Sunday, November 25, 2007

Maxaa kallifey in La Tahriibiyo Xoolaha Dhoofka.













Waxaa ku soo badanaya tahriibinta xoolaha lagala baxsanayo dekadda Berbera oo u xidhan taajir carbeed oo la galay kaligii Dawladda inuu dhoofin doono Xoolaha kuna qaadanayo qaaimad ka jaban tii hore ee ganacsatadu ku dhoofin jireen xoolaha.

Waxa haddaba dawladdu meesha ka saartey haddii ganacsaduhu fulin waayo heshiiska inay dib ugu celin doonto ganacsatada inay wataan hawlahoodii xorna u yihiin inay Yemen, Imaaraadka iyo meelihii ay u dhoofin jireen geynayaan ama Sacuudiga haku danbeeyeen ama Ciraaq.

Waxay dawladdu u xalaalaysay Carabkan inuu Kaligii dhoofsan karo waxayna og yihiin in maxjarka Jabuuti uu isagu maalgashaday oo sidii markabkii looga raray Berbera ee siday 8000 ee neef inuu geeyo Jiddah kula weecday Jabuuti si looga dhigo in dekadda Jabuuti xooluhu ka yimaadeen Ictimaadkuna uu ku furnaa marka horeba baanka Jabuuti.

Halkaa waxaa ku yaalla maxjarka Caafimaadka Xoolaha oo dhisan oo dawladda Jabuutina ay ku Faanto inuu noqon doona Xarunta Ganacsiga Xoolaha geeska Afrikada Bari. Waa guul ay tirsanayso Dawladda Jabuuti, waa midda kalee waa ayaan darro in ganacsatadii xoolaha dhoofin jirtay qaarkood looga soo baaqo Jabuuti oo la yidhaahdo keena xoolaha Saylac iyo Lughaya si looga tahriibiyo waana tii wiiggan ciidanka ilaalada Xeebaha Soomaaliland oo iska maraya xeebta u dhaxaysa Saylac iyo Lughaya la kulmeen doonyo daldalayanaya xoolihii oo la rabo in la geeyo Jabuuti si looga sii dhoofiyo waana xilligii xajka.

Taasi waxay daboolka ka qaaday inaan loo joojinayn xukuumadda haddii ayna u fiirsan hab dhaqanka loola dhaqmayo ganacsatada u ordaya inay dalkooda iyo dadkoodaba wax u qabtaan.
Haddii kalena tahriibinta xoolaha ayaa soo badanaysa kharash ilaalo ku korwareegta xeebta iyo qalalaaso bay keeni doontaa arrimaha kala kaxaynaya dawladda iyo ganacsatada xorta ah.

Ilaha dhaqaalaha ee dalku ku kala socdaa waa dhoofinta xoolaha arrintan xajka ayey kala saari doontaa dawladdu inay khaldan tahay iyo in ganacsatadu xagxaganayso qorshe dhamaystiran.
Sacuudiga dabar baan ugu xidhnayan 10 kii sano ee inna soo dhaafay xooleheenuna way galayeen intaas oo waddo mid loo mariyaba waa laga cunayey Sacuudiga oo dhan.

Dawladda Soomaaliland sannad kaliya waxii natiijo laga arki waayo loo daba fadhiisan maayo ee maxjar Xoolaha lagu xannaaneeyo oo tallaal iyo Daaq caws oo aan la goyn leh baa laga hirgalinayaa degaanka Oodwayne siaan la isu daba taagin Carabka.... marka uu markabku soo xidhanayo saadanbena loogu raro xoolaha uu ku sugan xarunay nasasho ka heleen iyo daaq wacan.

waxa aanu kala tashan doonaa mashruucan si wada shaqayn iyo wax qabad leh oo aanu u tixgalinayno dawladda hay'adeheeda ay khusayso in la suurto galiyo maalgashiga Xarunta xannaanada xoolaha ee degaanka Oodwayne.

Waxa qoray oo soo gudbiyey.
Cabdinasir M Cabdilleh "Sigis'

No comments: