax-barasho joogto ah , islamarkaana aanay jirin dugsiyadii hoyga ahaan jiray ee ku yaallay Oodweyne iyo Beer. Waxaana taasi ay muujinaysaa in loo baahan yahay dugsiyo Hoy ah oo caruurta reer guuraaga ah ay wax ka bartaan si kor loogu qaado tayada wax-barashada reerguuraaga ee gobolka Togdheer.

Sidoo kale waxa iyagu aan ka qayb qaadan horumarka Waxbarasho Dugsigii Farsamada Gacanta ee Burco oo ilaa hada burbursan iyo Dugsigii Daaqa Qaranka oo isna aan shaqaynin Dugsiga ITB oo kamid ah dugsiyadii ugu sareeyay dhanka tayada waxbarashada ayaa waxa uu sugayay dadkii faraha badnaa ee uu soo saari jiray inay dib u dhisaan una hawl galiyaan.


Muuqalka Dugsigii Farsamada Gacanta Burco oo burbursan

Ugu danbeyn waxaan warbixintan ka dheehanaynaa isbedelka iyo koboca ay samaysay waxbarashada gobolka iyo dedaalka horyaala dadka u dhashay gobolka ee ku jihaysan waxbarashada iyo kor u qaadisteeda guud ahaan.

No comments: